Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
Waqooyibari.com
Waayaha

CULUMAA-UDIINKA OGAADEENYA
W/Q Asad C/Salaan
Muumin2008@hotmail.com

Waxaa sheey macruuf ah oo aan in laga faalooda u baahneeyn in dadka Soomaaliyeed ee muslimka ah ee ku hoos jira gumeysiga macatab ku dirirka ah ee itoobiya ku sugan yihiin xaalad aad u qalafsan laga soo bilaabo kolkii itoobiya damacday qabsashada iyo gumeeysi- galinta umadaa ilaa iyo hada. Gumeeysigu kala duwan, qaarbaa umado gummeysta si uu dan gaara oo uu leeyahay u fushado waqti ka dibna ka taga, kuwa kalaa xiliga gumeeysoodu socda ku barbar wada dhismo iyo dheefin. Isticmaarka itoobiya intaa midna lagama helin oo hadii aad Ogaadeenya tagto waxaad arkeeysaa in dhulkani yahay siduu Alle ku abuuray wax horumar ahna loo ogoleeyn.

Waxaa intaa dheer halgamada waajibka ah ee taxanaha ah ee umadaasi wado si gumeeysigaa loo soo afjaro. Dadka Soomaaliyeed ee dhulkaa ka soo jeeda ayaa dabeecad ahaan ah dad dagan oo intooda badan ehlu diin ah ama diinta fidinteeda qeeyb weeyn ku leh mashaa’iqyo ehlu cilmi ah oo Soomaalidu aad u qadariso una dhageeysato ah. Waxaad in badan arkeeysaa wadaadada noocaa ah oo aan xitaa marnaba soo hadal qaadin dhibaatada iyo silica heeysta umadaa Islaamka ah ee ku nool meeshii eey asal ahaan ka soo jeedeen wax ficil ahna ka geeysan sidaa umadaa oo ah kuwa maanta ugu nolosha xun loo gargaari lahaa.

Diinteena xaniifka waxeey kolka hore kugu waajib yeeshay u gargaarida ehelkaaga (ehelnimada wada dhalasho iyo mida islaanimada) dhibaateeysan inta aadan umad kale u gudbin. Bal waa xujiyo yaabee maxaa mashaa’iqda reer Ogaadeenya ee halyeeyada looga arka dhulalka Soomaaliyeed isuna heeysta malaa’ik dhulka soconeeysa u diiday in umadooda hiil iyo hooba la garab is taagaan ka hor inta aanay u guntanin umado kale oo aan walaaltinimada Islaamka wadaagno.

Meel walba oo aad caalamka ka tagto culumaa’udiinka asal ahaan dhulkan ka soo jeeda ayaad ku arkeeysaa iyagoo u ololeeynaya agoon, umad dhibaateeysan ama dhisid masjid meel kale laga dhisayo, meelahaa oo ka nabad badan dadka ku noolna ka nolol fiican yihiin kuwa dhulka Soomaaliyeed ee gumeeysigu heeysto ku nool. Miyaanay Soomaalida la gumeeysto muslim aheeyn xaqa ehelnimaduna ku laheeyn mashaa’iqda iyaga ka soo jeeda ee meelaha nabada u guntaday. Sadaqo iyo wanaag lala garab maray ehelkaaga oo ah kuwa dunidan ugu dhibaatada badan sideey aqbal ku noqoneeysaa ? Inagoo og in maalinta khiyaamaha ehelku ka mid yihiin su’aalaha ugu horeeya ee Alla qof walba weeydiinayo.

Sidoo kale mashaa’iqdan ayaa masaajidada aad ugu duceeya iyagoo ilmeenaya umadaha Islaamka ee dhibateeysan marka laga reebo umada Soomaaliyeed ee gumeeysiga madoow la hadhay. Mar kale miyaanan umada Ogaadeenya ee daryeel la’aanta u baaba’eeysa xaq u lahayn in loo duceeyo maxaase culumadeena ka hortaagan ducada in Alle umadaa gumeeysiga ka hoos bixiyo.

Hab dhaqanka guracan ee caksiga ku ah Islaanimada aan sheeganeeyno ee aay mashaa’iqdeenu leeyihiin kobtan laguma soo koobi karo. Waxaan ugu baaqayaa culumada Soomaaliyed guud ahaan gaar ahaana gaar ahaana culamadeena Ogaadeenya ka soo jeeda in eey gutaan waajibka saaran ee ahelnimo iyo midka islaanimo oo aanay umadaa dhiban ka hakran ducada iyo waxtar oo eey is abaabulaan is la markaana umadaa la gaadhaan kaalmo maadi ah kana soo baxaan waajibkooda kaga aadan ka samata bixinta umadaa dhagarta gumeeysuiga, tan ayaa waajib Islaanimo ah.

Asad C/Salaan
Muumin2008@hotmail.com

"Qorahay Online waa wehelkaaga Rasmiga ah"

 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2009, All rights reserved. Qorahay Online