Opinion
 
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
 

Soomaalidu maaha tii hore dhaqankeeduna maaha kii hore.

WQ: suhayb571@hotmail.co.uk

Allaa mahad leh

Ma jecli inaan wakhti kulumiyo dhacdo hore iyo wakhti laga soo gudbey anigoo maanka ku haya Qormooyinka faraha badan Ee lagaga faalooday dhacdooyinkaas hore, waxaynu wada ognahay in laga soo bilaabo sanadkii 1996-kii ilaa 10-2-2010, maamulada SL & PL ee kataliya gobalada W/galbeed & W/bari ee J.Somaliya inay ku kacayeen falal waxshinimo ah oo lagaga ganacsanayo dadka kasoo jeeda s/ogadenya kuwaas oo sababo kala duwan kujoogay deegaamadaas sida kuwo kaganacsada iyo kuwo Qaxoonti ah oo kasoo cararay cadaadiska arxandarada ah eey ku hayso xukuumada Ethiopia dhaqanka ama falalka noocaas ah waxaa reebay oo xaaraantinimeeyey.

Diinta islamka oo ah tiirka ugu xoogan ee ay ku tiirsan tahay Bulsho kasta oo muslim ahi uguna mudan waxa ay xeeriyaan muslimiintu Shuruucda caalamiga ah oo sifiican uqeexaya xuquuqda uu leeyahay qofka Aadamaha ahi, islamarkaana mam-nuucaya in lagu xadgudubo xuquuqda qofka aadamaha ah mid caafimaad,nololeed, sharafeed iyo amni, waxaa sidoo kale Arintaas diidan ceebna ay ku tahay dhanka suuban ee Somalida (ceebi ninkii garanbey dhibta!a) dhaqanka somalidu waa mid huffan wuxuuna si guud u karaameeyaa sharafta uu alle ku hagoogay jinsiga aadamaha dhaqanka somalidu wuxuu si gaar ah u xushmeeyaa dad uu ugu magacdaray "BIRI MAGEYDO" dadkaasi waa kuwo aan sinaba loogu xadgudbi karin haday nabadi jirto iyo haday colaadi jirtaba lama dilo, lagama aaragosto, lama dhoco, lama qadiyo,lama handado,loomana hanjabo dadkaas waxa kamid ah dumarka, carurta,culimada, curyaamiinta iyo suldamada Allaahu-Akbar

Dhiibitaanka Marwo Bishaaro wacdi wuu kaduwan yahay kuwii 14-ka sano dhacayey mar waa Qaxoonti mar waa dumar marna waa hooyo 50 jir ah dadku kala nugul`e waxaa ii muuqanaysana "in somaliduna ahayn tii hore dhaqankeeduna ahayn kii hore" waxaan sugaynaa jawaabta ay Abwaanada somaliyeed kabixiyaan dhacdadan gabadhaa guurwaaga ah.

Kanibase gabay buu ahaaye mala garwaaqsaday?

  • Guuraaga waagaan ahayn samo u geed waabta.
  • Intii aan magaalada la galin lana galbeedoobin.
  • Gogoshana lahayd taladu ee lagu gorfaynaayay.
  • Gabdhuhu waxay ahaayeen xariir aan la gon karine.
  • Guudkooda calanbaa sudhnaa goor iyo ayaane.
  • Iska daa gidaar lagu lagdoo ay galgalataaye.
  • Ninkii gabadh canaantaayi wuu gabogabaysnaaye.
  • Sharaf lagu galaday iyo xurmaa gooni u,ahayde,
  • Hadii maanta loo soo gudboo gacanta loo qaaday.
  • Garaadadii hadii laga jaroo kuushi laga gooyay.
  • Gad hor leh iyo waa labada loow geel habeed ku leh.

Tuducani wuxuu ka mid ahaa Gabaygii Gad hor leh oo ay Rooda Afjano kaga qayb qaadatay gabayadii Silsilada ahaa ee laga tiriyay dhacdadii layaabka lahayd ee sanadkii 2004tii Hargaysa ku qabsatay gabadh yar oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Zamzam Axmed Ducaale

WQ: suhayb571@hotmail.co.uk