Nov 30, 2012 (QOL)Wasiirka
Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Soomaaliya Mudane C/kariim
Xuseen Guuleed ayaa waxa uu maanta kaqayb galay kulan ka
dhacay Magaalada Muqdisho isla markaasna looga hadlayay
Arimo la xidhiidha Maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka.
Warbaahinta
afka Dowlada ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa sheegtay
inay kulanka ka soo qaybgaleen Wasiiro, siyaasiyiin, salaadiin
iyo waxgarad kale isla markaasna laga wada dooday qaabka
Maamulka loogu samaynayo Gobolada Jubbooyinka, mid kamid
ah dadkii kulanka ka hadlay oo aan magaciisa la shaacinin
ayaa codsaday in ahmiyada lasiiyo sidii meel hoose looga
soo bilaabi lahaa dhismaha Maamulka Gobolada isla markaasna
hadii uu Urur goboleedka IGAD wax fududaynayo uu usoo maro
Dowlada Soomaalieed oo iyadu ka masuul ah umadeeda, waa
sida ay Radio Muqdisho sheegtaye.
Suldaan C/qaadir Lugadheere oo iska kulanka ka hadlay ayaa
sheegay inay dadka Deegaanka Jubbooyinku xaq u leeyahiin
Samaynta Maamulka Jubbaland loona baahan yahay in Dowladu
arintaas ku gacan siiso.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Soomaaliya Cabdikariim
Xuseen Guuleed oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay
Dowladiisu dejisay Siyaasad guud oo ay ka damacsan tahay
samaynta Maamulada gobolada dalka, iyadoo la raacayo Nidaamka
Federaalka ah, wuxuuna intaas ku daray inaysan taas macnaheedu
ahayn in Dowladu Maamul kor ka keenayso balse ay dadka deegaanku
leeyahiin doorashada y Dowladuna ay sharciyaynayso.
Isku soowada uruuriyoo hadalka Wasiirka Arimaha Gudaha
iyo Amniga qaranka Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo la rabo
in Maamul rasmi ah loo sameeyo Gobolada Jubbooyinka oo inta
badan laga saaray Kooxda
Alshabaab, balse aad loogu kala qaybsan yahay qaabka iyo
wadada loo marayo maamulkaas Jubbaland.
Noor Mohamed
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com