Dadkaygu waa qoom rumaysan in Ilaahay yahay
midka kaliya ee xaq lagu caabudo, Nabi Muxamedna yahay Rasuulkii
ugu denbeeyay ee Eebe addoomihiisa u soo diro. Diintoodu waa
Islaam, waxyna duudka u dhigteen waajib kasta oo ku soo arooray
diintaas xaqa ah. Waajibaadkaas waxaa ka mid ah diidmada gumaysiga
masiixiga ah ee dalkooda iyo dadkoodaba doonaya inuu gumaysto
oo hoos-geeyo nidaamkiisa ku dhisan diintiisa iyo dhaqankiisa.
In ka badan Qarni bay diidmadaas wadeen, gumaysiguna uu kula
kacayay cadaadis kasta oo qof bani’aadam ah lagu yeelsiin
karo wuxuu diiddan yahay.
Wuxuu gumaysigu Ogaadeenya ka gaystay xasuuqyo
aan tiro lagu soo koobi karin, wuxuuna wadar iyo keli-keliba
u laayay dad aan tirsigooda diiwaan kaliya la isugu keeni karin.
Wuxuu gumaysigu Ogaadeenya ku hayay, tan iyo maalintii lagu
wareejiyay, cunaqabatayn aan xilli cayiman lahayn, isagoo ula
jeeddadiisu tahay inuu shacabka kala dagaallamo inay wax horumar
ah sameeyaan iyo in dhibaatada cunaqabataynta ka dhalataa ay
ku xanbaarto inay maamulkiisa oggolaadaan, laakiin nasiib wanaag
dadwaynaha Ogaadeenya waa dadwayne keen-diid ah, oo dhaqanka
gumaysi diidka ayuu filba filka kale dhaxal ahaan uga tagaa.
Maamullada gumaysigu way is-beddalaan, ururrada gumaysi diidka
Ogaadeenyana way is-beddalaan, laakiin ”gumaysi diidnimadu
isma beddasho”.
Garaad Makhtal Daahir ayuu ahaa (All ha u naxriisteen)
halyaygii isagoo lix naftii hure wata weerarka ku dillaaciyay
ciidammadii gumaysiga ee ku sugnaa magaalada Jigjiga, konton
sano ka hor. Markii la waydiiyay sababta uu u weeraray ciidan
dhan oo wax walba haysta, isagoo wata lix nin oo Jigre ku
hubaysana, wuxuu yidhi waxaan dadka barayay in askariga Itoobiyaanka
ah la dili karo. Dhaqankaasi (isku kalsoonida) waa mid ay
dadkaygu ka siman yihiin.
Garaad Makhtal waxaa ka horreeyay Sayid Maxamed
Cabdalla Xasan (Alla ha u naxariistee) , oo gaalo iyo islaamba
isaga markhaati kaceen inuu ahaa halyay gobanimo doon ah oo
gumaysiga baday jab lixaad leh, ilaa markii ugu horraysay
Afrika oo dhan diyaarado dagaal lagu weeraro.
Sayid Maxamed waxaa ka sii horreeyay Imaam Axmed
Gurey (Alla ha u naxariistee) , oo sidaan taarikhda ka akhrisanay
huwantii masiixiga ku jabiyay deegaannadoodii, markuu kuweenii
ka difaacay, Amxaarana baday dhaqanka ah inay hilibka qaydhiin
ku cunaan. Haddaan taariikhdaas fog ka soo ruqaansano, waxaa
halgankan isaga denbeeyay ururro kala duwan, oo iyaguna sidii
awowyadood waday ”farsamadii qori isu dhiibka ahayd”
ilaa laga soo gaadho ururka hadda halganka hoggaaminaya ee
JWXO.
Dhaqanka gumaysi diidku wuxuu qayb ka yahay
barbaarinta carruurta reer Ogaadeenya, waxaana dhaqankaas
ku soo ababay ilmo kasta oo bulshada Ogaadeenya ka soo jeeda.
Waxaad mooddaa in awowyaashayo ay nooga tegeen ballan ah inaan
quudhsiga la oggolaanin, xataa haddii nafta nalaga wada-goynayo.
Arrintaas waxaad si fiican u gar-waaqsanaysaa markaad u fiirsato
ficilada iyo adkaysiga dadwaynaha Ogaadeenya.
Waxaan la soconaa in dalka Ogaadeenya sannadihii
u denbeeyay uu ka socday xasuuq aan aaba-yeel lahayn, iyadoo
si wadar ah iyo si keli-keli ahba loo laayay dad aad u fara
badan oo shacab ah oo aan galabsanin denbi lagu laayo, oo
aan ka ahayn in laga urinayo dhaqankan gumaysi diidka ah.
Waxaa sannadihii ugu denbeeyay Ogaadeenya lagu
hayay cunaqaybatayn aan caadi ahayn, iyadoo ciidammada gumaysigu
ka xidheen irridihii wax uga iman lahaayeen oo dhan, isla
markaana uu ururrada samafalka ah ka mamnuucay inay dalka
ka hawlgalaan. Arrintaasi waxay dadwaynaha soo gaadhsiisay
dhibaatooyin aad u badan, laakiin haddana iyadoo ay sidaas
tahay, gumaysigu wuu ku fashilmay inuu ka gaadho dantii uu
ka lahaa. Waxaa sii labanlaabmay dareenkii keena-diidnimada
ahaa ee shacabka. Waxaa sii bulaalay halgankoodii, waxayna
dadwaynihii oo dhan caddaysteen sida ay u taageersan yihiin
halgankooda xaqa ah ee ay JWXO horkacayso.
Waxaa tiro iyo tayaba intii hore ka sii batay
CWXO, oo iyaguna sii kordhiyay dhirbaaxooyinkii iyo nabarradii
ay u gaysanayeen ciidammada karkarka ah ee gumaysiga. Waxay
arrintaasi gumaysigii ku ridday khakhal iyo jaha-warer. Wuxuu
miciinsaday inuu maalinba kala bedbeddalo maxayasatadii uu Ogaadeenya
u soo dirayay, oo marba mid hor-leh keeno. Markuu kaasi fashilmana
uu bilo gudohood mid kale ku keeno. Waxaa ku dhacday hadal-murtiyeedkii
soomaaliyeed ee ahaa ”Naari meel qabow ma leh”.
Ciidda Ogaadeenya meeshuu cagta saaraba wuu ku caga-gubyooday,
oo waxaa la kacday miinadii gumaysi diidka.
Hase yeeshee dhinaca kale dadwaynaha Ogaadeenya,
in kastoo uu gumaysigu dhibaatooyin kala duwan ku hayo, filkoodna
ka reebay, haddana waxay og-yihiin sababta ay dhibaatadaasi
u soo gaadhayso, sidaas darteed waxay ku faraxsan yihiin inay
qaateen mowqifka gumaysi diidka ah. Waxyeellada gumasiguna
kama horjoogsan karayso inay farxaan oo ku samraan qaddarka
Eebe.
Maalmahan waxay dadkayagu farxad ugu dabbaal-degayaan
Ciidda Soonfureed, waxayna og-yihiin in Ilaahay iyo Nabigiisuba
ay fareen inay Cidahooda farxad ku soo dhaweeyaan. Waxay og-yihiin
in farxadda Ciiddu ay murugo u tahay gumaysiga iyo inta u
adeegta ee mabdi’iisa aaminsan, sidaas darteed bay u
illoobayaan dhibaatadii lagu hayay, oo tahniyadaha Ciidda
farxad isugu waydaarsanayaan.
In kastoon ogahay dhibkaad ku jirtaaniyo dhanqaryada
gumaysigu idinku hayo, oon dhab u garanayo boogihiina aan
dhaymaha heliniyo baylahda la idinku dhawrtay, oon hubo dhabarka
inay idinka toogteen kuwo aad dhalasho wadaagteen, haddana
ina dhaqaaja dadkaygow dhammaanteen aan farxad ku ciidnee.
Baryada Eebana aan badheedh u waydiisano inuu barakadeeda
maalintan xornimo soo degdegta inoogu bishaareeyo. Ciid Wanaagsan.