Nov 30, 2012 (QOL)
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada iyo cadaaladda
codka, caqliga iyo damiirka nool ee wadaniga Diintiisa,dalkiisa
iyo karaamadiisaba jaceyl-waxaan si diiran oo farxadeeda
leh ku soo dhoweeyneeynaa TV-ga Cusub(Codka Shacabka J/Land)oo
hab tijaabo ah hawada u soo galay waana arrin guul weyn
u ah dadka.
Somaaliyeed gaar ahaan reer J/Land oo runtii si weyn baahi
ugu qabeey helida goob codkooda,qadaiyadooda iyo danahooda
ee ay ku soo bandhigaan,iyadoo aqlabiyada warbaahin somaaliyeed
oo jirtaa si cad lid ugu noqdeen waji colaadeed iyo naceeyb
gaar ahna u qaadan reer J/Land iyo qeybo kale oo somaalida
ka mid ahba.
http://youtu.be/xUYFVkFlQZk
Waa tallaabo guusheeda,horumarkeeda iyo jiheeynteeda dhanka
wanaagsanba leh kuna soo aadeey waqtigii ku haboonaa J/Land
oo marxalad cusub is-bedelkeeda leh,aayo ka tashigooda leh
iyo garashadda bulshada degaamadaas oo hab mideeysan ku
go'aansaday ka tashigga iyo raacida rabitaanka aqlabiyada
ineey wadaan dhismaha dowlad goboleedkooda habka iyo hanaanka
Federaalka waafaqsan(sida dastuurku dhigaayo)kuna dhaqmaaya
hab cadaalad,sinaan iyo xaq soorba leh,markaas waa muhiim
in la helo warbaahin codkooda gudbisa(gaar ahaan TV) anagoo
soo jeedineeyna in TV-ga J/Land noqdo mid hab wanaagsan,
hufnaan, run sheegid iyo barnaamijyo qiimo leh soo daaya,kana
fogaada.
Guud ahaanba waxyaabaha ka socda aqlabiyadda Warbaahinta
wajiyada beeleedka,kooxeedka iyo aragtida naceeybka ku dhisan
sida gaar ahna u colaadiya qadiyadda J/Land siiba UniversalTV-gii
la oran jiray oo hada isu-bedelay XasaridTV iyo barnaamijkiisa
Xog-waran oo runtii xaaraan waran ah,weerar joogto ahna
ku haya arrimaha Jubbland oo eey qorshayaal dabdan iyo ujeedooyin
aragti naceey,been abuurid iyo faafiinta dacaayado lid ku
ah danaha ama rabitaanka beelaha Jubbland iyo aayo ka tashigooda
hadafka ka dhigtay noqdeyna afhayeenka kooxda cusub ee midnimo,federaal
iyo dowlad diidka ah.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
Nov-30-2012.