Dalkii
soomaaliya la oran jiray maalin walba dhacdo cusub iyo war
dhagahaaga ku culus ayaa kaa soo gaaraya. Dhacdooyinka halkaa
nooga imaanayana intooda badan waa kuwo damiirkaaga aad u
saameynaya oo dadka qaarkii waxaaba laga yaabaa in ay xanuun
ka qaadaan. Aragnay dad la dilayo, kuwo la dhacayo, kuwo la
kufsaday, kuwo badda lagu shubay, kuwo la jirdilay, kuwo xubnaha
la jaray, kuwo cadow loo dhiibay, IWM.
Markaan dilka tusaale u soo qaadanno, mar xalado
kala duwan ayuu soo maray. qaar baa xabbad lagu dilay, qaar
qalab kale ayaa loo adeegsaday in nafta looga gooyo, qaar
baa silicdilyo u dhintay, qaarna dacdarro iyo gaajo ayay u
dhinteen. Maanta arrin dilka aan waxba dhaamin haddeysan ka
darneyn, oo hana dhiman hana noolaan ah ayaa nagu soo noqnoqoneysa
waana tan aan maqalkeena kaga hadli doonno.
Qof baa laga sheegay indhihii dhiman waaya geel
dhalaaya waa ku tusaan. waayadii ugu dambeysay maamulada Somali-land
& Puntland, waxaa aad looga war hayay dad u dhashay Somali-galbeed
ama sida dadka badankii u yaqaanaan Ogadeniya in loo gacan
geliyo dowladda Itoobiya oo aan ognahay heerka cadaawadeed
ee naga dhaxeysa inta ay gaarsiisan tahay.
Maamuladan waxay si aan qarsoodi aheyn u gudbiyeen
dad shacab ah oo aan la xaqiijin in ay wax dambi ah galeen
iyo in kale. Dadkaa iyaga ah qaar waxaa si toos ah loogu dilay
gudaha gobolada ay sheegtaan in ay maamulaan ciddii doonta
ha dishee, qaarna iyagaaba naftooda labaxsaday markii ammaankoodu
shaki galay, kuwo kale weli waxay ku sugan yihiin isla goboladaas,
xaalkoodana Allaa og.
Shalay Odayaal ayaa Cadow loo gudbin jiray,
maantase waxaa noo cusub Dumar , Berri waxa xiga cid walbaa
waa garan kartaa oo waa Ubadka soo koraya. Waana meeshii ugu
dambeysay ee qof damiir-laawe ahi gaaro. waxaase iiga sii
daran in shakhsina xitaa hal qof oo maamulka arrintaa sameeyay
ee Somali-land uu ka hadli waayo. Waa wax dhaqanka Islaamka,
kan xuquuqul insaanka & kan baniaadanimada ku xun.
U gacan gelinta dadkan masaakiinta ah cadawga
soomaaliya, ayaa maamuladani ku macneeyaan in ay tahay sugid
xagga ammaanka ah. Waa sax in ammaanka meelaha aad ka taliso
sugto, laakiin ammaanka u baahan in la sugo ma kan qaraxyada,
dilalka & weerarada meelaha kale kaaga imaanaya baa? Mise
in odayaal, dhalinyaro iyo weliba haween la dhiibo? Waa su’aal
dad badan oo aan anigu ku jiro weli jawaabteeda aan la’nahay.
Dadka qaarbaa ku dooda in ay sax tahay in qofka
loo gudbin karo dowlado kale haddii xagga amniga looga shakiyo,
inkastoo aanan garaneyn halka ay qawaaniintaas ka soo daliishadeen
, laga yaabe in ay maqleen hey’ad INTERPOL layiraado
ayaa sidaa sameysa . Ma is weydiisay ; cid inta dambi adiga
kaa gashay oo laguu soo gudbiyay weligaa ma aragtay? Ka soo
tag taas, haddiiba aad dooneyso in la ciqaabo qofkaas, taasaad
fahmi kartaaye, maxaa kuu diiday in aad adiga (YOU) sameyso?
Sow taad maamulka aheyd?
Weli shaahid ma la yiri caalamka dowlad qof
dumar ah dowlad kale u gudbineysa waxa soo gaari doona aan
la garaneyn sifaday doonto ha wadatee? Maxaase diiday in Dumar
la dhiibo? Wey iska caddahay qofka dumarka ah waa qof ka jilicsan
Ragga marka loo eego xagga awoodda iyo adkeysiga. Waxay sidoo
kale khatar u tahay in la faraxumeeyo. Qalbigooda oo jilicsanna
waxaa ku dhici kara dhaawacyo xagga maskaxda ah. Waxaaba laga
yaabaa in waqtigaa la xirayo ay hooyo tahay oo ilmo caloosha
ku sido amaba caruur korsaneyso.
Masuuliyiinta labadan maamul intooda badan waxay
soo mareen qurbaha, khaasatan waddamada reer galbeedka, waxay
la socdaan in qof Dumar ah dhibaato loo horseedo iska daaye
in aanan xitaa si xun loo fiirin karin, diinteenna muqaddaska
ahna iskaba daa heerka ay dumarka gaarsiisay cid walbaa waa
ka dharagsan tahay. Waxay sidoo kale dadkaasi ogyihiin rag
& dumar qofkuu doono ha ahaadee,hadduusan dambi markaa
faraha kula jirin, ay khalad tahay in la qabto iska daa in
dowlad kale loo gudbiyee. Haddiise la qabto isagoo dambi faraha
kula jira waxaa sugan in waddankaa uu dambiga ka galay sharcigiisa
la mariyo. Iyagoo sidaa wax ula socda ayay Haddana sidan sameynayaan,
waa ayaan darro weyn iyo mid ka mid ah musiibooyinka na heysta
haddaan soomaali nahay.
Aragnay meesha aan mareyno, waxaan sidoo kale
ognahay in dadkii shacabka ahaa ee ay dadkani martida u ahaayeen,
xooggana loo sheegtay markii lala baxayay inaan weli laga
qancin arrintaa. Magac xumadu maalin bay baxdaa, garannay
waxaan ku muteysannay laakiin weli ma garan sababta aan isaga
meyri la’nahay. Waxyaabaha qaarkoodna geeridaa dhaanta,
sow ma habboonna in wixii karaankaa ah aad arrinkan oo kale
ka dhiidhiso mise cabsida iyagaba(kuwa madaxda sheeganaya)
ku jirta ee Itoobiya ka heysata ayaa adna ku heysa?
Waxaan ku soo gabagabeynayaa cidna lama reebine
Ilaahoow ubadkooda badbaadi.
Wabillaahi Towfiiq
Farah Warsame
Melbourne, Australia
Bile1971@hotmail.com