Lamahuraan
waa caws jilaal
By A/rahmaan Faarah
qalin3@yahoo.com
11, Dec,2008
Dhulku waxuu ka kooban yahay biyo iyo
yaabis yaabiskuna waxuu ka kooban yahay qaarado qaaraduhuna
waxay ka kooban yihiin dalal dalwaliba waxuu leyahay xuduudo
uu lawadaago dalalka ku xeeran dal waliba waxuu
u qaybsamaa gobolo iyo rigimo waxaa laga soo doortaa kuwii
uuga qayb gali lahaa dawlada markaas dhisan oo waxay tagaan
xarunta laga hogaamiyo dalkaas.
Waana lagama marmaan in lahelo cadaalad
iyo sinaan taasina way kadhuntay dalka Soomaaliya muda dhan
20 sano waa la kala guuray dalkiina wuu qaybsamay waxaa samaysmay
dawladagoboleed waxaa kale oo samaysmay dagaal ooge yaal midwalibana
waxuu ilaalinayaa dagan kiisii ama qabiilkiisi, Jubooyinka
iyo beelaha Aabsame waxay soo mareen isbadalo aad ufara badan
nasiibna uuma aanay helin Jubooyinku inay ka taliyaan dad
iyaga matala ama ka fikira danahooda amabase waxaa marwalba
isku haystay Soomaali katimid gobolo kale xataa maanay helin
dagaal ooge iyaga ka soo dhex baxa bal ila fiiriya waxaa isaguxigay
Caydiid, Moorgan, Barre Hiirale Maxaakiimtii, iyo waxii lamid
ah maxaa ku xigay?.
Waxaa soo baxay ururada diinta sheegtaa
diini kafoge !!!!!!!!waxaa aad loogu farxay markii lamaqlay
waxaa noogu jira madax markaaas baa waxaa loo soo dhoweeyay
sixad dhaaf ah waxaana lamoodayay in lagu nasan doono cadaaladna
laheli doono maxaase kuxigay? waa shabeelkii dhashiisa kabilaabay
cunitaanka hilbaha ! ! ! !!!!!!!!!maxaa waajiba? waa in laga
gudbo in gacan lasiiyo marwalba danayste ku meelgadha dadkaas
rer Jbooyinka ah waa inay difacaan ilmahooda iyo gobalkooda
waa inay helaan cadaalad iyo sinaan waa inaan lagu beer laxawsanin
diinbaan kuxukumi muslin baan ahay adaan kula dhashay aniga
dantiina wada waxaa horay loo yidhi ninkii aabaha dilayi adiga
hadh kuuma jiido hadaba cidii laysay dhalin yaradii Absame
ee ilaa iyo hada lagu kari laa'yahay nabad ha loo wada joogo
dhulka Absame waxaa waajib ah inaan lagu soo dhowaynin Jubooyinka
diintaana sheegtay inuu difaacu waajibna yahay laguna jano
gali waxaa horay loo yidhi ninaan warankaa galin weedhaaduu
magasho ninkii soo joogso laga waayo soo jiibsaa laga helaa
!!!!dhulka anagaa iska leh geeriduna waxay dhibi cidii dhofkutimid
Bal manta halkaas ha'inoo jogto
A/rahman farah
qalin3@yahoo.com
|