Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud oo Joma Kenyatta Intartional Airport laga sugayay oo Aden Adde Intartional Airport ka dagay.

Nov 30, 2012 (QOL)Maxaa keenay in Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud ka dego Giroonka Aden Cade Intartional Airport xili laga sugayay Giroonka Joma Kenyatta Intartional Airport ee Nairobi Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ooMaalmahii la soo dhaafay dalalka dariska Soomaaliya la ah ee Jabuuti iyo Itoobiya safar ugu maqnaa ayaa waxaa lagu waday inuu saakaka duulo Giroonka Magaalada Addis Ababa ee Caasimada Gumaysiga Itoobiya unna soo duulo Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi halkaas oo ay Masuuliyiin Kenyan ah iyo Masuuliyiin kasocota Safaarada Soomaliya ee Nairobi Diyaar garoow ugu jireen.

Madaxdaas oo sugayay in ay Madaxweyne Xassan Sheek Giroonka Jomma Kenyatta Intartional Airport ee Magaalada Nairobi ku soo dhawayaan ayaysan arintaasu suuroobin, Madaxwayne Xassan Sheekh ayaa si lama filaan ah uga cago dhigtay Giroonka Diyaaradaha Aden Adde Intartional Airport ee Magaalada Muqdisho waxaana sida lagu soo waramayo halkaas ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Raisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid ) oo ay weheliyaaan wasiiro & xubno baarlamaanka kamid ah, waxaana la sheegayaa in aad loo adkeeyay Ammaanka wadada isku xidha giroonka Magaalada Muqdisho iyo Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Isku soo wada uruuriyoo su'aasha jawaabta u baahan ayaa waxay tahay maxaa sababay in Madaxwaynahii Nairobi laga sugayay uu Muqdisho kadego? Maxaase sababay inuu ka baaqdo Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud booqashadii uu ku tagi lahaa Caasimada Kenya ee Nairobi?

Noor Mohamed
Qorahay Media.
qorahay99@yahoo.com

 

m

 
   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online