| |
|
![]() |
|
![]() |
|
Xukunkii
EPRDF oo Gabogabo Ku Dhow Iyo Hardanka Dadyawga Geeska Afrika
Waa Qalinkii
Jimcaale Cismaan
ollewale@gmail.com
Jimcaale Cisman
Talaado, 13.01.09
Geesk Afrika oo ah meelaha aduunka maanta ugu daganaanshaha
iyo nabadgaliyada daran, waxaa kunool dadyaw aad ufarabadan.
Qowmiyadahaa waxaa kamid ah taan kadhashay anigu ee soomalida.
hadaba soomalida oo idil in aan kobtan kaga hadlo ma aha
ujeedadaydu.
Dadyawga geeska Afrika waxaa baabiyay daganaansho laàn,
dagaalo sokeeye, abaaro iyo colaado aan dhamaad lahayn dhibkaas
oo dhan wuxuu salka kuhaya dowladxumo, maamulxumo, cadaalad
dari, xoriyadla aan. Hadaba dadka soomaliyadeed ee dega dhulka
lagumaysto ee Ogaden(soomaligalbeed) waxaa inaga intaa inodheer
gumaystaha cadowga soomaliyeed-waa Ethiopia, ee gumaadka iyo
dibindaabyada aan xadka lahayn inagu haya habeen iyo maalin.
Shacabka soomaaliyeed ee gumaystuhu daashaday
wuxuu halgan hubaysan oo Naf, Muruq iyo Maal badanba kubixiyay
sidii uu xoriyadiisa usoo ceshanlahaa. Kobtan ma rabo inaan
kufaadhfaadho sidii halgamadaasi ukaladaceen, dadkii waday,
iyo natiijadii ay dhaleen. waayo waa xaajo balaadhan oon lagu
soo koobi karin warqadan. waxaanse rabaa inaan dadkayga ku
baraarujiyo halganka maanta kasocda Geeska Afrika ee umadaha
kaladuwan qolo walba ugu jirto sidii sacoodu wayl udhali lahaa.
Umadahaa dagaalamaya waxaa kamid ah Soomaligalbeed(Ogaden),
Oromada, Xabashi, Tigre, Canfar, Eriteria iyo dadyow kale
oo dano kale umadahaan.
Wadanka loogu yeedho Eethiopia waxaa maanta
taladiisa haya qowmiyada Tigreega oo kamid ah qowmiyadaha
yar-yar ee dega waqooyiga Ethiopia oo xuduuda la leh Eriteria.
Amxaaro oo qowmiyad wayn ah sida layidhaahdo waxay noqotay
libaax raq laga kiciyay oo raqda kama foga aad ayayna ugu
rajawaynatahy in ay xili dhow talada wadanka lawareegto iyadoo
kaashanaysa qowmiyadaha aad uyar-yar ee Ethiopia oo dhan sida
walita, Gurage, Hadiya, Gambela iyo kuwo kale oo gashaanbuur
ah.
Qowmiyadaha yar-yari waxa ay Amxaaro uraacayaan
waxay kayaaban yihiin in qowmiyadaha waawayn ay cagta mariyaan
hadii nidaamku lumo - marka qowmiyada midnimada Ethiopia difaacda
sida caadada ah waa Amxaaro sidaa darteed bay udugsanhayaan
Amxaarada. Oromo aad bay ukacsantahay inkasto oo ay qaybsanyihiin
oo awooda siyaasadeed ayna ka midaysnayn oo ayna meel kasoowada
jeedin sida amxaarada. Haseyeeshee waa wax dhici kara inay
markaliya umidoobaan TPLF markay arkaan tabardarida Tigreega
oo sii koradha gudo iyo dibada Ethiopiaba. Maalinka ay Oromo
umidowdo Ethiopiana waxaa kadhici ”naa xaar ma ahee
waa xangaydaan xaloo dhan soo dhex jiidhahayay”. Oromadu
waxay rabaan in mardanbe awooda Ethiopia aan lagu murmin oo
hadii dimuquraadi wax lagu qaybsado iyagu ay yihiin qowmiyada
ugu badan. Hadii ay xoog noqotana ay wax baadhbaadhaan.
Waxaa cad oo qofna ka daahsoonayn in xukunka EPRDF uu wakhti
dhow soo afjarmi doono - ugubadnaan shan Sano. Xukun diktator
ah oo Afrika kataliyaba xili buu leeyahay uu fashilmo oo dhamaado-
xiligii EPRDF waa inahayaa mardhow. Hadaba marxaladihii hore
ee wadankan taliyayaasiisu xukunka kukala qabsan jireen maanta
mataalo meesha. Sababo badan ayaana keenaysa in qowmiyad kali
ah ay hadana talada wadanka lawareegin. Tahore Ethiopia Meles
wuxuu uqaybiyay Gobol gobol ku salaysan qowmiyado taas oo
keentay inay qabyaaladu naaxdo qowmiyaduhuna utartamaan sadbursi
Tigreeguba hagutunwaynaadee. waxaa kale inforamtion age ayaa
lagay oo waxa dhacaya dunida meelwalba wuu gaadhayaa saacado
gudohood. waxay keentay inay dadku ku baraarugaan xuquuqdooda.
waxay keentay inay dadku arkaan kaligii taliyayashii oo si
cilmiyaysan looga takhalusayo.
Waxaa kale oo mihiim ah maanta oo ah maalinkii qowmiyadaha
ku hoosdulaysnaa Ethiopia boqolkii sano ee la soo dhaafay
ay ugu aqoonbadnaayeen, ugubaraargsanayeen(soomalida ma hubo).
Marka inagu hadaan nahay soomalida mugdiga gumaystaha Abisiniya
uu kuxidhay xageebaan higsanaynaa? xaalkeenu ma naagtii tidhibaa
lugtanay kolba nin ku qaad!.
Maanta waxaa dagaalamaya ururka la yidhaahdo
ONLF. Waxay dharbaaxooyin xunxun ku dhufteen gumaysiga dadka
soomalida Ogaden daashaday Waa rag iyo dumar soomaaliyeed
oo uistaagay inay difaacaan xuquuqda dadkooda, dalkooda iyo
diintoodaba. ONLF waxay soomalida qaarkeed kusheegaan inay
yihiin qabiil ogadeen ah oo aan loo dhanayn halganka ay wado.
anigu marabo inaan uqiilbixiyo ONLF laakiin waxaa cad oo infarta
lagu fiiqo ubaahan inay ONLF tahay jabhad wadani ah oo ujeedadeedu
tahay sidii aayo katashi iyo xoriyad ay soomalida gumaystuhu
haysto uheli lahayd; xoriyad oo ah waxa ugu qaalisan ee shacab
helaa oo deedna markaa qayrkood ulajaanqaadi lahayeen.
Anigu waxaan kutalinayaa hadii aynunahay soomaligalbeed
hadaynu qabiil wax kudiidi waxaa ina haystay kol Xabashi(Amxaaro),
maantana waxaa inahaysta Tigre oo taasi markhaati uma baahna.
Walaalyaal ma magac qabiil soomaliyeed oo walaalaheen ah intaan
diidno ayaan ogalanaa mid aysamaysteen qowmiyada kale oo afrikaan
ah. war magaca Ogaden waligii cid laguma gumaysanin, cidna
laguma gumaysandoono. Hadii soomaliyeey aan gamcaha isqabsano
waan kabaxaynaa gawsaha cadowga gumaysiga Ethiopia magac aan
wada huwano oo dugsi dhaxanta celiya inoo noqdana waan la
bixidoonaa. Maanta anigu waxaan kula talinayaa soomalida degan
dhulkaa inay gamcaha isqabsadaan oo aad uhiilisaan ninkii
soomali ah magackaste hawatee.
Hadii kale barina waxaan sugnaa waa duul cusub(Oromo)
oo magac shisheeye inoogu taliya abaalkeena wuxuu noqon gumaad,
gunimo, gardaro, gaalnimo, geeri, gablan, gacan qaad, xadhig,
xoriyad dari, xoog, xamag qabasho, xasuuq,xidid usiibid, xanuun,
xero kugal, quudhsi, bahdil, barakicin, baahi, burbur, balaayo,
dhabarjabin, colaad sokeeye, cimri gaaban, diindaro, umulo
dooxid, dawdaro, dabayaal iyo danqasho aan dhamaanyanin.
Hadalka gunaandkiisu waxaa weeye xiligii afrika
la qaybqaybinayay ayuu nasiib iyo hogaan la àan shacbigeena
ku dhacday, waxay taasi ina dhaxalsiisay inaan boqolsano oo
xadhig ah galo waxaase xaqiiq ah inaan maanta kala bixi karo
luqunta mareegtii barigaa la inoo galiyay- waa hadiise wax
garadka soomali galbeed uu:
- garto dabaysha siyaasadeed iyo halganada qowmiyadaha ka
socoda Geeska Afrika
- waajibka ka saaran inay bulshadooda u sahamiyaan wakhti
fiican inta ayna xeedho iyo fandhaal kala dhicin
- ku booriyaan bulshadooda midnimda kuna baraarujiyaan
soomalinimda iyo xuquuqdooda
- ka shaqeeyaan u diyaargarynta maskaxda shacabka loona
diyaargareeyo isbadal dowladeed oo kadhaca Ethiopia, kana
duwanaanyo isbadaladii hore iyo inaan fadhiga daad dulaan
ah ugu iman.
- xooga, maskaxda, caqliga, siyaasada soomaligalbeed oo
la mideeyo
- qowmiyadaha kale ee wadanka kahalgamaya ee xoriyadooda
iyo xuquuqdooda raadsanya oo la iskaashadaa- xataa kuwo
aad meelaha qarkood aan kala ujeedo nahay ha ahaadaan ee.
Markaan leeyahay la iskaashadaa waa sidii aan udadajinlahayn
boqnagoynta gumaystaha.
- fahantahaan in waxgaradkii qowmiyadaha kale ee Ethiopia
uu isu diyaargaraynayo isbadal dhaca iyo sidii ay kayeeli
lahaayeen.
Waxaan rabigay inooga baryayaa Xoriyad waarta,
Nabadgaliyo, Sharaf iyo Cisi. Ilaahay walaaldeena Koonfurta
ku dagaalamahaya qalbigooda ha mideeyo. kuwa Jabuuti, Somaliland
iyo Puntland nabaday haystana Rabigay ha usiyaadiyo.
Waa Qalinkii Jimcaale Cismaan
ollewale@gmail.com
Nabadgaliyo
|