Opinion
 
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
 

Allaha weyni umadiisa markii uu abuuray ayuu hadana dhulka ku kala abuuray.

By Abdirashiid Ali"
Oct 10 2009

Allaha weyni umadiisa markii uu abuuray ayuu hadana dhulka ku kala abuuray,qolana qolo daris uga dhigay.Allana markuu dadka abuurayey cidna inay cid gumaysato uguma talagalin laakiin waxuu igu tala galay inay isaga caabudaan jin iyo insiba.

waxaa lasoo maray xiligii gumaysiga iyo xiligii xoroowga reer Afrika.
Nasiib wanaag shacabka reer ogadeina ma aysan helin fursaddaa qaaliga ee neecowda xoriyada, waxaa ku habsaday gumaysi kii ugu faqrisanaa,ugu arxandaraa,ugu jaahilsanaa uguna cadawsanaa.

Shacabku waxuu soo maray xanuuno aad u tiiraanyo badan mudo qarni kudhaw haba ugu sii darnaato 50 sano ee ugu dambaysay.wuxuu shacabku soo maray Halgamo hubaysan iyo kuwo siyaasadeed oo uu kuraadinayo xoriyadiisa,waxaana ugu dambeeyey kan hadda oo ay hogaaminayso Jabhada Wadeniga Xoeynta1 Ogadenya,siyaasad ahaan iyo militari ahaanba. Runtii Jabhada O.N.L.F.ee maanta hogaanka u haysa halganka xoriyad doonka shacabka reer Ogadenia ayaa ah mid ka duwan kuwii horay loo soo maray.

Maxuu kaga duwan yahay kuwii hore?

1.Midnimo:Shacabku meelkasta ha joogee waxay kamidaysanyihiin horaynta dalkooda kooxyar oo biidhiqaadata ah mooyee

2-Iskutashi: Shacabku wuu iskutashaday dhaqaalo ahaan iyo cudu ahaan iyo isaga oo kamadaxbanaan gacanshisheeye oo u yeerisa rabitaan aan kooda ahayn sidii halgamadii horaba marin habaabisay sidii kii ugu dambeeyey ee W.S.L.F oo geesiyaal qaaliya ay kunafwaayeen markii bambana isu badashay muran xuduudeed u dhaxeeye Somaliya iyo Ethiopia,ugu dambayntiina labada dal ay sixiixa kuduugeen in lakala joogsado,

3-Mintidnimo: waxay shacabka reer ogaadeenia kumintideen una dhabar adeegeen oonka,guuraha,xabbada gaajada,iyagoo ku qanacsan kana door biday in ay dhintaan intay ku noolaan lahaayeen gumaysi ay door bideen 30 oo xorid ah nay ku noolaadaan.

Haddaba garanay arinta reer Ogaadeenia iyo tan Ethiopia,oo waa aan ku gumaysto iyo diiday! marka xaalku waa dagaal,laakiin maxay tahay gacantan laaban ee PUTLAND IYO SOMALILAND? ee kadhaxaysa iyaga iyo Ethiopia? goormay walaaloobeen sowtii Somali halcadaw lahayd oo ay Ethiopia ay ahayd. goormuu Shacabka Ogadenya noqday cadaw Somaaliyeed Ethiopiana noqotay walaalka ama saaxiibka Somaliyeed?

Su aalahaa jawaabtooda waxaan u daynayaa walaalaha waxgardka ah ee Soomaaliyeed meel kasta ha kasoo jeedeene.

Dar,daaran reer Ogaadeenia : Illaha casiiska ah quraankiisa wuxuu ku leeyahay Nasrigu wuu dhawyahay ee Samrra,dhibka iyo naxariisdarada waligiina ha is dhiibina gobanimo waa loo dhashaa ee la iskama raadiyo u dinta dhulkiina sharaftiina iyo diintiinab, Putland iyo Somaliland: waa ladoogiye yaan la dacroon ma bari baad wax fog mooday taariikh baa furan fagaarana waa lagu xisaabtami Haddii Alle idmo

Guul iyo Gobonimo Taam ah.

Abdirashiid Ali gooni9@msn.com