Halganka dad iyo dal lagu xoraynayo waa wax aad
u adag oo aadanuhu isku wada raacsan yahay in meel qabaw uusan
lahayn.Inta uu halganku sii xogaysanayo waxaa iyaduna garab
socota dhibka iyo rafaadka ka dhasha hayaanka halganka.Halgamaaga
caanka ah ee aan aaminsanayn wax diin ah Nelson Mandela ayaa
mar la waydiiyay jidka ugu sahlan ee xoriyadda loo maro ayaa
waxa uu meesha ka saaray in uusan jirin jid sahlan oo halgan
loo maro.Sida markii meel kayn ah lagubo ay banaanka ugu soo
baxaan dhamaman xayawaanka kujiraayi ayaa kulaylka halganku
waxa uu mar walba banaanka usoo saaraa noocyo badan oo qarsoonaa
oo gumaysiga la shaqeeya,marka waxaa layidhaahdaa halgan kasta
dantiisaa kujirta in dhibku kusii bato illaa lagaadho heerka
uu ka gudbi karo shakhsiga wax ka dhab yihiin oo kaliya uuna
iska hadhi shakhsi kasta oo kusocda mudutuul iyo mid kasta oo
hugunka raacayba.
Xornimada uu insaanku ubaahan yahay waxaa looqaybiyaa
labo aan kala maarnim kalana horeeya,kuwaas kala ah:-
· Xoriyadda maskaxda
· Xoriyadda dhulka
Xoriyadda maskaxda
Jidhka bini aadmigu waxa uu ushaqeeya si dawli
ah oo leh waaxyihii maamulka,kuwii go’aan qaadashada iyo
kuwii difaacaba,taasoo sidaas ah ayaa waxaynu ognahay in maskaxdu
ay tahay meesha kaliya ee laga fasiro dareen kasta oo ay keenaan
nervayaasha layidhaahdo sensors ka ee jidhka kasoo gudbiya dareenka.Hadba
jawaabta ay maskaxdu bixiso ayaa noqon karta maxsuulka dhabta
ah ee uu jidhku kagajawaabo dareenka yimaada.Hadii marka maskaxda
awooddas lihi ay isku dhexyaacdo waxaa meesha kasoo baxa maxsuul
khaldan,waana mida sababta in marka qofku uu waasho uu ugu dhaqaaqo
falal khariban oo markaas ugu muuqda wax fiican.
Ruuxa marka uu wiswiska iyo kayaabku kabato waxaa
maskaxdiisa ku dhaca quus,ogoow hadda akhristoow hadaad quus
maqasho waa virus halis ah oo si toos ah ugu dhaca maskaxda
sidaas awgeed ruuxa cudurkaasi haleelo waxa uu mar walba daba
maraa himilada iyo rajada saadka u ah naf kasta oo bini aadmiga
kujirta.Dagaalkii Badar markii Asxaabtii ay heshay dhabr-jabin
ciidankii cadawga oo wato Khaalid Binu Wazliid ee loo awood
sheegtay asxaabtii ayaa waxaa yeedhay dhawaaq ah “Maxamed
wuu dhintay”,rag asxaabtii kamid ahaa ayuu haldalkaasi
markiiba kuriday viruskii quusashada markaasay iska fadhiisteen
dagaalkii oo socda.Nin asxaabi ah oo dagaal kijira ayaa arkay
nimankan iska fadhiya markaasuu markiiba waydiiyay “war
maxaad la fadhidaan”,waxay dheheen “Maxmed wuu dhintay”.Asxaabigani
muusan hubin in warkaasi run yahay iyo inkale laakiin waxa uu
rumaysnaa xataa haduu dhintay in waxa uu ku dhintay in lagu
dhinto wax dhaama uusasn jirin, markaas ayuu kuyidhi “Oo
hadii uu dhintay wixii uu kudhintay inaad idinkuba ku dhimataan
maxaa idiin diiday?”.
Dhageheena waxaan marar badan ku maqalnaa dad
odhanaya dagaalku xal ma aha Itoobiyana iskama celin karno ee
aa laheshiino.Hadalka noocan ahi akhristoow ma aha mid dhawaanahan
bilawday ee waa mid waligii soo jiray ruux kasta oo quusta viruskuna
haleelo ayaa cuskadan hadalada noocan oo kale ah.Ururkii la
odhan jirin Al-itixaad ayaa shagaashanaadkii waxa ay dadka kuwacdiyi
jiree “Waxaan qabsan doonaa Washington” waa intii
uusan haleelin cudurka quusashadu,kadib dabayaaqadii shaqaashanaadkii
iyo wixii ka dambeeyay waxaa haleelay viruskii dooduna waxa
ay isu badashay “Itoobita iskama celin karno ee aan la
heshiino”.Ogoow hadaba markaxdii cudurku haleelay miyirqabkii
way ka tagtay oo waxay bixisay fasir quus ah.Hadii uu ruux walba
dib u fiiriyo dadka uu la nool yahay ee ay qadiyadda wadaagaan
waxa uu arkayaa qaar si naturally ah u aaminsan in waligeed
aan guul lagaadhaynin,kasoo qiimayn argagax leh mar walba naftiisa
tusa,kaasi waa ciil iyo cuqdad kama kore marwalbana waxaa horyaala
rajo-xmo,waxaa kale oo aad arki mid kale oo aaminsan in barri
lagaadhi guul kasta oo lafilayo in lamarkaana awood kasta oo
jirta ay naftiisu ka dhigayso mid khafiif ah oo durba laga guulaysan
karo.Marka waa muhiim in halgamuhu uu ugu horaysiiyo xoraynta
maskaxda bini aadmiga si uu shakhsigu uyaqiinsado in uu ka dhabayn
karo himilooyinkiisa.
Xoriyadda dhulka
Xoraynta dhulku way fududahay mar hadii dadkii
dhulka iska lahaa ay rumaysan yihiin in ay gaadhi karaan yoolkooda,waa
laga yaabaa in wakhtigu ku dheeraado maadaana ay wakhti qaadan
karto inta uu cadawgu salka dhulka ku dhufanayo.Wadada loo marayo
in dhulka la xoreeyaana waa mid u baahan in halgamahu uu yahay
mid ku hubaysan fikir fog iyo istaraatijiyad ku qotonta wakhtiga
dheer ee ay ku qadaan karto in uu gaadho aayihiisa.
Hadaba daan usoo daadago muhiimada qormadayda
waxaan akhriyay maqaal kuqoran webka boodhka isku qarin jiray
ee hadda banaanka isasoo dhigay wabishabeele.com
magaalkaas oo aan hubo in far Soomaaliga uu kuqoran yahay ay
ka fiicnaan lahayd in lagu qoro luuqadda Tigreega ama Axmaraarigaba,waayo
waxa ay ahayd faallo si dhab ah loogu raalli galinayo dhagaha
(Tigrega) qoraaga faaladani waxaan shaki kujirin in uu ka go’aan
gaadhay qoridda faaladan,tahayna faallo ay keentay dareenka
khalan ee maskaxda kayimid ee gaadhay heer Tigreega lamaqashiiyo
in dadka Ogaadeenya Geeska Afrika lagu dhibo oo markaas in ay
isdhiibaani ay tahay xalka kaliya ee u banaan.Maqaalkan oo maskaxda
lagu qiimeeyay mustaqbalka Ogadeenya ayna ahayn maskx ka badbaaday
cudurkii halista ahaa ee aan kor ku soo sheegnay ayaa waxaan
Go’aansaday in aan dhow eray ka dhoho.
Dagaalka 15 sano
lagu jiray ee aan faa’iido laga gaadhin
Shan iyo tobanka sano ee uu qoraagu ku tilmaamay
wakhti dheer oo aan guul lagaadhin,aad baan uga soo horjeedaa
waxaana u arkaa in wali aan lagaadhin xiligii laga midho dhalin
lahaa aayaha umadda,dawyowga xoroobayna way yar yihiin wadamada
wakhti intaas kuyar ku xoroobay.Mida kale halganka oo dheeraada
waxa ay dadka ubislaysaa in dhawaan ay noqdaan kuwo ilaashada
dhulkooda isla markaana lexejeclo wayn uyeesha dhulkooda.Waxaan
shaki kujirin hadii manta umadda layidhaahdo qaata xoriyadiina
in ninka maqaalkan qorayi uu dhihi lahaa
isma xukumi karno!!.
Horumar lagaadhi
lahaa hadi ayna xabbadi jirin
Dagaalka iyo xabbadu ma ah wax la jeclaado ama
nafta bini aadmigu ku faraxdo laakiin waa wax uusan ka fursanaynin
qof dulliga diiday,qolayaha madiidinka ah ee kilika ayaa dhaha
hadii ayna xabadi jirteen dadku waxa ay gaadhi lahaayeen horumar
iyo nolol fiican.Dadka Soomaalida Ogaadeenya waxa ay ugu aqda
xumaayeen xiliyadii ayna xabaddu wadankeena ka dhacaynin.
Sanadkii 1964-1976 kii wax dagaal ahi ma soconin
dadkuna waxa ay kujireen dhib iyo gumaysi lagu dilayo jinsiyadooda
lagana barakicinayo ciidoodii hooyo.Itoobiya way ogtahay in
dadkan ay dhulkiisa xoog kuhaysato markaa marna ma aaminayso.
Sanadkii 1980-1990 kii wax xabbad ahi kama dhacaynin
dhulka Ogaadeenya taasi waxa ay sababtay in qaybihii ugu muhimsanaa
dhulka Ogaadenya ee dhul beereedka ahaa ladajiyay dad Itbooiyaan,waa
dhul beereedka Godey.Dadakaas oo qaatay beerihii muhiimka ahaa
isla markaana laga dhigay kuwo reer baadiye ah oo xoolo dhaqdato
ah,illaa heer lagaadhsiiyay in caanaha magaalada Godey laga
gataayi nodaan kuwoodii oo dadka lootusay in yihiin caano dawaysan,kuwii
ay muwaadhiniintu iska lahaayeena lagaba joojiyay magaaladda.Meelo
kale kale oo Ogaadeenya kamid ah waxaa lagu abuuray dad Itoobiyaan
ah oo Doofaarka sidii xoolihii miyiga ugu raacda oo intii lahubeeyay
loogu talo galay in ay dhulkooda ka qaataan dadka Soomaalida
Ogaadeenya,xiligaas waxaa wadanka ka talinayay Mingistu Xayle
Marian wax xabbad ahina ma dhacaynin xataa dawladdi Soomaaliya
xiligaas way iskaga hadhay sheegashadeedii ahayd in dhul Soomaaliyeed
uu ku maqan yahay Itoobiya oo waxayba wada gaadheen heshiis.Halkaas
waxaad ka garan kartaa kuwa ku qarwa in xabbadu tahay midda
horumarka ka hortaagan ay yihiin kuwo dhaan-dabangaalle sacabada
uhoorsada.
Ogaadeen waxaa
la col ah Soomaalida oo dhan
Tigreegu waxa ay go’aan ku gaadheen in maamulada
ay ku adeegtaan
ee Puntland iyo Somaliland in ay noqdaan cadaw
cusub oo ay yeelato umadda Ogaadeenya isla markaana vocuska
umadda loo jeediya dhanka Soomalida oo dad badan oo qoraaga
wabishabeele.com uu kamid yahay ay aaminaan in Itoobiyaanku
inaga xigaan Soomaalida.Hadaba markaan xaqiiqada kor istaagno
ma dadka Soomaaliyeed baa col la ah Soomaalida Ogaadeenya mise
xukuumado dabadhilif ah oo Tigreega ka cabsanaya ayaa falkan
gaysanaya?.Dadka Soomaaliyeed waa wada walaalo waxna wuu wada
dilaa waxna wuu wada nooleeyaa,xiliyada adag ama qalafsan ee
lagu jiraana ma noqonayaan kuwo naga leexin kara xaqa
(waa ladoogiye yaan ladacaroon).
14 kii March 1994 kii kalfadhigii 3aad baarlamaanka
qowmiayddu ay 100% isku raaceen in afti laga qaado shacbka ayaa
17 kii April 1994 kii Malase Zenawi waxa uu magaalada Godey
kula kulmay odayaal laga soo ururiyay gobolada Ogaadeenya,waxa
uu rabay in uu ka dhaadhiciyo in go’aanka baarlamaanku
yahay mid aan dantooda ahayn oo markaas uu iyaga kahelo cod
ah in ay ku qanacsan yihiin kamid ahaanshaha Itoobiya waxa uuna
kuyidhi “Waxaad ogtihiin
Soomaaliya in ay burbursan tahay oo qabiil-qabiil isu laynayso,marka
anigu idinka oo Ogaadeen ah dantiina ayaan wadaa ee waxaan idilkula
talinayaa in aad ogolaataan Itoobiyaanimada”.
Akhristoow hadalkaas iyo midka uu maanta qoray
ninka webkan qora miyaanay ahayn laba hadal oo iskumid ah? Miyeyse
kala cadawtinimo sokeeyaan?.Waxaan filayaa in colka iyo saaxiibka
dadka Soomaalida Ogaadeenya ayna Tigreegu baraynin sidaas ha
ogaadaan kuwa qiiqa isku qariya ee muraadka ay leeyihiini uu
ka duwan yahay kan ay afkaka sheegaan.