Hooyooyiinka
& dhalaanka Ogaadeenya maxay galabsadeen yayse hiil ka
sugayaan?
By
Xaliimo Ibarhim
Kamaydho@yahoo.com
9, Nov 2008]
Tan & maalinkaan caqli yeeshay cadho ayaan la tiicayay
maskaxdaydana kama baxo fikir & tabasho joogto ah inkasta
oo ay Aadamaha caadi u tahay in uu marwalba wax uun ku hamiyo
hadana waxaa jira shay loo wada simanyahay oo adoomuhu la
soo wada dhashaan la'aantiina aysan noloshu kugu haboonayn
shaygaas loo wada simanyahay balse cadaalad la aanta dunidan
ka jirtaayi ay iga faro maroojisay waa xoriyadii aan la soo
dhashay sidaas daraadeed ayanan intii aan caqliyaystay uga
gudbin hiirtaanyo kolba heer joogtay waxaan goob joog u ahaa
dhacdooyin maankayga lafal galay oo aanan iloobaynin kuwaas
oo siyaalo kala duwan ii saameeyay.
Waxaa igu kordhay xanuunkii aan awalba qabay oo aan ka dhaxlay
tacadiyada maalin & habeen loo gaysanayo shacabka Soomaalida
Ogaadeenya ee aduunku ka eexday waxaanan hubaa in ay jiraan
dadbadan oo igala midaysan tiiraanyada & uurkutaalada.
Aqristoow cinwaanka aan qormadan siiyay oo ah Hooyooyinka
& dhalaanka Ogaadeenya maxay galabsadeen yayse hiil ka
sugayaan? Waa 2 su’aalood oo aan jawaabahooda meel fog
loo raadinaynin, Hooyooyinka dhalaanka, & bulsho weynta
Ogaadeenya majiro wax ay galabasdeen oo aan ahayn in ay ka
mid yihiin bani aadamka Illahay dunidan ku khalqay ee ku dhashaa
meel dhulka ka mid ah oo loo asteeyay.
Dhibanayaasha Ogaadeenya in kasta oo gacanta ugu weyn ee
ay sugayaani ay tahay ta Illahay ee deeqda badan hadana waxay
kaalmo walaalnimo & hiilka dhinacwalba ah ka sugayaani
waa inta ka naxaysa ee jidhku u xanuunayo oo ay ugu horeeyaan
dadka reer Ogaadeenya ee iyaga & caruurtoodiiba nasiibka
u yeeshay in ay ku noolaadaan meel nabad ah oo leh fursadaha
aysan haysanin in badan oo xaq u lahayd nolosha macaan balse
laga go'doomiyay. Hadaba ruux kasta oo damiir leh isla markaasna
ay u suurto gashay inuu naftiisa & ubadkiisa ula cararo
meel ay ku nabad galaan waxaa waajib ku ah in uu is barbar
dhigo nolosha ay caruurtiisu haysato & silica ka muuqda
agoonta Soomaalida Ogaadeenya ee intooda badan waalidkood
lagu hor toogtay ama xabsiyada lagu bahdilayo.
Sawirada & warbixinada qalbiga gilgilaya ee lagu soo
bandhigay boga Qorahay Online lagana soo gudbinayo qaxoontiga
Ogaadeenya ee sida habqanka ah u soo gaadhaya xeryaha ku yaala
wadanka Kenya run ahaantii waa fariimo kama dambays ah oo
ku socda dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Aadamaha waxay fariimahani
si gaar ah ugu socdaan cida ay sida dhabta ah dhibaatadani
u tabanayso oo ah Soomaalida Ogaadeenya ee ku baahasn daafyaha
caalamka kuna haysta nolol maalmeedkooda waxayna arintani
u baahantahay in uu damiirku si waafi ah uga jawaabo.
Dadka Ogaadeenya ka soo baro kacay ee ku tabaalaysan dalalka
dariska ah waxaa ka daran inta aan la ogayn waxa ay maanta
ku suganyihiin waxaana jira dad xabsiyada si bahalnimo ah
loogu jidhdilayo wax maxkamad ahna aan la hor gaynin, waxaa
si is dabo joog ah loo waxyeeleeyaa dadka reer guuraaga ah
oo hantidoodana la boobaa lamana qiyaasi karo shacabka aan
waxba galabsanin ee inta ladabay oo xadhig ama silig lagu
marjiyay kaymaha lagu xooray kadibna maydkooda ay dhurwaayadu
uneen.
Waxaa
jirta dhibaato aad u culus oo dul saran shacabka Soomaalida
Ogaadeenya wayna jiraysaa dhibakni inta ciida Ogaadeenya uu
joogo gumaysiga Abasiiniya oo hadafkiisu yahay in uu Soomaalida
Ogaadeenya ku khasbo keenada aysan marnaba ka ogolaanin kana
ogolaan donin, shacabka geesiga ah ee dhulkoodii lagu dulaynayo
uma liicayaan hagardaamooyinka faraha badan ee raasamaalka
looga dhigay waxayna wax walba u hurayaa soo celinta gobanimadooda
Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee u ooman xoriyada ay xaqa
u leeyihiin ku mooraal jabimaayaan dhibaatada dhinac walba
leh sida gawraca joogtada ah, xidhayga sharci darada ah,jidhdilka,dhaca,
kufsiga & handadaada oo intuba Ciidamada hororka ah ee
gumaysiga Wayaanaha dhaqan u ah Shacabka Ogaadeenyana dulqaad
& adkaysi ayay u leeyihiin awood kasta oo gumaysigu u
isticmaalo.
Ogaadeenya waxaa ka socda halgan soo jireen ah oo jiilba-
jiilkii ka horeeyay uu ka dhaxlayay maantana ay hormuud u
tahay Jabahda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO oo leh hogaamin
khibrad & hufnaan dhab ah leh Ciidan geesinimo & tayo
saraysa leh, kaadir firinfircooni & bisayl leh,halganka
Ogaadeenya lagu xoreynayo waxaa saldhig u ah shacabka lihiinta
culus hibada loosiiyay ee geesiga ah lamana loodin karo niyaddda
xadiidka ah ee Soomaalida Ogaadeenay ay la hortaaganyihiin
nacabka aan waxba hambaynaynin oo damaac waalani hor boodayo
isla markaasna aan ciida Ogaadeenya sinaba ku ladaynin manajiro
wax aan xoriyad ahayn oo Soomaalida Ogaadeenya u cuntami karaayi
taasina waxay lama huraan ka dhigaysa in uu khadhaadhku macaan
dhadhamo.
Birlabnimada & awoda Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya
waxay rajo weyn ku beertay shacabka Ogaadeenya ee madiga ah
oo JWXO oo Illahay kaashanaysa ay u balan qaaday in ay u soo
celinayso gobanimadii & sharaftii laga xayuubiyay,sidoo
kale Shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo aan waligood is dhiibin
waxay si badheedh ah u diideen in la muquuniyo wuxuuna gumaysigu
marwalba isku dayayaa tab cusub oo uu ku nugleeyo shacabka
aan u laylyamaynin heeryada qudhmuun & gibisha duligi
ah.
Itoobiya waxay ku guul daraystay dhamaanba goobaha dagaalka
ee ay iskaga hor yimaadaan Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya
oo casharo aan duugoobaynin u dhigay Ciidamada dhoodhoobka
ah ee ciida Ogaadeenya doolka ku yimid waxayna xoog &
xeeladba isugu geeysay waxyeelaynta dadka tabarta daran ee
shacabka ah iyadoo doonaysa in ay ka xidhiidh furto halagnkooda
xaqa ah, gumaysigu sanadahan dambe wuxuu Ogaadeenya ku soo
rogaay cuno qabatayn waxana laga jooojiyay dhamaanba ganacsigii
ka iman jiray Jamhuuriayda Soomaaliya arintan oo waxay wayaanuhu
uga golahaayeen in shacabka Ogaadeenya ee raranka ku taagan
isha u bidhiiqayasa laga jufo gaajona loo oodo si ay u siidh
go'aan waxaase dhintay intii cimigoodu kobtsaa ku ekaa waana
xaqiiqa aan cidi dafiri karin in aysan doonista shacabka Ogaadeenya
ku joogsanaynin dhibka oo loo kordhiyo balse halagnka xaqa
ahi bulaal ka sii qaadi shacabkuna uu sii laban-laabi dadaalka
& sabbirka ay ku soo caano maalay.
Aqristoow ka hadalka qadiyada Ogaadeenya way ka weyntahay
wax gacan Bani Aadam lagu qoro waxanan qormadan ku soo gunaanadayaa
shacabka Ogaadeenya ee gudaha wadankooda lagu dhibataynyo
waxay diyaar u yihiin wax kasta oo u soo gaadha rabitaankooda
sidaas si lamid ah Jaaliaydaha Ogaadeenay ee qurbaha ku nool
waxaa waajib ku ah in ay muujiyaan is xil -qaan dhab ah hiil
joogto ahna ay lagarab joogsadaan shacabka & halagnkooda
ay JWXO hormuudka u tahay waana in ay Jaaliyadaha Ogaadeenya
albaab awalba garaacaan caalamakna u bandhigaan tacadiyada
lagu hayo shacabka dulman ee Ogaadeenya iyadoo laga faa'iidayasnayo
xooga ugu badana la saarayo saxaafada oo noqotay hub aan awoodiisa
la dhayalasn karin.
Ugu dambayn Hooyooninka & dhalaanka Ogaadeenya Illahay
ka sokow waxaa u maqan geesiyaasha dhiigooda u ugu iibinaya
mustaqbal quustana galiyay hankii gumaysiga Abasiiniya waxaa
kale oo u maqan kaalmo & daryeelna ay ka sugayaan cid
kasta oo u danqanaysa gaar ahaan Soomaalida Ogaadeenya ee
qurbaha ka xoogsata sidaas darteed dhamaan inta ila qabta
tiiraanyada ka dhalatay dhagarta gumaysig & xanuunka shacabka
Ogaadeenya uu baday waxaa inala gudboon in aynu si hagar la'aan
ah ugu gurmano maxasta soo barokacaday ee dacdaraysan iyadoo
mabda'a asalka inoo ah uu yahay in aynu ka xorowno guumaysiga
Itoobiya ee la ogyahay xiliga uu ina qabsaday
By Xaliimo Ibarhim
kamaydho@yahoo.com
|