Socdaalkii Madaxa HAAB ee JWXO Mudane Diirane Cabdi Yaasiin iyo shirkii ugu horeeyay Koonfur Afrika.

Nov 30, 2012 (QOL) Waxaa dhawaan wadanka Koonfur Afrika si wayn loogu soo dhaweeyay Madaxa Hogaanka Arimaha Bulshada ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya Mudane Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) oo ah rug cadaa ku xeel dheer xalada Geeska afrika iyo loolanka siyaasadeen ee taariikhiga ah ee u dhexeeya shacabka gumaysidiidka ah ee soomaalida ogaadeeniya iyo nimaadmka qalafsan ee magudbaank ah ee uu hormuudka kayahay dadka tidara yar ee tigreega ah 23 sano ee ugu danbaysay

Hogaanka ayaa soo gaadhay wadanka koonfur afrika 28 Nov.2012 halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay socdaalka hogaanka aya amaid ahaa socdaalo uu kumaray meelo badan oo kamid ah aduunka sida wadanka canada iyo meelo afrika kamid ah 29 Nov. 2012 ayuu shir ku qabtay magaalo madaxda wadanka Koonfur Afrika shirkan oo ay so gooni ah u soo qaban qaabisay jaaliyada ogaadeniya ee wadankan ayaa ahaa daahfur kii socdaalka hogaaanka ayadoo lafilayo in xiliyadan fooda inagu soo haya uu qabto shirira waawayn oo dhamaan bulshada soomaaliyeed loo qaban doono

Mudane ayaa shirka ka jeediyay warbixin aad u dheer oo uu kaga hadlay xaalada Ogaadeenya asagoo si dheer uga warbixiyay wadahadaladii dhawaan ka dhacay wadanka Kenya iyo qorshayaasha ay TPLF ka wada Ogaadeenya sida xasuuqa, bahdilka, dhaqan gadinta, dilka, xadhiga, boobka, kufsiga iyo falalka waxshinimad aah ee lagula kaco dadka Soomaalida Ogaadeenya shirkan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan xubnaha jaaliyada Ogaadeenya ee koonfur afrika ayaa ku dhamaaday guul iyo gudashada waajibaadka saaran hawlwadeenada waxaana goobtaas lagu diyaariyay sidii loo meel marin lahaa qorsha jaaliyada horyaala ayadoo goobtaas lagu hawl qaybsaday.

Qorahay Media oo meel walba goob joog ka ah shirarka dambe iyo war bixintooda

Gumaysidiid
Qorahay Media
South Africa
qorahay99@yahoo.com

 

 
   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online