Nov 29, 2012 (QOL) Mahad
oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo nabadgelyoSuubane
Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa-guul iyo sharafbaqaranimadda
iyo midnimadda cadaalad iyo sinaanta ku saleeysan gun-nimo
kala yaacid,kala qoqobnaan iyo somaalinimo ka carar.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,midnimada iyo cadaaladdacodka
wadaniga damiirka,dareenka iyo qiiradda nool leh,difaacahadiinta
iyo dalkaba-waxaan halkan ku soo gudbineeynaa bayaanka Ururka
ee Xaaladaha is-bedelkooda leh kana dhacaaya DalkeenaHooyo(Somalia)
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed:-Cambaareeyn Culeeskeeda leh dusha
uga tuuraayaan kuwa ku sifoobeey gacan ku dhiiglenimada
dilalka qorsheeysan ka geeysatay Baledweyne,Muqdisho iyo
Baydhaba kuna kala dilay-Gudoomihii Odayaasha Dhaqanka B/Weyne-Marxuum-Careef,Mudisho-Gudomiyihii
Suuqa Bakaraha-Marxuum-Aw Diini iyo SarkaalkiiCiidanka Amaanka
Baydhabo intuba waa fal dembiyeed fool-xumadoodaleh cidii
ka dameeysay yihiin argagaxiso ciqaab mudan.
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed:-Cambaareeyn dulimaadka,colaadda,
Xadgudubka iyo dagaaladda gardarada ah oo Maamulka S/Land
sida bareerka ah ugu qaadeen uguna hayeen degaamada ka mid
ah dhulka Maamulka Khaatumo State iyo Degaamadda ka mida
ah Dhulka hoos taga Maamulka P/L waana talaabo xadgudub
iyo dhibaato abuurid ah masuuliyadeedana eey iska leeyihiin
Madaxda S/Land,sidoo kale waxaa wax laga xishooda ah hadalada
qadafka iyo gefka ah oo ka soo Yeeray Gudoomiyaha Golaha
Guurtida S/Land Mudane-Saleebaan Gaal oo horeba colaad oogid
iyo xasuuqyo ka dhacay degaamada-Kalshaale, Meeygaagle iyo
Sool-joogto oo ka wada tirsan Gobolka Cayn Khaatumo state
of Somalia masuul ka ahaa,waxaanu qireeynaa in Khaatumo
iyo P/Land xaq u leeyihiin difaacida dhulkooda iyo bulshadoodaba,S/Land
duulimaadka eey wadaana yahay xadgudub iyo gardaro cadaan
ah lagu sii kala fogeeynaayo Ummadda deris iyo ehel-wadaagaba
ah(anagoo mar walba ku talineeyna nabada,xasiloonida iyo
deris wadaaga).
\Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxaanu soo dhoweeyneeynaa talaabada
Isbaarooyinka looga qaaday Caasimadda Muqdisho,anagoo si
weyna uga naxnay in xiligan oo muddo hanaan dowladeed caasimada
ka jiray ineey weli jiraan isbaarooyin hab beeleed iyo kooxo
ku leeyihiin halkaas waana arrin dhaawaceeda iyo masuuliyad
daradeedaba leh,anagoo rajeyneeyna in howshaasu sida ku
haboon u hirgasho,lana adkeeyo amaanka iyo habsamidda caasimadda
Muqdisho.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxaanu halkan caambareeyn dusha
uga tuureeynaa UniversalTV oo hada isu bedelay XasaradTV
gaar ahaan Barnaamijkiisa Xog-waran oo aanu u aqoonsanahay
Xumaan iyo belaayo waran qorshe kale oo lagu kala fogeeynaayo
dadka somaaliyeed iyo arr.
\qarsoon ka dameeyaan,iyadoo beryahan dame TV-gaasu isu
bedelay Midnimo,federaal iyo dastuur diid taasoo micnaheedu
yahay Qaranimoiyo jiritaan ka Soomaaliyeed Diid(UnuversalTV
golle ceebeed,xasarad iyo goobta faafiinta codka naceeybka
iyo dowladnimo-diidka).
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-Waxaanu si diiran u soo dhoweyneeynaa
habka iyo hanaanka wanaagsan oo howlaha nabadgelyo sugida
iyo qorshaha toosan oo loogu diyaar garoobaayo shir-weynaha
Dhismaha D/Goboleedka J/L State oo meel fiican maraaya dhammaan
beelaha Goboladda-J/Dhexe.J/Hoose iyo Gedo ku mideeysan
yihiin,iyo hanaanka wanaagsan oo Jaaliyadaha Jubbland ee
qurbaha u taageersan yihiin ula socdaan yagleedidda maamulkooda(aayo
ka tashidooda rabitaankooda ku saleeysan oo aan cid kale
u yeerineeyn).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
Nov-29-2012.