Dooro madaale Xili dhibaan Yuusuf Xassan Cabdi uu taagan doorashada matinimo ee Xafada Islii.

Nov 29, 2012 (QOL) Mahad oo dhan Raxmaanka ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa, daacadnimadda,kartida,dadaalka,waxqabadka iyo damiirka
qof ahaaneed ayaa ah sifooyin qiimahooda leh laguna kala garto masuulka dhabta ah oo sida ku haboon u gudanaaya xilka uu dadka u haya gaar ahaan midka loo igmado(loo doorto) sida Xildhibaanimadda oo kalle.

Hadaba waxeen qormadan maanta ku saabsan tahay doorashada Barlamaanka Dalka Kenya gaar ahaan kursiga Xaafadda Isllii oo uu xildhibaan ka yahay hadana u taagan yahay halyeey-Mudane- Yuusuf Xassan oo ah muwaadin Somaali/Kenya kana mid ah inta tiradda yar ee golaha barlamaanka Kenya oo sida gaarka loogu amaanay gudashada xilkiisa, daacadnimadiisa iyo kartidaba si cad oo muuqata u soo shaaciyeey codka iyo qadaiyada dadka xaafadaas degan gaar ahaan Somaalida kana shaqeeyeey horumarinta xaafadda
hadii eey noqon laheyd dhanka wadooyinka,nadaafadda iyo hanaanka amaankeedaba iyo ku dadaalida gudbinta codka bulshada Somaaliyeed waana arrimo ahamiyadooda leh amaan,bogaadiin iyo mahad-celinba
ku mudan yahay Halyeey-Xildhibaan-Mr-Yuusuf Xassan dib u doorasho mudan yahay-Odayaasha Guurtidda,Ganacsatadda,Aqoonyahanka, Haweenka,Dhalinyarada iyo guud ahaanba bulshada somaaliyeed ee Xaafadda Islii degan.

Waxaan ku boorinaayaa anigoo ka duulaaya kana turjumaaya ahamiyada iyo qiimaha doorashada barlamaanku leedahay iyo sida eey ugu baahan yahay shakhsi codkooda qiimihiisa garanaaya duruufahooda iyo dhibaatooyinka eey qaban ka war haya,laguna aamini karaayo metelaado kalsooni lagu qabi karaayo in eey mar labaad siiyaan Codkooda qiimaha weyn leh Halyeey-Xildhibaan-Yuusuf Xassan iyagoo
ku xisaabtamaaya xaaladaha is-bedelkooda leh(Tusaale ahaan Dhibkii dhowaan xaafadaas ka dhacay)iyo kaalintii masuuliyada laheyd oo uu Xildhibaanku ka qaatay difaacidda Nafta iyo Hantida Somaaliyeedba.

Walaal Sii Codkaaga Halyeey-Xildhibaan Yuusuf Xassan.
Walaal Garro qiimaha Codkaagu leeyahay.
Walaal Qiimeey dadaalka,daacadnimadda iyo kartida Xildhibaanka.
Walaal Marka koowaad Naftaada,Qoyskaaga iyo Hantidaada u hiilii.
Walaal Dooro Ma Daalle Xildhibaan-Yuusuf Xassan.

Qore-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Nov-27-2012.

 

 
   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online