Opinion
 
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
 

Wadaadda: Maxaan ku Doortay Maxaanse ku Diiday? .


Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Stanza" ayaandhalad5@hotmail.com
6,Dec 2008

Maqaal aan ugu magacdaray, "Kismaayo: Kud ka guur oo Qanjo u Guur" laguna faafiyey qaar ka mid ah mareegaha warqabadka Soomaaliyeed, ayaa u muuqda inuu taabtay rug qalinka iyo qoraalka ka caaggan sida ay ku celceliyeen akhristayaasha ku xidhan websiteka, www.afdheer.com.

Laakiin, waxaa dabiici ah markasta oo uu qalin-maalku maqaal kulul qora, inuu akhristayaasha ka quuddareeya daymoharareen haraatideedu aad u kulushay iyo riddacelin karaardhaaf ah; haddaba, waxaa igu waajib ah mahadda Alle kaddib, inaan nuqaadda afkaarta iyo aragtida kala jaad ah soo bandhigey kaddib markey si mugle u miisaameen nuxurka maqaalka, u mahadceliya kuna qaddiriya dhugta iyo dhooroofkooda ku aaddan arrimaha dalka-guud iyo deegaanka Dooxada Jubbaa.

Waa sunna Rabbaani ah iney dadku siyaaba kala duwan wax u cabbiraan una carrabbaabaan, in lagu ixtiraama oddoroskooda iyo ififaalahooda-maskax-maalnimana, waa xilkasnimo mudnaanteeda leh.

Hadal badan haan ma buuxshee, waxaan hoos ku qaadaadhigeynaa dhawr qodob oon wadaaddada ku taageersanahay iyo dhawr arrimood oon kaga soo horjeeda, waana sidan aad aragtaan una jeeddaan:

1 -Waxaan ku taageersanahay in ay ladagaalaan qeybaha maandooriyayaasha, jaadka - qaadka, qamriga, xashiishka, sigaarka iyo wax walba oo anshax-xumo ah sida dhilleysiga iyo dhaqamada liita ee dalka kusoo batay ilaa iyo inti uu qaran-jabku Soomaalida halakeeyey horumarkana ragaadiyey. Sida aan wada ogsoonnahay, waxyaabahan aan sare ku sheegnay waa kuwa baabi'iyey bulshada Soomaaliyeed; anna waxaan ku mahadinayaa in Rabbi Jallah Wajalaaluhu iga badbaadiyey xumaantan ay qaar badan oo asaagey ah ku aafoobeen. Sigaar baa ugu yare qofki igu ag-shita waan karhaa oon waliba kohdaa.

2-Waxaan si buuxda ugu ayidsanahay in ay "shirkiga" ladagaalaan bulshadana ka badbaadiyaan dambiga aan cafiska Alle agtiisa ka laheyn; sida ku cad quraanka iyo axkaamta Islaamka, u shariik-yeelidda Alle Subxaanuhu Watacaalaa, waa gefka ugu xun ee uu addoonku ku dhaca, mana jira alle xaq lagu caabuda illaa Abbuuraha iyo Arsaaqaha addoomaha koon ku nool ma ahee - Alla-Weyne oo ay amaan iyo addeecidba u sugnaatay ayaa ah mid kaligii ah sida ku cad suuradda Al-ikhlaas iyo kuwa kale.

Caabudidda qabuuraha iyo baryidda cid aan Ilaah aheyn, waa xadgudub-diini ah, waxaase loo baahan yahay in bulshada caamada ah loo dajiya marka diinta loo sheegaya ee ma aha in lagula booda. Waxaa habboon in caqiidada dadka laga dhisa si dhug iyo dhimir leh. Waxaa kaloo wanaagsan in ahlul-qabuurka la dhawra, waayo, Alle wuxuu noo sheegay inuu bani-aadamka karaameeyey, sidaasi darteed soo faagidda meydadka maqaabirta ku jira sidi Muqdisho ka dhacday, iyo burburinta qabuuraha sida ay wadaaddadu ku kaceen waa laga wacan yahay. Waxaa kaloo aan gar aheyn duminta muqaddasaadka diimaha kale, waayoo, markaad maanta kaniisad gubta waxaad kororsatay cadaawad Islaamka loo qaada iyo masaajid lagu guba dhulalka masiixiyiinta ay ka arrimiyaan ee guul kala maadan gaarin; diinta Islaamkana waa mid nabadda ku dhisan oo erayga Islaam macnihiisu waa nabad, qiimahaasaana mudan.

3-Waxaan ku taageersanahay in ay ixtilaalka - gumeysiga, la dagaalamaan dalka-gudihiisana ugu dhigaan cashirro lama-illaawaan ah oo ay ku ijbaaraan asaga iyo dabadhilifyada u adeega ee Alle iyo ambiyadaba beeniyey aayadaha iyo arkaanta ummadda Islaamkana ku gaboodfalayna edbiyaan.

4 Waxaan ku raacsanahay in ay jawaasiista - basaasiinta, dalka, dadka iyo diintaba shisheeyaha ka iibsanaya sirta ummadda Islaamka ahna cadow ku dhaafsanaya dhuuniga dhagta-dhiigga-u-daraan.

5- Waxaan ku taageersanahay iney quraafaadka aan sal iyo raadtoona diinta Islaamka ku laheyn kana dhaxbuuxa bushadeenna, Soomaaliyeed, suuliyaan si diinta waafaqsanna u cidhibtiraan had iyo goor.

6 -Waxaan ku taageersanahay caddaaladfalka iyo mideynta bulshada, balse timiri laf baa ku jirta. Waxaan ka wadaa: waxaa Islaamiyiinta ka buuxa qaar munaafuqiin ah oo diinta gabbaadsanaya, waase caadi in sufuufta mujaahidiinta lagu arka kuwan; oo waxeyba dhacday xilligi uu Nabi Muxammad nabad iyo naxariis dushiisa ha ahaatee, asxaabta usha u hayey. Dib u eeg dagaalki Uxud iyo waliba Badar.

7 -Waxaan ku taageersanahay in dalka dastuurkiisa diinta Islaamka lagu saleeya, waxaana qabaa in dastuur kasta oo dalka loo dajiyey uu diinta u noqonayey tanfiidkiisa haba ahaada si kale.

Waxaan wadaaddada ka mucaaradsanahay:

1 -Dag-dagga iyo digtaatoornimada ay ka midka yihiin: cabudhinta warbaahinta, dilka kawaadirta dalka ee sida dhaqsaha leh loo fuliya kaddib marka lagu tuhma fal aan si qotadheer loo baadhin - fudeydka - yaasiinboobnimada iyo iqtiyaalidda ciddi naqdisa ama tusaaleysa, ama siyaasaddooda goldaloolla ku sheegta. Waana midda ay qoraayaal badan oo dalka iyo dibaddiisaba jooga Islaamiyiinta ku eedeeyaan.

2 - Gaaleynta cid alle ciddii aan iyaga raacsaneyn iyo cadaawad-u-qaadka aan biseylka ku jirin. Tusaale gooban haddaan idin siiya, waxaan dhawaan akhriyey bayaan ay Alshabaab ku gaaleynayaan Shariifka oo ku qoran afka Carabiga haddana aan nuqul ka mid ah haya; waxey ku gaaleynayaan inuu dawladda heshiis lagalay iyo inuu Beesha Caalamka aqoonsan yahay diyaarna u yahay inuu la tashada. Waxey kaloo sheegayaan in mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliyeed Ilaahnimo sheegteen kaddib markey qirteen iney sharcidajiyayaal yihiin. Waxey ku sii gaaleynayaan in dastuurka Soomaaliyeed lagu caddeeyey inuu ka ambaqaadaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed - Iraadadda shacabka Soomaaliyeed. Waxaan qabaa in fikirkan yahay mid aad ku khaldan una qallafsan - tagfiirnimo.

3 -Waxaan ku diiddanahay in ay dalka keenaan dagaalyahanna shisheeya oo uu adduunku baadigoobaya dalalkoodana ka soo cararay kuna dhuumaaleysanaya dalkeenna gudihiisa - waxaan marar badan Aljazeera ka daawday rag caddaan ah oo lagu sheegay mujaahidiin. Waa yaabe yaa lagu jihaadayaa? Bulshada Soomaaliyeed waa wada Muslimiin Sunniyiin ah sida aan wada qirsannahy ama ognahaye.

4 -Waxaan kaga dhan ahay iney waaqica dunida iyo maanta ka boodsan yihiin, tusaale, wareysigi ugu dambeeyey ee uu wariyaha Aljazeera International, Maxamed Caddow, la yeeshay Abuu Mansuur, wuxuu ku sheegay inuusan aqoonsaneyn xudduudaha dawliga ah ee uu doonaya inuu Alaskaa xoog Islaamka ku gaarsiiya; Raashiya iyo Kuuriyana diinta Islaamka ku ijbaara. Aragtidan soo waaqica kama foga. Faafinta diinta Islaamka hanjabaad uma baahna ee hoogaamin garaad-maalnimo ayey u baahan tahay.

5 -Waxaan ku diiddanahay in wadaaddadu aad moodda iney kala saari la'yihiin dhaqanka Carabta iyo diinta Islaamka; iyo iney duubayaan soogaalka aan qowmiyaadka kala kaga soocannahay. Tusaale ahaan xirashada cummaamadda guduudan waa dhaqanka Sucuudiga ee diin ma aha midabki kale eed doonta ayaadna qaadan kartaa. Soomaalidana midda cad ayey culimadu xiran jireen, cigaalkana dhaqankeenna iyo hiddaha Soomaaliyeed ma aha ee waa soogalooti, marka waxaan qabaa brain-washing yaan bulshada lagu sameyn. Waxaa aad u habboon in dadka diinta si dagan loo bara oon la didin, tusaale ahaan Soomaalidu waxey haystaan madhabta Shaafiyada, haddaad adoon u sheegin Xambaliya rugni ay qabta balse uu Shaafici qabin ku kacda wey kaa didayaan, goobjoogna waan u ahaa falkan oo kale.

By Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Stanza"ayaandhalad5@hotmail.com