| |
|
![]() |
|
![]() |
|
HOGGAAMINTA HABBOON “Rag madaxdu ka halowdaa, waa marrin
habaabiye.” Af-Qallooc.
By
Cabdiqaadir Dayib Askar
E-mail: siraskar@live.com
6, Oct 2009
Hordhac:
Hoggaaminta ayaa asal ahaan ku siman ammin dheer oo ka soo
bilaabanta abuurtaankii aadamaha. Saddex haddii la noqdo,
waa siduu Nebigeenii suubanaa(NNKH) ina faree, waa in mid
hoggaamiye loo doortaa. Haa, hoggaamintu sidaasi bay lama
huraan u tahay waayo sanku-neeflaha ayaa ah mid aan ka maarmin
hab iyo hannaan kala wada, oo soo dabaala nidaam macno leh
, si loo yeesho hiraal mug leh, loonna gaadho ula jeedo laga
mideysan yahay. Haykalkaasina badhida salka ma dhigi karo
hadaan la helin hoggaamin himilooyinka guud ee dadka mideysa.
Qofka ayaa lagu aaminaa mansabka hoggaaminimo marka laga
arko awood dheellitiran oo uu u leeyahay hanashadeeda. Isla
markaana lagamamaarmaan ka dhigaysa ka dhabaynta himilada
guud. Hadaba, marka koox dadka la hoggaaminayo ka mid ahi
aqbasho himilooyinkaas, taasi waxay ballaysintaa dhaqdhaqaaq
isbedel doon. Isbedelkuna wuxuu kolba la jaanqaadaa waxay
dadku aaminsan yihiin - dabcan ma aha dadkoo dhan, waa se
dadka hormoodka u ah isbedelka la rabo.
Marka qaybaha nolosha dhan walba laga jeedaaliyo, hoggaamintu
waxay noqonaysaa ta ugu soo noqnoqodka badan. Hoggaamintuna
sida dad badani u haystaan ma ah baarka ugu sareeya ee geedka
hadhaca ah ee siyaasadda ee la wada hadhsanayo. Taa lidkeed,
Islaamka ayaa in baray in qof weliba hawsha loo igmaday masuul
ka yahay. Hoggaamiyuhu waa masuul, wuxuuna ka masuul yahay
hawshiisa. Sidaasoo kale ayuuna qof kastaaba masuuliyaddi
u saaran tahay. Masuuliyaduna waxay bilaabantaa maalinta uu
qofku qaan gaadho, caqli iyo cudud lagu tamarin karona yeesho,
ma se aha marka xil loo dhiibo amma se loo magacaabo.
Hadaba, waxaa isweydiin mudan, wax ay hoggaamintu tahay?
Maxayse faa’iido u leedahay bini’aadamka? Ilaa
haatan lama hayo qeexid si dhab ah isugu xoorsatay rasmi ahaan
waxay hoggaamintu tahay. Lama odhan karo si hufan looma qeexin,
bal se waan la helin mid dhamaan walxaha hoggaamintu ka kooban
tahay meel ku weelaysa. Waxaan se la hilmaami karin raggii
u hawl galay, isuna deyey inay macno qurxoon u sameeyaan.
Burns[1978] ayaa hoggaaminta ku qeexay, “ hoggaamiyaha
oo ka raarida shacabkiisa abuuridda hadaf laga wada siman
yahay oo ka turjumaya qiyam iyo qaneecaad, doonid iyo rabitaan,
himilo iyo hiraal- ay hoggaamiyaha iyo la- hoggaamiyhuba wadaagaan.”
Sidaaso kale, Daariq Suwaydaan oo isna takhasus ku leh hoggaaminta
ayaa wuxuu ku tiraabay,”dadka oo lagu hago hadafka la
isku halaynayo in la hiigsado.”
Dhanka kale, mufakirkii weynaa ee cilmiga maareynta, Chester
Barnard, ayaa buuggiisa ‘Functions of Executive’,
ku qeexay in hoggaamintu tahay: “Tayadda asluubeed ee
xubno bulshada ka mid ahi leeyihiin, halkaasoo dadka kale
u jihaysa fulinta hawl hannaan san leh, loonna abaabulay si
miyir qabta.” Aragtidiisa caanka baxday wuxuu u sawiray
sidii shaxan saddex-geesoodle ah, oo ay cidhifyada ka taagan
yihiin saddex kooxood oo is xidhan: (1) Hoggaamiyaha, (2)
La-hogaamiyaha(shacabka) (3) Iyo xaalada markaasi lagu gudo
jiro. Saddexdan ayaa isla fal gala si loogu hawl galo ka dhabaynta
himiladda guud .
Hoggaamiyahu waa hagge, waanna hoga-tusaaleeye dadka ku hanuuniya
hadafka iyo yoolka la dhigtay. Wuxuu abbuuraa deegaan lagu
hirgelin karo ula jeedooyin qeexan. Hadaanay hoggaaminta dadka
hagaysaa jirin, hadaan hami la xambaaraa meeshaba oollin,
hadaan xeerar dadka lagu dhaqaa dejisanayn, shaki la’aan
bini aadnimadu madaxay dhulka daraysaa, dadkuna wuxuu yeelanayaa
debiciga duurjoogta, “ Xeerka Kaynta” ee awoodu
hadashana wuxuu noqnayaa mid hirgela. Kolba kii itaal is bidaa,
ka kale ayuu cagta hoos mariynayaa si uu uga fushado dan gaar
ahaaneed oo uu ka kale ka leeyahay: ha noqoto mid hunguri
xukumo amma mid si kale ahb’e.
Marar badan ayeynu malaysanaa in hoggaamintu keliya ku xidhan
tahay dhaqanka iyo debciga qof keliya oo bulshada ahi yeelan
karo, oo uu ku hoggaamiyo bulshadda inteeda kale. Inkastoo
taasi mararka qaar dhacdo; hadana waxaan odhan karnaa: Maya,
muhiimadu halkani kuma jirto. Kama dhibcaanku waa tayadda
shacabku kolba yeesho, taasi oo go’aamisa hoggaamintu
halkay isugu biyo-shubanayso.
Dhan kale, sida ay ku midaysan yihiin, labada aqoonyahan
ee reer galbeed, F. A. Nigro iyo L.G. Nigro, dulucda hoggaamintu
waa duufsiga falalka dadka kale; tayada hoggaamiyaha dhabta
ahina waa inuu dadkaasi ku qanciyo inay ku taageeraan in hiraalka
la beegsanayo si hawl yar loo gaadho.Waxay se akhriste tani
ina baraysaa in hoggaamintu tahay karti loo yeesho saamayn
ku yeelashada ummadda, hab dhaqankoodana lagu qorqoro, si
ay ugu jajabnaadan fulinta go’aanadda ka soo fula hoggaaminta.
Si kastaba ha ahaatee, hoggaaminta haboon ayaa dhagaheenu
ugu maqal badan yihiin mar dhawaalaba. Hal haysta ugu badan
ee ay adeegsadaan dadka dhaliila nidaamyadda ka jira ‘Dunida
Saddexaad’ iyo ‘Dunida Islaamkuba’ ayaa
ah: habacsanaanta hoggaaminimo ee ay ku caanka baxeen. Hoggaamintu
haday lahayd hu’ ay huwato, isunna asturto, milgo sarena
u yeela, halkan iyo halkeerba waa lagu arad tiray. Kolkani
waxay isweydiintu noqonaysaa halka ‘habaarku’
kaga dhacay hoggaaminta dunida Islaamka ah ee aynu ka tirsan
nahay. Jawaabtu waxay ku kooban tahay inagoo ka hallawnay
tubtii Rebigeen ina faray, tu’ aynu “wacnaan”
u haysanona ka door bidnay, isla taasi danbena aan weli si
fiican u qaadan, ugunna tababaran sida loo raacayo majaraheeda
iyo xeerarkeeda, labadaba.Waxay arrini haddeer maraysaa halkuu
X. Aadan Af-qallooc ku tilmaamay:
Qudh kaliyoon xil lagu aaminoo qiimo laan
jirine,
Haddii aanu Allaa qaaddiree qiil inoo bixinin,
Oo aanu Qaliifyo u sakharin qaata amarkeenna,
Nin walbaw xabaashaada qodo nololi waa quuse.”
Diirada aynu dulqabano sida haboon ee la inaga rabo in ay
hoggaamintu u eekaato. Mar uu Nebigu (NNKH) uu la dardaarmay
asxaabigii Cabdulraxmaan Al-Samura, wuxuu kula teliyey in
aaanu baadi-gooban madaxnimo, haddii uu daba galana, ku waayi
doono taageeradii Eebe uu siiyo kuwaan xilalka hoggaamineed
aan raadsan. Mar haddiiba Islaamku halkaasi ka joogo, maxaa
suurto gelin kara in qof hoggaamiye loo doorto? Jawaabtu waa
mid fudud, waxayna ku af-jarmaysaa hawsha qofka u hagta xilka
hoggaamineed.
Halbowlaha Hoggaamiyaha:
Waxaa dharaarta ka cad in Nebi Maxamed(NNKH) u ahaa qofkii
ugu guusha badnaa ee soo mar taarikhda bini-aadmiga. Keliya
ma ahayn hannad Rebbi adoomihiisa ka doortay, oo uu ku ilhaamey
diin isbedel nolosha ku keentay, sida uu yidhaahdo Thomas
Carlyle, bal se wuxuu ahaa tusaale nool oo loo soo diray naflaha
si uu u meel mariyo fariin Eebe ka timid oo inaga baajinaysay
in koonkan dushiisa ku bahalowno. Waxaynu ogaanaynaa in hoggaaminta
ay ka horayso ku dayasho, qofka is biday inuu hoggaamiye noqdaa,
ha sameeyo isagu ficilka intaanu amrin dadka kale. Nebi Maxamed
(NNKH) waxa uu ahaa kii ku sifoobay arrimahani: runta, oofinta
ballanta, taageeridda dadka tabaalaysan, geesinimada, garaadnimada,
iyo ammaanada ka hore intaanu cidba kula dardaarmin.
Si dhab ah wuxuu inoo tusay tiirarka adag ee lagu qotomiyey
guulahaasi uu gaadhay. Sirtu waxay ku duugan tahay silsiladdii
nololeed ee Nebiga (NNKH), oo inaga haqab tiri karta baahida
aynu u qabno mabdayda muhiimka ahaa ee lagu sidkay hoggaankiisii
haboonaa. Run ahaantii, Nebigeenu wuxuu ahaa mid nolosha dhanka
togan ka daymoon jiray, hawl kasta oo uu horkacaana waxay
abuuri jirtay han sare oo ummadda Islaamka ah hagga, oo u
dhaweeya hiraal kale oo nafci leh.
Dhanka kale, mar Plato la weydiiyey dadka uu u xulan lahaa
hoggaanka, wuxuu ku soo koobay:’waxaan xulan lahaa kuwo
beenta neceb, runta jecel, lexo-jeceladda leh, dad la dhaqanka
fiican, geerridda aan ka baqan, xasuustana fiican.’
Si walba oo hadalka loo dhigay, iyo xikmad kasta oo lagu
masaalayba, hoggaamintu waa inay yeelata mabdayo dhawr ah
oo hagga hoggaamiyaha, si uu uga badbaado tagri fal uu ka
galo masuuliyad if iyo aakhiroba laysu xisaabin doono. Maba’daydu
waa in aanay iska noqon kuwo layska soo naqilay oo keliya,
oo macnihii gacan-ka-qabashadu meesha aanay ka muuqan. Waa
inay ahaadaan kuwo laga soo dheegtay Kutubka Alle iyo sunnadii
Rasuulka. Intani hoos ku qoranina waa mid nuxur u sii yeelaysa
hoggaamiyaha iyo habkiisa hoggaamineedba.
Aqoon xikmadaysan :Aqoonta dhabta ahi ma ah wax qofku qof
kale ka soo guuriyo, manna ah wax loo maro dhabbooyin aan
dhamaad lahayn oo daba-furan, waa se dadaal joogtaysan oo
qofku sameeyo oo dhaqan iyo asluub wanaagsan dhaxashiisa.
Dhab ahaan, qof kastaa aqoon waa yeelan karaa, misna heer
sare ka gaadhi karaa. Bal se in xigmad aqoontu lammaanaysaa
waa arrin kale. Xigmaddu waa awoodda dhabta ah ee qofka u
sahasha in uu aqoontiisa ku dabaqo xaalado gaar ahaaneed oo
markaasi jirta si loo gaadho natiijo midho dhal leh. Xigmadu
waa jawharada hoggaamiyaha dhabta ah, waayo waa ka u xilka
saaran wanaajinta aayaha ummadiisa. Hoggaamiyuhu waa inuu
maskax furan ku darsadaa siduu ula dhaqmi lahaa awoodaha ku
xeeran, gaadhina karaa go’aan togan oo saameeya bulshada
uu hoggaaminayo.
Aqoontu xikmadaysani waa in ay hoggaamiyaha bartaa dareenadda
dhabta ah, baahida joogta ah iyo duruufaha ku gadaaman dadkiisa.Waa
in uu dadkiisa ka haqab tiraa waxay ka rabaan inuu u hoggaamiyo
iyo in kabadanba, wuxuu aqbalaa canaanta shacabka, yeyba noqon
mid uu kasbadee. Si walba oo ay tahay, aqoontu waa inay hoggaamiyaha
u yeeshaa dabci naf-hurnimo. Waa inuu naftiisa u huraa dadka
kale, maaha kuwo lafahooda iyo inta ku xeeran naax naaxintooda
ku hawlan, balse waa kuwo intaasi ka han weyn. Meel ka saraysana
higsigoodu yahay.
Garsoor xaq yaqaan: Marka la soo hadal qaado halbolaha dhiigga
qaada ee hoggaaminta, waxaa maskaxdaada ku soo degdegaysa
garsoor caddaaladi hagayso. Garsoorku hadaanay ku lamaanayn
naxriis wuxuu ka turjumayaa ad adagay aan loo baahnayn. Naxriis
aan garsoor aqoonina waxay horseeda quf iyo qalalase ku yimaada
nolosha bini-aadmiga. Alle wuxuu Nebigiisa faray inuu noqdo
garsoor naxriis leh waxaanu ku yidhi: (Haddii aad ahaan lahayd
mid qalbi engagan dadku way kaa ag yaaci lahaayeen)[Al-cimraan].Hoggaamiyuhu
waa in si fiican u adkeeyaa xadhkaha dheelitira miisaanka
garsoorka, si uu u dhawro wanaaga iyo wada noolasha ummadiisa.
Markii Nebigu(NNKH) iyo asxaabtiisu Madina ku sugnaayeen,
Nebigu wuxuu amaray in gacanta la gooyo nin xatooyo ku kacay.
Qaar ka mid ah asxaabtiisa waxay malaysanayeen in xukunkaasi
aan la hirgelin doonin mar hadduu xidhiidh qaraabnimo ka dhexeeyey
ninka tuugnimada ku kacay iyo Nebiga. Nebigu(SCW) markuu maqalay
arrintaasi, ayaa isagoo ka xun, wuxuu u sheegay in haddii
inantiisa Faadumo dembigaasi geli lahayd, inaan marnaba laga
dhaafeen, xukunkana Allena la marin lahaa. Wuxuu xasuusiyey
in bulshooyinkii hore loo burburiyey iyagoo dadka maalka leh
iyo kuwo baahanba xeerar u kala gaar ah lahaayeen.
Geesinimo: Qof kasta oo hoggaaminta u badheedhaa waa inuu
laabta u raarido inuu noqdo tusaale hir abuura oo lagaga daydo
geesinimada. Dadku waa in aanay hoggaamiyahooda moodsanin
mid ka baqaya in uu waajaho khasaaraha ka yimaada go’aan
qaadashadiisa. Waa inuu dhibaatooyinka waajihi karaa. Geesinimana
waxaa ugu wacan inaad qadarka Alle iyo wuxuu qoray aad aaminto
waayo waxaad ogaanaysaa in aanay kugu dhacayn wax aan ka ahay
wuxuu Ilaahay kuu qoray.
Sowkii Xaaji Aadan Af-qaflooc lahaa:
“Geesiga senaad weyn leh iyo fulaha
seerara,
Geerida u siman sharafna way kala sarreeyaane"
Sun ku siiye subbag sii: Ma aha xaajo sahlan in aad kasbato
cadow aad ogtahay in xadhigaad xidhaba uu mandiil afdaran
la daba jooga; dabadeena saaxiib aad ka dhigato. Haa, ma sahlana
waayo waa arrin adag oo Ilaahay siiyo cid nasiib wacan. Alle
se wuxuu ina faray in wanaag loogu abaal gudo ka xumaha ku
bada. Bal ka waran kii kuu xigay markuu ku xumeeyo ee aad
iska dhaafto; iyadoo aan ognahay maahmaahda ah ‘Nabar
aan hadhin naxli sokeeyaa leh’? Nebigu (NNKH) intaanu
samayn waxaa lagu baray Quraanka oo looga sheekeeyey sida
uu Nebi Yuusuf (CS) uu ula dhaqmay walaalihiis, inaguna waa
inaan barannaa, kunna dhaqanaa.Wanaag samayntu waxay raad
ku reebtaa qabliga ruux debiga falay. Waxay ku abuurtaa soo
jiidasho hor leh oo uu qofku kale u qaado. Marag madoon waxaa
u ah siduu Nebigu ula dhaqmi jiray gaalladii reer Qureysh.
Doorashadda Awoodda Nabadeed: Colaadu ma beerto waxaan ahayn
midho xun waayo waxaa lagu abqaalaa nacayb, waxaa na lagu
waraabiyaa dhiigga dadka lala dirirayo. Ilbaxnimaduna inama
farto ‘si-welba’ yeelka. Taasi lidkeeda oo ah
in nabad wax lagu weeleeyaa ka qumman tan hore. Nebiga(NNKH)
iyo ciidankiisu markay qabsadeen Maka, waxaa la hor keenay
cadowaydii ugu waaweynaa ee uu dhabanka dhulka ka dhigi waayey.
Waxay ahaayeen been abuurayaashii dagaalka kulul kula jiray.
Nebigu wuxuu ka doortay xikmad odhanaysa ‘ha ka aargoosan
, laga yaabaa in beri anfac laga helee.’ Wuu cafiyey,
xoriyad buuxdana siiyey. Natiijaday dhashay waxay ahayd arrin
mahadho reebtay: in dhamaan ay si deg deg ah u aqbaleen diintii
Islaamka.
Tanaasulaad: Raganimada ta ugu saraysaa waa danta guud oo
aad ka doorbido, kanna horraysiiso dantaada gaarka ah. Markii
Heshiiskii Xudaybiya dhacayey, Nebiga (NNKH) wuxuu ku saxeexay,
Maxamed, Rasuulkii Alle. Waftigii Quraysh ka socday way ka
diideen, cadho badana ka muujiyeen. Nebigu ( NNKH) ismaba
lurin e wuxuu si fudud ugu bedelay, Maxamed, Wiilkii Cabdilahi.
Tanaasulaad in la muujiyaa maaha doqoniimo, manna aha liidnimo.
Waa in dhego nugayl laysu muujiyaa marka arrimahu cakirmaan,
himilo la beegsanayona jirto, waa arrinta sirta u aha hoggaaminta
haboon. Waxaa si hufan arrintani u sharaxay odhaahdii Caasha
( Alle ha ka raali ahaadee ), ee ay tidhi: “ Markasta
oo ay Nebiga ay la soo gudboonaato laba arrimood, wuxuu ahaa
kii doorta labadda teeda fudud.” ( Al Bukhaari). Doorashada
labada ka fududi waa labada ka macquulsan, ka kaasi doortana
waa ka dhab sheegi karaa yoolka uu beegsanayo.
Wada tashi: Wada tashiga ayaa ah in lays dhaafsado aragtiyo
si meel laysula dhigo arrin qof wax ka badan saamaynaysa.
Wada tashigu waa inuu yahay ubucda hoggaaminta, si hadhow
loo gurto hoobaan macaan. Wada tashigu wuxuu meesha ka saaraa
kelitelisnimada; maxsuulka arrimaha laga wada xaajoodaana,
wuxuu ka dhigan yahay mid dheef iyo dhibba la qaybsado. Waanna
waxyaabaha hormarka ka kow ah, Ilaahayna Nebigiisa (NNKH)
wuu amray (La tasho Arrinka) [Al-Cimraan] muuminiintana wuxuu
ku ammaanay (Amarkooduna waa wada tashi)[ Ash-shuraa].
Diinteenu waa taasi dhiirigelinaysa is dhaafsiga aarada si
fahan iyo saaxiibtinimo ka muuqato. Soomaalidu waxay tidhaa,
“ Arrintaan la ruugin, waa lagu rafaadaa”. Hoggaamiyuhu
waa in uu la tashadaa dadkiisa waayo waxay u muujinaysaa kalgacaylka
uu u hayaa intuu le’eg yahay. Yaallaba talo-wadaagu
ma aha arrin ay “Dunida Islaamku” sidii la rabay
u adeegsato. Markaynu inagu iska hadalno, gacmahaa dhafoorka
ku engegay! Waa taasina ta in badda in had iyo jeer madax
isla wada galo, shacabkana ku xidhay qol madow oo si looga
baxaa ay adag tahay. Waxaan u aanaynayaa inagoo sirtii diinteena
ku jirtay hilmaamnay.
Ha hareer marin waanadda:
Waanadii Cali Bin Abii Daalib ee Maalik
Ashter, Badhsaabkii Masar
‘Ogsonow Malikow! Waxaa kuu dirayaa gobol hortaa ay
soo mareen hoggaamiyaal cadaalad iyo cadaalad daroba lahaa.
Dadku waxay si weyn ugu fiirsan falalkaaga; sida aad adiguba
u dhugan doonto kuwooda. Wey kaa hadli doonaan; sida aad adba
uga hadli doontid. Ogow, dadku waxay si wacan uga hadlaan
hoggaamiyihii u wanaagsanaada. Dadku waa kuwo maragga u noqonaya
falalkaad samayn doonto. Hadaba, sirta dahabiga ah ee aad
yeelan doontaa waa camalka wanaagsan oo aad samayso. Ka Ilaali
naftaada rabitaankeeda, unna diid inay yeesho wixii loo diiday.
Qalbigaaga sii shacabkaaga, kalgacayl iyo naxriisna ha kaa
arkeen. Ha ula dhaqinmi sidii oo ay yihiin ma noolayaan. Hanna
isa siin wixii hanti iyagu leeyihiin.
Ha odhan: ‘Waxaan ahay keli teliye, sidaasi darteed
amarkayga waa in la qaataa.’, taasi waxay kugu keeni
kartaa inuu qabligaagu xumaaado, imaankaaguna hoos u dhaco.
Waxayna kugu abuuraysa qas iyo qalalaase aanad maarayn karin.
Marka aad awoodda hanto, haddii dhibicna ha ahaatee aad dareento
calaamadaha kibirka iyo isla weynida, u soo noqo Alle, una
fiirso awood Alle ee baaxada weyn ee koonkani aynu joogno.
Bal eeg waxa awood iyo maamul ah haba yaratee kuma lihid abuurta
sidani u dhigan. Waxay tani kuu soo celin doontaaa miisaankii
caqliga, waxayna ku gelin doontaa dareen degen iyo cabsi Alle.
Iska jir! Inaad marnaba ka hor timaado Allihii ku uumay, adduunkana
maamulkiisa hayey, amma isu saansaan eekaysiiso, waayo Alle
waa ka hoos u dhiga mid kasta oo kibir badan, oo ka badbadiya
nimcada la siiyey.”
Haatan iyo dan:
‘Waxba hadalku yuu ila hugmine, waxaan ku soo hoorshay’,
hoggaaminta ma aha keliya in hebelo laysu bedelo, madax ka
duwan kii hore ee la arkayna meesha la fadhiisiyo. Waa se
in had iyo jeer laysla meel dhigo hannaanka loo marayo isbedelkaasi,
lanna sii xaadho majaraha inagu hagaya sidii aynu wada jir
ugu gaadhi lahayn himilideena guud. Hoggaaminta milgaheedu
waa isbedel joogtaysan. Isbedelkaasi ma ah mid hoggaamiyuhu
keeno oo keliya ,sida uu hoggaamiyaha haatan ee Maraykanku
halhaysta uga dhigan jiray, isaga qudhiisuna waa inuu giraanta
isbedelka goortiisa raacaa. Hoggaamiyahu ma aha inuu ku dhagaxoobo
kursiga misna aamino in cid isaga dhaantaaba aanay jirin.
Waxaan caad saarnayn in hawl karnimida iyo hormoodnimada hoggaamiyahu
kolba ay is dhinto, ilaa ay ka gaadho heerka ugu hooseeysa,
ee uu hoggaamiyuhu tallax gabo. Taasaan ah sababta ugu weyn
ee loo rabo in hoggaaminta isbedelkeeda la joogteeyo. Hadaba,
si aanu hoggaamiyuhu ugu hore dhib mudan indhaha dadka daawanay,
waa in uu maamuska loo hayo xushmeeyaa, dadkanna u sii sagootiyaa
si gobanimmo ku jirto. Akhriste, sow isbedelkuba hoggaaminta
ka badh maaha?
Raad raac:
1-Iacocca, L., (2007), Where Have All The Leader$ Gone?,CBI
Bath Press, London, UK.
2-Shire, S. Cali., (2009), Hoggaamiye Isbedel Horseeda, Buuh
Publications, Leicester, UK.
3-Xasan, M. Baashe (2008), Hal Aan Tabayey,Bashe Publications,
London, UK.
Qallinkii: Cabdiqaadir Dayib Askar
E-mail: siraskar@live.com
Kampala : UGANDA
|