Taariikh
Dekanada aad dhitaysataad dhami doontaa! Axmed Gaal-eri
08 December 2003
Waa hubaal in qof kastoo maqla weedha ”ka
ganacsiga dadka” uu soo xusuusanayo dadkii afrikaanka
ahaa ee waayadii hore laga ganacsan jiray, sababtuna waxay
tahay iyadoo ka ganacsiga dadka lala xidhiidhiyo taariikho
hore oo dunida soo maray, kuwaasoo dadkii sameeyayna ay ka
shallaayaan, kuwii lagu sameeyayna ay ka galiilyoodaan markii
ay soo xusuustaan.
Bulshooyinka dunida maanta ku dhaqan intooda
badani ma rumaysanayaan haddii loo sheego in ka ganacsiga
dadku uu siyaabo kala duwan meelaha qaarkood uga jiro, sababtoo
ah waxay bulshada casrigan ku dhaqani samaysatay xeerar lagula
dagaallamo denbiyada ka ganacsiga dadka. Hase yeeshee in kastoo
la joojiyay ka ganacsiga dadka ee qayaxan, haddana waxaa meelo
badan oo dunida ka mid ah ka sii jira dadka oo siyaabo dadban
looga ganacsado.
Meelaha uu ganacsiga dadka ee dedbani ka jiro
waxaa ka mid ah gobollada Woqooyiga Soomaaliya, oo maamulka
qabiiliga ah ee ka jira uu caadaystay inuu marba uruuriyo
dad rayad ah oo aan waxba galabsanin, ka dibna uu ka gato
xukuumadda gumaysiga ah ee Itoobiya.
Maamulka ka taliya magaalada Hargaysa wuxuu
mar kale ku tallaabsaday tallaabooyinkii nacabnimada ahaa
ee looga bartay muddadii uu u sarreeyay talada gobollada Woqooyiga
Soomaaliya. Wuxuu maalmukaasi dhawaan xabsiyada magaalada
Hargaysa ku guray dad aad u fara badan oo u dhashay gobollada
kala duwan ee dhulka Ogadenya.
Maamulku wuxuu sidii lagu yaqaanay, ku dhawaaqay
in dadkaasi ay xubno ka yihiin Jabhadda Waddaniga Xoraynta
Ogadenya, isla markaana lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin
ciidammada Jabhadda. Waa arrin caado u ah maamulka Hargaysa,
iyadoo ayna ku xidhnayn cidda madaxda ka ah, inuu marba weerar
nacabnimo ah ku qaado dadwaynaha soomaalida Ogadenya ee sababaha
kala duwan u yimaada gobollada Woqooyiga Soomaaliya. Ka dibna
uu ku tilmaamo inay yihiin dad ka tirsan ururrada ka soo horjeeda
dawlada Itoobiya.
Wuxuu maamulka Hargaysa marar hore oo badan
fuliyay weerarro midkan la mid ah oo lagu ugaadhsanayo dadka
ka yimaada gobollada Ogadenya. Waxaase hadda ku cusub isagoo
caddaystay inuu qayb ka yahay dagaalka dhex maraya ciidammada
xoraynta Ogadenya iyo gumaysiga Itoobiya, wuxuuna qirtay inaanuu
oggolayn in waxyeello la soo gaadhsiiyo dawlada Itoobiya,
oo uu sheegay inay walaalo isku dhaarta yihiin.
Waxaa arrin lala yaabo ah in maamulka Hargaysa,
oo la ogyahay inuu ku guul darraystay inuu sugo ammaanka seddexda
gobol ee uu ka taliyo, uu hadda u xayd-xayto inuu difaaco
dalka Itoobiya.
Waan ognahay in dawlada Itoobiya ay cadaadis
ballaadhan ku hayso maamulka damiinka ah ee Hargaysa, kaasoo
ay ku qasabto inuu gooyo xidhiidh kastoo uu la leeyaha dadka
soomaaliyeed, gobolkay doonaaba ha u dhasheenee, hase yeeshee
marna ma is-waydiiyay in colaadda uu maleegayo ayna ku koobnaan
doonin dadka uu dekadanada ka galayo, balse ay sidoo kale
saamayn doonto isaga laftiisa iyo dadka uu sheeganayo inuu
matalo.
Maamulka Hargaysa marna ma ka fakaray saamaynta
ay ku yeelan doonto colaadda uu ku wareejiyay gobollada uu
ka taliyo. Marna ma ka baaraan-degay sida ay Hargaysa u noolaan
doonto haddii ay col la noqoto Jabuuti, Laas-caanood iyo Ogadenya,
mise wuxuu maankiisa gaabani siiyay in Itoobiya ay u buuxin
karto kaalintii ay meelahaas oo dhami ugu jireen.
Waxay masuuliyiin ku sheegga Hargaysa maalmahan denbe oo dhan
ku celcelinayeen inay gacanta ku dhigeen xubno ONLF ah oo
dalka qalaanqal ka abuurayay, waddanka Itoobiyana cadow ku
ahaa.
Haddii ay runtood tahay oo booliskoodu awood u leeyahay inuu
dadka calooshooda akhristo oo ogaado ururka ay ka tirsan yihiin,
maxay u soo qaqaban waayeen gacan ku-dhiigalayaashii laayay
dadkii shisheeyaha ahaa ee inay u gargaaraan ugu yimid een
ilaa iyo hadda la haynin.
Jawaabtu waxay tahay iyadoo qaqabashada dadwaynaha
soomaalida Ogadenya ee ku sugan gobollada Woqooyiga Soomaaliya
ayna u baahnayn in awood badan lagu bixiyo, sababtoo ah waxaa
dadkaas lagu baadi soocaa qabiiladooda, iyadoon loo kala aaba-yeelin
in qofku uu magaalada deggan yahay, inuu socoto yahay, inuu
kaari yahay, inuu dillaal yahay, inuu ganacsade yahay, inuu
wadaad yahay ama inuu siyaasi yahay. Astaanta kaliya ee lagu
caddeeyo waa inuu ka soo jeedo qabiilka ay diiraddu u saaran
tahay maamulka nacabka ah ee Hargaysa.
Waxaan ka warhaynaa in maamulka Hargaysa uu
waayadan denbe billaabay inuu sidoo kale dhibaatooyin dhac
iyo tarxiil isugu jira kula kaco dadwaynaha soomaaliyeed ee
u dhashay gobollada kale ee aan Woqooyiga ahayd, gaar ahaan
dadwaynaha soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobollada koonfureed
ee Soomaaliya.
Waxaa boqollaal dadwaynahaas ka mid ah oo hantidoodii
laga dhacay, ka dibna lagu amray inay gobollada Woqooyi sida
ugu dhakhsaha badan uga baxaan. Waxay dadka soomaaliyeed sannado
badan xusuusan doonaan dhacdadii naxdinta lahayda ee dhawaan
ka dhacday duleedka magaalada Garowe, halkaasoo uu ku gaddoomay
baabuur si xad-dhaaf ah loogu soo raseeyay dad laga soo xasuuqay
magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, kuwaasoo hantidoodii lagala
soo hadhay oo iyagoo fara-madhan la soo diray. Waxaa nasiib
darro shilkaas ku dhintay 21 oo 9 carruur ahi ay ku jiraan.
In kastoo ay dadkaas ajashoodii dhammaatay,
haddana waxaa denbigaas iska leh maamulka Hargaysa oo ku qasbay
inuu ka soo caydhiyo magaalooyinkii ay degganaayeen. Waxaa
ammaan mudan Isbitaalka Magaalada Garowe oo si wayn ugu gurmaday
dadkaas masiibadu la soo deristay.
Maamulka Hargaysa wuxuu sannado badan ku dadaalayay
sidii uu nac iyo karaahiyo uga dhex abuuri lahaa dadka soomaaliyeed
ee ku dhaqan gobollada Woqooyiga Soomaaliya iyo dadka kale
ee soomaalida ah, wuxuuna mar kasta isku dayaa inuu colaad
iyo nacayb ka dhex abuuro qabiilka uu matalo iyo soomaalida
inteeda kale, taasoo ah siyaasadda kaliya ee uu xukunkiisa
ku sii haysan karo, wuxuuna door-biday inuu hoos gelo cadowga
soomaaliyeed, si uu danihiisa gaarka ah u gaadho.
Hase yeeshee waxaa muuqata in cimriga taliskaasi
uu gabaabsi yahay, isla markaana ayna bulshada soomaaliyeed
mar denbe u dulqaadanaynin xadgudbyada uu u gaysto. Dadka
soomaalida Ogadenya, oo dhibaatada ugu badan ay tilsakaas
ka soo gaadho, waxay hadda diyaar u yihiin inay taliskaas
u dhaamiyaan dhiisha colaadda ahee muddada dheer uu la wareegayay,
waxayna hubaan in oohintu ay isaga ku denbayn doonto, isla
markaana uu dhami doono dekanada uu dhitaystay!
FG. Qoraalkan wuxuu naga soo gaadhay
Axmed Gaal-eri oo qoray sanadkii 2003.