Qisaba qisay ku xusuusisaa, dhacdooyinkii taxanaha
ahaa ee labadii sano ee u dambeysay ka socday degaanka woqooyibari
somaliya ee iskumagacaaba “Puntland” dhaqanadaa
yaab ka leh ee horjoogayaasha maamulka jirrida Bari kula kacday
shacbiga Somalida Ogadeniya ee dolman, xaq udirirkana ah. Dhabar
jabinta walaalka iyo ka hiilinta geesiyada gobanimodoonka ee
somaliyed, u hiilinta iyo garab istaaga cadawga ummadda somaliyed
iyo gumaystaha ku soo duulay(Tigre laangaabka ah) ee maanta
taagan sow inama xusuusinayso taariikhdii Siyad Maxamed Cabdile
Xasan iyo Daraawiishtii gobanimodoonka somaliyed ahayd ay ku
khayaaneen Salaadiintii iyo horjoogayaashii horaantii qarnigii
20aad, raadreebkeedii taariikheedna dunida iyo somaliweyn dhammaanteed
ka dharagsantahay.
Sida dhacday jeerkaa, 109 sano laga joogo sow
ma dhicin eegga aynu shaahido nahay. Boqorkii Bandar Qaasim
Cusmaan iyo Suldaan Keenadiid, markay gumeystihii Talaaniga
iyo Ingiriisku ku muraadsadeen sida iyo meesha u dambeysay taariikhdaa
sugtay, Asaasihii maamulka W/bari ee Budhcad-badeedu qabsatay
M/weynhii Kumeelgaadhka ahaa ee Jamhuuriyada Somaliya C/hi Yusuf
sow uma eka sida xidhiidhkuu la lahaa Itoobiya ku dhammaaday
sawirkaa aynu ku aragnay qarni ka hor. Siyaasiyiinta somalida
qaarkoodna sow ma ah damiino iyo Dhagarro aan xafidin darsiga
sooyaalka siyaasiga ah iyo buuggaagtaba ku dhan?
Dhabkale sow dhito sooyaalka ummadda somaliyed
inama barin, in xaqa maguuraanka ee ummadda somaliyed u leedahay,
gobnimadeeda, Qaranimadeeda iyo midnimadeeda, dabadhilif, danayste,
somalidiid, Somali bi,is iyo gumaste kasta oo iskaashada aan
la baajin Karin sidii kacaankii daraawiisheed u midhalay xoriyadii
iyo midnimadii 40 sano kadib 1960. kani waa xaq taariikhdu u
sugta ummaddaha oo dhan. Innaga oo ogsoon 18 gu’ qudha
ka hor in Dawlada Eritrea ka xorowday gumaysiga Tigrega tirade
yar ee taagta daran.
Miyayna daliil cad u ahayn in khariidada sharci darada ah ee
Abasynia iyo dadyowga kala jaadjaadka ee Qobtolka Atoobiya ayna
lama taabtaan ahayn cimrigeeduna gaabanyahay.(talyaani iyo Ingiriis
haday ku waari waayeen dhulka somaliyed siday Xabashi Qaydhiin
cun ah ugu waari kartaa dhulka somaliyed ee Oagdeniya). Horjoogeyaasha
Budhcadbadeeda Garowe kuududa ma ilaaween darsigan taariikh
siyaasadeedka raadkisu qoyan yahay ee ku jira guuldarada ka
raacday qabqableyaasha Maamulku sheega somalidiidka Hargaysa
falalkooda raqiiska ahaa ee ay ku minjoxaabinayeen kacaanka
xaq udirirka Ogadeniya, adeege dhagawadanna u ahaa taliska Dhiigyocabka
TPLF mudada 14 sano ah; oo ayna ka dheefin waxaan ka ahayn hal
baabuur oo Rasaas laga siiyay sadexdii masuul ee ugu horeysay
ee ay ka gateen sebtembar 1996 xiligii Cigaal, dhaxalka ay ka
heleena uu yahay, Aqoonsigooda oo Woyaane hortaagan yahay, xidhiidhkii
gancsi ee labada shac oo xumaaday, ceeb tariikhdu kaydisay,
Calaf la,aan iyo Halganka gobanimodoonka Somalida Ogadeniya
oo karaar qaata. Dadna mahayaan dabana uma fayooba heer ay gaadheen
in kooxahooda mucaaradka ah iyo xaynta dhuljiifka Hargaysa uu
dhexdhexaadiyo sargaal jaahil ah oo ciidankii Jabhadda Tigrayga
TPLF ah, caqliga somali ka goynhaya Hargaysa, waa kaas garan
waayay inay Maleeshiyada TPLF Jigjiga ka joogta kaga xoroobaan.
Ama garaadkoodu siiyo inta ayna TPLF afgaran inay iyagu is afgartaan
somalina afgartaan (mucjisooyinka qarnigan weeye).
Higiro yarida iyo Damiinnimada Budhcadbadeda Garowe
waa ta iyana gaysiisay in dhacdooyinka taariikhiga ah ee oodwadaagooda
iyo Dariskooda ka dhacaya ayna arag, akhriyin waxna ka baranin
macalinka ugu wayn bare ee taariikhda siyaasiga ah, hadday akhriyaana
ayna fahmin, hadday fahmaana ayna ka faa,iideysin.
Tariikhdu iyadaa is qorta, run dadka qaarkii u
khadhaadhna way uruurisaa, ka hor burburkii qaranki Somaliya,
shaqsiyada qofka somaliga iyo kaalinteeda taariikheed deegaanada
iyo beelaha somaliyed qaarkoodba si fadhi-kudirirnimo ah afka
ku boolyan jiray una ekeysiin jirey sawir beena, kutidhikuteenta
shacabiga dhexdeeda, taas oo aan lahayn tixraa cilmi iyo run
ah toona. Heer af ku xoogleyaasha taariikhda kufsanhaya, dadweynaha
somaliweyn qaarkood dhab u qaataan kana dhaadhacdo. Sida Faylasuufku
yidhi “been ku celceli ilaa ay run noqoto oo aad adigii
alifay rumaysato”. Nasiib waanaag marxaladan xun ee lagu
jirose waxay ku aaday xili shacbiga somaliyed yarehe ilbaxay,
wax qoro, akhriyo,fartsiisa hooyana 35 jirsatay in badan oo
kamid ahna si goobjoog, marag, sheeko iyo shaahid u og yihiin
una ilaalaynayaan dhacdooyinka iyo isbadalada waaweyn ee mahadhada
reebay saamayntana ku leh noloshooda iyo aayotiinkooda nololeed
ee Geeska Afrika. Isbaratay Somali qaybqayb, gobolgobol, degmodegmo,
beelbeel, jilibjilb iyo qofqof laysu baray, kabtan waxaynu gocon
Maahmaahda somaliyed ee dhahda “Balayaana ma fiicna Beryo
Aragnimana ma xuma”.
Erey-bixinta dhaqameedyada ay kamidka yihiin “Gun
iyo Gob, Nasab iyo Nasab-dhiman” carrab iyo laba daan
hadal madaayaane ma noqon doonaa sidii caadada gobowda ahayd
in la iska dhaho oo si dulmi iyo il adayga ah dusha looga saaro
Somali dhalad iyo asal ah oon mutaysan, mid bilaash xayte ahna
is huwiyo sharaf iyo gobanimo uusan mudnayn, una qalmin, ileen
isaga unbaa bixiu jiray darajada liidan iyo sareynta, isku harqin
jireye. Alle mahadii somaliweyn maanta waa wada jooge iyo markhaati
run fure ah, xaqiiqana waxaa noqon in naanayso jiray tirmaan
kuwa cusubna curtaan, iyaga oo waliba run ku qotoma. In la qaayibo
dib isu qorida tariikhda somaliyedna ay qasabtahay, kal-jeclaysi
iyo dabamaryo midna aqbalaynin (run khadhaadh). Ileen horaa
loo yidhi taariikhdu ma naxariisato e’.
Hadaba guntii iyo gabagabadii qormadeenan gaaban,
aniga oo jeclayn in beel iyo bulsho somaliyed oo noockasta oo
dad yahay leh guud saro ceeb culus iyo canbaar gooni ah, hadana
akhristow goob joogaha saban iyo taariikhyahanka da’da
yar ee sabankan daawanaya dhacdooyinka uu ujoogay sow isma waydiin
karo tuducan gabayga ah ee 80 sano ka hor Abawan somaliyed tiriyey?