Nov 30, 2012 (QOL)
Ururka Midowga Dhalinyarada & Ardayda Ogaadeenya ama
Ogaden Youth and Student Union (OYSU) faraca Galbedka Australia
ayaa caawa shir qiimo badan Magalada Perth ku qabtay, shirkan
oo ahaa mid kala warqaadasho & abaabul waxaa soo qabanqaabiyay
Maamulka OYSU Perth waxaana marti ku ahaa kana qayb galay
ka qaybgalay Gudoomiyaha OYSU Pacific Mudane Ahmed Ayuub
oo Magaalada Perth safar gaaban ku jooga.

Shirka oo jawi aad u qurux badan ku bilowday waxaa ka soo
qayb galay inta badan xubnaha & taageerayaasha OYSU
Perth waxaana shirka lagu furay Aaydo Quráanka Kariimka
ah & wacadi diini ah oo aad u qiimo badan oo uu jeediyay
Allah ha xafidee Sheikh Abdulqadir Ali-Grey oo dhalinta
ku guubaabiyay cabsida Alle & in ay u hagar baxaan ka
qayb qaadashada halganka xaqa ah ee Ogaadeenya lagu xoreyno.

Wacdiga Sheikh Abdulqadir oo aad loogu qushuucay kadib
waxaa shirka si rasmi ah u furtay Gudoomiye ku xigeenka
OYSU Perth Marwo Nimco Sharif Mohumed oo dhamaan dadkii
kulanka ka soo qayb galay u mahad celisay si gaar ahna u
soo dhawaysay Gudoomiyaha Pacific-ga Mudane Ahmed Ayuub
oo safar gaaban Perth ku yimid intaas kadib Marwo Nimco
waxay hadalka ku wareejisay Xoghaynta guud ee Ururka OYSU
ahna xubin ka mid ah Maamulka OYSU Pacific Mudane Jamaal
Ugaas Xukun oo waxqabadka OYSU ka warbixiyay.

Mudane Jamaal wuxuu ka warbixiyay guud ahaan waxqabadka
OYSU Perth wuxuuna ku dheeraaday muhiimada kulamada Dhalinyarada
oo ah isku xidhka bulshada wuxuuna tilmaamay hawliha OYSU
Perth wuxuuna sheegay in ay OYSU dardar galin horleh ku
jiraan ayna kobcinayaan hawlaha ay umadooda u hayaan.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahayd Abwaanad Marwo Rooda Ibrahim
Abdi-Gurey hadal gaaban oo aad u miisaan culusna ka jeedisay,
Marwo Rooda waxay dhalintana ku baraarujisay in ay kamidho
dhaliyaan dadaalka la doonayo in dadka & dalka Ogaadeenya
gumaysiga lagaga sifaynayo waxayna xustay in ay dhalintu
tahay xooga maanta & maskaxda barito loona baahanyahay
in la joogteeyo kulamada & isku xidhka dhalinyarada
si loo helo waxqabad dhab ah & isku duubnaan joogto
aha oo tayo sare leh arimahaas oo ay Abwaanadu tilmaantay
in ay hawlaha halganka Ogaadeenya gun dhig u yihiin.
Kulankan oo ahaa mid aad muhiim ah waxaaa isna hadal aad
u qiimo badan ka jeediyay Gudoomiyaha OYSU Pacific Mudane
Ahmed Ayuub oo ugu horayn dadkii shirka ka soo qayb galay
u mahad celiyay kana gudoomay soo dhawaynta & qalbiga
wanaagsan ee lagu qaabilay, Mudane Ahmed Ayuub wuxuu ka
warbixiyay guud ahaan hawlaha OYSU Pacific & dadaalka
ay ugu jiraan xoojinta hawlaha halganka.
Mudane Ahmed Ayuub wuxuu dhalinta ku amaanay isku xidhka
& feejignaata dheeriga ah ee ay marwalba la diyaarsanyihiin
wuxuuna ku booriyay in ay sii kordhiyaan hawlaha ay umada
Ogaadeenya ugu hiilinayaan, sidoo kale waxaa shirka ka hadlay
qaar ka mid ah Maamulka & xubnaha OYSU Perth waxayna
dhanaatood isku raaceen in la gaadhay xiligii OYSU halganka
xaqa ah Ogaadeenya ka socda ay malkada ka saari lahaayeen
si dhab ahna ay ciidda Ogaadeenya gumaysiga uga sifayn lahaayeen.
Shirka waxaa lagu falanqeeyay arimo badan oo aad muhiim
u ah kuwaas oo dhamaantood qalinka lagu duugay hoostana
laga xariiqay waxaana la isla qaatay in si hufan loo dardar
galiyo shirarka & abaabulka guud ahaan OYSU Pacific
gaar ahaan Perth oo ah xudunta & laf dhabarka OYSU Pacific.
Waxaa shirka laga soo saaray goáano dhaxal gal
ah oo guud ahaan geedi socodka OYSU kor loogu qaadi doono
sidoo kale shirka waxaa lagaga hadlay si kululna loo cambaareeyay
guud ahaan falalka waxshinimada ah ee gumaysiga Itoobiya
uu shacabka Ogaadeenya kula kaco.
Dhalinyarda OYSU ee Perth waxay si aad u culus u cabaareeyeen
shir ku sheegii Miyir-Dabool ee baryahan
Jigjiga ka socday laguna bahdilayay dad shacab ah oo lagu
sameeay falal aad loonecbaysto oo meelka dhac ku ah diinta
Islaamka ee sharafta badan, dhaqanka suuban ee umada Soomaalida
Ogaadeenya ay hodanka ku tahay & xuquuda Insaaniga ah
ee uu dhamaan caalamku wada qirsanyahay in ay laguma xadgudbaan
tahayna la isla garwaaqsaday.
OYSU Perth waxay baaq u direen Urur weynaha OYSU &
dhamaan Jaaliyadaha Soomalida Ogaadeenya waxayna ku adkeeyeen
in si adag looga gilgisho falalka laga xumaado ee sida joogtada
ah shacabka Ogaadeenya loogula kacayo laguna asal guurinayo
karaamada & sharafka dadka Ogaadeenya, OYSU Perth waxay
si weyn u cambaareeyeen shaqsiyaadka uu Abdi Iley (UBO)
horjoogaha u yahay ee daba dhilifka ah iimaan & karaamona
aan lahayn gumaysiga dhaqanka xuna isu duleeyay waxayna
tilmaameen in aan la iloobi doonin ayna dhalinyaradu diiwaan
galinayaan waxyeelooyinka & gabood falada aan loo dul
qaadan karin ee ay shaqsiyaadka uu gumaysigu wakiishay hor
muudka ka yihiin.
Sidoo kale OYSU Perth waxay baaq dheer u direen dhamaan
Umada Soomaaliyeed, Hay,adaha xuquuqul Insaanka & guud
ahaan wadaladaha caalamka waxayna ugu baaqeen in si dhab
ah Itoobiya loola xisaabtamo laguna cadaadiyo in ay dhulka
Ogaadeenya khuburo & saxaafada madaxa banaanu ogalaato.
Sidoo kale OYSU waxay si aad ah ugu mahad celiyeen Bahad
saxaafada Ogaadeenya oo ay sheegeen in ay dadaal dheeraad
ah sameeyeen soona bandhigeen tacadiyada shacabka Ogaadeenya
loo gaysanayo indhaha caalamkana ku soo jiidiyeen isla markaasna
ay sanadihii u dambeeyay horumar aan la yaraysan karin ku
taaabsadeen.
Dhalintu waxay bahda saxaafada Ogaadeenya ku amaaneen soo
bandhigida wararka xaqiiqada ku salaysan ee Ogaadeenya ka
hor tagida & burburinta borobogaadhada gumaysiga, fashilinta
qorsheyawga qarsoon ee gumaysigu shacabka Ogaadeenya u maleegayo.
Dhalintii shirkan isugu timid waxay bahada saxaafada Ogaadeenya
ku booriyeen in la sii dardar galiyo korna loo sii qaado
halganka dhanka saxaafda ah ee shacabka Ogaadeenya loogu
hiilinayo iyagoo dhanka kalana sheegay in ay ka dhalinyaro
ahaan ka qayb qaadanayaan difaaca & horumarinta dalka
& dadka Ogaadeenya ee dhanka.
Isku soo wada duuboo kulankan oo ahaa mid xiiso badan ayna
ka qayb galeen dhalinyaro aad u soofaysan ayaa guul ku soo
gabagaboobay waxaana lagu balamay kulamo dambe oo kor loogu
qaadayo tayada & garaadka da'yarta Soomalida Ogaadeenya
ee Perth ku dhaqan kuwaas oo in la barbaariyo mudan si ay
barito jiilasha dambe ay u barbaariyaan looguna aayo.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com