Wasiirada gaashaandhigyada Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan wadaqaatay.

Nov 28, 2012 (QOL) Wasiirada gaashaandhiga dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa wadaqaatay kulan ay kaga wada hadlayeen arimaha labada dowladood gaar ahaan dhanka iskaashiga gaashaandhiga waxa labada wasiir ay kawada hadleen ciidamada Jabuuti ee hadda Soomaaliya ka howlgalaya iyo sida ay Jabuuti ay u xoojin lahayd taageerada dhanka ciidamada ah.

Abdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in xilligan ay dowladiisa ay hadda baahi xoogan u qabto dhismaha ciidamada Soomaaliya waxa ayna Jabuuti kamidtahay dowladaha loo baahanyahay ama gacanta kagaysankarto arimaha soomaaliya ayuu yiri.

Dowlada Jabuuti ayaa xilligan Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo kasocda dalkeeda waxa ayna ka howlgalayaan magaalada Baladwayn ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ayna gacan kagaysteen fatahaadii wabiga Shabeele dhawaan uu ku sameeyay magaaladaasi.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa booqday xerooyin ciidan oo ku yaala gudaha Jamhuuriyada Jabuuti waxa uuna ciidamo Soomaali ah oo taba bar kaga soconaya gudaha Jabuuti waxa uuna kula dar daarmay
difaacida dalkooda hooyo.

Gobolka Banaadir oo kulan kayeeshay amaanka magaalada Mqudisho.

Kulankan oo ahaa mid looga hadlayay arimaha amaanka ee saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa si xoogan looga hadlay degmooyin ay kamid tahay Dharkaynleey oo maalmihii lasoo dhaafay ay kajirtay amaan xumo aad u baahsan waxaana kulan kahadlay gudoomiyaha dhanka amaanka ee gobolka BANAADIR Warsame Maxamed Xasan Warsame Joodax waxa uuna sheegay in aam xum,ada ay tahay mid loo baahanyahay in maamulada degmooyinka ay gacanta ku dhigaan amaanka.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Dharkaynleey ayaa sheegay in xilligan ay tahay mid ay maamulkooda baahi u qabaan in gacan lagasiiyo xaqiijinta amaanka waxa uuna sheegay in gobolka Banaadir ay ka
doonayaan in amaanka laxoojiyo.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo wasaarada arimaha gudaha ay kadalbatay maamulka gobolka Banaadir xaqiijinta amaanka iyo soo celinta xasiloonida magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wafdi uu hugaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baladwayn ee xarunta gobolka Hiiraan

Wafdigan uu hugaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa gaaray magaalada Baladwayn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana wasiirka safarkiisa ku wehliya wasiirka Khayraadka dalka oo kasoo jeeda gobolka waxa ayna kulamo gaar ah laleeyihiin dadka ku dhaqan magaalada Baladwayn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cabdixakiim Xuseen Guuleed ayaa u kuur galaya amaanka magaalada Baladwayn oo maalmihii lasoo dhaafay ay kajirtay amaan xumo aad u baahsan waxa uuna lug kumaray xaafadaha ay magaalada ka koobantahay si uu u arko nolosha dadka deegaanka waxaana safarka ku wehliyay xildhibaano katirsan Baarlamaanka soomaaliya.

Wasiirka ayaa booqashada uu ku tagay magaalada waxa ay noqonaysaa tii ugu horeesay oo wasiir xukuumadsa Shirdoon uu ku gaaro gobolkaasi.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

 

 
   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online