28/12/72 waxay wafdiga dib ugu soo laabteen
Magaalada Muqdisho, waxaana saqdhexe habeenimo Gurigiisa lagala
Baxay Naftii hure Maxamed Diiriye UUrdoox Dawalada Milataiga
ee Siyaad Barre waxaana la la`aa 30/12/72-19/12/79.
5/2/1980 ayaa N/h Maxamed Diiriye Warqad si
toos u Qoray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre
Qoraalka ayaa ka mid ahaa hadaladan.
Dawlada Soomaaliyeed waxay ku guuldareysatey
in Madaxbanaaneyso Jabhada gobonomadoonka Soomali Galbeed
in ay iyaga ka tashadaan Aayahooda, waxay kaloo Dawlada Bilaawdey
in ay caburiso Siyaasiyiin Soomaaliyeed, waxaana marlabaad
Madaxweynaha ka codsanayaa oo talo naxteexo ah ku weydiisanaya
in faraha laga baxo talada Jabhada xoreynta Soomaali Galbeed.
warqadaasi oo si toos ah Madaxweynaha Gacanta
looga Sarey ayaa marlabaad waxaa xabsiga loo taxaabey 6/2/80
xabsiga Laanta Buuro iyadoo lix bilood lagu hayey xabsiga
ciqaabta ee xeebta liido.waxa uu xabsiga ka so baxay 1982
isagoo muiddo bil uu joogin ayuu waxa uu ka qayb galey doorasha
musharaxnimada Jabhadii WSLF oo ay qaban qaabisay dawlada
siyaad barre waxaa uu ku guuleystay 99%-kiiba shirkaasi waxa
uu ka dhacay degmada Afgooye.
1982 N/hurre Maxamed diiriye waxa uu noqdey
Xghayihii guud ee Jabhada WSLF waxa u bilaabey in uu dardar
iyo dib u habeyn cusub galiyo hogaanada Gudaha iyo dibada.
waxa uu magacaabey arrimaha Dibada
1-Cabdisalaan Daly wakiilka Ciraaq
2-Cabdullahi Mxamed Sacdi wakiilka Kuweyt
3- Maxmed Cumar Xamow Wakiilka Suuriya
4-mukhtaar Sheekh Maxamed Wakiilka Liibiya
5-cumar Maxamuud Sadiiq Wakiilka Aljeeriya iyo maxad kale.
N/h Maxamed Diiriye waxa uu bilaabey in uu soo kormeero xarumaha
Jabhada, muddo yar ka dib waxa dawlada ku soo rogtay in uu
xabsui ku ahaado gurigiisa, Jabhadana waxaa loo magacaabey
Sheikh Cabdi nasir Xaaji Aden, muddo yar ka dib waxa uu codsadey
in magangalyo siyaasadee siyaan Safaaradaha Masar, Siiriya
iyo Mareykanka, Mareykanka ayaa codsigiisa aqbaley waxa uu
xushay in seddex xubnood guddiga fulinta ka mid ahaa in ay
raacaan, nasiib darase mid ka mid ah seddexdaasi ayaa fashilay
qorshihii oo dawlada u shaqeyn jiray waxa uuna qatar galiyey
lafahooda.
N/hure Maxamed Diiriye waxa uu gaari ku jiiray
jidka soddonka oo lugata ka jabey, raggii gaariga watey ayaa
soo degay oo yimid waxayana ku yiraahdeen raali noqo adiga
kumaanan jeedine waa ayna ka dhaqaaqeen, waxayna ahaayeen
ciidamada NSST.