Qabqabashada,
Xidhayga iyo Gadashada Reer Ogadenia-Ganacsiga Cusub ee Qarnigan
“Laf-dhuun gashey oo lagu margan doono”
Jaamac
Todhiye.
todhiye@gmail.com
6 May 2008
Faalo iyo Falaqayn:
Maalmahan ugu danbeeyay waxaa warbaahinta soomaalida
iyo hayadaha xuquuqul insaanka ayka hadleen in badan qabqabashada
shacab reer ogadenia ah oo isugu jira xoogsato-muruqmaal,
bukaan daawo iyo caafimaad uyimid puntland, ganacsato iyo
labbo xubnood oo ka mid ah gollaha dhexe ee Jabhada Wadaniga
Ogadenia JWXO. Qabqabashada dadkan waxaa iska kaashaday dawlada
Ethiopia iyo Wasiirka Maaliyada ee maamul-goboleedka puntland
Mr GAAGAAB. Haddaba falkan dambiga iyo meel
kadhaca ku ah sharafta-shaqsinimo, islaanimo, wadananimo iyo
dhalashoWaxaa go,aamo iyo dhaleecayn kasoo saarey xubno ka
mid ah waxgaradka iyo culimo-awdiinka Puntland, balse aan
wax ficil ah ka qaadin; waxaana iyana jawaab kulul ka bixiyey
bulshaweynta Absame meel kasta oo ayjoogaan, hadday noqon
lahayd guddaha Ogadenia, Jubada hoose, jubada dhexe iyo NFD-Kenya.
Waxaan aan kuqaadaal dhigaynaa qormadan sabaha kadanbeeya
gacangelinta shacabka reer ogadenia loogacan gelinayo Ethiopia.
Hadaba waaxay sababta loo qabqabanayo dad shacab
ah oo aan danbi kagalin maamul ay ku hoosnool yihiin? Yaa
kadanbeeya qabqashada dadkan? Maxaa faaiido ah oo ay kahelaysaa
puntland caddaadiska ay Ethiopiau caddaadinayaan shacabka
reer Ogaden? Puntland iyo Soomaliland ma Ethiopia ayay hiil
uyihiin? Misse waa Aano qabiil oo ka dhan ah beel weynta Absame
waxan ay caadaysteen? Maxay Soomaliland ka faiiday Qorshaheedii
ahaa xidhxidhka Ogaadeen? Maxayse Puntlan ka faaiidi doontaa
eegga?
Haddii aan ka jawaab su,aasha koowaad, waxii
eegga ka horeyey, ma jirin wax dhib ah oo horre ama collaad
ka dhaxaysey labadan shacab ee walaalaha ah oo wadaaga wax-walba,
haday noqon lahayd Deegaan, daaqsin, nassab, ganacsi iwm,
marka lagga reebo dhacdooyin yaryar oo laga soo gudbay. Waxaan
wadda odsoonahay in General Cadde illaa affar jeer looga yeedhay
Ethiopia. Waxa lagala hadlayeyna ay ahayd arinta ONLF iyo
siddii puntland iyo Ethiopia meel uga soo wadda jeedsan lahaayeen.
Qorshayaasha cadde muuse lasoo siiyey waxay ahaayeen inuu
qabqabto dhamaan dadka reer ogaden ee kunool puntland una
soo gacan galiyo Ethiopia isagoo ku eedaynaya waxay ka mid
yihiin ONLF, si dawlada Ethiopia u xalaalaysato dhiigooda.
Maamulka Bari ma ayna dhooroofin dabinka loo dhigayo ee si
fiican ayay u dhex yuurursadeen; waxayna bilaabeen xidhay
jamac ah oo aan look ala aaboyeelin iyo ugacan galin Ethiopia.
Waxay horjoogayaasha puntland dafiren inay dhiibeen dad udhashay
gobolkaas iyadoo arintaasi aanay wax shaki ah kaga jirin dhamaan
reer ogadenia iyo bulshaweynta soomaaliyeed ee guumaysiga
neceb. Waxay u egtahay arintu waan kuusoo qabqabani ee etiopiayay
ha isheegin. Soomalidu waxay horey ugu maahmaahdey “Gujuxo
geel wax gunti lagaliyo ka weyn.” Haddaba dafiraad iyo
qorrax sacabka la saaro maamulka puntland iyo shacabkoodu
ma kaga gudbayaan jaa,ifada ay gaysteen? Waxaan aaminsanahay
inayna noqondoonin arinkani mid saa lagu illoobi doono ee
uu noqon doono mid in badan laga shalaayo. Puntland laf dhabarkeedu
waa dakada bosaaso iyo dhaqaalaha ka soogala. Waxaan wadda
ogsoonahay in dakada boosaaso ay martey waxii hadda ka denbeeya
meesha ay martay tii Berbera. Waayo boosaaso waxa laga dhoofiyo
ama laga soo dajiyo 90% waa wax ka yimaada Ogadenia hadday
noqon lahayd xoolaha nool sidda geela, Adhiga, Loda, Xabagta
iyo Hargaha. Dhamaan badeecada aan sheegnay waxay soo galiyaan
maamulka puntland lacagata adag ee dolarka iyagoo u iibgeeya
wadamada carabta, hadaba puntland ishii kaliya ee ganacsi
ama dhexmar ee la lahayd soomaalida deggan geeska afrika way
iska soo oodday.
Ujeedada ka danbaysa Arinkani maxay
tahay?
Waa arin u baahan fahan dheer in la ogaado istrategiyada
laga leeyahay falkan; Haddaba cida ka danbeysa ee amarka iska
leh waa Ethiopia oo runtii dagaalkii ay kula jirtey ONLF u
soo rartey gudaha soomaliya. Waxaynu wada ogsoonahay mudada
uu socday halganka midaysan ee JWXO iyo heerarka uu soo maray.
Waxaa u cadaatey taliska uu madaxda ka yahay Meleze inuusan
ka adkaan Karin jabhad dhowr iyo labaatan jirsatey oo ka dhex
halgamaysa dhulkeedii hooyo oo ay hiil iyo hoo lagab taagan
yihiin dadweynaha ay xaqooda raadinayaan. Waxaa u soo baxay
meliza Zenaawi inuu hiil kadalbado adeegayaashiisa horjooga
maamulada soomaaliya sidda puntland iyo Somaliland.
Ujeedooyinka ay Ethiopia ka leedahay
arintan waa farabadan yihiin waxaase ugu muhiimsan kuwan soo
socda.
A- In ay qoomiyadaha ama qabiilada soomaaliyeed
kala irdhoobaan oo uu bilowdo dhiig sokeeye oo data taas oo
faaiido u ah tigreega.
B- In uu istaago dhamaan waxii xidhiidh ahaa ee u dhaxayn
jiray laban shacab ee deriska ah.
C- In xiddidada loo siibo waxii la odhan jiray soomaalinimo
iyo isu nixitaan maadama soomali ay somali kale ugacan gelisay
Ethiopia.
D- In Ethiopia cidday doonto soomaaliya kasoo qabsato hadday
noqon lahayeen culimo-awdiin, Wadaniyiin iyo jabhadaha halganka
kula jira iyagoo ciddii ka hortimaada tusaalle uga dhigaysa
waxii ay qabteen Somaliland iyo puntland qabo haddii kale
waxaan kuu arkaynaa cadowga Ethiopia.
Shirkii Abdullaahi Yuusuf ee Washington,
DC ee beeshiisa
Abdullaahi yuusuf waxaa uu si cad ugu sheegay
beeshiisa mar uu kula hadlayey magaalada Washington, in caqabada
ugu weyn ee hortaagan dawlada kumeelgaadhka ah ay tahay beesha
Ogaadeen-Absame.
“waa ayaga kuwa hortaagan horumarka saaxiibadeen
Ethiopia, waa iyaga kuwa dilay 800 oo wiil oo aan kala imid
Garoowe kuna dilay dagaalkii IIDAALE, waa ayaga kuwa aan Jubooyinka
ugeli lanahay ee ka hortaagan dowlada, waa iyaga kuwa hawiye
iyo Eritria is barey, waa ayaga kuwa garab istaagey muqaamawada,
waxay ka dagaalamayaan muqdisho, waxay maalinkasta leeyihiin
soomaaliyey waa la idin qabsadey ee la dagaala ethiopia”
Waxaan kale oo aan wada ogsoonahay dhibaatada duqaynta ah
ee loogaystey jubooyinka oo ahayd arrin uu si cad Cabdululaahi
yuusuf u qirtey inuu isagu ka denbeyey.
Ujeedooyinka puntland ee ka leedahay
xidhxidhka iyo ka ganacsiga shacabka reer Ogadenia waxaan
ka soo qaadanayaa dhowrkan qodob ee soo socda.
1- In ay ka helaan Ethiopia caawimaad millatari
iyo mid siyaasadeed.
2- In maamulka Cabdullahi yuusuf kalsooni dheeraad ah ka helo
Ethiopia, maadaama ay u gacan geliyeen dad ka soo horjeeda
xukunkiisa(Ogaadeen).
3- In Ethiopia amar ku siiso Somaliland inay kabaxdo Sool
iyo Sanaag si awoodii puntland usoo noqoto maadaama aysan
awood ulahayn Puntland inay dib ula soo noqoto gacan kuhaynta
Laascanood.
4- In General Cade muuse uu muddo sii ahaado madexweyneha
puntland.
Ficilka ka Dhalan kara Falakan ay Puntland
qaadey.
1- Marka Koowaad waxaa istaagidoona dhamaan
is dhexgal labada dhinac.
2- Waxaa bilaabanayo dil qabiil iyo aargoosi bilawdo oo saldhig
u noqonaya collaad cussub oo bilow ah.
3- In nin walba meeshuu joogo ama awwod u leeyahay ku amartaagleeyo.
4- In shacabka soomaalida ogadenia dhamaan ka baxaan gobolka
puntland iyagoo u wareegi doona gobolada kale ee dalka sidda
Jubaland oo ah deggaan ay degaan eheladoodu.
5- In beel weynta Absame dhamaan ay meel uga soo wada jeedsadaan
Dawlada melez taageero eee uu madaxda ka yahay Cabdullahi
yusuf.
Uruurinta Faalada.
Hadii aan ku bilaabo qorshaha Ethiopia ka leedahay
arinkan, waxaan u qaybinayaa labbo arimood. Ta koobaad, Ethiopia
haddii ujeedadeedu tahay in ay kagga guuleynsan katro ONLF
qorshahan qabqabashada ah waxaan dhihi karnaa waa riyo aan
urumoobaynin. Sababtoo ah ma aha markii ugu horeysey ee shacab
u dhashay ogadenia loo gacan geliyo taliska Ethiopia. Arinkaasina
hor umar mooyee waxba kama dhimin halganka xaq u dirirka ah
ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia (JWXO).
Tan labaad, waa u shaqeyndoontaa Ethiopia illaa xad sababtoo
ah dadka shacabka ah, dhalinyaradan lagatey ee muruq-maalka
ahayd waxay leeyihiin ehel kunool meelo kala gedisan oo geeska
afrika ah waxayna qaadidonaan talaabo ah inay raggii raggooda
gatey ka aargoostaan(CAADO SOOMAALI).
Dhinaca maamulka puntland, waxaa soo foodsaartey
cabsi iyo walaac farabadan. Waxay doorbideen Ethiopia inay
raali geliyaan oo ay dhibaateeyaan shacabka Absame. Taasi
waxay keenaysaa in puntland ay ka go,do Ethiopia illeen puntland
buundo ay igu talowdo Ethiopia maleha,e. halkaas waxaa soo
foodsaari doono puntland arinta manta ay Hargeysa-maaamulka
Waqooyi gelbeed ka shalayteysan yahay.
Jabhada ONLF waxaa ay u tahay guul sababtoo
ah shacabweynaha soomaliyeed ee xornimada iyo sharafta jecel
waxay la garab istaagi doonaan hiil, hoo, naf iyo maalba.
Waxay soomalidu ogaatey in Shacabka reer Ogadenia loo dhibayo
soo cilinta sharafta soomaalinimo, islaanimo iyo qaranimo.
Jaamac Todhiye.
todhiye@gmail.com
|