Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
Waqooyibari.com
Waayaha

Opinion

Taariikh Dekanada aad dhitaysataad dhami doontaa!
Axmed Gaal-eri
08 December 2003

Waa hubaal in qof kastoo maqla weedha ”ka ganacsiga dadka” uu soo xusuusanayo dadkii afrikaanka ahaa ee waayadii hore laga ganacsan jiray, sababtuna waxay tahay iyadoo ka ganacsiga dadka lala xidhiidhiyo taariikho hore oo dunida soo maray, kuwaasoo dadkii sameeyayna ay ka shallaayaan, kuwii lagu sameeyayna ay ka galiilyoodaan markii ay soo xusuustaan.

Bulshooyinka dunida maanta ku dhaqan intooda badani ma rumaysanayaan haddii loo sheego in ka ganacsiga dadku uu siyaabo kala duwan meelaha qaarkood uga jiro, sababtoo ah waxay bulshada casrigan ku dhaqani samaysatay xeerar lagula dagaallamo denbiyada ka ganacsiga dadka. Hase yeeshee in kastoo la joojiyay ka ganacsiga dadka ee qayaxan, haddana waxaa meelo badan oo dunida ka mid ah ka sii jira dadka oo siyaabo dadban looga ganacsado.

Meelaha uu ganacsiga dadka ee dedbani ka jiro waxaa ka mid ah gobollada Woqooyiga Soomaaliya, oo maamulka qabiiliga ah ee ka jira uu caadaystay inuu marba uruuriyo dad rayad ah oo aan waxba galabsanin, ka dibna uu ka gato xukuumadda gumaysiga ah ee Itoobiya.

Maamulka ka taliya magaalada Hargaysa wuxuu mar kale ku tallaabsaday tallaabooyinkii nacabnimada ahaa ee looga bartay muddadii uu u sarreeyay talada gobollada Woqooyiga Soomaaliya. Wuxuu maalmukaasi dhawaan xabsiyada magaalada Hargaysa ku guray dad aad u fara badan oo u dhashay gobollada kala duwan ee dhulka Ogadenya.

Maamulku wuxuu sidii lagu yaqaanay, ku dhawaaqay in dadkaasi ay xubno ka yihiin Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, isla markaana lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin ciidammada Jabhadda. Waa arrin caado u ah maamulka Hargaysa, iyadoo ayna ku xidhnayn cidda madaxda ka ah, inuu marba weerar nacabnimo ah ku qaado dadwaynaha soomaalida Ogadenya ee sababaha kala duwan u yimaada gobollada Woqooyiga Soomaaliya. Ka dibna uu ku tilmaamo inay yihiin dad ka tirsan ururrada ka soo horjeeda dawlada Itoobiya.

Wuxuu maamulka Hargaysa marar hore oo badan fuliyay weerarro midkan la mid ah oo lagu ugaadhsanayo dadka ka yimaada gobollada Ogadenya. Waxaase hadda ku cusub isagoo caddaystay inuu qayb ka yahay dagaalka dhex maraya ciidammada xoraynta Ogadenya iyo gumaysiga Itoobiya, wuxuuna qirtay inaanuu oggolayn in waxyeello la soo gaadhsiiyo dawlada Itoobiya, oo uu sheegay inay walaalo isku dhaarta yihiin.

Waxaa arrin lala yaabo ah in maamulka Hargaysa, oo la ogyahay inuu ku guul darraystay inuu sugo ammaanka seddexda gobol ee uu ka taliyo, uu hadda u xayd-xayto inuu difaaco dalka Itoobiya.

Waan ognahay in dawlada Itoobiya ay cadaadis ballaadhan ku hayso maamulka damiinka ah ee Hargaysa, kaasoo ay ku qasabto inuu gooyo xidhiidh kastoo uu la leeyaha dadka soomaaliyeed, gobolkay doonaaba ha u dhasheenee, hase yeeshee marna ma is-waydiiyay in colaadda uu maleegayo ayna ku koobnaan doonin dadka uu dekadanada ka galayo, balse ay sidoo kale saamayn doonto isaga laftiisa iyo dadka uu sheeganayo inuu matalo.

Maamulka Hargaysa marna ma ka fakaray saamaynta ay ku yeelan doonto colaadda uu ku wareejiyay gobollada uu ka taliyo. Marna ma ka baaraan-degay sida ay Hargaysa u noolaan doonto haddii ay col la noqoto Jabuuti, Laas-caanood iyo Ogadenya, mise wuxuu maankiisa gaabani siiyay in Itoobiya ay u buuxin karto kaalintii ay meelahaas oo dhami ugu jireen.
Waxay masuuliyiin ku sheegga Hargaysa maalmahan denbe oo dhan ku celcelinayeen inay gacanta ku dhigeen xubno ONLF ah oo dalka qalaanqal ka abuurayay, waddanka Itoobiyana cadow ku ahaa.
Haddii ay runtood tahay oo booliskoodu awood u leeyahay inuu dadka calooshooda akhristo oo ogaado ururka ay ka tirsan yihiin, maxay u soo qaqaban waayeen gacan ku-dhiigalayaashii laayay dadkii shisheeyaha ahaa ee inay u gargaaraan ugu yimid een ilaa iyo hadda la haynin.

Jawaabtu waxay tahay iyadoo qaqabashada dadwaynaha soomaalida Ogadenya ee ku sugan gobollada Woqooyiga Soomaaliya ayna u baahnayn in awood badan lagu bixiyo, sababtoo ah waxaa dadkaas lagu baadi soocaa qabiiladooda, iyadoon loo kala aaba-yeelin in qofku uu magaalada deggan yahay, inuu socoto yahay, inuu kaari yahay, inuu dillaal yahay, inuu ganacsade yahay, inuu wadaad yahay ama inuu siyaasi yahay. Astaanta kaliya ee lagu caddeeyo waa inuu ka soo jeedo qabiilka ay diiraddu u saaran tahay maamulka nacabka ah ee Hargaysa.

Waxaan ka warhaynaa in maamulka Hargaysa uu waayadan denbe billaabay inuu sidoo kale dhibaatooyin dhac iyo tarxiil isugu jira kula kaco dadwaynaha soomaaliyeed ee u dhashay gobollada kale ee aan Woqooyiga ahayd, gaar ahaan dadwaynaha soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

Waxaa boqollaal dadwaynahaas ka mid ah oo hantidoodii laga dhacay, ka dibna lagu amray inay gobollada Woqooyi sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan. Waxay dadka soomaaliyeed sannado badan xusuusan doonaan dhacdadii naxdinta lahayda ee dhawaan ka dhacday duleedka magaalada Garowe, halkaasoo uu ku gaddoomay baabuur si xad-dhaaf ah loogu soo raseeyay dad laga soo xasuuqay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, kuwaasoo hantidoodii lagala soo hadhay oo iyagoo fara-madhan la soo diray. Waxaa nasiib darro shilkaas ku dhintay 21 oo 9 carruur ahi ay ku jiraan.

In kastoo ay dadkaas ajashoodii dhammaatay, haddana waxaa denbigaas iska leh maamulka Hargaysa oo ku qasbay inuu ka soo caydhiyo magaalooyinkii ay degganaayeen. Waxaa ammaan mudan Isbitaalka Magaalada Garowe oo si wayn ugu gurmaday dadkaas masiibadu la soo deristay.

Maamulka Hargaysa wuxuu sannado badan ku dadaalayay sidii uu nac iyo karaahiyo uga dhex abuuri lahaa dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Woqooyiga Soomaaliya iyo dadka kale ee soomaalida ah, wuxuuna mar kasta isku dayaa inuu colaad iyo nacayb ka dhex abuuro qabiilka uu matalo iyo soomaalida inteeda kale, taasoo ah siyaasadda kaliya ee uu xukunkiisa ku sii haysan karo, wuxuuna door-biday inuu hoos gelo cadowga soomaaliyeed, si uu danihiisa gaarka ah u gaadho.

Hase yeeshee waxaa muuqata in cimriga taliskaasi uu gabaabsi yahay, isla markaana ayna bulshada soomaaliyeed mar denbe u dulqaadanaynin xadgudbyada uu u gaysto. Dadka soomaalida Ogadenya, oo dhibaatada ugu badan ay tilsakaas ka soo gaadho, waxay hadda diyaar u yihiin inay taliskaas u dhaamiyaan dhiisha colaadda ahee muddada dheer uu la wareegayay, waxayna hubaan in oohintu ay isaga ku denbayn doonto, isla markaana uu dhami doono dekanada uu dhitaystay!

FG. Qoraalkan wuxuu naga soo gaadhay Axmed Gaal-eri oo qoray sanadkii 2003.

Axmed Gaal-eri
08 December 2003

 
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2009, All rights reserved. Qorahay Online