| |
|
![]() |
|
![]() |
|
XARAKOOYINKA
ISLAAMIGA IYO XAWAALADAHA SOOMAALIYEED.
By
Abwaan Stanza.
ayaandhalad5@hotmail.com
Kaddib markey burburtay kala dambeynti iyo heybaddii
qarannimo ee dalki la oran jiray Soomaaliya mooryaantuna ay
boobeen hantidi guud, guurta iyo maguurta intuba, waxaa Bariga
iyo Bartamaha Afrika ka hanaqaaday "Xawaalada" badalay
xil-gudashadi Bangiyadi dawladda la burburay.
Xawaaladahan oo dhabti daboolay baahidi loo qabay bunuugta,
waxaa sameystay ururada Islaamiga ah, xarakaadka qaranjabki
kaddib qaangaadhay, kuna kala abtirsada labada fikir-dugsiyeed
ee Xasan Albannaa, hormuudkii "Walaalaha Muslimiinta"
ee reer Masar iyo Maxamed Cabdiwahaab, aabbihi dhaqdhaqaaqa
"Salafiyiinta - wahaabiyiinta," ee Sucuudiga. Fikir-dugsiyeedka
"Albanna School of Thought" waxaa ku abtirsada Xarakada
Al-Islaax waxaana dugsigan lagaga aflaxaa hadalgoobka; halka
dugsiga "Wahabia School of Thought" lagaga aflaxa
hantigoobka.
Labada Urur-Islaami, Islaax iyo Ictisaam, Soomaaliya, oo Salafiya
"Qaddiima iyo Salafiya Jaddiidda" - Salafiyadi hore
iyo Salafiyada Cusub ay tan dambe leedahay, tan horana hadda
u kala jabtay "Dhiigga hore iyo dhiigga cusub" waxey
hoggaanka u qabteen kaabayaashi dhaqan-dhaqaale ee dalki gablamay
ee Soomaaliya, ayagoo la wareegay guud ahaanba gacan-ku-heynta
Ganacsiga, Gaadiidka, Isgaarsiinta, Waxbarashada iyo wax kasta
oo lagamamaarmaan ahaa loona baahnaa.
Xawaaladaha iyo Xarakooyinka Islaamka
Sidaan wada ogsoonnahay, xawaaladaha Soomaalidu leedahay waxaa
xuurta ku haysta xarakooyinka aan sare ku soo xusnay kuwaasoo
"Tribal-Islamo-Ideology" lagu maamula. Aan halkan
idiin iftiimiyee, qofka laga shaqaaleysiinaya xawaaladaha,
waxaa lagu qaataa inuu beesha xawaaladda leh ku abtirsada
kaddibna dugsiyada sare midka maamulka xawaaladda uu ku aroora
ardey ka yahay.
Haddii uu u shaqatagaya xawaalad ay Islaax majaraha u haysa,
waxaa looga baahanyahay inuu cabsanyahay fikirka xarakada
shar iyo qeyrba, meeriska qabiil iyo midka mabda'na aad ugu
dhagafududyahay basaasnimadana uu u bisilyahay bog iyo baabacna
balwareeya.
Haddii uu arji shaqo u gudbisanaya xawaalad ay Salafiyadu
haysata, waxaa looga baahan yahay inuu ka gadh-dheeryahay
sheekaqorihi Ingiriiska, Charles Dickens, dugsiga maryogaabnimadana
maamula ka noqon kara. Sarwaalka oo la gaabsada iyo gadhka
oo la siidaaya waaba shay sunna ah anna ma diiddani, laakiin,
waxaa dhaygag iyo dhakafaar ah bakhiilnimada, shaxiixnimada
iyo la'iimnimada ay xarakooyinka ku kacaan. Tusaale ahaan,
haddii nin xaraka ka tirsan aad la socota aadna la kulantaan
mid ay isku urur ka tirsanyihiin, intuu u iljabiya ayuu hoosta
ka yidhaahdaa, "Ninkani ma akh baa?" Ma akh baadan
la macna ma ahan "Almuslim akhu Muslim" ee wuxuu
ka wadaa ma naga mid baa. Midabtakoorka iyo eexdana Diinta
Islaamka wey reebtay. Waakuu xaddiisku lahaa, "Waxaad
naftaada la jeceshahay nafta walaalkaana la jecloow."
Walaalka waxaa laga wadaa walaalka muslimka ah, Diintu waxey
na bartay in Muslimiinta iyo Mu'miniintuba walaala yihiin.
Haddaba, weydiinta warcelinta u baahan waxey tahay: Muslimiinta
iyo Mu'miniinta ay Diintu walaaleysay ma kuwa xubnaha ka ah
ururada Islaamiga ah ee kursi-doonka ah ee Soomaaliya iyo
Bariga Afrika ku loolamayaa? Jawaabtu waa "MAY!"
Haddaba, waxaa mahuraan ah in la hela xawaalada waddaniyad
iyo Soomaalinnimo ku dhisan qofkana ku qaata aqoontiisa iyo
xirfadda uu u leeyahay maamulka iyo maareynta lacagaha. Marka
laga shaqeynaya xawaalad, waxaa la dhiraandhirinayaa lacag,
saas ahaan, waxaa loo baahan yahay inuu qofku wadey u yahay
wadiiqadiisa. Xawaaladaha ay xarakooyinka xero-edageysteen,
waxaad ku arkeysaa in shaqadi uu qaban lahaa qof "Book
Keeping" ama "Blance Sheet" xirfad u leh uu
haya xarakaawi aan xirfad u laheyn. Tani waxey horseedi kartaa
milan ka dhax-dhaca "Assets-ka iyo Liability-ga"
shirkaddu ay ku socota kicidna waa u halis. Waxaa kaloo la-filaan
ah "Failure of Financial Auditing Annually." Laakiin,
xarakooyinka halkan guulo wax-ku-ool ah ayey ka soo hoyiyeen,
sababtuna waxey tahay: qofka Soomaaliga ah oo ilmac aadna
u firfircoon, lana oran kara waa "Jack of all trades."
Markaan waxanoo dhalliillo ah soo tusaaleysanaya, kama wada
wadaaddadu xisaabiyayaal iyo xeeldheerayaal-dhaqaale malaha,
ee waxaan uga golleeyahay: halka xawaaladda uu qaban lahaa
qof ka baxay kulliyadda dhaqaalaha in laga doorbida mid ka
baxay luuqadda Carabiga asagoo lagu xusha xarakannimo iyo
fikirkiisa dugsiyeed.
Marka is-barbardhig loo sameeya labada fikir-dugsiyeed, waxaa
hubaal ah inaan indhaha laga daboolan karin in midba dheef
iyo dhib leeyahay, tanina waa sunna Rabbaaniya. Laakiin markaan
eex ka dheeraanna, ururka Al-Islaax wuxuu dalka ka dhisay
tacliinta oo ah billowga kaabadda kaadirnimo, wuxuu soo saaray
aqoonyahanna dalka iyo dadkaba wax taray, waxaana tusaalo
noogu filan mutacallimiinta Jaamacadda Muqdishu kasoo baxa
kana baxay. Balse qoladan Salafiyadu dadaalkooda dhanka tacliinta
ay u galeen marna la baaxad ma ahan tan Islaax. Waloow, aan
labadaba waxey galeen la diidi karin, haddana waxaa hubaal
ah iney dhibaatada Soomaaliya qeyb ka yihiin oo nolol-maalmeedka
lagu dagaallamaya shisheeyana loo raran yahay, Soomaalinnimadana
minjoxaabin lagu haya.
Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza).
|