Opinion
 
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
 

Waa Gabay cusub waxaana curiyay Abwaan Dhagocadde

Arliganaga waa laga kaxayn aboorkaas degay.

Arartaan tilmaamee murtida aadka ugu buuxda
Waa erayadii Raage iyo aabihi gabayga
Urugada uu sheegahayiyo aramidaa taaha
In yar aan ku daro oo aniga ila gudboonaatay.

Intuu inan gumeed iyo Tigre aqalladii joogo
Eydaa wayaanuhu intay ubadka dooxayso
Ardaydiyo ugaasyada intay jeelka ku aruurin
Axmaqaa Zenaawina intuu amar ku taaglayni
Dhabayaciyo iidoor intay inamadii iibsan.

Axmedoow jacayl ima hayoo waan irdhaysnahaye
Amran iyo amaan dumar ka tegay iyo odhaahdeeda
Waa inaan adkaartiyo ducada aad u badiyaaye
Alamtariyo waa inaan akhriyo idilka Yaasiine
Waa inaan axkaamtiyo sunaha uurka ku hayaaye
Allaahu akbar iyo waa inaan diinta aaminaaye.

Waa inaan abley iyo tuntaa eebo xoog badane
Waa inaan ul iyo toorri iyo gudun afaystaaye
Waa inaan afjeex iyo gataa oostar xaydhlabae
Waa inaan askari iyo noqdaa ururka Jawxaade.

Waa inaan Afdheer iyo Godeey weerar ku ekayno
Togga Ulasameed iyo waa inaan Iimeey qabanaaye
Aftol iyo Shilaabiyo waa inay Daharre eedaane
Waa inaan attacknaa Wardheer goor alaylki ahe
Waa inaan Awaariyo Jigjiga Orod ku gaadhnaaye
Waa inaan albaabada xabsiga OG jebinaaye
Odayada duqoobiyo waa inaan aqoonyahanka siideyno
Aroortaa dambana waa inaan Adari joognaaye
Waa inaan Bardoodiyo ag dego aqalki Haadaamo.

Argagixiso weeyaan kuwaan ina agjoogaaye
Wax la yidhi amxaar iyo dameer male aqoon weyne
Ooddii dhow iyo waxay cunaan aqallo reeroode
Isaw iyo waxaa lagu ceshaa ul iyo baaruude
Waa inaan abeesadan na jaqi anaqa goynaaye
Waa inaan ibliiskiyo kufrigan eber ka siinaaye.

Suugaan abwaan yiri ayaan idin tusaalayne
Orgigood qashaa baa wankuba kugu ogaadaaye
Markuu weysha gawrac ku aslay buu eegay dibigiiye
Arag buu ku yidhi waxa ku xiga adiga weeyaane.

Waa inaan astaan taa la mid ah eegga fulinaaye
Waa inaan uurnugaylkiyo cabsida wada ilawnaaye
Iskutashi adkaysi iyo midnimo waa inaan ogaanaaye
Waa inaan abaabulka bulshada aad u badinaaye
Waa inaan aqoonsiga nafsiyan ku amboqaadnaaye.

Insha Allahu waa laga adkaan eydan doolka ahe
Arliganagana waa laga kaxayn aboorkaas degaye
Istiqlaal xornimo baanu heli idam Ilaaheeye.

Markaasaa ammaan iyo la heli nolol abuurkeeda
Markaasaa dadkeenii ambaday aayar soo noqone
Markaasaa agoontiyo rajada loo abaal gudiye
Markaasaa iskuulana la furi aad u faraweyne
Markaasunu abaartiyo ka bixi oonka nagu raagay
Markaasaa adhiga iyo geela iyo ayro noo dhaliye
Markaasaanu oolyada Jeexdin iyo Cobolle iibgayne
Markaasaanu addoomaha Ilaahay ugu il roonaane
Markaasaa abshiri iyo farxadi noo ekoontahaye.

Invitation iyo gogol baan u fidin idilka soomaali
Arkaba ogsoon kii ayidiyo anafo kii geystay
Amxaarada ninkii taabiciyo ninkii Agada taageeray
Islaanimada kii aaminiyo kii kufriga u iishay
Injireyda kii amar ka qaatiyo ninkii ubaxa soomaal ah
Isticmaarka kii la jiray iyo ninkii ururka jawxaad ah
Aqlilaawe kii ahaa iyo ninkii indheer garad ahee dhiirran
Iimaan li’idu kay qaaday iyo kii anshaxa dhowraayey
Sharaftiisa ninkii iibsadiyo kii isagu diiday
Markaasaanu abaalmarin siday kala ahaayeene
Bal aan eegno aayaha dambana tii Allay noqone

Dhagocadde.