Soomaaliyey,
barta cadawgiinna Xabashiyeed!
By
C/raxmaan.M.Muuse
cgurmad@yahoo.com
Waxaan jeclahay in aan u soo bandhigo akhristayaasha iyo
waddanayiinta Soomaaliyeed aragtiyo aad u nuxur badan oo ku
saabsan sida dadka Soomaaliyeed u maarayn lahaayeen isagana
caabbiyi lahaayeen cadawga soojireenka ah (Xabashida) ee kunka
sannadood dagaalka innagula jiray. Aragtiyaha aan halkan ku
soo bandhigayo, iyaga oo kooban, waxa ay ku midaysan yihiin
hal ujeeddo oo ah: Sidee la isaga caabbiyi karaa duullaanka
Xabashida?
Fikradahan oo aan ka soo minguuriyay laba maqaal oo ay kala
qoreen laba aqoonyahan oo Soomaaliyeed lana kala yidhaahdo
Dr Maxamuud C/raxmaan iyo Maxamed Cumar Axmed, waxaa lagu
daabacay bar internetka ah oo Af-Carabi wax ku qorta: (http://somaliatodaynet.com/news/index.php?option=com_content&task=view&id=1112&Itemid=29).
Qoraalladan oo ah kuwo aad u tayo sarreeya, kana soo maaxday
maskaxo waddaninnimo iyo aqoon sare ku sifoobay, waxay qaadaa
dhigayaan bal sida ugu habboon ee loo maamuli karo halganka
iyo jihaadka lagala horjeedo cadawga Xabashiyeed, xilli Soomaalida
inteeda badan xusuus-guur qaran ku dhacay, ama u arkaan cadawga
kaliya ee ay leeyihiin walaalka Soomaaliyeed ee ay kala qabiilka
ama kala aragtida yihiin. Haddaba waxaan jeclaystay in aan
u soo bandhigo aragtiyahaas qiimaha iyo qaayaha badan walaalaha
Soomaaliyeed ee aan iyagu afka Carabiga wax ku akhriyin.
Turjumada nuxurka qoraalladaasi waxay faafin kartaa waxtarka
aragtiyahaas waddaniga ah ee aadka loogu baahi qabo maanta.
Haddaba marka aan soo gudbiyo nuxurka qoraalladaas iyo qodobada
ugu muhiimsan waxaan ku ladhi doonaa qodobbo iyo gunaanad
kooban. Waana kuwan qodobbadii ugu mudnaa labadaas qoraal:
Fahmidda ujeeddooyinka, tabaha iyo xeeladaha cadawga
Xabashiyeed:
Xeeladahaas oo ay ugu horrayso rabitaankeeda ah: a) kala
qaybinta cududda iyo iskaashiga Soomaaliyeed. b) burinta qaran
Soomaaliyeed oo leh jiritaan, calan iyo awood ciidan (bal
u fiirso xiisadda joogtada ah ee ka dhexeysa Puntland iyo
Somaliland). t) xusuus-guurinta Soomaalida iyo ka maydhidda
(tirtiridda) maankooda qaran ee taxanaha iyo taariikhda colaadaha
Soomaalida iyo Xabashida (tusaale ahaan faafinta aragtiyaha
odhanaya “Xabashidu waa walaalaheen amaba Soomaalida
qaar iyagaa nooga sokeeya!).
Fahmidda awoodaha cadawga (Xabashida):
Waxaa kale oo ay labada qoraa farta ku fiiqeen in si cilmiyaysan
loo darso awoodda cadawga iyo dalalka gacanta u fidiya ee
mar kasta oo aynu iska hornimaadno badhitaara. Waxaa ka mid
ah meelaha Itoobbiya taageerada ugu badani uga timaaddo ilahan
hoos ku xusan:
1. Ururka Midawga Afrika ee xaruntiisu ku taal Adis Ababa,
ururkaas oo mar walba oo aynu is hayno la garab istaaga taageerada
siyaasadeed ee dawladaha Afrikada Madaw.
2. Taageerada Maraykanka iyo dawladaha reer Galbeedka
iyo ku qadhaabsiga Diinta Masiixiga (taageerada dawladaha
kiristaanka ahi waa tii ka badbaadisay qabsashadii Axmed-Gurey
iyo ciidamadii Soomaaliya 1977).
3. Adeegsiga nabarka qabiilka, oo ah boogta daa'uuska ee
Soomaalida,
taas oo u suurtogalisa inta badan in ay kala dhantaasho cududda
iyo midnimada Soomaalyeed (bal u fiirso waxa colaad ka dhex
qaraxda qabiilooyinka Soomaaliyeed waxaa si toos ah ama si
dadban ugu lug leh Itoobbiya).
4. Tiro badnaanta dadkooda oo lagu qiyaaso ilaa 60 milyan,
taas oo siin karta cudud ciidan iyo mid dhaqaale.
Dhinacyada ay u liidato, ama laga weerari karo (gol-jilicyada
cadawga):
1. Kala gaddisnaanta dhaqan, isir iyo luqadeed ee dadkeeda
oo mar kasta fududayn karta in dagaal dhexdeeda ka qarxo (Matxafkii
Quruumaha).
2. Amar-ku-taaglaynta iyo awood-maroorsiga qoomiyadda Tigreega
oo quruumaha kale madaxa kaga taagan, arrintaas oo ka dhigaysa
xaaladdeeda foosto baaruud ah oo qarax hurran.
3. Muslimiinta oo 60% ka ah shacabka Itoobbiya, kuwaas oo
aan haysan wax xuquuq ama matalaad ah oo tiradooda u dhiganta.
4. Dekad la’aanta iyo ku tiirsanaanta xeebaha dalalka
deriska.
5. Liidashada awoodeedda dhaqaale iyo ku bixinta hanti badan
dhinacyada ciidanka.
Hannaan iska caabbineed cilmiyaysan:
Haddaba markii ay milicsigaas kooban, ee waliba aadka u cilmiyaysan,
inaga siiyeen sawirka runta ah ee Itoobbiya, waxay labada
aqoonyahan inoo soo jeediyeen qodobbo kooban oo ay u arkeen
in ay noqon karaan furaha iska caabbinta cadawga. Waana kuwan
talooyinkoodii oo koobani:
1. Dajinta qorshe iska caabbineed oo hufnaan iyo xeeldheeri
ku sifoobay, iyada oo laga faa’iidaysanayo waayo-aragnimadii
laga dhaxlay dagaalladii hore ee aynu cadawga la galnay.
2. In la furo xarumo cilmibaadhiseed oo lagu barto taariikhda
Itoobbiya, hab fikirkookada iyo qaabka ugu habboon ee la isaga
difaaci karo.
3. In laga fogaado hadallada seef-la-boodnimada iyo xamaasadda
ku salaysan ee aan wax badan taraynin,xooggana la saaro in
la shaqeeyo,laguna dadaalo sidii loo adeegsan lahaa,iska caabin
xeeladaysan.
Qodobbo kale:
Arrimahaas badan ee ay labada aqoonyahan ka hadleen waxaan
ku kordhin lahaa qodobbo kale oo ah:
In la turjumo buugaagta iyo qoraallada laga qoray taariikhda
colaadaha Soomaalida, Muslinka Geeska Afrik iyo Xabashida,
sid buugga la yiraah" Futuux Al Xabashah (waxaan maqlay
in loo turjumay Af-Soomaali laakiin ma arag cid arrintaas
ii xaqiijisa), oo ah buug uu qoray dagaalyahan ka qaybqaatay
dagaalladii Axmed-Gurey ee la isaga caabbiyay duullaanka Xabshida.
Dhanka kale, in aad loogu dhex faafiyo dadwaynaha dhexdiisa
si ay uga dharagsanaadaan qoto dheerida iyo asal-diimeedka
colaadda.
In la faafiyo dhacdooyinkii iyo xusuus-reebkii dagaalladii
Soomaalidu la gashay Xabashida, gaar ahaan dagaalladii 1964
iyo 1977, iyo waliba in laga taariikheeyo dhulbalaadhsigii
Minilik iyo Hayla- Salaase.
In laga digo, dadkana lagu baraarujiyo, Xabashida lagu deegaameynayo
magaalooyinka Soomaaliyeed, gaar ahaan Somaliland iyo Puntland.
Arintani waa mid khatarteeda leh, waxaana halisteeda la arki
doonaa mustaqbalka dhaw haddii aan laga gilgilan maanta.
Waa in la xusuustaa in Falastiin Yuhuuddu kula wareegtay
degaamayn qunyar-socod ahayd, iyada oo kolba koox yar meel
lagu degaamaynayay, ilaa ay aakhirkii wada hantiyeen dhulkii
Falastiin.
Waxaa habboon in la taageero lana dhiirri galiyo xoogagga
iska caabbinta ee maanta gaashaanka u daruuraya, magac iyo
muuqaal kasta oo huwan yihiin.
Waa in la dareemaa isku xidhnaanshaha xasuuqa Xabashidu
ka gaysanayso degaanada Ogaadeenya(Soomaali Galbeed) iyo Muqdisho.
Ogaadeenya iyo Muqdisho dadka deggani waa dad kali ah oo ka
horjeeda hal cadaw.
Dhanka kale, waxa mudnaanteeda leh in laga shaqeeyo sidii
dib u heshiisiin dadwayne loo dhex dhigi lahaa shacabka Soomaaliyeed,
lagana run sheego waxii dhacay, isla markaa si hufan oo daacadnimo
ku dheehan tahay loo baanto nabarrada xususeed iyo raadka
dagaalladaasi ku reebeen maan wadareedka qaran (iyo qabiilooyinkaba).
Waa in jawaabo maangal ah loo raadiyaa sababta keentay in
wiilka (in badan oo ka mid ah) Hargaysa ama Garoowe ku nooli
Xabashida saaxiib ugu haysto, xiliga ay ku gumaadayso caasimaddii
dalka iyo degaanka Ogaadeeniya (Soomaali Galbeed) oo ay dhiig,
dhaqan iyo dhalshaba wadaagaan. Dadka maanta sidan la isu
qaniinsiiyay waa dadkii iyo qarankii dhaliyay libintii 1977.
Waana in yoolka laga dhigtaa midaynta cududahaas kala dhantaalan.
Ugu danbayn waxaan jeclaystay in aan ku gabagabeeyo qormadan
ila taraartey erayada hees ka mid ah suugaanta xornimadoonka
Soomaaliyeed:
- Amxaaro intaan is hayno
- Intey arligeena joogto
- Intey ubadkeena layso
- Intey ooryaheena dooxdo
- Ogaada abaabulkeenu
- Inuu sii adkaado weeye.
- Idilkeen aan is raacno
- Dhamaan aarmiga aan qaadbo
- Adoonsey nala rabaane
- Inaga ololkeen ha leefo.
By C/raxmaan.M.Muuse
cgurmad@yahoo.com
|