Inkstoo soomalia tahay hal wadan oo dadkiisu
wada wadaagan diin, luqo iyo dhaqan, hadana qabiilada soomalidu
waxay ku kala noolyhiin gobalo iyo deegaamo kala duwan qabiilkastana
la ogaaan jiray halka ay xoolihiisu daaqaan ama ka cabaan (
traditional land) maadama soomalida inteeda badan tahay reer
guuraa. Dhul kala qaybsigaas waxay soomalidu taqaanay intuuna
isticmaarku iman Africa, wixiii dhibaata ee dhacdana waxaa lagu
xalin jiray xeer Soomali ama dhaqan soomali (Somali custom for
peace and reconciliation system).
Dagaalka sokeeye ee soomali wuxuu galaaftay nolal
iyo hanti badan intaba, waxaa ku dhintay malyan badhkii, waxay
gaajo soo food saartay in kabadan 4.5 million ruux, waxaa ka
qaxay howgoodii in kabadan 2 million, waxaa qaxooti noqday in
kadan hal million [1]. Hadaba, si xal waara loogu helo arinta
soomaliya waxaa jiray dadaalo iyo tijaabooyin fara badan oo
ay hormood ka ahaayeen dowladaha dariska ah , UN ta, dowladaha
carabta iyo ururada uduunka.
Dadaalada nabad raadintu wax la taaban karo oo
natiijo ah kama dhalan, waxayna keentay uun burbur, barokac
iyo faragalin shisheeye. Sidaas darteed, waxaa iswaydiin mudan
maxaa kalifay in lagu guul daraysto in guul laga gaadho wadahadala
xal u raadinta soomaliya? Maxaase dan ah oo xal waara lagu gaadhi
karaa?
qubarada ku takhasusay cilmiga bulshadu waxay
aaminsanyihiin in arinta Hoosta laga soo bilaabo si loo helo
dowlda midnimo qaran [bottom up approach,[2], iyada oo dadka
loo diyaarinhayo qaabka muulka wanaaga, dowladnimada, kala dambaynta
ee heer gobal, si mustaqbalka loo hanto midnimo qaran oo waarta.
Waxaa tusaale fiican u ah Puntland iyo Somaliland,
inkasta oo ay kala duwan yihiin (ideology) ahaan hadana waxay
u horseedeen umadoodii nabad, daganaasho, hor umar.
gobalada jubooyinka waxay noqdeen meel aan la
ka lahayn, oo ay cidkastana xoog ku qabsato waxaana keenay in
caasimadii gobalka laga fara maroojiyo dadkii deegaanka arimahan
soo socda:
Wada tashi la’aan haysata dadkii deegaanka,
waxaad arkaysaa inay jiraan iskaashi badan oo ay leeyihiin dadka
kasoo jeeda kobalada ay nabadu ka jirto si wax looga qabto dhinaca
amaanka, tacliinta, isgaadhsiinta, ganacsiga, laakiin reer Jubba
wali mayna nasiib u helin arintaas,
U hindisaad/hanqaltaagid midnimo qaran iyada
aana wali la helin mid heer gobal ah
Fahan la’aanta dad dano kale wata diinta
ku gaban haya.
Waxaan aaminsanahay in laga gudbi karo labadaa
mushkilo, hadii dadka deegaanku u guntadaan sidii loo heli lahaa
dowlad gobaleed u tagaan danaha dadka jobooyinka, una diyaarisa
mustaqbalka sidii loo heli lahaa dowlad qaranimo ee Somalia.
Hadii ayna dadka jubooyinku si deg deg ah u helin
dowlad gobaleed utaagan danaha dadka deegaanka waxaa iman kara
in dusha lagaga keeni doonaa:
1- Dowlad gobaleed loogu magac daray (Southwestern
State of Somalia) matalina danaha dadka deegaanka, taasoo sii
horin doonta dhibaatada Somalia.
2- In Kismayo iyo jobooyinku noqdaan meel alqa’ida(al-shabab)
iyo dowladaha la dagaalama ku hardmaan taaso dhibka haysta shacabka
sii laba jabaaraysa (dhoobley massacre )
3- In qabqableyaal dagaal dool ahi isu bahaystaan
siday uga faa’iidaysan lahaayeen khayraatka gobalka.
4- In dowlad ku meelgaadh ahi (TFG) ka hirgasho
Somalia, laakiinsa dadka jubooyinku ku lahayn saamayn wayn ama
mataal u qalanta gobal ahaan iyo shacab ahaan ba.