Opinion
 
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
 

Maxamed Cali Mire: Mooryaan-Murtiyeed!

By Abwaan Stanza.
ayaandhalad5@hotmail.com


Kaddib burburki dalka iyo dawladdi dhexe, bayhoofki iyo barakici bulshada Soomaaliyeed, waxaa soo baxay kuwa banneystay wax kasta oo uu damiirka fayow ka xishoon jiray barisamaadki. Kooxdan damiirlaaweyaasha ah ayey shacabka Soomaaliyeed ku shaqleen magaca "Mooryaan" oo loola jeeda qof anshaxa iyo asluubta ka aradan xaaraamtana xalaaleystay, Alle iyo aadanana yareystay.

Mooryaantan mooraduugaty keydki iyo karaamadi bulshada Soomaaliyeed, ayaa laama iyo lilan u kala baxday, waxaa kudkan iyo kadeedkan - "Mooryaanta, " hormuud u ahaa kuwa hubeysan ee dhuugga ku ahaa bulshada dhumucdeeda kana dhigan jiray wax kasta oo dheef ah dadkana dhuunjari jiray.

Kooxdan sare oo ay dadka qaar u yaqaannaan dhuljiif, waxey ka faltami jireen dhulka waxaana baddalay mooryaan-biyood - burcad-badeed carcarteeda la timid. Waxeysa sharafi dhimatay markey soo baxeen "Mooryaan-murtiyeed" sida Maxamed Cali Mire, oo isagu ku kacay wax kasii liita wuxuu mooryaanka hubeysan ku kici jiray oo ah "Xatooyo suugaaneed - sheegasho tix uusan curin, curinna kareynin cimrigiisa haddii loo dhammeeyane, caqli-darrase ay ku cirbisay cawaaqibteeda iyo ceebteedana nolashiisa duka cambaar leh ay ku tahay.

Ninkan oo ah nin maareeya mareeg aad u yar: http://calimire.freeservers.com, astaanteeduna tahay, (Ho'rudhac) una muuqda nin arrimaha jaceylka inuu wax ka qora jecel, lagana yaabi lahaa inuu qalinkiisa mustaqbal yeelan lahaa hadduu tuugannimada diintu ay caaysay ka dheeraan lahaa, ayaa asagoon kuba xisaabtamin in maalin uun lagu qaban doona murtida uu maroorsaday, wuxuu xaday heesta caanka ah, "HA JAREEXIN CAASHAQA." Heestanoo ah heestii ugu horreysay een fannaan u dhiiba kana dhalatay dhacda iyo dareen dhab ah; uuna qaada hobal saaxibkey ah, Cabdullaahi Cali Dhuuboow. Rugti lagu curiyey iyo ragga laxanka saarayna ay joogaan, keyd ahaanna ku jirta diiwaanka gabayadeyda iyo dhawr hoy-suugaaneed oo uu ugu horreeyo hoyga www.aftahan.org, www.aftahan.com. Bogag badan oo kalane ku soo baxayday cajalado badan oy ku duuban tahayna la haya.

Diintu waxey na fartay inaan qof Islaamka ah ceebtiisa bannaanka la soo dhigin balse loo diga. Maxamed Cali Mire saddax jeer ka badan baan u digay anigoo diidanaa inaan qofnimadiisa meel kaga dhaca. Waxaan dhacdadan u gudbiyey in ka badan 200 oo abwaan iyo qoraa Soomaaliyeed oon internetka madal na kulmisa ku leennahay si ay marag uga noqdaan dhacdadan gunnimada ah ee uu Maxamed Cali Mire ku kacay. Waxaan kaloo akhristayaasha u sheegayaa markaan ninkan ku idhi, "Gafkaaga ka noqo heestana boggaaga ka saar," inuu aflagaadda ii soo diray iyo waliba hanjabaad. "Doqoney dabkaa ba'!" Ninkan oo E-mailkiisu yahay: calimire2001@yahoo.com sida aad boggiisan booli-maalka ah ku arki doontaan, hadduu cudurdaar dag-dag ah bixin waaya heesteydan uu xadayna meesha ka saari waayo, Soomaalida markhaati haka ahaadaan inaan gabay uu noolashiisa qoomameeya dhawaan soo saaro doona mustaqbalka dhawna maxkamad soo taagi doona hadduu Alle ka raalli noqda. Waxaan kaloon u sheegayaa tuug kaste oo isku daya inuu xada murtideyda, in wixi aan murti curiyey oo dhan aan maxkamad copy right ah ka sajilay meel iy madal kasta oo uu joogana ku maxkamadeyn kara.

Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza).