Opinion
 
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
 

Inuu Ingiriis Gobolka dhiibo ma'odayaal ayaa sababay? (3)
W/Q Siyaad C/naasir
E- wadanigii@hotmail.com

Guuldara ma ingiriis ayaa dhigay mise Maraykan 1941-1948kii

Kadib markii dawlada ingiriisku ay talyaani ka qabsatay dhamaan geeska afrika, ee xayle salaase kursigiisii ay kusoo celisay. khudbadii u horaysay ee uu jeediyo bishii May1941kii, wuxuu ku nuux-nuuxsaday Xayle Salaase in uu u yimid si uu u soo ceshado dhulkiisii oo dhan oo ay kamidtahay"Eritrea iyo Banaadir(koonfurta soomaaliya)"(1 )

31/01/1942kii, waxay dawlada ingiriisku itoobiya u aqoonsatay inay tahay dal ka madaxbanaan UK, waxayna u saxeexday in ay tahay xuduudeedu tii boqor mililikh, oo uu yahay xadka qaybiya Abyssina iyo woqooyi (British Somaliland) xuduudii hore(ee la jeexay 1897kii), oo macneheedu yahay in S/Ogadenia itoobiya la raaciyay. wuxuuse xusay heshiiskani in ay ciidamada ingiriisku si KUMEELGAADH AH gacanta ugu sii haynayaan S/galbeed, iyada oyna arintaasi taabanaynin u ogolaansha Abyssina dhulkan loo ogolyahay( 2). waxayse su'aashu tahay, hadii uu ingiriis rabo in uu dhulkan itoobiya siiyo, maxay iyagu ula soo hadheen Ogadenia markay itoobiya Xayle Salaase ku soo celiyeen? Sababtu waxay ka koobnayd laba qodob:

1- sababta 1aad waxay ahayd sida uu cadeeyay taariikhyahanka Margery Perham,maadaama uu shacabka S/Ogadenia ka buuxo hubkii talyaaniga ay kaheleen amaba ay siyaabo kaleba ku heleen, iyo maadaama itoobiya ay tahay dawlad tabaryar oo hada uun la yabyabayo oon awood ciidan iyo mid dhaqaale oo ay ku hanankarto dhulkan balaadhan ee S/Ogadenia aan lahayn, waxay dawlada ingiriisku go'aansatay inay iyadu soomalida dhibka badan gacanta ku hayso ilaa ay ka dhigayso wax ay xabashidu xukumikarto.(3 )markaa waxaa cad in uu ingiriisku xabashi arinkan ugudanaynayay oo uu rabay inuu shacabka gobolka hubka kadhigo, inta uuna xabashi ku wareejinin.iyo inta ay itoobiya ciidan dhisanayso(ingiriis ayaa u dhisay dhab ahaantiiye). Gaar ahaan xiligan UK waxay isasaartay xilka ah inay dhisto itoobiya xag ciidan, xag dhaqaale iyo mida ugu muhiimsan oo ah inay ilaaliso midnimada dhulkii itoobiya loo bixiyay ee horay boqor Mililikh loogu gacan-galiyay.( 4) Maadaama oo Abyssina dadkan oo aan hub badan haysanin oo waliba sidan ka wacyi yar ay qabsankariwayday, Markanse ay ka buuxaan shacabka S/galbeed hub, Kumayaal ciidamadii talyaaniga ahaa oo si fiican u taba-baranna ay joogaan, waa in uu ingiriis dadkan soo carbiyo. Midanina waa ta dhacday oo dawlada ingiriisku mudadii 13 sano ahayd ee ay gobolka(dhamaan ama qayb) gacanta ku haysay kaliya waxay wadankan ka qabatay wuxuu ahaa inay dhamaan wixii hub ahaa ka'ururisay, iyada oo noocwalba adeegsatay, sida biyaha oo dadka xoolo dhaqatada ah loo diido ilaa uu ninku qori keeno, geela oo la'oodo si hub loogu soo furto, ninkii qori leh oo laraadiyo ilaa lagaqaado( 5).

Dhulka soomalida waxa xabashida lagu wareejinayay xiliyo kala duwan, oy sababtu tahay, maadaama ayna Itoobiya awoodin inay Soomaalida qabsato, waa loo yaryaraynayay sida arday cashir qaadanaya, markii 1aad waxaa loo dhiibay inta jigjiga ka galbeedaysa, ilaa iyo nogobta galbeed. Itoobiya intan xataa way qabsankariwayday. Isla sanadkan 1942kii waxay bilaabeen soomaalida dagan dhulkaasi inay dagaalo goos-goos ah ku qaadaan xabashida, markay indhaha saareenba xabashi madaw, iyaduna kaba sii dartay oy isku-dayday inay "gibir" ka qaado.(6 )

Kacdoonkan oo sii socday awgii markay xabashidu u taagwayday inay soomaalidii yarayd ee hoos imanaynaysay xiligaas, ka adkaato oy gacanta ku dhigto, waxay u qayshatay Ingiriiska(1943kii), oo ciidamo ku bixiyay isaga oo ciidan xabashi ah oo uu ingiriisku tababarayayna hawlgalka ka qaybgaliyay, iyaga oo guluf ku bixiyay fayaanbiiro ilaa wabi shabeele soomaalidii daganayd oo wixii hub ahaa lagaga ururiyay.( 7) qaybta 2aad oo ah gobolka shiniile waxaa la siiyay 1944kii. Qaybta 3aad oo ah dhulka intiisa badan waxaa loo gacangaliyay 1948kii, intii u danbaysay ee ahayd dhulka xuduuda lawadaaga woqooyiga soomaaliyana waxaa loo loogay 1954-1955kii.

2-Waxaakale oo ay noqonaysaa sababta kale ee dhulkan ingiriis gacantiisa ugu soo reebay sida uu cadeeyay Tom J. Farer, arin dantiisa ah, oo ah maadaama uu ingiriis xiligaa katalinayay" NFD iyo inta kadhexleh woqooyiga soomaaliya, in uu karabay sii haysashada S/Ogadenia in uu dhulku isagu dhawaado oo xidhiidhka woqooyi iyo Tannaland(NFD) uu fududaado(8 ).) sidookale waxaa iyaduna arintan cadaysay inay sidaas ujeedadu ahayd mawsuucada carabta(Arab Encycolopedia,(9 )).

1943kii, waxaa la aas-aasay ururka"SYL", oo isla sanadkan gudihiisa xafiiskii u horeeyay ee SYL S/Ogadenia ku yeelato uu Makhtal Daahir(oo isaga oo abaabul wada inuu urur sameeyo, markuu ogaaday aas aasida SYL midnimada door biday) ka furay magaalada Dhagaxbuur(10 ), ururka SYL wuxuu noqday ururka kaliya ee kajira gobolka.

1944kii odayaasha iyo siyaasiyiinta S/Ogadenia ayaa waxay codsi qoraal ah u gudbiyeen dawlada ingiriiska, iyaga oo ku nuux-nuuxsaday inaan marnaba dhulkooda xabashi lagu-wareejinin.(11), balse nasiib daro, isla sanadkan gudihiisa(19/12/1944) ayuu gumaysiga ingiriisku mar kale cusboonaysiiyay balanqaadkii ahaa inuu dhulkan xabashi ku wareejin-doono,una aqoonsanyahay inuu yahay dhul Itoobiya (12 )
Xaaji c/qaadir cali ayaa 1945kii, kacdoon huubaysan ka sameeyay galbeedka jigjiga, kadib markii uu u adkaysan waayay dulmiga ay xabishidu ku hayso umada soomaaliyeed ee nawaaxigaas ku nool(13 )
Isla sanadkan 1945kii, Ingiriis ayaa mar 3aad cusboonaysiiyay heshiiskii uu xabashi ku lagalayay siinta dhulkeena.( 14)

1946kii Itoobiya ayaa odayaal gobolka u dhashay ku marti-qaaday shir herer la guqabtay, iyada oo isku dayaysa inay kasbato odayaashaas, halkaas oo aaqiliintaasi ay u sheegeen xabashida in shacabkoodu uu rabo inay soomaaliwayn kamid-noqdaan, marnabana ayna aqbalaynin in itoobiya lagu daro(15 ). Waxaa kale oo sanadkan (1946) ay bilaabeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolku inay dadka ugadigaan inaan habayaraatee wax-xidhiidh ah la lasamaynin qunsulka itoobiya u fadhiya jigjiga oo dadkasbasho waday, siyaasiyiintani waxay aad warwar uga qabeen mustaqbalkooda. guud ahanbana xiligani 1940meeyadii ah dad waynaha gobolku si'aan la qiyaasi-karin ayay u kacsanaayeen oo walwal iyo walbahaar iyo tolow muxuu mustaqbalkiinu ku danbayn-doonaa ay kuwareersanaayeen.iyada oo aan laba kadoodaynin naca iyo kasoo horjeedka dadka gobolku ay u hayaan itoobiya (waa sida uu qiray I.M.Lewis oo taariikhyahan ingiriisa ah) (16 ).

waxaa kale oo isla sanadkan(1946) siyaasiyiinta iyo indher-garadka gobolku ay ka codsadeen dawlada talyaaniga inay iyadu lawareegto, oo xabashi ay ka bad-baadiso. Maxaayeelay ingiriis ayayna marnaba aaminsanayn, oy aad ugashakisanaayeen waxa uu soo wado.

1947kii,odayaasha, siyaasiyiinta, culimada iyo indheer-garadkii S/Ogadenia oo meelwalba isaga-yimid ayaa waxay u soo gudbiyeen codsi qoraal ah oo matalaya shacabwaynaha S/gobolka, oo ingiriis ay ku dul-ooyayaan inuuna marnaba dhulkooda xabashi uga-dhiibin, codsadeena in cabashadooda la gaadhsiiyo "jamciyada quruumaha ka dhaxaysa"(17 )

Intaa wixii kadanbeeyayna ururka (SYL) qaybtiisii gobolka ayaa diyaariyay weeraro kudhufo-oo-kadhaqaaq ah oo xabashi uu ku qaadayo, kadib markii ay Itoobiya xidhay xafiiskoodii herer, ee dhibaatadii ay shacabka soomaalida ah ee gacanteeda kujira ku haysayna sii kordhay.( 18)

Halgankii siyaasadeed ee balaadhnaa ee ay galeen umada S/Ogadenia Britain mawqifkeedii gobolka ku aadanaa wuu gilgilay, wuxuuna ku sigtay inuu midho-dhaliyo, oo uu keeno xornimadii. Waana midka sababay mashruuca Mr.Bevin ee aan arki-doono.

Dawlada ingiriiska ayaa waxay ku fikirtay inay iyadu gacanta kuhayso guud ahaan dhulka soomaalida, haday doonto magaca qaramada midawbayba (under UN trusteeship) haku-maamushee(19 ), mashruucan oo asalkiisii ka yimid saaraakiishii dhulka soomaalida ka talinaysay(20 ), kadib markay kasbadeen siyaasiyiinta soomaalidu guud'ahaan, gaar'ahaana siyaasiyiinta S/Ogadenia. haseyeeshee qorshahan boqortooyada UK si dhab ah uguma ayna qancin, balse markii danbe taageeraal ayuu ka helay madaxda sare ee UK. waxay ka dhexheshay danteedii, maadaama ay Itoobiya u jeedsatay dhinaca maraykanka, markaa Britain waxay u aragtay haday soomalida, oo S/Ogadeina oo shidaal laga rajaynayaa ay ku jirto, ay dhineceeda soo mariso, dawlad ay saaxiiblatahayna ka dhisto, in arinkaasi muhiim u yahay daneheeda. mooshinkan waaxaa soo jeediyay wasiirkii arimaha dibada ee Britain, Mr.Ernest Bevin, hordhigayna shirkii ay lahaayeen afartii dawladood ee waawaynaa(Maraykan,Ruush,Ingiriis iyoFaransiis), kuwaas oo ka tashanayay sidii lagayeelilahaa mustacmaradihii hore ee talyaaniga. dawlada ingiriisku arintan qaabka ay u soo dhigtay laba shardi ayay xanbaarsanayd:

1-itoobiya inay ogolaato arinta kusaabsan gobolka Ogadenia, oo ah inay ka tanaasusho heshiisyadii iyo balanqaadyadii ingiriisku iyada usamayeeyay.

2-iyo in guud ahaanba dhulka soomaalida iyada ingiriis ah loodaayo, Jabuuti mooyee.(21 )
Qodobka hore waa mustaxiil, sida uu leeyahay Tom J. Farer(22 ) iyo sida uu I.M.Lewis soomaalida ugu-calaacalayo, isaga oo leh"laakiin nasiib-darada soomaalida, arinkaas itoobiya ayaa diiday-in Ogadenia Somali la raaciyo-"(23 ).arinta kale waxay tahay, dawlada ingiriiska lafteedu qodobka ah inay iyadu soomaali oo dhan maamusho, ma'ayna si kadhab ah usoo dhigin(24 ),

Mooshinkii Mr.Bevin marxaladii odoroska ma soo dhaafin, oy uguwacantahay, waxaa si'aad u xoogbadan uga-horyimid, sadexdii quwadood ee kale, gaar ahaan dawladaha MARAYKANKA iyo RUUSHKA, iyaga oo ka hortagaya inay Ingiriisku geeska afrika awood aan la lawadaagin kuyeeshaan(25 ). Arinta S/Ogadeniyana waxaa cadaadis aad ah ku saaray ingiriiska labadaas quwadood ee waawayn in Itoobiya la guwareejiyo(26 ).wuxuuse dhab-ahaantii odoroskii ingiriisku ka soconwaayay Maraykan oo isagu kuqasbay UK in aan marnaba la soo hadal-qaadin Ogadenia, isaga oo ahaa markaa baawarka ugu wayn aduunka,wuxuuna maraykan awoodiisii u isticmaalay in wadankan xabashi lasiiyo.(27 )dawlada ingiriisku way iska-laabtay malafkan sida adag looga horyimid, waxaana la qumanaaday inay eegto sida ay ku dhamaanayso qadiyada koonfurta soomaaliya oo khilaaf adag dawladaha waawayn ka dhex-aloosmay sidii loogutalinlahaa. Itoobiyana markay aragtay inay Ogadenia dabada marsatay, waxay awoodeedii isagu-gaysay siday koonfurta soomaaliya ku-helilahayd.iyada oo ka codsatay afarta dawladood ee waawayn, kadib markii lagumarti-qaaday shirkii ay kuyeesheen London bishii Nofeenbar/1947kii, in koonfur iyada laguwareejiyo(28 )

Markay afartii quwadood ee xiligaas aduunka qabqablaha ka ahaa, ku-heshiin-waayeen arinta k/soomaaliya, ayay go'aansadeen inay S/koonfureed lafteeda aragtidooda soo hubiyaan, ururka SYL oo ugu muhiimsanaa ururada soomaalida, ahaana ururkii xornimada iyo midnimada soomaliwayn calanka u siday, wuxuu doortay in guud ahaan soomaali la'israaciyo, 10 sano oo barbaarin ah oo ay maamulayaan afarta dal ee waawayni kadibna, xoriyad la siiyo umada soomaaliyeed,( 29)
Bishii janaayo 1948kii, siyaasiyiinta iyo indheer-garadka S/Ogadenia waxay dalabkoodii u gudbiyeen markan, gudigii ka socday afarta quwadood ee waawayn, ee xamar-yimid iyaga oo tuugay in la siiyo xornimo, lana raaciyo soomaalida inteeda kale.(30 )halkaas oo loo cadeeyay in dhulkaas xabashi la siiyay oo isaga arinkiisu dhamaaday.( 31)

hadaba dawlada ingiriiska ayaa waxay aragtay in qorsheheedii "kaftan siyaasadeedka ahaa" uu uga-baahanyahay dadaal siyaasadeed oo aad u balaadhan, iyo inay waxyaabo kale oo muhiim u ah hurto, maxaayeelay waxaa ka soo horjeedsaday:Maraykan, Ruush, iyo Faransiis. markaa ayuu ingiriis taageeray in k/soomaaliya mudada barbaarinta Talyaani lagu wareejiyo(32 ), taas oo macneheeduyahay inay UK arimaha soomaalida faraha kalabaxday, iyaga oo lagayaabo inay ku xumaynaysay SYL oy Britain isku halaynaysay oy islahayd adiga ayay ku dooran-doonaan, arinkaas oon dhicin, iyo kolayba reer koonfureedka oo Talyaani doortay. Dawlada ingiriisku markay xaqiiqsatay inay K/Soomaliya gacanteeda ka baxday, ayay markii u danbasay xabashi ugu saxeexday si qarsoodi ah inay dhulka S/Ogadenia ku wareejinayso,( 33). iyada oo sheegatay inay fulinayso balamihii ay xabashi u qaaday sanadihii 1942kii iyo 1944kii. laakiin balamihii dadka dhulka leh loo qaaday iyagu ma mudna in la fuliyo!!! bishii julaay 1948kii, ayay qalinka ku duugtay inay bilaabayso xilwareejinta S/Ogadenia.

Guud ahaanba UK qorshan ay soomali ayaan ku midaynayaa ku sheegtay, danta ay ka lahayd waxay ahayd inay quwadaha waawayni geeska afrika iyada u daayaan, si ay sida ay rabto ugu jahayso.ujeedada ay ka lahayd soo hadalqaadka S/Ogadenia isagu macada. Markaadse aad ugu kuurgasho, eed qiimayso waxa lagaqoray arintan, waxaa kuu soo baxaya, in Britain ama uguyaraan siyaasiyiinteeda qaar kamid ah sida wasiirka arimaha dibada oo kale, oo uu saameeyay cabashadii badnayd ee S/Ogadenia iyo halgankii SYL oo ay la qaateen saraakiishii dhulka soomaalida katalinaysay, in ay ku fikireen laga soo bilaabo 1946kii in ay odoros arinkan ku saabsan soo hordhigaan cida ay khusayso, oo hadii ay itoobiya aqbasho iyada oon lagu cadaadinin lagana maroorsanin, oo ayna kana hor'imanin quwadaha waawayni, islamarkaana koonfurta soomaaliya ingiriis loo daayo, inay sidaa gobolka soomaalida inteeda kale ku raaciyaan. Iyaga oo shidaalka hunguri ka galay. hadaba markay itoobiya tidi dagaal ayaan ka xigaa, maraykana ay kula hoos carartay, ayaa hadii uu ingiriis wax kale ku fikiri lahaa ama uu damcayba sida inay soo bandhigaan in gobolka wafti loo diro sida Italian Somaaliland, oo la soo eego dareenka iyo rabitaanka shacabka, ama inay arinta hordhigto UN-ka, oo ahayd sida uu codsaday shacabka gobolku, waxaa hor istaagay Maraykan.
Hadaba waxaan ku soo ururinayaa sababaha kalifay in uu ingiriis S/Ogadenia xabashi u dhiibo 4 qodob, oo laba ay ahaayeen kuwii mushkilada keenay, labada kalena ay kaaliyayaal u ahaayeen. Waxaanan u kala horaysiinayaa siday u kala saamaynwaynaayeen. Oo labada isku guruubka ah xataa ka hore ayaa khatarsanaa:

(a) labada sababood ee dhabarka ka jabiyay qadiyada waxay kala ahaayeen:
1- Ingiriiska oo marka 1aad S/Ogadeina iyaga oo xabashi kaba-xoogbadan hubka ka dhigay, una yaryareeyay itoobiya si ay in yarba mar u liqdo. Markii 2aadna odoskii uu halganka shacabkeenu ku abuuray,aan si dhab ah ugu qancin oon habayraatee wax dadaal ah ku bixinin. Markii 3aadna intuu wax-garadkii gobolka wuxuu xidho iyo wuxuu dalka ka eryo ka dhigay, oo uu shacabkii garbo-duub u xidhay sidaa gaalo-madaw ugu dhiibay.
2- Maraykan oo hor-is'taagay, kaas oo ayna rabin ingiriisku inay ka cadhaysiiyaan madaama uu shalay jarmal ka badbaadiyay.
(b) labada arimood ee iyagu kuwaas hore ka saamaynta yaraa waxay ahaayeen:
3- Itoobiya oo istaagtay in qori-afki kaliya gobolkan lagaga samrinkaro, UK-na marabin inay Itoobiya dhib u gaysato ama qasabto si ayna u raacin Midawga Soofyeedka iyo garabka hantiwadaaga oo markaa u gacanhadinayay.
4-koonfurta soomaaliya oo markay UK wayday ay go'aansatay inay dhulka soomaalida faraha iskaga qaado.

iskuba soo duu-duboo natiijadu waxay tahay in shuruudiihii uu ingiriis ku soo bandhigay in haday suuroobaan uu isagu dhamaan soomali sii xukumi, kadibna lagayaabo in iyaga oo midaysan uu xornimo siiyo, barwaaqo-soorankiisana ku daro, in la waayay. Dhab ahaantiise ingiriis soomaali waan midayntu dhab kama ahayn, sababtoo ah: NFD kuma ayna jirin odoroskan,oo wuxuu u diyaarinayay siduu Kenya u siin lahaa. Dhinaca S/Ogadenia inta balanqaad ee ay UK u samaysay xabashi inay gobolkan siin doonto, iyo maadama oo ay shacabka gobolku ku baryootamayeen inaan xabashi loo dhiibine Soomaaliwayn la raaciyo hadana ay iska-indho-tirtay, markii danbena ay arinteeda ku xiday inay itoobiya aqbasho(oo mustaxiil ah). Qorshahana dawlada ingiriisku uma ayna soo dhigin si adag sida ay cadaynayaa dhamaan taariikhyahanka ingiriiska ahi, wuxuuna ahaa odoros ka yimid saraakhiisha dhulka soomaalida katalisa, sidaan horay u soo sheegnay.. Mr. Bevin markuu u soo jeedinayay odoroskan 4 tii quwadood wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay{hadii aydaan raali ka noqonin odoroskanaga, kudhagimayno, ee waxaan diyaar u nahay in aan ka fikirno in Italian Somaliland UN-ta lagu wareejiyo oy iyadu maamusho mudada barbaarinta.}(34 ) tan oo kuu cadaynaysa inuu qorshahani hadal siyaasadeed iska ahaa.

waxaa dawlada ingiriiska dabeecad u ahayd inay dhulka ay gumaysato qayb-qaybiso, oy mashaakil ka dhex-abuurto umadaha dariska ah, sida Falasdhiin, Kashmiir iyo S/Ogadenia, waxaa kale oy ku caanbaxday in 2 da qolo ee ay dhibaatada ka dhex-abuurayso, ay "midna nacfiga siiso midka kalena hadal engegan siiso", si uu waligii ingiriis ayaa wax ila rabayda u hayo oon marnaba UK wax eed ihi u raacin.!! Waana sida ay inaga inoo gashay.

Ingiriis wuxuu iska indho-tiray shacabka wadanka leh(S/galbeed) balamihii uu u qaaday, dareenkoodii, halgankoodii iyo xuquuq-doodiiba, kaliya wuxuu tixgaliyay fulinta rabitaanka quwadaha waawayn iyo raali-galinta xabashida oo guud ahaanba reer galbeedka iyo reer bariguba ay ugu dabcayeen inay tahay hanbadii faashisti-gii talyaaniga( 35) iyo inay tahay "jasiirad kiristaan ah, oo badwayn muslin ah ku dhextaala"
Halkan wuxuu leeyahay Tim J.Farer, "dhulkii soomaalidu in itoobiya la siiyo wax caqligal ah ma'ahayn, iyada oo marmarsiinyo laga dhiganayo, soo celinta dal Itoobiya ah oo madaxbanaan, maxaa yeelay,laga soo bilaabo horaantii qarniyadii dhexe ilaa imbiraaduuriyadii madoobayd ee Mililikh ee reer galbeed-ku sameeyeen, waligeed xabashidu mayna xukumin dhul soomaaliyeed …marse hadii ingiriiska iyo inta-badan ee wadamada reer yurub ihi ay aqoonsadeen qabsashadii Talyaaniga ee Itoobiya uu qabsaday , majirin wax sharciyad ah oo kalifaysa in la yidhaahdo itoobiya waxaa lagu soo celin xuduudiihii Mililikh… islamarkaana hadayna soomaalida ama Eritreaanku ismaamuli-karaynin, oo ayna ingiriisku diyaar u ahayn inuu dhul uu talyaani itoobiya kafara-maroojiyay eediisa qaado, waxaa dhici-kartay in barbaarin lagaliyo(Ogadenia) ama ha'maamusho dawlda ingiriisku, ama dal kamid ah wadamada xubnaha ka ah UN-ka, amase qaramada midoobay lafteeduba'e. Arintani suurto-gal ayay ahayd,laakiin waa mid aan xukuumada boqorka(Ingiriiska) jadwalka ugu jirin"(36 ), wuxuu yidhi I.M.Lewis,"Itoobiya labo-jeer ayaa laga-gargaaray qabsashadii ay faashistigii talyaanigu qabsadeen, waana siintii Ogadenia iyo Eritrea"(37 )

Sababaha ay quwadaha shisheeye S/Ogadenia ugu-wareejiyeen xabashi waxaa kamid ahaa iyaga oo rabay inay itoobiya ka dhigaan dal wayn, oo u dhigmi-kara, wadamada muslinka ah ee kuhareeraysan.(38 )
Ingiriisku mudadan wadanka isguulo, rugo caafimaad, wadooyin, iyo wax dhismo ah habayaraatee ka ma'samaynin.

W/Q Siyaad C/naasir
E- wadanigii@hotmail.com

Qaybtii hore: Inuu Ingiriis Gobolka dhiibo ma'odayaal ayaa sababay? (1)
Qaybtii 2aad: Inuu Ingiriis Gobolka dhiibo ma'odayaal ayaa sababay? (2)