Faallo
 
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
 

“Is xiniinyo tuskii”
W/Q Ali yare
Minnesota
Alyare2002@yahoo.com

12. Feb, 2009

Hal abuur kasta oo la tiriyaa noocuu doonaba ha ahaadee wuxuu ku yimaadaa marxalad gaar ah sida cadho, farxad, tusaalayn iyo waano. Si hadaba hal abuuruhu uu ujeedadiisa u cadeeyo, xajmina ugu yeelo, wuxuu adeegsadaa hadal murtiyeed soo jiita dhagaysayaasha ama akhriyayaashaba. Hadal murtiyeedkan oo marka guud ahaan la sheegayo la yidhaahdo suugaan, ayaa ah mida ugu sahlan ee qofku uu ra’iyigiisa ku gudbin karo. Sida laga war qabo suugaanta soomaaliyeed waxaa loo qeybin karaa dhowr farac oo kala ah gabay, hees, geeraar, buraanbur, heelo, jiifto, guurow iyo kuwa kale. Iyada oo taasi jirto ayaan waxaan jeclahay inaan maanta farac kale ku soo kordhiyo suugaan soomaaliyeed, taas oo aan ugu magac daray “Kuudkuududo”. Hhhhhh,ahahaha hihihihi. Haddii jiifto jirto waayo kuududo aan loo tirin Karin.
Marka suaashaa meesha taalaa waa sababta igu kaliftey inaan kuudkuudutadan tiriyo. Dhowr sababood ayaa igu kaliftey inaan wax suugaan u eg soo madhoodheeyo, waana kuwan sababuhu:

1) Ka dib markii aan arkey sida ummadda soomaaliyeed guud ahaan ay isugu xoog wayn yihiin gaar ahaan ummadda soomalida- Ogadenya. Waxaa caado dadkan u ah inay shisheeyaha ka sheexaan ama ka weji gabxaan, sokeeyahana ay u xoog badnaadaan. Iyaga oo ceebaha xigtada qufa, magacyo badana ugu yeedha.
2) Ka dib markii aan arkay sida ay dhibabka yaryar ee dhexdooda ah u sheeg sheegaan, calooshana ugu qabsadaan mida cadowgoona indhaha uga dabooshaan.
3) Ka dib markii ay ii cadaatey in dadkani aanay danta guud rabin balse mida gaarka ah jecel yihiin.
4) Ka dib markii aan arkay sida ummaddani ugu mashquulsan tahay anaa reer hebel ah iyo anaa kaa laan dheeraysan iyo anaa kaa badan aan wax ka hooseeyaa jirin
5) Ka dib markii aan arkay sidey isu gadanayaan ama isu xaglo goynayaan
6) Ka dib markii aan arkey sida dadku wax bixinta ugu liitaan.
7) Markii aan arkey sida ummadda somalida Ogadenya u jecel yihiin ka qayb galka xafladaha iyo aroosyada, una neceb yihiin shirarka danaha guud lagaga doodayo.
8) Ka dib markii aan arkey sida dadkani ay ninkood fiican, geesiga ah, cilmiga u saaxiibka ah ama deeqsiga ahba u bah dilaan
9) Ka dib markii aan boqolaal xaalo oo aan midna horumar lagu gaadhi karin aan kala kulmay dadkan ayaan jeclaystey bal inaan kuudkuududadan tiriyo.

Maalinkey xiisadi joogtee
Xigaal aan kala maarmin
Xinif aan naf lahayn iyo
Xurgufi ay kala gaadho
Xiqdi aan baxahayn iyo
Colaad soo xurbintii

Markey xaajo adkaatee
Talo ay is xanjeertee
Xag loo doono la waayo
Xigmaddii ka maqnayd iyo
Xalka kooda u keena
Xaglaha seef ku jarkii

Ehelkiis xintankiisiyo
Tolka xaasididiisiyo
Isu xoog badniddii

Dhallaanka xoolaha raacay
Maalinkey is xagtaan
Is xiniinyo tuskii

Iyadoon wax xumaynin
Xaaska hoyga u joogta
Ee xanaaneyn ubadkiisa
Budh intuu kula xiimo
U xoog sheegashaddii

Maalinka xoolo la dooni
Ee la suaalo xisaab
Madaxay xoqxoqdaan iyo
Is xilqaan daraddii

Maalinkey xaflad joogtee
Meyti ay xusayaan
Isa soo xalxalkii iyo
Barqo xaadiriddii

Marka xaysku u hooro
Ee xawsaha ay cabayaan
Xayn yar weeye tolkaa
Iyo anaa kaa xubin dheer
Ku xifaaltamiddii

Maalinkey xabad joogtee
Shisheeyaha laysku xumaadee
Dagaal loo xakamaystee
Birta layska xineeyee
Xabashka lays eryanaayee
Xinjirtu ay qubanaysee
Xiito ay ololaysee
Ee xaawalay gurmato
Xaabka hoos galidii

Xaraan quudashaddii
Xaqa naas cuniddii
Agoon soo xadiddii

Tigreegan xaarka madow ee
Xabaashiisa qodaaya
Xog u soo guriddii

Ayaantii xigtaddiisa
Intuu gaalku xareeyo
Xabsiga uu ku uruurshee
Qaarna uu xakow gooyo
Qammandi xaabsashaddii

Bilaash xaydashaddii
Nin aan xiiso u haynin
Isku soo xoqxoqii

Naftiisa xaasididdii
Jagooyin aan xad lahayn iyo
Xilal sheegashaddii

Xafiis aan waxba ooloo
Jiirku uu dhex xadreyn
Isa soo xujurki

Dabaqoodhi xishood
Illaahbaa ka xayuubshee
Xilliga qaadka la gaadho
Soo xariiftamiddii
Xaafadahii jigjiggaad
Hadba gees u xulkii
Xayraan sii orodkii
Indha xaydh ka roggii
Islaan xaabo gadaysa
Baad ka soo xaslintii
Mijin uu soo xagafaystay
Isla soo xulubkii
Markii uu xisbigiisa iyo
Xertiisa uu u yimaado
Xigmad aan naf lahayn iyo
Xan iyo been akhriskii

Isagoo xayi ah
Oon xabaal lagu awdin
Geelisoo rag xaraystey oo
Xaf iyo xooxba ka maali
Isna gaajo xoqayso
Xigta baas sugiddii

Xeedho uu rag dabooshiyo
Xagxag dhowrashaddii
Nasab baa xaragoodee
Xaab iyo uus cuniddii

Xadhiggii allahay iyo
Xaqa gees mariddii
Wadaad xaafid quraan iyo
Xijaab daydayadkii

Xilo ay rag qabaan iyo
Xurul cayn inan ah
Oo xuurtu ay fadhanayso
Xaq weyaan guriddii

Xeer woyaane samaystoo
Xaqiraaya dadkiisa
Intii uu ku xabeebto
Xarakayn ogiddii

Marka uunku xaroodee
Lugtu ay xasisho
Xarun ciidan taggii
Xayle booqashaddii
Xanshashaq aan la maqlayn iyo
Xamxam hoos u dhigii
Kun xaashoo wada laaban oo
Balo ay ku xardheen
Xolobka soo galintii

Xubnahaa halgamaayee
Xoraynaaya dalkooda
Xidhka ay ku jiraan
U xuuraan taggiddii

Boqolaal wada xayl leh
Intii uu hor xafleeyo
Hawdka sii xulintii

Maskiin geel xerinaaya
Xawda soo jariddii
Xabaal soo qufadkii
Meyd xanbaarashaddii
Suuqa soo xarfintii

Siddii xoolo la dhoofin
Dadkiisoo la xaraasi
Oo lagu xoomiyey jeelka
Oo xawalayda baroorta
Xaadu ay ku istaagi
Xaakim sheegashaddii

Xaggaaggii kal horeetee
Zenawi xaaqay dadkeenee
Intuu ooday xuduuda
Xayndaabka uu ku wareegshee
Xuquuq aadamihiina
Sharciggii ka xaraystey
Ee Shacabkeenu xaraamay ee
macaluusha la xootey
Dhulkana xaab laga waayee
Baliddii xarkageen
Kun haroo xarfaynaaya iyo
Xays iyo doog warintii

Xadhiggii daldalaadiyo
Xajarkii dadka laayey ee
Xukuumaddii melesaad
Shacabka ay ka xusheen iyo
Xagallo buur amriddii

Been u xaydashaddii
Maxastan daadku xambaarteye
Eed xayaabada moodid ee
Xiintadu ay wadato
Xaqooda duudsididdii

Ayaantii xigtadaydu
Xanaaqa ay ismareene
In xayaatada qaar
Geeridu ay xurmo dhaanto
Go’aan ay ku xidheenee
Maylinka ay xordadeen.
Ee Inaan heeryada xooroo
Gumeysiga layska xayuubshoo
Duliga aan ka xorowno iyo
Xarbiga laysugu baaqay

Xumbo geel dirirkii
Musanow xarbiggii
Maatada oo la xasuuqi
Oo meydka xaabo la moodo
Oo haadku uu xaganaayo
Ka xanuun li’iddii

Xuseenow magacaa ba’a
Xawada eebe ku gooyoo
Xaruntaada la seexaye
Xumaha sow kama diirtid
Oo marna sow ma xanaaqdid

War ninkan aad u xamaali ee
Kugu dhaansan xareeda
Eed xamaanta u qaadi
Ma xaddiid bir ah oo
Xabadu aan karinbaa?

Xoogse hadaadan lahayn
Gumeysiga aad kula xaashoo
Xididka aad ugu siibto
Xidaaraysi kaleetiyo
Xeelad maad la timaadidi

Haddise xaalku xumaadoo
Nacab kaa xabad weyni
Inuu aayar xaabshoo
Dhulka uu kugu xooro
Uu xistikiisa uu ka damco


Adse aad is xanjayso oo
Xaglaha aad mudatid
Markii uu kugu xiiqo
Adna xuurto la daasho
Isagoo xagxaganoo
Indhaha aad xinjir moodo
Adna uu xangaruufo
Jidhkaaga uu ku xardhay

Dib inuu u xagaafin
Xaqiiq weeye midaasiye
Wadnaha maad xidhataan

Intaadse xayle baryeysee
Ishi aad ku xadrayn
Xigtadaadana iibsan

Xafaar maad noqotaan
Oo intaad hawdka xushaan
Xabag soo gurataan
Ama xaabo gadaan.
Awawggiin la gubye.

Ali yare
Minnesota
Alyare2002@yahoo.com

Digniin: fadlan akhristow la soco inaan maansadan loola jeedin dad gaar ah, koox, bee lama shaqsiyaad gaar ahba. Waa maanso ku wajahan ummadda oo dhan.
Ogow: fikirkaaga waan soo dhawaynayaa, waanan tixgalin. Waad ii soo sheegi kartaa wixii suaal ah ood qabto.

Waad mahadsan tihiin.

W/Q Ali yare
Minnesota
Alyare2002@yahoo.com