| |
|
![]() |
|
![]() |
|
GUURKA
By
Abwaan Stanza.
ayaandhalad5@hotmail.com
Gogoldhig:- Qoridda maqaalkan waxaa fatihiyey
maqaal dhawaan lagu daabacay mareegta ama rugta dumarka Soomaaliyeed
ee wararka bulshada: http://www.4somaliwomen.com/,
qormadaasoo ka hadleysay ragga iyo raacdada guurka ciwaankeeduna
ahaa: "Muxuu Raggu U guursadaa Dumar Badan?" ayna
qortay gabadh Soomaaliyeed, Kaltuum Sheikh. Maqaalkaasoo I
soo jiitay nuxur ahaan balse aan si cilmiyeysan u unkaneyn.
Macnuhu ma ahan inaan dhalliil-xooggan u haya qortada maqaalka,
Kaltuum Sheekh, balse waxaan uga golleeyahay Kaltuum Sheekh,
waxbey farta noogu fiiqday hase ahaatee nooma aysan falanqeyn
faaqidaadna warkeeda iskaba daa. Mid baanse Kaltuum ku raacsanahay:
Hal Nin Hal Naag - inuu ninkasta hal marwo la mingala jaceylkana
kala mirodhaliya.
Muxuu yahay guur?
Marka loo cuskada Diinta Islaamka, guurku waa heshiis xalaal
ah oo dhaxmara lammaane/a/o is-cajabiyey oo is-calmaday calafna
u hiiliyey. Guurku wuxuu ka ambaqaadaa nikaax/ninkaax ama
caqdi, laakiin, Soomaalidu waxey dhahdaa, "Meher",
afka Carabigana ku ah "Mahar" oo loola jeeda maal
gabadha la-guursaday la siiya kaasoo lacag, xoola-nool iyo
waxkalaba noqon kara, go'aankiisana ay gabadhu leedahay balse
ay ragga Soomaaliyeed kula gorgortamaan; saddaxdan erayba
waa Carabi, Carabiguna waa luuqadda rasmiga ah ee Diinta Islaamka.
Alle Subxaanuhu Wa Tacaalaa wuxuu guurku ku sheegay, "Is-afgarad
Adag - heshiis xooggan." Guurku wuxuu leeyahay wadiiqooyin
loo mara kuna cad axkaamta Islaamka. Waxaa saldhig u ah kalsoonida
labada is-guursanaya ugu yaraanna waa in la hela laba rag
ah oo marag ah meheriyahana waaba waajib - qumaatiga ayuu
qaayibaa qodbasiradana Culimadaa noo qeexi, balse laga qiimo
badan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba - anshaxa-diineed ahaan.
Maxey Tahay Ujeeddada Guurka?
Nabi Muxamed (Naxariis iyo Nabadgalyo Dushiisa Ha Ahaatee)
Wuxuu yidhi, "Guurku waa dhaqankeyga qofkastoo ka dheeraadana
igama mid aha." Dulucda Suubbanaha, nabiga, (NNKHAT)
waxey na tusaaleyneysaa sida guurku ugu sharfan yahay Diinta
Islaamka mudnaan iyo meeqaam miigganna Muslimiinta ugu leeyahay.
Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee guurku waxaa ka mid ah kuwan
hoose:
1 - Sugidda keydinta iyo korarka jiritaanka isirka Aadanaha.
2 - Unkidda sharciga ah ee naf ahaan aasaaska qoyska, Muslimka
ah.
Labadan waa kuwa saldhigga u ah guurka, balse, waxey leeyihiin
laammo iyo faraqyo ay u sii kala baxaan una kala baahaan.
Guurku wuxuu xannaaneeyaa sharafta is-guursadayaasha iyo wadar
bulshada ay ku dhax-noolyihiin waa haddii guurkoodu salka
ku haya caashaq iyo is-calmasho dhab ah ayna iska filayaan
ku-jecli iyo ku-jantay joogta ah kana imaneysa beer uu hiloowga
laba-geesoodka ah,naf-qeybsadayaasha - gabadha iyo wiilka,
buuxiyey oo uu bisleeyey hadal-macaan iyo hawraarsanna ku
dhisan kalsooni iyo kalgacalna huwan oo ku hubeysan.
Guurku wuxuu xakameeyaa oo xaaraanta ka weeciyaa xalaashana
ku dhiiriyaa dareen-galmeedka iyo kulka loo aayo ugxaanta
ubadkana - minida, ama aan dhahna shahwada uu Rabbi ku beeray
noolaha lab iyo dhaddigba. Sida dhaqanka Diinteenna, Islaamka,
ku cad, guurku waa dhisaha iyo dheefiyaha bulshada dhawrsoon
balse, hadda waxaad mooddaa iney bulshadeennu, Soomaalida,
dhaawacyo ba'an oo xagga dhaqanka ah milan-dhaqameedka shisheeyaha
laga soo minguuriyey la tabaaleysan tahay tubti ay kaga badqabi
laheydna si baraad-laan ah uga dayoowday. Ujeeddada guurka
wuxuu Alle noogu qeexay aayadda odhaneysa/oraneysa, "
Dhar ayey idiin yihiin idinkana dhar ayaad u tihiin."
Waxaan ognahay in qof bad iyo baraad qaba uusan dhar-la'aan
socon karin - milicsiga xaquuqda is-qabayaasha ku dhidban.
Maxaa Looga Baahan Yahay Marwada iyo Mudanaheeda?
Waxaa looga baahan yahay iney macnaha aayadda Quraanka ah
ee sare ku suntan raacaan oo ay noqdaan kuwa inta nolosha
uga harsan nabad iyo nagaadi ku qeybsada jaceylkooda, iskagana
sokeeya af iyo gacan. Waxaana aasaaska wadajirkooda dhaxtaal
u ah: Kalsooni, xurmo iyo xaqdhawr, wadatashi iyo istusaaleyn,
isutanaasulid iyo iskaashi joogta ah. Waxaan qabaa inuu jaceylku
yahay mara-cad oo uskagga aan u adkeysan karin una baahan
joogteynta daryeel wadajir ah haddii kale dag-dag ayuu ku
daranyoobaa diiftana dul iyo duud midna uma laha.
Maxaa Sababa Inuu Ninku Naag Kale U Hanqaltaaga?
Walaashay Kaltuum Sheekh, waxey gabbaadsatay dooddeedana ku
suugeysay iney nimanku ku andacoonayaan iney hal naag ah kaafin
karin. Kaltuum waxey tidhi, "Waxey rabaan caruur badan.
In ay hal naag ku filnaan karin qooqooda awgiis." Waxey
kaloo tidhi, "Kuwaan waxey isku tilmaameen in ay yihiin
'super men'." Talow ma ku doodi karnaa in dhanki gabdhaha
gaabis ka yimid oo ay gacaliyahooda gogol-wadaagga ah - saygooda,
hanan waayeen oo ay xilliga sariirta xanjo guurayaa?
Haddaan aragtideyda kaashada, waxaan aaminsanahay in ninku
uusan si fudud naag kale ugu hiloobi karin haddii ay marwadiisa
koolkoollisa farxad kula seexata farxadna kula soo toosta
oo aysan noqonin magaan laga caalwaayey iyo tii qumeeyada
aheyd dariskuna isku warsan wadiiqooyinka iyo wadda-sheekaadka.
Ninka iyo naagta isqaba waa in aysan kala noogin oo aysan
is-dhibsan marka ay wada joogaan, marka ay kala maqan yihiinna
waa in ay qalbiyadoodu isku ooyaan abboowe iyo abbaayo uu
afku jaceylka barayna halqabsigoodu ahaada weero naxariistu
la-daris tahayna ay marwalba is-dhaafsadaan saacaduhuna ku
yaraadaan qosol iyo manqaxna wehel iyo walaal-kalgacal isugu
noqdaan, nafta iyo noloshana ay u wadaagaan sida labada wabi
ee niilka-dheer.
Haddii mid ka mid ah lammaanaha uu kan kale gogosha ku cuna
ganuunac aan siba loo gareysan karinna uu ula goob-yimaada,
talo fara ka haadday jaceylkuna goraygaa ka hadaafay, ogoow
oo aqoonso arrinina gurracantay.
Haddii hab laysku ogyahay layskuna aaminsan
yahay uu salbasalbeeya, bal aqoonsa in gabaahiir iyo lama-gudbaan,
geerigo'an iyo gondagooye uu gabbalkii jaceylku ku dhacay
dabaqabashana ay god-dheer ku duuftay danina moodday meelaan
laga dayi laheyna doonnina kula dagtay daadka naca iyo naxalkuna
uu si-daran ula dakeeyey. Markan oo kale, waxaa birta asladay
astaantii jacaylka bahda jaceylkana kala bukootay.
Goormuu Ninku Naagtiisa Ka Niyad Jabaa?
Raggu waa kala baabe, balse, waxey sidan dhacdaa marka ay
ooridu noqota bullaac-jiif iyo boodh-kamakacda - noqota arraajo
ama areebo - basari. Waakii gabayaagii la oran jiray: Saahid
Qamaan Cali uu xaaskiisa ku lahaa, "Uskag naag leh waan
necebnahaye, yuusan kugu oollin." Haddii xaaska lagu
barta daryeel-la'aanta gurigeeda, gankeeda iyo gogol-wadaaggeeda,
waa in ay isku diyaarisaa garoobnimo labaduna ay galoofiyaan.
Waxaa kaloo musiiba-anshaxeed ah gogoldhaafka oo ah cudur
aan dawo-laheyn sida caateeyaha - AIDS-ka. Xanuun-galmeedkan
waa midka ugu xun ee reerka la-darsa islamarkaana dumiya qofkii
uu haleelana sharaf-dila bulshaduna ku sheekeysata.
Maxaa Dhaliya Hiinaasaha?
Nin hiinaasay ama maseeray waxaa dhaanta naag hiinaastay.
Inta badan dumarka waxey ka hiinaasaan naag kaloo uu ninka
la-guursada. Waloow diinta Islaamka ay ragga afar naagood
u banneysay, haddana waxaa jira xad iyo xudduud ay diintu
tilmaantay - caddaaladda iyo sinnaanta ninka looga baahan
yahay inuu xaasaskiisa u xaqsoora. Marka aan nafteyda ka hadla,
waxaan aaminsanahay in sida aan hal naf ah u leeyahay hal
qalbi jaceylka ugu yeelan kara, saas ahaan waxaan ka soo horjeedaa
xaasaska badan, sababtoo ah ma garanayana waxa qoorta ii galinaya
xil ay adagtahay gudashadiisa. Waxaana akhristayaasha u sheegayaa
in talada Kaltuum la-tixgaliya. Hiinaasaha ragga waxaa keena
shaki oo wuxuu daarran yahay murtida oraneysa, "Ceydhin-cune
calooshiisuu ka shaki qabaa." Sikale haddaan u dhigna
"Maseerroow ahaana mooyaanee masaar nin wataa I soo maray."
Macnaha ninkasta oo macsiyada joogteeya ayaa
hiinaasaa. Hadduu ninku hiinaasana waa in ay gabadhu iska
furtaa waayoo, nafteeda ayaa halisgaleysaa. Hadduusan dilinna,
waxaa hubaal ah iney haaraan la-darsi daa'inkeed.
Gunaanad.
Waxaan qormadeyda maanta ku soo koobayaa in Alle laga cabsada
xil-guur oo aan laga soo dhalaali karinna layska dhawra. Soomaalida
si aan abaabulneyn ayey u guursadaan una kala guuraan, waxaana
maanta gayiga Soomaalida ku badan guur qarbaqarba ah iyo furriin
aan ka fiirsi laheyn lagana fiican yahay; sidaas darteed guurka
aan jaceylka rasmiga ah ka billaabanin waa boog bulshada Soomaaliyeed
beerka kaga taalla ee dawo ha loo hela.
Gabdhaha garcaddaaga(odayga) laga gadayana hallaga
waantooba, dookha lammaanahana halla tixgeliya. Afartan sifood
ee hoosana yaan lagu sinnaan: Gabadh garoob doon ah, garoob
lacag doon ah, wiil gablan doon ah iyo gabow guur doon ah.
WQ: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).
|