Wararka ka soo dhacaya Hawlgalkii Eebocadow ee
soo bilowday 10 bishan socdana taniyo eegga waa is daba joog,
dhulka hawlgalku ka socdo oo aad u ballaadhan iyo isgaadhsiinta
oo yar darteed wararkiisu wali ma soo wada dhammaanin meelaha
qaarna wuu socdaa hawlgalku, waxaase Rugta CWXO ay soo direen
faahfaahintan soo socota:
Hawlgalku wuxuu kadhacay Gobaha kala ah, Cobolka
Baabili, Degmada Xamaro-Xadaad, Higlalay oo uu la socday dagaal
mir ah oo lagu qaaday Dhagaxbuur iyo Cobole, Galadiid, Karinbilcille,
Duud Ciid, Yucub iyo Qamuuda, Duleed Wardheer, Boodh Caano iyo
Aaga Biyoxidheenka Godey, Birqod iyo Gunagado. Intaas waxaa
racay Dagaalo dhaba-gal ah oo gurmadka lagu hakinayey oo xoog
leh uga dhacay, Duleed Dhagaxbuur, Duleedka Qabridahare, Duleedka
Fiiq, Dhagaxmadaw iyo Dhagaxbuur dhexdoodda, duleedka Wardheer,
shilaabo iyo Yucub dhexdooda, dhammaan aaggaas waxaa ka dhacay
dagaalo aad u culus oo gumaystiga Tigrega darsi taariikhda galay
loogu dhigay.
Waxa si gooni ah loo xusayaa natiijada dagaalka Eebocadaw qododaban
soo socda:
1- Waxaa gacanta lagu dhigay 8 saldhig oo kala ah, Cobolka,
Higla lay, Xamaro, Galadiid, Karinbilcille, DuudCiid, Boodhcaano
iyo Yucub, inta kalana waa la burburiyay si weyn oo culus.
2- Waxaa cadawga laga dilay inta ciidankeenu sugay 400 oo Askri
tiro aan la qiyaasi karin oo dhaawac ah, waxaana la xaqiijiyay
in ciidamo badan dhexda iyo isbitaalada, Harar,Dirdhabe, Q/dahare,
Dh/buur, Jigjiga iyo Wardheer ku nafwaayeen iyada oo dhaawac
la ciirciirayaan isbitaaladaasi.
3- Saraakiisha ay dulistaageen CWXO ee cadawga laga dilay waa
9, waxaase jigjiga iyo harar ka soo yeedhay in 25 sarkaal ku
nafwaayeen hawlgakii Eebocado, Baroorta iyo oohinta Habraha
Woyaane ay isu yeedhey min Ardisababa ilaa shilaabo, saraakiisha
go'day waxaa ku jiray Col. Haylu oo aha Taliyihii Sahanka Qaybta
Harar.
4-Qalabka cadawga lagafur, oo aad u badan, ay ku jiraan qoryo
tiro badan oo qoryo culus ah, sida Sniperka ama Sinefer, PKM
iyo Saanad ciidan oo kala duwan ayna ku jiraan Dawo, Direys,
Kabo, Isgaadhsiin Ciidan iyo qalab aad muhiim ah oo setelate
isgaadhsiinta ciidanka lagu hago, laguna dhagayste Mobile setelate
thuraya ah kaas oo kadib la burburiyay culeyskiia dartii.sidaa
oo kale waxaa gubtay gaadiid ciidan oo ay ku jiraan booyad shidaal
gurmad ah waday. dhanka kale wixii maxabiis ahaa waxaan u gudbinay
goobo ay codsadeen.
5- Maxaa ka dhashay Hawlakii Eebocadow ee barakaysnaa? waxaa
dhashay khalkhal kama dambays ah oo ku dhacay Ciidankii cadawga
waxaa heegan galay dhammaan magaalooyinka, Jigjiga, Godey, Q/dahare,
Wardheer iyo Harar taasoo ay saska qaadeen ballaadhka weerarka,
tabaha CWXO, qorshaysnaanta, Geesinimada iyo tababar N/hura
Ogadenia, waxaa wali daadsan meydkoodii Xamaro, Galadiid,Cobolka,
Yucub iyo Qamuuda. waxay budhacada TPLF qaadaty cashir lama
ilaawaan ah oo loo aayidoono waana sida ay ugu bilaabatay sidii
balanta onlf ahayd.
7- Maxaa loo qaaday ama maxaa kaakiciyey Hawgalkan Ebocadow?
Arimaha soo socdadartood:
1-kadiba markay badatay beenta ay ku soo hagayaan Woyanuu shirkadha
shidaalka baadha ee caalamka inay maanta Ogadenia bayleh u tah
Woyane ka faa,iideysigiisa.
2- Kolkay in badan ku celceliyeen beenaale Meles iyo Afmiinshaar
Bareket Simon in ay JWXO ciidaan ahaan jabiyeen soona af jareen
halgankii Ogadenia
4-kadib markay aad u hawlgaliyeen maamulada Dabaqoodhiga somaliya,
isuna diyaariyeen Doorashooyin ku sheeg been ah oo Abassynia
ka sameeyaan. waxaa la gartay itaas markii la eegay in la gadhay
Dharbaaxadii Eebocadow, alle mahadi way dhacday sidii loogu
talogalay iyo natiijooyin dheeraad ah oo ka soo baxay, iyada
oo uu aad uga yaryahay khasaaraha CWXO soo gaadhay kii la filahay
laguna talogalay.