Dhibaatada halganka maanta waa qiimaha ay waajibka
tahay inaan bixino balse waa guulihii barito
Dadka guulaysta waa ay guulaystaan sababtoo ah
waxay la yimaadaan hanaan caado oo ay ku qabanayaan waxyaabaha
kuwa guuldaraystaa aysan jeclayn inay qabtaan
Dagaalyahanada xornimadoonku mar walba ma guulaystaan
laakiin mar walba waa saxan yihiin
Marka maamulka jwxo ayaa laga rabaa badbaadinta
gefefka culus iyo ku dawseegida ay ku dawseegeen maamulada puntland
iyo waqooyiga galbeedba ya kula kacayaan bulshada reer ogadeniya
manta waxa matala shacabka reer ogadeniya waa onlf
Onlf waa inay ka hor tagtaa dareenka caadifada
ee inta badan bulshada gudaheeda isku hardinaya dheelina tirtaa
waxii u soo jiidi lahaa dadku waxay hiigsanayaan ee ah xoriyadooda
iyadoon marnaba kaga hadhaynin dhibaatada lagu hayo shacabka
reer ogadeniya cidii doontaayi haka gashee waana inay ula dhaqantaa
habka gumaysiga ay ula dhaqanto
Caqliga wanaagsan ayaa na tusaya xaq u hiilinta
garashada wanaagsani sida ay u tusto mar walba qofka ay ku jirto
inuu xaqa ku garto dabadeedna ugu hiiliyo
Ayaa hadana dhinaca kale waxay ku tusaysaa is
hortaaga dulmiga iyo fasahaadka adinkoo dadkiina niyadiisa dhisaya
korna u qaadaya
In qofka ama cadawga layska celiyaa waxay huwisaa
huga xushmada qadarinta cida ka mudan iyo inuu garwaaqsado gefefka
foosha xun ee uu kula gacayo cid aan ka mudnayn
Xaqnimada qadiyada ogadeniya waxaa noo cadaynaya
cadawgeeda badan dhibaatada badan
Waxaa kale oo noo cadaynaya dadka ka soo horjeeda
nooca ay yihiin
Waxaa kale oo noo cadaynaya guulaha faraha badan
ee xag xagashada leh
ogadeniyaanku
Waa inay garwaaqsadaan waxa ay iyagu yihiin isuna
yihiin oo ah inay yihiin xulka horseedka halganka oo caqiido
islaam ah iyo fikir halgameed oo ay rumaysan yihiin ku walaaloobay
oo sidaas darted isku tiirsan oo kalgacayl iyo isqadarin iyo
kalsooni buuxda ay ku wada dhaqmaan oo isku soohmaan ama isku
duubmaan.
dabadeedna waxaa isku dayi inuu u soo dhawaado
kii shalay kaa mawqif duwanaa
waxaan aad ula yaabay kuwo shalay ahaa xaqdiidayaal xumaan doonayaal
dafiraad badan oo maanta iska dhigaya kuwo ku jecel laakiin
adigu waa inaad dareen taa bari waxay noqon doonaan is rog rog
ayaa u ah tiirdhexaad dadka noocaas ah.
Waa in laga muujiyaa taxadar fiirsasho qiimo
badan ku dheehan tahay waana in layska ilaaliyaa kuwo qadiyada
taagero u muujiya laakiin laba wajiilayaal ah kolba cida ugu
danbaysa afka u macaaneeya garashadaaduna ay ku siinayso inuu
yahay cadaw aan isu kaa muujinin warkii ay kaa qaadeena u gudbinaya
cadawgaada oo la sxb ah cid walba oo uu arko waa nooca ugu halista
badan hadalka inta badan aan saxaafada ka maqlo ayaa ah waqtiga
ayaa keeni intaan waqtigu keenin cadayn mayno waxyaabo badan
oo in aan la cadaynin ay siyaasadu ku jirto dantuna ay kugu
qasbayso hadaan nahay kuwa halganka taageera waa mawqifkanaga
waxaanan aaminsanahay dhamaan.
mida labaad waxaanu daba soconoo oo aanaan garab
orad ku ahaan doonin siyaasada iyo ururnimada jabhada wadaniga
xoraynta ogadeniya nooma cuntanto inaan ku samayno wax sharaftooda
dhaawacaya maxaa sababay waxaan aaminsanahay sharafta reer cogadenia
oo dhan waxaa ay qoorta u sudhan tahay urur weynaha onlf alle
ha dhawro muraayad kale oo ay leeyihiin reer ogadeniya ma jirto