Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
Waqooyibari.com
Waayaha

Cabdirahman Faroole wuxuu ka shaqaynayaa in xabadda ONLF lagu jeediyo Puntland, ee ma ka oggolaan doonaan Reer Puntland??

Abdisamad Sheekh
Abdisame@hotmail.com

18, Nov 2009

 

Ummadda Soomaaliyeed waxaa ku dhacay 20kii sano ee ina soo dhaafay burbur dhan walba ah oo ka ugu darran uu yahay burburka ku dhacay dhaqankii soo jireenka ahaa ee bulshada Soomaaliyeed iyo iyadoo bulshada inteeda badan uu ku dhacay nooc ka mid ah cudurrada maskaxda ku dhaca. Waxaa jira Soomaali badan oo marka ay qurbaha ku wareeraan shaqo u raadsadey dalkii burburay, iyagoo markaas hormuud u noqday ummad dhaawacan oo ceel mugdi ah ku dhacaday.

Dadka qurbaha ka tagay ee u soo shaqo doontay Soomaaliya waxaa ka mid ah Cabdiraxman Faroole, gudoomiyaha gobolada bari ama Puntland ee Soomaaliya oo nuqulka qoraalkan uu ku wajahanyahay. Cabdiraxman Faroole wuxuu qaxooti ku ahaa oo isaga iyo qooyskiisaba ay magangalyo ka heleen waddanka Australia, waxayna heystaan dhammaantood jinsiyadda waddankaas.

Waxaa bishii aynu soo dhaafnay ee oktobar laga soo musaafuriyay dalka Yemen Soomaali badan oo waddankaas tahriib ku tagay, Faroole ma uusan garan in naxariistii uu ninka cad ee Australiaanka u fidiyay isaga iyo qooyskiisa mid la mid ah uu u fidiyo dadkaas Soomaaliyeed balse xabsi , jirdil iyo musaafurin ayuu isugu daray. Waxaa intaas dheer in uu Faroole isga oo isleh ku jees jees uu si wax magardnimo ah si gaar ah u takooray qaar ka mid ah dadkii Yemen laga soo celiyay.

Inta badan dadka Somaliyeed lama aanay yaabin xariga, jirdilka iyo musaafirirnta dadkaas qaxootiga ah , waayo waxay ka mid tahay dulmiga, anshax xumida iyo qaaquulka maalin walba ka dhaca gayiga Soomaaliyeed , ee uu burburku sababay . Waxaase Soomaalida gayiga geeska Afrika la yaab ku noqotay qaabka jahliga ku salaysan ee uu Faroole uga hadlay Soomaalinimada isaga oo markaas isleh waxaad si gaar ah u takooraysaa qabiilka Ogadeen , waayo kama uusan hadlin Soomaalida Jabuuti ee wuxuu ka hadlay Soomaalida Ogadeenya iyo NFD oo uu u arko in qabiilka Ogaden uu u badanyhay.

Faroole oo ah gudoomiyaha gobolka Puntland, waxay ahayd in uu soo akhriyo xeerka qaranka Soomaaliyeed ee la dajiyay 1960kii , ee uu ku slaysanyahay xeerka qaranka dawladda uu governatooraha u yahay iyo waxa ku qoran .

Xeerka qaranka Somaliyeed ee 1960, waxaa ku qoran in qof walba oo u dhashay qoowmiyadda Soomaaliyeed in uu yahay muwaadin jamhuuriyadda Soomaaliyeed, taas oo micneheedu yahay in haddii asalkaagu yahay Soomaali meeshaad doonto adduunka kaga noolow, waxaad tahay muwaadin Soomaaliyeed ( waxaa la mid ah xeerka yuhuuda ee muwaadinimada ).

Waxaa intaas dheer in waagii ay Soomaalidu qaranka lahayd laga dhaadhicin jiray qowmiyadaha kale ee geeska Afrika sida Oromada, Cafarta ilaa Tutsiga Ruwanda iyo Burundi dega in asalkoodu Soomaali yahay (adduunyada Nin noolow maxaa aragti kuu laaban ) . Waxaa siyaasaddaas maanta ku shaqaysa dowladda Itoobiya , oo xittaa Soomaalida aan gudaha xadka Itoobiya ku jirin , ku soo dhoweeya in ay Itoobiyaan noqdaan Faroole iyo kuwa la maanka ah waxay fulinayaan istraatijiyadda la doonayo in lagu baabi´iyo qowmiyadda Soomaaliyeed, oo Soomaalida laga dhigo qabaa´il aan waxba wadaagin.

Gobolka Ogadeenya ama Somali galbeed waa maskaxda, xididada dhiiga qaada iyo waddnaha ummadda Soomaaliyeed.

Halyeeyada ummadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo Axmed Gureey, Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Xawo Cismaan(Taako) waxay asal ahaan ka soo jeedaan deegaankaas ka baxsan xuduudaas aan rasmiga ahayn, sidoo kale hoyga taariikhda iyo suugaanta Soomaaliyeed waa deegaankaas; Webiyada ku dudr dura Soomaaliya waxay ka yimaadaan dhulka Ogaadeenya. Xoolaha ugu badan ee ka dhoofa dekedda Bosaaso waxay ka yimaadaan Ogadeenya ,kuwaasoo muddo aad u fog ka dhoofi jirey dekedda Berbera wixii ka horreeyey 2004.

Masuuliyiinta qaranka Soomaaliyeed soo maray waxay intooda badan ka soo jeedaan deegaankaas , sida allaha u naxariistee madaxwaynihii u dambeeyay Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo ku dhashay Shilaabo, sidoo kale madaxwaynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Gelle , wuxuu ka soo jeedaa magaalada Diredawa, hadduu Soomaaliaya yimaadana waa muwaadin Soomaaliyeed.

Qabiilada Somaliyeed ee Puntland dega intooda badan waxay asal ahaan ka soo jeedaan deegaanka Soomaalida ku hoos nool xukunka Itoobiya, hase yeeshee ilama aha in ay ku jiraan kuwa uu Faroole Soomaalinimada ka saaray.

ONLF waxay la dagaalamaysaa Itoobiya , anigu waxaan ahay dadka deegaankaas ka soo jeeda ee u arka dagaalkaas in uusana haboonayn, waxaase hubaal ah in Itoobiya ay doonayso in xabadda ONLF lagu jeediyo Soomaalida kale sida Puntland iyo Somaliland. Faroole wuxuu hadda ka shaqaynayaa in xabadda ONLF lagu jeediyo Puntland , arrintaas hadday dhacdana waxaa masuul ka ah isimada Puntland , waayo Faroole wuxuu faraha la galay hawlo ka sareeya oo uusan masuuliyadeeda qaadi karin.

Waxaan ka codsanyaa walaalaha reer Puntland in aanay arrintan sahlan oo ay moowqifkooda muujiyaan, haddii kale cid walba oo cadaw u ah ayaa ka faaidaysanaysa oo waxaa bilaabmaysa cadaawad iyo fitno ay aad ugu khasaari doonaan.

Abdisamad Sheekh
Abdisame@hotmail.com

"Qorahay Online waa wehelkaaga Rasmiga ah"

 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2009, All rights reserved. Qorahay Online