| |
|
![]() |
|
![]() |
|
Damaca
Itoobiya iyo Dareen habawga Soomaalida
W/Q Haliimo
Ibrahim
kamaydho@yahoo.com
9, Jan 2009
Kolka hore waxaan salamaya umadda Soomaaliyeed
inteeda wanaaga iyo Soomaalinimada jecel guud ahaan waxaanan
Ilahay ka rajaynayaa in uu umada Soomaaliyeed meel ay joogtaba
dhibka ka saaro una soo celiyo haybadii iyo sumcadii ay dunida
ku lahaayeen,ha ahaato Soomalida Ogaadeenya lagu dulaynayo
ama ahaato tii xorta ahaan jirtay oo aan maanta wax badan
ku dhaamin kuwii gumaysiga ku hoos jiray.Intaa dabadeed waxaa
maanta ii suntan Maqaalkan aan ugu wan qalay Damaca
Itoobiya iyo Dareen habawga Soomaalida, Waxaanan
gogol uga dhiagyaa bal in aan ifiyo aqoonta aan u leeyahay
gumaysiga Itoobiya, xadgudubka aan kala go'a lahayn ee uu
ku hayo shacbka Ogaadeenya iyo sida uu aniga ii saameeyay.
Waxaan ka mid ahay da'da lagu anqariyay khadhaadhka gumaysiga
iyo colaada raagtay ee joogtada ah ee ka dhalatay Damaca Abasiiniyiinta
boobka iyo boolyashada ku caan baxay iyo Shacabka Soomaalida
Ogaadeenya oo waligood diidan in ay ogolaadaan muquunsiga,
waxaan ka mid ahay dadka ku hadal bartay erayo ka dhan ah
dulmiga iyo awood sheegashada oo muujinaya diidmo iyo go'aan
qaadasho aan xornimo mooyee jawaab kale loo haynin waxaan
ku garaad iyo caqli yeeshay mayd goglan iyo dhiig sida laagaha
u duraabaya waxaa maskaxdayda ka buuxda xusuu aan marnaba
iga maydhmin oo dul taagan dhacdooyin xanuun badan igu reebay
oo isugu jira kuwo aan u soo joogay iyo kuwo aan taariikh
ahaan u dhaxlay, dhacdooyinkaas oo qaarkood ay ka dhaceen
Soomaalida dhexdeeda waxay igu leeyhihiin saamayn aan la qiyaasi
karin waxaana daqiiqad walba i danqata boog aan bogsanin oo
ila da'ah.
Sidaas awgeed maankayga iyo uurkayga kama baxo ku hamiga iyo
baadi goobka aan ugu jiro in xal waara loo helo arimaha aan
ka sheekeeyay ee raadka weyna igu leh waxaa ubaal ah in ay
dadbadani ila qabaan u hanqal taaga iyo ku hawlanaanta sidii
loo gaadhi lahaa madasha gobanimada waxaan iyana igu fududayn
oo igu culus kudhaadashada jinsiga Soomaaliga ah gaar ahaan
inta ila aragtida ah waana dhab in aan aad u jeclahay midnimo
iyo wada jir Soomaali oo dhan ay wadaagto waxaanan si aad
ah ugu hanweynahay in uu rabitaankaygu guulaysan doono Insha
allaah,sidoo kale waxaan jeclahay in ay dadyawga Geeska Afrika
ku dhaqani wadaagaan dariswanaag nabad iyo horumar iyadoo
qolo waliba si xor ah aayaheeda ugu madax banaantahay laysna
xaq dhawrayo.
Waxaan si kooban u guud maray una muujiyay sooyaalkayga nolosha
adag u badan waanan garwaaqsanahay in ay waajib igu tahay
in aan Illahay ku mahadiyo,waxaan liqayaa wax badan oo aan
nolashayad kula kulmay iyo waxa laabtayda ka hugmaya waxaanan
ogahay waxbadan oo aan jeclahay in uu ay dad badani tabayaan
hortayna looga dhaartay dadbadan oo ay labada waalid ee aniga
i dhalay iyo labadoodii waalid ka mid yihiin oo intuba sidayda
oo kale aysan ku caano dhamin nolosha caadiiga ah oo ay dadku
si iskumid ah ugu baahanyihiin waxaana shacabka Ogaadeenya
laga xayuubiyay xoriyada ay xaqa u leeyihiin ee lala soo dhasho
llahayna uu Aadamaha gudoonsiiyay iyadoon cidna cid looga
wakiil dhigin.
Arimahani waxay qasab ka dhigeen in loo hawl galo ka gun gaadhsita
yoolka looga guurayo noloshan xaalufka iyo oolinka ah ee ay
la dariska yihiin shacbka Ogaadeenya waxaana si xidhiidh ah
u socda halgan hubaysan oo lagu doonayo xoriyada ay Ogaadeenya
u oomantahay wuxuuna weerar iyo difaac u dhexeeyaa Isticmaarka
dhiigyacabnimada ku barbaaray oo haysta gardaro kalkaalyo
dulmiga ugu garbeeya iyo diidmo qayaxan oo ay kala hor jeedaan
jiilal kala dambeeyay oo ka soo dhex baxay shacabka lihiinta
iyo tayada badan ee Ogaadeenya isuna qori dhiibay waxaana
ilaa eegga socda halgan soo jireen ah oo aan wax xoriyad kayar
ku hakanaynin.
Sida taariikhda laga bartay gumaysigu wuxuu leeyahay u jeedo
fog oo uu marwalba cusboonaysiiyo wuxuu ku dadaalaa in uu
dayr ku wareejiyo damaciisa iyo laacdin dheeridiisa wuxuuuna
bulashada uu gumaysto u kala sameeyaa qoqobe uu ku kala ilaaliyo
kuna kala qaybiyo maskaxdooda, maalkooda iyo muruqooda wuxuuna
kala dagaalamaa in ay xoogooda mideeyaan kadibna ay iskaga
faydaan xanuunka, dulmiga iyo boobka uu ku hayo bulshada uu
ka dul baxaay.
Geeska Afrika qalalaasaha ka bixi waayay waxaa la ogyahay
in aan Itoobiya lala wadaagin waxaa kale oo xaqiiqo ah in
aysan maranba ka qancaynin yoolkeeda in loo awood sheegto
mooyee,damaca waalan iyo hungiriga aan indhuhu la soconin
waa wax ay Itoobiyaanku ka simanyihiin oo ay dhaqan u leeyihiin
sikasta oo ay qoomiyado kala jaad jaad ah u yihiin isuna neceb
yihiina waxay ka midaysanyihiin dhul boobka kamana dhargaan
dhiiga dadka doonistooduna kuma eka dhulka ay gumaystaan ee
Ogaadeenya waxayna aaminasnyihiin in ay iyagu asal ahaan leeyihin
gabi ahaanba dhulka Soomaalidu dagto waligoodna way ku taamayeen
in ay calankooda ka taagaan wayna u rumawday riyadii mudada
dheer ay naawilayeen Soomaali oo dhana waxaa maseeyay isku
sina u bah dilaya askar Tigeer ah oo aan xabada iyo kutumashada
xuquuqda mooyee caqli kale lahayn.
Isticmaarku sida la ogyahay umada uu gumaysto wuxuu ku beeraa
fikirkiisa waxaana xambaara kuwo uu ku rabaystay khidadiisa
iyo xeeshiisa u aasan una laylaymay oo uu dhiigooda xulay
iyaguna isu haysta in ay sidii caadiga ahayd u fikirayaan
waxayna u sahlaan in uu darbi walba ku jabiyo iygaoo marwalba
dadkooda u looga waraabaha waxna aan ula hadhin oo dabada
iska maray aakhirkana wuxuu abaal uga dhigaa in uu gawraco
ama uu god ku rido,gumaysigu marka uu gacanayrihiisa sidaas
u bahdilo ee uu meel ku hubsado maxaa xiga?
Mar haday cadaatay in uusan gumaysigu quusanin ilaa laga gaadhayo
xiliga ay awoodiisu ku egtahay waxaa u dajisan qorsheyaal
aan gabidhac lahayn oo xidhiidh ah wuxuuna cosobsadaa kolba
adeege uu ka astaystay bulshada uu gumaysto oo uu ku badalo
kii uu horey u dilooday inta uu kani u raranyahayna wuxuu
sii sahamiyaa kii uu ku badali lahaa balse qaababka uu wax
u kasbado ma aha wax mutaxan oo lawada fahmi karo wuxuuna
ku dhex qarsoonyahay qoqobaha iyo xayndaabka uu ku kala ooday
dareenka dadka uu gumaysto,
Hadaba inta uu dulmi jiro waxaa jira diidmo diidmadaasna waxaa
ka dhasha kacdoon sidaan xusay halagnka hubaysan ee dhulka
Ogadeenya ka socday mudada dheer in ay guushiisu raagto qadarta
eebbe ka sokow waxaa sabab u ah Dareen Habawga
aan kor ku sheegay oo ay soomaalidu ka midaysantahay waxaana
kow ka ah iyadoon fursad la siinin inta isu xil qaantay in
ay dhiigooda umada gobanimo ugu iibiyaan dhanqaryna aan laga
daynin.
Sidaas si lamid ah ayaa ka muuqata kacdoonki Soomaaliya ka
bilowda kadib markay Itoobiyaanka damacooda la jiidheen Jamhuuriyadii
xorta ahayd iyagoo kaashanaya siyaasiyiinta dareen hawabwsan
waxaana cad inuu cadawgu adeegsanayo tabwalba oo uu ku furfurayo
xoogaga ka soo horjeeda arintan oo ka mid ah midhaha gumaysigu
uu beertay ee cimrigiisa sii dheeraya ayaa aha fursada ugu
weyn uguna qaalisan ee ay umada la gumaystaayi cadawgeeda
siiso, wakhtigii ay ahayd in cadawga lagu wajaho waxaa lagu
lumiyaa is garab orod iyo eedayn lala dabo taaganyahay cidii
in wax walaba lagu taageero gol duleelo kasta oo ay leeyihiina
la qariyo mudnayd dadka sidaas yeelaya badan koodna siday
ila tahay qasdigoodu waa in ay wax wanaajiyaan balse xiligan
adag waxay umadu kaga bixi kartaa in dhaliil kasta oo jirta
lagu qiimeeyo duruufta iyo waaqica.
Waxaa ii muuqda dhib Soomaalida dhamaanteed taabtay oo guri
walba gaadhay hadaad u fiirsato dhulalka ay Soomaalidu dagto
waxaad dareemaysaa sida ay dadkani isa sudhanta u yihiin,tusaale
Soomaalida Ogaadeenya waxaa mudo dheer haystay gumaysiga guunka
ah ee aan arxan u galaynin Jamhuuriyadii Soomaaliya waxay
burbursantahay ku dhawaad 20 sano Jabuuti iyo NFD waxa ku
haawaday garabkoodii ay ka dugsanayeen cadaw iyo nacaba waxaa
ku soo banaanaaday tusmadii Qaranka Soomaaliyyeed kaga gufaysnaa
waxayna la daalaa dhacayaan qaxoontiga alanba'a ah ee soo
miciin bidaya waxaa intaas u dheer dadaalada ay ugaleen in
mar uun dib loo soo celiyo Soomaalinimadii garab laanata ay
ka baxaan iyo sida aysan waanadu ugu duxaynin dadka Soomaaliyeed
ee ay dawlad la'aantu caadiga la noqotay.
Waxaakale oo murugo leh dhalinta maalin iyo habeen ku le'anaysa
badweynta iyagoo hortooda isaga dhaqaayaya kolkay waayeen
wax kale oo ay nafta ku maaweeliyaan iskuna biimeeyay meel
ay og yihiin khatarta ay kala kulmayaan sidoo kale Soomaalida
qurbaha ku butaacday waxay kala kulmeen dhibaatooyin aan la
soo koobi karin oo ruuxii dheehdaa uu qalbi jab ka qaadayo.
Intaasoo xaaladood oo ay sii dheertahay barokicinta, kufsiga,
gawraca, iyo boobka hantidooda oo ay Soomaalida Ogaadeenya
kali ku hayeen ayay hada lawadaagaan in badan oo kamid ah
Soomaalidii xorta ahaan jirtay.arimahan aan sheegay oo ay
kawada dhalanayso uur ku taalo aan damiirku is ilowsiin karin
dadka Soomaaliyeed badankood way danqaysaa balse waxyar oo
aan macno badan ku fadhiyin ayaa ku gudban lagana hor marinayaa
xalkii umadan lagu bad baadin lahaa waana meeshaas meesha
la dhaafi la'yahay ee aan u idhi Dareen Habaw
bal u fiirso Siyaasiyiinta,Culimada Aqoonyahanka iyo Hogaamiyeyaasha
dhaqanka oo intuba ah meeshii masiirku ka unkami lahaa waxay
mashquul ku wada yihiin dhaliil aan hadana la saxaynin mana
jiro mid midka kale u tanaasuli kara.
Waxaan ugu dambaysiinayaa cod dheerna aan ku lalinayaa Soomaaliyeey
Itoobiya waa inoo cadaw inoo nacab inama kala jecla waxaana
ka go;an in Soomaaliya iyo Ogaadeenya ay noqdaan kililka 5aad
iyo 6aad tabari meel ay dhigtaba ku talagalka Itoobiya waa
sidaas oo la hubo haday taag weydana xeelad ayay isticmaali
oo marnaba laagma sugayo inta ay dadka Soomaaliyeed sidan
u yaalaan in ay faraha kala baxdo waxayna maanta ku hawalnathay
in ay samaysmaan kooxo magacyo badan wata oo marka dambe u
xuubsiibta qabiil qabiil iyo in dib loogu noqdo 1991 waxaan
u malaynayaa in arintaas laga wada dharagsanyahay balse uu
Dareenku habawsanyahay oo uu dhinac kale u fikirayo .
W/Q Haliimo Ibrahim
kamaydho@yahoo.com
|