Opinion
 
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
 

CILMI-YAR WAA LAGU CADDIBMAA.
By Abwaan Stanza.
ayaandhalad5@hotmail.com


Abwaan: Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza).

Dhawaan ayey aheyd markaan qoray maqaal aan xarakooyinka Islaamiga ah ee Soomaaliya siyaasaddeeda u hanqaltaagaya ku naqdiyey, uguna magacdaray "XARAKOOYINKA ISLAAMIGA IYO XAWAALADAHA SOOMAALIYEED" laguna faafiyey dhawr kamid ah mareegaha war-qabadka ee ay Soomaalidu maasho. Kaddibna wuxuu maqaalku fatihiyey ridda-celin aan u tooghayey iyo tawaawac ay igu soo tuureen dhallinyara u muuqda iney ka daahsoon tahay heykalka diineed iyo hamiga siyaasadeed ee ururada aan sheegnay ayaguna ku kala abtirsadaan.

Odhaah ay ilbaxnimada akadheemiyaddu cuskata ayaa oraneysa, "Inaan doodna inaan dagaalna ma aha, ee waa inaan dhabta isula daadagna." Sidan waxaan ka wadaa in lay naqdiya aad baan u soo dhaweynayaa, balse, waxaan la dhaygagay dheereynta xawaaraha dhallintan ka dhiidhiday dhambaalkeygi. Mid ka mid ah raggi gaashaanka ku dhuftay gorfeynteydi laguna magac-aaba: Duceysane Sayid, waa sida weerarkiisa ku xusane, ayaa carrabbaabay hab-su'aaleed, inaan ka mid ahay kuwa ay gaaladu u carbisay minjaxaabinta Soomaaliya iyo ladagaallanka muddayiniinta - culimada! Wuxuuna tusaale isku-baheyn ah u soo qaatay Ururkii Ladagaallanka Argagixisada ee ay Maxaakiimtu Muqdisho ku maquuniyeen iyo Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya iyo waliba Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza). Wuxuuna dhiidhiyuhu ku celceliyey tuhunka ah in saddax-xagalka sare waxoogaa dhaqaale ah lagu gunneeyey! Walaalkan waxaa sheegay sow ma oga in beenta Alle xarrimay oo uu xoog u caayey ayna tahay xadgudub-diineed oo dhab ah? "Kala-baxba kitaab kuu ku yaallaa" waana lays-xisaabin.

Argagixisa Ladagaallankii lagaga adkaaday Soomaaliya, waxey ahaayeen qabqablayaashi dalka iyo dadkaba la-dagay daannadana gaarsiiyey; Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniyana waa dhaqdhaqaaq gobannimo-doon ah gaalana gayigooda kula guluftamaya; Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza) waa gabayaa iyo gorfeeye-siyaasadeed oo madaxbannaan; haddaba, aqristoow - akhristow ama akhrisatooy ma is-weydiisay waxa isku silsiladeeyey sare-kuxusanta aan seynsaabnay? Bal isweydii sirka ka dambeysa ee tuhunka ninka dayoobay.

Sababta isku-xidhay waa biseyl-la'aanta siyaasadeed ee Duceysane Sayid oon wax badan oo lagu sii eedeeya laheyn, waayoo, wuxuu ka mid yahay bulshada Soomaaliyeed een wali u gondadagin una garaadsan galladda iyo guulaha naqdiga ama faaf-reebka aqooneed, fahamkiisana wali kama soo gudbin gacan-haadiska gurracan. Naqdigu waa ififaalo akadheemiyeed, waana talo iyo tusaale ay bulshooyinka abaabulan adeegsadaan kana aflaxaan, kuna ititibiyaan aragtidooda - ahmiyadeed. Balse ninkan aan qarnigi 16-aad ka soo gudbin gagi uu ka bidhaansada iyo goob uu ka gala toonna garaadkiisu god iyo gogol uu ku gorfeeya ilaa iyo hadda uga furneyn.

Wuxuu Sayidku, waa Duceysane ninka magaciisa ku xardhaye, saadaaliyey in xaqu ka xoog badnaan doona baadilka asagoo diinta gabbaadsanaya. Sidan waxaa noo bayaamisay Diinta Mugga Weyn - Islaamka, anna marna Diinta ma qoonsanin inuu xaqu xoogeystana Rabbi Subxaanuhu Watacaalaa ayaan ka baryayaa, ciza wa sharaf iney Muslimiintu ku noolaadaanna Allaahu Jalla Wajalaaluhu ayaan weydiisaneynaa hadda iyo hadhowba, balse dalandalkan oo kale diinta marti marna ugu noqon meyna gefafka dhacayana gacmaha ku laaban meyna.

Abwaanka cimlaaqa iyo cabqariga ah, Cabdullaahi Macalim Axmed (Dhoodaan) oo Soomaalida ku dhalliilaya iney dhambaalkiisi suugaaneed ku hafteen, ayaa yidhi, "Runtii aan u dhakaabiyo, dadkaan dhaabadda u sheegay .... Dhabar dhabar haddey wax u fahmeen, yaa dhibaato ahee ...." Xigashadan waxaan uga golleeyahay, inuu Duceysane kala garan waayey inaan diin ka hadlay iyo inaan naqdi xalaal ah soo bandhigay.

Diinta Islaamka waxey iga mudan tahay inaan nafteyda u hura difaaceeda iyo daryeelkeeda, sida ay qof kasta oo Alle iyo Ambiyada rumeeyey musuuliyaddan dusha uga saaran tahay, ayey anna ii saaran tahay. Waxaana walaalkey u sheegayaa inuu maqaalka dib u akhriya waa keygi horee, kaddibna "Hubsiino hal baa la siistaa", oo ah murti qaabab badan looga haqab-beela kara cuskada. Waxaa kaloo iga xusuusin ah inuu kala garta aydhiyoolajiyadda siyaasadeed ee ururka uu ka tirsan yahay iyo afkaarta saxar-tiran ee Diinta nabadda iyo nimcada ku dhisan ee Islaamka.Mid kalana waa iga naseexo - talo, Sida xaddiiska Nabiga (Naxariis iyo Nabadgalyo Dushiisa Ha Ahaatee) laga wariyey ku cad, waxaa dambi ah inaad qof Muslim ah uurka naceyb ugu haysa wax ka badan saddax maalmood. Waxaan ka wadaa hadduu walaalkey qoraalkeygi cuqdad ku dhaliyey inuu ka bogsooda kana noqda munaafuqnimada uu igu tuhmay een Alle ka magangalay xumaheeda islamarkaana mareegaha warqabadka si cad iigu naqdiya ileen xalaal maalin baa la quutaaye dhalliilaha uu ii hayana is-dultaaga.

Nin kale oo isna ka gadooday naqdiga, waa, Amiir Shariife, sida dhambaalkiisa ku dhababane, ayaa sheegay in culimada wax laga sheega iney dambi tahay. Su'aashu waxey tahay: ma wax khalad ah ayaan ka sheegay culimada sharafta leh ee Islaamka? Jawaabtu waa "MAY" waxaanse naqdiyey goldaloollo aan ugu baaqay iney ururada Islaamiyiinta ah dib u saxaan. Walaal "Waxaan Ilaahey aheynba ushu wey ka dhacdaa", waa maahmaah soomaaliyeed oo dhabti diini ah. Qalindaarashadan waxaan u gabbaadsanayaa iney jiraan khaladaad badan oo Ururada Islaamiga ah ka dhax-muuqda una baahan in loo kuurgala; haddaba, far-ku-fiiqidda gaabisyadan qalinkeyga cidna martu ugu noqon maayo waana xil bulshada hagiddeeda iga saaran had iyo goorba.

Nin kale oo mujaahid magaciisa ku soo gaabiyey ayaaba raggan sare oo dhan baradheereeyey iiguna hanjabay inuu mar iyo meel kasta oon ku suganahay igu iqtiyaali kara - igu dili kara. Wuxuu yidhi, "Calmaanigaagan caasiga ah haddaad deyn weyda diinta iyo Islaamka weerarka aad ku haysa, dhagta ayaan dhiigga kuu dareynaa. Sow mar un dalka kuma soo noqon doontid? Ma qurba-joognimaad qorsheysatay? Waxaan kugu iqtiyaali karnaa meel kasta ood joogta markaan doonna."

Waa dhaygag iyo dhabannahayse qoormaan diinta iyo Islaamka weeraray? Sida aan ogsoonnahay diinta Islaamka waxey qabtaa in wax la hubsada; in qof Muslim ah wuxuu aheyn lagu sheegana waaba gef iyo gaboodfal diinta loo geystay. Wxuu Ii-hanjabuhu igu suntay erayga "CALMAANI" calmaaninimo iyo camal-sheydaanba Rabbiga cisada iyo sharafta leh baan ka magan-galay. Erayga "calmaani" macnihiisu waa diinla'aan. Qofka calmaaniga ah waa qofka aan diinba haysan. Allahayow maxaan jeclaan lahaa iney ayaamuhu na kulmiyaan si aan u wada doodna illeen anigu maba aaminsani caqliyadda dilka iyo cunfiga ka shidaalqaadatee, balse, niqaashka - doodda, iyo is-fahamka ayaa agteyda qiyaas iyo qiimo badan ka mudane. Waxaan mujaahid u sheegayaa in qalinka iyo qowlku ay qoriga ka mudan yihiin qoraalkeygana ay hanjabaaddiisa weydda ah marna cabsigelin karin. Waxaana aaminsanahay inaan maalin dhashay maalinna aan dhiman doona. goorta iyo goobta aan ku dhiman doona iyo sababtay geerideydana Abuuraha iyo Arsaaqaha noolaha iyo ma-noolaha ayaa gacanta ku haya adna tashu kuma lihid. Adiga iyo kuwa kula mid ka ahna waxaan idin leeyahay, "Cilmi-yar waa lagu caddibmaa."

Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza).