Opinion
 
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
 

Kuwa Halganka Dabinka u qoolaya waa laga digniin helay.
By Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com

3, Nov 2008

Halganka Ogaadeenya ee mudada dheer soo socday wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo Jaraanjarooyin kala sareeya ahaa, wuxuuna gumaysiga Itoobiya marwalba maleegaa ama uu sameeyaa kuwa af-soomaaliga ku hadla oo shacabka Ogaadeenya hoosaasiya kuwaas oo uu magacyo kala duwan u bixiyo. Hadaba sanadihii la soo dhaafay wuxuu gumaysigu soo dhexgalay ama uu isku dayay in uu dad ku yeesha halganka lama loodiyaanka ah oo ka socda Gudaha Ogaadeenya oo ay majaraha siyaasadeed u hayso Jabahdda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo noqotay xidigaha Geeska Afrika.
Muxuu Gumaysigu u soo dhaweeyay niman kolkii hore ay aad u coloobeen?.

Hadaan isku dayo in aan anigu isu jawaabo wuxuu gumaysigu marwalba soo dhaweystaa cida isaga dantiisa u fulinaysa waana wax caadi ah in uu heerka ugu sareeya ee wax loo buunbuuniyo isu taago markase uu ku gaadho hadafkiisa waa geed ka go’an waxa uu abaal uga dhigidoonaayi.

Hadaan u dago nuxurka qormadan layaab malaha in ay isku lug xidhaan cadawga & kuwa u habrada cadawgii ay is hayeen halkaasna uu ku dhamaaday hankoodii isla markaasna ay karaamadu ka duushay oo ah dambiileyaal ka lexday nidaamkii Jabahdu ku socotay oo isku dayay in ay halganka bur-buriyaan kuwaas oo Jabhadu markii ay fahanta laga xayuubayay xilalkii ay hayeen ayaa waxay markiiba bilaabeen in ay 2 qaybood isu qaybiyaan.

Qaybta Kobaad waxay isu dhiibtay ciidamadii wayaanaha ee xooga ku jooga ciida Ogaadeenya waxaana la wad-waday mudo kooban markii lagu laayay dadbadan oo shacab ah oo aan waxba galabsanin, waxaana ugu weyn dambiilaha lagu magacaabo Aadan Yuusuf Taani oo dadbadan oo shacab ah galaaftay fartana ugu fiiqay kuwa uu isu dhiibay oo uu ka cabsanayay in ay dilaan, Wuxuu Taani aaga Danood ee Gobalka Doollo ka gaystay xasuuq aad u badan waxaana la xaqiijinayaa dadka uu Taani ku xasuuqay halkaas in ay boqolaal dhanyihiin walina wuxuu ku hayaa shacabka dibin-daabyo ay la ildaran yihiin qaar badan oo uu Taani u gusbab noqday.

Qaybta Labaad waxaa kamid ah labada nin ee lagu kala magaacabo Mohamed Siraad Doolaal & Saalxudiin Abdirahman Macow, oo la ogyahay dambiyada ay shacabka ka galeen, hadii aan ku horayno Doolaal wuxuu Doolaal qorsheeyay in uu khilaaf ku kala dhex abuuro masuulinta & Kaadirka Jabhadda isaga oo meelo badan kaga khudbeeyay in uu u dagaalami doono qaab qabiil ah sida markii uu shirka ku qabtay Ingiriiska & Maraykanka, Doolaal oo u haysta in uu yahay qofka sameeyay ONLF la’aantiina aysan ONLF soconkarin ayaa aad isugu taxalujiyay sidii uu halgnka u bur-burin lahaa wayse la soo gaabatay wuxuuna nafta meelna qaban la ku madadaalianyaa Khiyaali.

Sidoo kale Saalaxudiin waa ninkii ku kacay wax aan halgankan cidi hortii kula kicin wuxuuna dhacay hantidii Jabhadda ee lagu aaminay walina ku maqan waana sun dhiigiisa ku talaalnaan doonta intuu ifka joogo & geerida dabadeedba , hadaba waxay labadan nin u heshiiyeen khaa’inimo & sidii ay u wadi lahaayeen curyaaminta Halganka Ogaadeenay lagu xoreynayo.

Talaabadii ay wadajirka u qaadeen ee aan la iloobi karin waxay ahayd af-duubkii Idaacadii Xoriyo oo markii dambe laga gulaystay oo loobaneeyay mawjadii ay Xadeen ee uu Saalaxudiin moodayay in uu wax weyn la wareegay nasiib wanaag wuxuu Radio Xoriyo kujiraa Idaacadaha ugu af-dheer ee gumaysiga ka kaadidiisa kalax ugu shubay waxaana xadhiga loojaray mawjadii ay dhaceen oo uu markii ay af-dubeen ka hadlay Dolaal oo yidhi waxaan ahay Hogaanka sare ee JWXO hadalkaas oo ah nin daad qaaday xumbo cuskay. Markii ay arintaas u socon weyday waxay bilaabeen iyaga oo isticmaalaya dhaqaalihii Jabhadda ee uu Saalaxudiin dhacay in ay shirar ku qabtaan meelo badan iskuna dayeen in ay buuq ku abuuraan Jaaliyadaha Ogaadeenya ee u heelan in ay duliga ka qaadaan dadkooda uu Wayeenuhu ku boobayo ciidoodii hooyo.

Markii uu isku daygaasina u suurtoobi waayay waxay si toos ah faraqa ugu xidheen safaaradaha gumaysiga ilayn isma garanayaan oo waa rag ay la socoto cadhada ka dhalatay balankii ay kaga bexeen halgame yaasha ciida ka hooseeya & kuwa nool ee sidii u oofinya axdigii lawada galay ee ahaa in ciida Ogaadeenya lag xoreeyo gumaysiga Abasiniya ,nimankan khayaaneeyay umadoodii & halganoodii waxay waayeen cid u soo istaagta fikirka ay ka duulayaan oo ah fikir qarsoon oo si toos ah ugu biyo shubtay safaarada Wayaanaha ee ku taala Ingiriiska waxayna ugu dambayntii go’aan ku gaadheen in ay muujistaan mawqifkooda waxayna bilihii ugu dambeeyay wareegayeen waddanka Kenya oo ay la kulmeen xubno JWXO ah iyaga oo dacaayad badan faa-finaya.

Waxayna kulamo badheedh ah la yeelanayeen kuwa ka socda Wayaanaha waana arintii ay qarsanayeen oo aad moodo in ay soo baxayso waxaa kamid ah astaamaha lagu garto noocooda oo kale & dabinada ay wadaan labadan nin in ay saaxiib ka dhiganayaan dhamaan inta neceb jiritaanka umadda markii ay tageen xeryaha qoxootiga ee kuyaala Kenya dadka ay lakulmeen intooda badan waa dad ama dambi kagalay halganka ama waligood ka soo horjeeday marka laga reebo tiro yar oo aan aad u fahanasnayn nimankani meesha ay u hababeen oo ay ugu dambaysay iyagoo halyeeyo ah, arintaas ilaa hadda Dolaal si aad ah ayuu ugu dhiiranyahay waase wax la hubo in uusan nin umadiisa dambi ka galayi kolaba guulays doonin isaguna wuu ogyahay balse "caduur dhawdhawdu uma dhaadhacsana" durbadiibana wuu ku fashilmay safarkii Kenya oo ay rabeen in ay ku kala qaybiyaan Jaaliayda Ogaadeenya isla markaasna ay u kala furfuran qaabka uu cadawgu u dhaqmo ee ah in qabiil qabiil laysaga horkeeno taasina way u socon weyday oo shacabka Ogaadeenya meel uu joogaba wuu u bislaaday tabaha gumaysiga iyo kuwa uu maskaxdiisa ku soo shubo.

Gaba Gabadii waxaan fikirkayga ku soo uruurinayaa in ay ka digtoonaadaan shacabka Ogaadeenya kuwa nocaas oo kale ah Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Nin ku dilay hadh kuguma jiido” waana in aan magici Doolaal ee halganka ka dhex muuqday lagu dagmin ninka Ogaadeenya u dhashayi wuxuu magac & haybad leeyahay inta uu umadiisa wanaageeda ka shaqaynayo kolse haduu noqdo gacanta & maskaxda daanha shacabka Ogaadeenya lagu minjo xaabinayo waa cadowga ugu xun waana cadow aad marar badan ku dagmayso cadawna waa cadow hakuu ekaado ama hakaa duwanaadee shaki na kuma jiron Saalaxudiin, Doolaal, & Taani in ay xidhiidh joogta ah leeyihiin waxaana lahayaa cadaymo badan oo arintaas muujinaya, waana in layska ilaaliyaa lagana hortago dagaalka aan geed loogu soo gabanaynin ee ay wadaan nimankaas oo xaqiiqadu tahay in ay u shaqaynayaa Itoobiya.

Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com