Mudiici warka akhrinayey wuxuu warka ku billaabay sidan: "Waxaa
gagida caalamiga ah ee xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo lagu
soo dhaweeyey wafti ka socda DKGS uuna hoggaaminaya wasiiru-dawlaha
wasaaradda arrimaha gudaha ... iyo mudane Cabdi Qeybdiid, Taliyaha
Booliska Soomaaliyeed."
Qoraalki dhalada ee ETN, sidan ayaa isna loo qoray: "Taliyaha
Ciidanka Booliska soomaaliyeed iyo wafti ka socda DKGS oo gaaray
Gaalkacyo."
Tusaalooyinka kore waxey dhammaan muujinayaan xaqiraadda ay
masuulka waftiga watay waa mudane Xiddige, ku hayaan shaqaalaha
Faafinta iyo Fogaan-aragga, ETN, heybtiisa awgeed iyo dagaalka
ay dhan walba kaga hayaan beeshan, Majeerteen, beesha ay wada-dhasheen
ee Absame, balse ay maanta xumaan kasta ku hayaan uguna jecel
yihiin iney dunida ka dabargo'aan, cidhibtirkeedana ay u darban
yihiin mar iyo meel-walba oo ay joogaanba.
Haddii ay anshaxa saxaafadda siduu yahay u dhawrayaan heybsooca
iyo xaqiraaddana iska daayaan, wuxuu war-akhriyuhu warka ku
billaabi lahaa sidan: "Waxaa gagida Caalamiga ah ee xarunta
Gobolka Mudug, Gaalkacayo, maanta ka soo dagay wafti ka socda
DKGS, uuna hoggaaminaya Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha
Gudaha ee Soomaaliya, mudane Cabdirashiid Maxamed Xiddig. Waxaana
socdaalkiisan ku weheliya Taliyaha Ciidanka Baleyska/Booliska,
Soomaaliya, mudane korneel, Cabdi Cawaale Qeybdiid."
ETN wuxuu ka hawlgalaa walibana xaruntiisa labaad ku leeyahay
dalka Kenya caasimaddiisa Nairobi, waxaana dhihi karnaa waa
xaruntiisa tiir-dhexaadka ah. Hasayeeshee, ma jira wax warar
ah oo ku saabsan Kenya oo uu baahiya, ha noqota Kenya ama ha
noqota Gobolka Waqooyi-Bari Kenya, marka laga reeba dhawrki
bilood oo uu wax aan muhiim aheyn ka sii daaya si waliba yareysi
ku jira dhab ahaantii.
Shaqaalaha Teleefishankan ugu badan ee ka hawlgala dalka Kenya
ayaa ah kuwa laga keenay Gobolka Bariga Soomaaliya gaar ahaan
qabiilka Majeerteen. Kuwa fara-ku-tiriska ah ee soo raaca ayaan
loo oggaleyn iney kaalin muuqata ka ciyaaraan howlaha Televisionka
shaashaddana ka soo baxaan, waxaana cagta la saara kartidooda
si aynan bulshada u baran mar haddeynan aheyn beesha mulkiilaha
ama maamulka - Majeerteen.
Waxaa guud ahaan Geeska Afrika ka dhacay abaaro ay dad iyo duunyaba
ku le'deen, warbaahinta caalamkuna ay si weyn u baahisay; balse,
ETN waxaan ka aheyn Puntland iyo meelo yar oo Soomaaliya ka
mid ah, kama uusan soo deyn dhibkan bulshada Bariga Afrika baabi'iyey.
Walow, uu wariye u jooga Caasimadda Gobolka Waqooyi-Bari, Gaaris,
haddana waxey indhaha ka daboosheen dhibkan dhulka ka dhacay
iney tabiyaan, sababtuna waa dhul Absame iyo naceybka ay beeshan
u hayaan balse aan lala wadaagin.
Hadduu dameer ku dhinta miyiga Boosaaso, waa la soo sawiraa
lana soo bandhigaa, haddiise uu dhib kasta ka dhaca Gaaris,
lama sheega naceyb dartii.
Tusaale ahaan, marka wariyaha Gaaris u jooga uu war soo tabinaya
tashwiish baa lagu furaa bilicda magaalada Gaarisna waa la qariyaa
walow ay tahay magaalo aad u bilicsan bartankana uu u maro wabi
ay ku gadaaman yihiin beero dalag quruxsan leh.
Masuuliyiinta Gobolka Waqooyi-Bari Kenya, waa in ay arrintan
il-gaara ku eegaan, shaqaalaha ETN ee Kenyana ay dadka deegaanka
u bataan walibana hormuud u noqdaan howlaha televisionka, xooggana
saaraan iney howshi loo baahnaa iyo sidey tahay gobolka waxa
ka dhaca uga taqdiyeeyaan. Haddii kale, ha la xira xafiiskooda
Kenya hana u guuraan Barida ay ka yimmaadeen een beesha laga
jecleen.
Weydiinta warcelinta u baahan waxey tahay: ETN ma warfidiyeen
qaran baa mise waa mid qabiil?