Muqdisho oo laga qaaday isbaarooyinkii yeelay.

Nov 29, 2012 (QOL) Xilli hore oo saakay ah ayaa ciidamada dowlada Soomaaliya oo aad u
hubaysan waxa ay ku dhaqaaqeen qaadista jid gooyin fatabadan oo yeelay gudaha magaalada Mqudisho waxa ay cuudamada ay saakay guud ahaan kaqaadeen degmooyin ku yaala gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Wadajir iyo Dharkaynleey.

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci waxa uuna sheegay in maamulkiisa ay xilligan fulinayaan marka dhawaan kasoo baxay madaxwaynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo amar kubixiyay dhawaan in guud ahaan laqaado isbaarooyinka magaalada yaala si dadku ay kaga nafisaan dhibaatada joogtada ah ee ka soo wajahda ciidamada dowlada iyo koxaha hubaysan

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho kajiray ololo xoogan oo lagu qaadayo isbaarooyinka magaalada yaala.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

 

 
   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online