Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
Waqooyibari.com
Waayaha

WAAYUHU WAA MACALIN TAARIIKHDUNA WAY SOO NOQNOQOTAA!!
W/Q Samatar Liibaan Sharmaarke
Keydraasin@gmail.com
6, Nov 2009

 

Qisaba qisay ku xusuusisaa, dhacdooyinkii taxanaha ahaa ee labadii sano ee u dambeysay ka socday degaanka woqooyibari somaliya ee iskumagacaaba “Puntland” dhaqanadaa yaab ka leh ee horjoogayaasha maamulka jirrida Bari kula kacday shacbiga Somalida Ogadeniya ee dolman, xaq udirirkana ah. Dhabar jabinta walaalka iyo ka hiilinta geesiyada gobanimodoonka ee somaliyed, u hiilinta iyo garab istaaga cadawga ummadda somaliyed iyo gumaystaha ku soo duulay(Tigre laangaabka ah) ee maanta taagan sow inama xusuusinayso taariikhdii Siyad Maxamed Cabdile Xasan iyo Daraawiishtii gobanimodoonka somaliyed ahayd ay ku khayaaneen Salaadiintii iyo horjoogayaashii horaantii qarnigii 20aad, raadreebkeedii taariikheedna dunida iyo somaliweyn dhammaanteed ka dharagsantahay.

Sida dhacday jeerkaa, 109 sano laga joogo sow ma dhicin eegga aynu shaahido nahay. Boqorkii Bandar Qaasim Cusmaan iyo Suldaan Keenadiid, markay gumeystihii Talaaniga iyo Ingiriisku ku muraadsadeen sida iyo meesha u dambeysay taariikhdaa sugtay, Asaasihii maamulka W/bari ee Budhcad-badeedu qabsatay M/weynhii Kumeelgaadhka ahaa ee Jamhuuriyada Somaliya C/hi Yusuf sow uma eka sida xidhiidhkuu la lahaa Itoobiya ku dhammaaday sawirkaa aynu ku aragnay qarni ka hor. Siyaasiyiinta somalida qaarkoodna sow ma ah damiino iyo Dhagarro aan xafidin darsiga sooyaalka siyaasiga ah iyo buuggaagtaba ku dhan?

Dhabkale sow dhito sooyaalka ummadda somaliyed inama barin, in xaqa maguuraanka ee ummadda somaliyed u leedahay, gobnimadeeda, Qaranimadeeda iyo midnimadeeda, dabadhilif, danayste, somalidiid, Somali bi,is iyo gumaste kasta oo iskaashada aan la baajin Karin sidii kacaankii daraawiisheed u midhalay xoriyadii iyo midnimadii 40 sano kadib 1960. kani waa xaq taariikhdu u sugta ummaddaha oo dhan. Innaga oo ogsoon 18 gu’ qudha ka hor in Dawlada Eritrea ka xorowday gumaysiga Tigrega tirade yar ee taagta daran.


Miyayna daliil cad u ahayn in khariidada sharci darada ah ee Abasynia iyo dadyowga kala jaadjaadka ee Qobtolka Atoobiya ayna lama taabtaan ahayn cimrigeeduna gaabanyahay.(talyaani iyo Ingiriis haday ku waari waayeen dhulka somaliyed siday Xabashi Qaydhiin cun ah ugu waari kartaa dhulka somaliyed ee Oagdeniya). Horjoogeyaasha Budhcadbadeeda Garowe kuududa ma ilaaween darsigan taariikh siyaasadeedka raadkisu qoyan yahay ee ku jira guuldarada ka raacday qabqableyaasha Maamulku sheega somalidiidka Hargaysa falalkooda raqiiska ahaa ee ay ku minjoxaabinayeen kacaanka xaq udirirka Ogadeniya, adeege dhagawadanna u ahaa taliska Dhiigyocabka TPLF mudada 14 sano ah; oo ayna ka dheefin waxaan ka ahayn hal baabuur oo Rasaas laga siiyay sadexdii masuul ee ugu horeysay ee ay ka gateen sebtembar 1996 xiligii Cigaal, dhaxalka ay ka heleena uu yahay, Aqoonsigooda oo Woyaane hortaagan yahay, xidhiidhkii gancsi ee labada shac oo xumaaday, ceeb tariikhdu kaydisay, Calaf la,aan iyo Halganka gobanimodoonka Somalida Ogadeniya oo karaar qaata. Dadna mahayaan dabana uma fayooba heer ay gaadheen in kooxahooda mucaaradka ah iyo xaynta dhuljiifka Hargaysa uu dhexdhexaadiyo sargaal jaahil ah oo ciidankii Jabhadda Tigrayga TPLF ah, caqliga somali ka goynhaya Hargaysa, waa kaas garan waayay inay Maleeshiyada TPLF Jigjiga ka joogta kaga xoroobaan. Ama garaadkoodu siiyo inta ayna TPLF afgaran inay iyagu is afgartaan somalina afgartaan (mucjisooyinka qarnigan weeye).

Higiro yarida iyo Damiinnimada Budhcadbadeda Garowe waa ta iyana gaysiisay in dhacdooyinka taariikhiga ah ee oodwadaagooda iyo Dariskooda ka dhacaya ayna arag, akhriyin waxna ka baranin macalinka ugu wayn bare ee taariikhda siyaasiga ah, hadday akhriyaana ayna fahmin, hadday fahmaana ayna ka faa,iideysin.

Tariikhdu iyadaa is qorta, run dadka qaarkii u khadhaadhna way uruurisaa, ka hor burburkii qaranki Somaliya, shaqsiyada qofka somaliga iyo kaalinteeda taariikheed deegaanada iyo beelaha somaliyed qaarkoodba si fadhi-kudirirnimo ah afka ku boolyan jiray una ekeysiin jirey sawir beena, kutidhikuteenta shacabiga dhexdeeda, taas oo aan lahayn tixraa cilmi iyo run ah toona. Heer af ku xoogleyaasha taariikhda kufsanhaya, dadweynaha somaliweyn qaarkood dhab u qaataan kana dhaadhacdo. Sida Faylasuufku yidhi “been ku celceli ilaa ay run noqoto oo aad adigii alifay rumaysato”. Nasiib waanaag marxaladan xun ee lagu jirose waxay ku aaday xili shacbiga somaliyed yarehe ilbaxay, wax qoro, akhriyo,fartsiisa hooyana 35 jirsatay in badan oo kamid ahna si goobjoog, marag, sheeko iyo shaahid u og yihiin una ilaalaynayaan dhacdooyinka iyo isbadalada waaweyn ee mahadhada reebay saamayntana ku leh noloshooda iyo aayotiinkooda nololeed ee Geeska Afrika. Isbaratay Somali qaybqayb, gobolgobol, degmodegmo, beelbeel, jilibjilb iyo qofqof laysu baray, kabtan waxaynu gocon Maahmaahda somaliyed ee dhahda “Balayaana ma fiicna Beryo Aragnimana ma xuma”.

Erey-bixinta dhaqameedyada ay kamidka yihiin “Gun iyo Gob, Nasab iyo Nasab-dhiman” carrab iyo laba daan hadal madaayaane ma noqon doonaa sidii caadada gobowda ahayd in la iska dhaho oo si dulmi iyo il adayga ah dusha looga saaro Somali dhalad iyo asal ah oon mutaysan, mid bilaash xayte ahna is huwiyo sharaf iyo gobanimo uusan mudnayn, una qalmin, ileen isaga unbaa bixiu jiray darajada liidan iyo sareynta, isku harqin jireye. Alle mahadii somaliweyn maanta waa wada jooge iyo markhaati run fure ah, xaqiiqana waxaa noqon in naanayso jiray tirmaan kuwa cusubna curtaan, iyaga oo waliba run ku qotoma. In la qaayibo dib isu qorida tariikhda somaliyedna ay qasabtahay, kal-jeclaysi iyo dabamaryo midna aqbalaynin (run khadhaadh). Ileen horaa loo yidhi taariikhdu ma naxariisato e’.

Hadaba guntii iyo gabagabadii qormadeenan gaaban, aniga oo jeclayn in beel iyo bulsho somaliyed oo noockasta oo dad yahay leh guud saro ceeb culus iyo canbaar gooni ah, hadana akhristow goob joogaha saban iyo taariikhyahanka da’da yar ee sabankan daawanaya dhacdooyinka uu ujoogay sow isma waydiin karo tuducan gabayga ah ee 80 sano ka hor Abawan somaliyed tiriyey?

Allaylehe Majeerteen Sidaadtahay ma Moodeyne
Waxaad Aragga kaga Miil cadayd Maqaladaadiiye

Sharafta iyo Libinta Geesiga somaliyed baa iska, ceebta ma hadha ah iyo guuldarana gumaysiga iyo kalkalihiisa Somali bi,iska ah baa iska leh, taarikhduna way soo noqnoqtaa iyadana ayaa isa saxda iskna qori.


Samatar Liibaan Sharmaarke Dirdhaba 6-11-2009
Keydraasin@gmail.com

"Qorahay Online waa wehelkaaga Rasmiga ah"

 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2009, All rights reserved. Qorahay Online