Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
Waqooyibari.com
Waayaha

Opinion

Farxaddii Murugada weheshatay
By Axmed Yaasiin

Dadkaygu waa qoom rumaysan in Ilaahay yahay midka kaliya ee xaq lagu caabudo, Nabi Muxamedna yahay Rasuulkii ugu denbeeyay ee Eebe addoomihiisa u soo diro. Diintoodu waa Islaam, waxyna duudka u dhigteen waajib kasta oo ku soo arooray diintaas xaqa ah. Waajibaadkaas waxaa ka mid ah diidmada gumaysiga masiixiga ah ee dalkooda iyo dadkoodaba doonaya inuu gumaysto oo hoos-geeyo nidaamkiisa ku dhisan diintiisa iyo dhaqankiisa. In ka badan Qarni bay diidmadaas wadeen, gumaysiguna uu kula kacayay cadaadis kasta oo qof bani’aadam ah lagu yeelsiin karo wuxuu diiddan yahay.

Wuxuu gumaysigu Ogaadeenya ka gaystay xasuuqyo aan tiro lagu soo koobi karin, wuxuuna wadar iyo keli-keliba u laayay dad aan tirsigooda diiwaan kaliya la isugu keeni karin. Wuxuu gumaysigu Ogaadeenya ku hayay, tan iyo maalintii lagu wareejiyay, cunaqabatayn aan xilli cayiman lahayn, isagoo ula jeeddadiisu tahay inuu shacabka kala dagaallamo inay wax horumar ah sameeyaan iyo in dhibaatada cunaqabataynta ka dhalataa ay ku xanbaarto inay maamulkiisa oggolaadaan, laakiin nasiib wanaag dadwaynaha Ogaadeenya waa dadwayne keen-diid ah, oo dhaqanka gumaysi diidka ayuu filba filka kale dhaxal ahaan uga tagaa. Maamullada gumaysigu way is-beddalaan, ururrada gumaysi diidka Ogaadeenyana way is-beddalaan, laakiin ”gumaysi diidnimadu isma beddasho”.

Garaad Makhtal Daahir ayuu ahaa (All ha u naxriisteen) halyaygii isagoo lix naftii hure wata weerarka ku dillaaciyay ciidammadii gumaysiga ee ku sugnaa magaalada Jigjiga, konton sano ka hor. Markii la waydiiyay sababta uu u weeraray ciidan dhan oo wax walba haysta, isagoo wata lix nin oo Jigre ku hubaysana, wuxuu yidhi waxaan dadka barayay in askariga Itoobiyaanka ah la dili karo. Dhaqankaasi (isku kalsoonida) waa mid ay dadkaygu ka siman yihiin.

Garaad Makhtal waxaa ka horreeyay Sayid Maxamed Cabdalla Xasan (Alla ha u naxariistee) , oo gaalo iyo islaamba isaga markhaati kaceen inuu ahaa halyay gobanimo doon ah oo gumaysiga baday jab lixaad leh, ilaa markii ugu horraysay Afrika oo dhan diyaarado dagaal lagu weeraro.

Sayid Maxamed waxaa ka sii horreeyay Imaam Axmed Gurey (Alla ha u naxariistee) , oo sidaan taarikhda ka akhrisanay huwantii masiixiga ku jabiyay deegaannadoodii, markuu kuweenii ka difaacay, Amxaarana baday dhaqanka ah inay hilibka qaydhiin ku cunaan. Haddaan taariikhdaas fog ka soo ruqaansano, waxaa halgankan isaga denbeeyay ururro kala duwan, oo iyaguna sidii awowyadood waday ”farsamadii qori isu dhiibka ahayd” ilaa laga soo gaadho ururka hadda halganka hoggaaminaya ee JWXO.

Dhaqanka gumaysi diidku wuxuu qayb ka yahay barbaarinta carruurta reer Ogaadeenya, waxaana dhaqankaas ku soo ababay ilmo kasta oo bulshada Ogaadeenya ka soo jeeda. Waxaad mooddaa in awowyaashayo ay nooga tegeen ballan ah inaan quudhsiga la oggolaanin, xataa haddii nafta nalaga wada-goynayo. Arrintaas waxaad si fiican u gar-waaqsanaysaa markaad u fiirsato ficilada iyo adkaysiga dadwaynaha Ogaadeenya.

Waxaan la soconaa in dalka Ogaadeenya sannadihii u denbeeyay uu ka socday xasuuq aan aaba-yeel lahayn, iyadoo si wadar ah iyo si keli-keli ahba loo laayay dad aad u fara badan oo shacab ah oo aan galabsanin denbi lagu laayo, oo aan ka ahayn in laga urinayo dhaqankan gumaysi diidka ah.

Waxaa sannadihii ugu denbeeyay Ogaadeenya lagu hayay cunaqaybatayn aan caadi ahayn, iyadoo ciidammada gumaysigu ka xidheen irridihii wax uga iman lahaayeen oo dhan, isla markaana uu ururrada samafalka ah ka mamnuucay inay dalka ka hawlgalaan. Arrintaasi waxay dadwaynaha soo gaadhsiisay dhibaatooyin aad u badan, laakiin haddana iyadoo ay sidaas tahay, gumaysigu wuu ku fashilmay inuu ka gaadho dantii uu ka lahaa. Waxaa sii labanlaabmay dareenkii keena-diidnimada ahaa ee shacabka. Waxaa sii bulaalay halgankoodii, waxayna dadwaynihii oo dhan caddaysteen sida ay u taageersan yihiin halgankooda xaqa ah ee ay JWXO horkacayso.

Waxaa tiro iyo tayaba intii hore ka sii batay CWXO, oo iyaguna sii kordhiyay dhirbaaxooyinkii iyo nabarradii ay u gaysanayeen ciidammada karkarka ah ee gumaysiga. Waxay arrintaasi gumaysigii ku ridday khakhal iyo jaha-warer. Wuxuu miciinsaday inuu maalinba kala bedbeddalo maxayasatadii uu Ogaadeenya u soo dirayay, oo marba mid hor-leh keeno. Markuu kaasi fashilmana uu bilo gudohood mid kale ku keeno. Waxaa ku dhacday hadal-murtiyeedkii soomaaliyeed ee ahaa ”Naari meel qabow ma leh”. Ciidda Ogaadeenya meeshuu cagta saaraba wuu ku caga-gubyooday, oo waxaa la kacday miinadii gumaysi diidka.

Hase yeeshee dhinaca kale dadwaynaha Ogaadeenya, in kastoo uu gumaysigu dhibaatooyin kala duwan ku hayo, filkoodna ka reebay, haddana waxay og-yihiin sababta ay dhibaatadaasi u soo gaadhayso, sidaas darteed waxay ku faraxsan yihiin inay qaateen mowqifka gumaysi diidka ah. Waxyeellada gumasiguna kama horjoogsan karayso inay farxaan oo ku samraan qaddarka Eebe.

Maalmahan waxay dadkayagu farxad ugu dabbaal-degayaan Ciidda Soonfureed, waxayna og-yihiin in Ilaahay iyo Nabigiisuba ay fareen inay Cidahooda farxad ku soo dhaweeyaan. Waxay og-yihiin in farxadda Ciiddu ay murugo u tahay gumaysiga iyo inta u adeegta ee mabdi’iisa aaminsan, sidaas darteed bay u illoobayaan dhibaatadii lagu hayay, oo tahniyadaha Ciidda farxad isugu waydaarsanayaan.

In kastoon ogahay dhibkaad ku jirtaaniyo dhanqaryada gumaysigu idinku hayo, oon dhab u garanayo boogihiina aan dhaymaha heliniyo baylahda la idinku dhawrtay, oon hubo dhabarka inay idinka toogteen kuwo aad dhalasho wadaagteen, haddana ina dhaqaaja dadkaygow dhammaanteen aan farxad ku ciidnee. Baryada Eebana aan badheedh u waydiisano inuu barakadeeda maalintan xornimo soo degdegta inoogu bishaareeyo. Ciid Wanaagsan.

Axmed Yaasiin Cabdi

20/09/09

 
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2009, All rights reserved. Qorahay Online