Jaaliyadaha
Mareykanka hala socdeen shirqoolada cadawga.
Gumaysiga wuxuu bilaabay inuu cidiyaha
ku dagaalamo ka dib markuu ku waabariistay guulaha isdaba
jooga ah ee halganka shacabka Ogadenya uu ka gaaray dibad
iyo gudaba. Arimaha dacaayadda iyo marin habaabinta ayaa ka
mid ah qorshaha uu doonayo inuu xooga saaro iyadoo miisaaniyad
xoogan loo qoondeeyay. Markastoo uu gumaysiga qorsheeyo fikrad
lagu wiiqayo halganka waxaa madasha isa soo taaga qaar jeeblayaal
ah oo dareenka hogaamiya uu yahay caloosha oo loo buuxiyo.
Mashruuca maalmahan u shidan daba-dhilifyada
jooga Jigjiga ayaa waxaa ka mid kooxdii jaaliyadaha dhexdooda
ka ahaa hadhaaga bulshada oo u ambabaxay Jigjiga say uga soo
daadsadaan Cabdi Ilay iyagoo iyagoo kula gorgortamaya inay
beenta gumaysiga ka soo gadayaan jaaliyadaha dibadda.
Waxaa ka mid ahaa nimanka ka dagay Jig-jiga
sadex nin oo ka dhoofay Minnesota oy kaga hawlgalaan urur
safaarada Itoobiya lagu sameeyay oo lagu magacaabo ( Somali
Ethiopian Economic & Cultural Development Association).
Ururkani oo ka jira Minnesota, USA.) waa mid boorsada lagu
wato qorshuhuna yahay inuu noqdo midkii lagu hawlgali lahaa.
Waxay ku leeyihiin TV laga daawado labada magaalo ee Mataanaha
ah oo la yiraah Jigjiga TV, kaas oo dacaayada Itoobiya lagu
fidiyo lagulana dagaalamo halganka. Arimaha ugu muhiimsanee
ay halkaa u tageen waxaa ka mid ah dacaayad badan oo Jigjiga
laga soo duubayo looguna talo galay jaaliyada Minnesota. Sedexdan
nin ee sawirka ka muuqda waxa ay ku jiraan dad xul ah oo safaaradu
xulatay kadib markii qorshayaal hore ay ka bur-bureen, waxaana
la shaqeeya kooxo aan saas u badneyn oo isqariya. Dhawr jeer
ayaa safaarada shir loogu qabtay shirarkaas oo ay mar ka soo
qayb gashay Naagta Zinawi Azeb Mesfin. Marar kalana xubno
kale oo sarsare ayaa ka soo qaybgalay. Qorshahan lagu dhex
galayo Jaaliyadaha ayaan ku koobneen Jaaliyada S/Ogadeeniya
oo kaliya, lakiin ku wada socda dhamaan qoomiyadaha Mucaaradka
ah oo dhan intiisii badnaana lugooyo iyo khasaare ayuu ku
dhamaaday oo meelihii larabay magaadhin walina jaaliaydiihii
dhamaantood waa lagu xidhi kari la'yahay safaaradiihii.
Safiirka Gumaysiga ufadhiya Washington
DC, Samuel Assefa Vs Males !
Safiirka Gumaysiga Tigreega u fadhiyay Washington
DC, Samuel Assefa, ayaa lagu dhaliilay hadda ka hor inuu ku
fashilmay qorshihii ahaa in Jaaliyadaha lagu soo xidho safaarada
iyo siyaasada TPLF labadaba ilaa hadana looma jadiidin safiirnimada
oo ahayd in loo jadiidiyo Jan.2009 oo ku beegnayd xiligii
xilka ay la wareegtay xukuumada cusub ee Obama ilaa iyo hadana
Madaxwayne Obama ma qaabilin waayo si rasmi ah wali dhiigyo
cab Males uma soo magacaabin. Dhawr jeer oo Zinawi la waydiiyay
xiliga ay safiir cusub u magacaabi Mareykanka, wuxuu ku gaabsaday
in doorashada kadib qof cusub si rasmi ah loogu dhawaaqi doono
lakiin ilaa hada way ku rafanaysaa in la helo nin lagu badalo.
Ninkan oo ahaa nin aad ay isugu dhawyihiin Males iyo Reer
Adwa, ayuu nasiib u helay inuu Males ugu mar-marsoodo inuu
gudan waayay ama horumarin waayay siyaasadii TPLF ka lahayd
Marykanka khaasatana uu lumiyay xidhiidh xunna uu kala dhex-dhigay
Taliska TPLF iyo Congress-ka Maraykanka oo aad u kala fogaaday
marna ku sigtay in ay meel mariyaan mooshin lagu cunaqabateeynayo
Itoobiya. Waxaa kale oo si cadaan ah loogu eedayey inuu ku
fashilmay qorshihii Jaaliyadaha lagu soo xero galin lahaa.
Jaaliyadaha kasoo kala jeeda qoomiyadaha kala duwan ee sida
wayn mucaaradka ugu ah taliska TPLF, ayaa loo arkaa ilaa lasoo
xero galiyo inaysan guul ka gaadhayn siyaasada dibada.
Dardarta Cusub ee Dabaqoodhiga Dibada
la galiyay:
Hadaba Fishilka guud ee ku yimid qorshihii ku
wajahnaa Jaaliyadaha waxaa Reer USA u dheeraa Dabaqoodhigii
ku noolaa inay aad uniyad jabaan kadib markay aad ugu ololeeyeen
In wafdi uu hogaaminayo Da'ud Axmaar yimaado isagoo niyadana
gashaday inuu Imaanayo diyaargarw waalanna galay ayaa ugu
danbayntii loo sheegay in loo diiday Visihii khalad dhankiisa
ka dhacay darteed oo ah sida lagu qanciyay isaga, laakiin
sheekadii ayaa waxa ay isku badashay mid niyad Jab wayn ku
keentay dabaqoodhiga doolka ah intoodii badnayd kuna noqotay
wax ayna filanayn. Dabaqoodhi qolyahaas kamid ahaa ayaa laga
hayaa; “war dee ONLF ayaa Visihii u diiday ee halganka
dhinac ha laga raaco meeshaad moodaysaan ONLF ma joogtee!!”.
Wakhti kooban ayay shiiqeen qaar badan oo iyaga
kamid ahna isbadaleen kalana biiq-biiqeen. Hadaba waxaa safaarada
kusii hadhay dad kooban oo afartan kor ku sawiran ay ku jiraan.
Kuwan oo iyagu waligoodba aad ugu xidhan Dabaqoodhi Mawliid
Dhaga Caleen waa ninkii Xarshin laga keenay ee fadhiya Safaarada
Washington DC.
Hadaba waxaa USA lasoo gaadhsiiyay qorshe cusub oo dhawr nooc
iskuga dhafan meel walbana laga adeegsan karo wixii la isku
dari karo in la isku dhex wado meel walba iyo jil-jileeceeda.
Waana sidan.
1. Qabiil- eraygan qabiilka ayaa kolba shaati
loo galiyaa mar-mar kor ayuu ka bilaabmi oo Somaalida kale
Vs Ogaadeen wax la dhaho waa in la isticmaalo marna wax looyaqaan
Afarta Absame & adeerkood oo ahaa midka hada meelo badan
ka socda. Kaa waxaa ka horeeyay mid meelna gaadhi waayay lakiin
marar badan la adeegsado oo isagu Jifijifo hoose iyo deegaan
Vs deegaan ku salaysan sida Reer Dh/buur, Qabri- daharre,
Godey, Reer Wardheer Reer Fiiqeed IWM.
2. Ganacsatada iyo aqoonyahanada kaalaya wadanka
Imaada maalgashi ka samaysta, madaxda arka oo safaaradaha
ku soo xidhma. Qolyahan si gaar ah ayaa loo shiishaa la iskuna
dayaa in la soo xero galiyo. Kuwo iskood shaadhkaa u huwadaana
way jiraan waxaana iyaga wax loogu sawiraa haday nabada ka
shaqeeyaan in ay taajirayaan, waxaana idinka hortaagan ONLF.
3. In mar walba la isticmaalo oo lagu meel mariyo
qorshe walba oo cusub cid aliyaale cidii ay ku rakibnayd nacaybka
ONLF. Nacaybkaas nooc walba ha ahaadee waa in ay isku qorshe
qolyahani ahaadaan kana wada sinaadaan sidii ONLF loo fashilin
lahaa. Qolyahan ayaa kala ah sidan:
? Ajo gudhay iyo wixii dhankooda ah oo dhan ee lamidka ah,
? Hadhaagii Bukaan Socodkeena mid bannaan yimid iyo mid isqarinayaba.
? Aqoonyahan hunguri loo sheegay & ganacsade maal gashi
raadsanaya.
Waxaad meel walba ku arki intan oo nooc oo qorshahaa
si wada jir ah u fulinaya. Xidhiidh gooni ah ama jacayl gooni
ah oo ka dhexeeyaana majiro lakiin mid walba qaabka uu ONLF
u necebyahay uunbaa wax loogu sheegaa isaga oo loo tilmaamo
inuu qorshahan xaqijintiisa ku fashilin karo ONLF.