Shir qoolada
& Isku day kasta oo gumaysigu maleego fashil buu ku dhamaadaa
By Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com
26, Nov 2008
Ogaadeenya waxaa ka socda halgan u dhexeeya
gumayga Absiiniya oo quwado shisheeye ku tiirsan & shacabka
gumeysi diidka ah ee Ogaadeenya oo Illaahay ku tiirsan wuxuuna
halganka hubaysan ee ay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya
hormuudka katahay wuxuu maanta gaadhay heer aad u sareeye,
gudo & dibadna waxana lagu tilaami karaa in uu isku xidhmay
oo uu hano qaaday, Dagaalada ay JWXO Ogaadeenya ka wado maalinba
maalinta ka dambaysa waxay ku sii siqayaan ama ay kusii durkayaan
meelo hadda kahor aysan Jabahdu ka hawlgali jirin.
Waxay xukuumadda Meles ku andacoon jirtay dagaalka waxaa
wadda dad gaar ah taas oo ay ula jeedo in ay dadka ku abuurto
khilaaf dhexdooda ah, waxaanse shaki ku jirin shirqool walba
oo ay Itoobiya maleegto in uu iyaga ku noqonayo , waxaana
tusaale inoogu filan Sanadihii hore ee 2006 - 2007 waxay Itoobiya
waddanka Ogaadeenya soo dhoobtay tiradii ciidan dagaal ee
ugu badnayd waxayna shaaciyeen in ay ONLF ku soo afjarayaan
mudo 3 bilood ah.
Hadii aan ku horayno sanadkii 2006 Itoobiya waxay abaabushay
dad iyaga u shaqeeya oo qaar ay dibadda ka keentay gaar ahaan
wadanka Maraykanka kuwaas oo ah dad u dhashay Ogaadeenya waxaana
hadaladoodi ay ku hawlgali jireen kamaid ahaa markii ay la
kulmaan shacabka waxay ku odhan jireen anaga ayaa ahaan jiray
ONLF waanan katagnay waxaa dadakas qaar kamid ah laga waraystay
Ideecadda Af-Soomaaliga ee Addis Ababa ka soo gasha oo soo
shaacisa hadba wixii hagardaamo ku ah shacabka Ogaadeenya
ee halgan ka ugu jira xoriyadooda.
Saraakiishii Ciidamada Itoobiya ugu sareeyay ayaa tagay Gobalka
Qorahay magaalada Qabridahare halkaas oo ay shirweyn ku yesheen
bishii 6 ee sanadkii 2006 waxaana ka soo baxay go’aankii
lagu gumaaday sahcabka Ogaadeenya ,xasuuqaas oo aan loo aabo
yeelin miyi magaalo,yar & weyn dadkana saf laga maray
waxayna Itoobiya soo qaaday weerar cir & dhul ah oo ay
ku ekeysay gobalada dalka oo dhan.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay weerarakas kaga
jawaabtay in ay si baaxad leh ugu jilib dhigto meelihii laysku
helay oo dhana marwalba waxaa gacanta sare lahaa Ciidanka
Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo ilaahay marwalba tala saaranayay,
mudo bil & madh ah ayuu dagaalkii ku soo af-jarmay waxaana
ugu dambeeyay oo ay Itoobiya ku quusatay markii ay CWXO Diyaarad
ciidan oo saraakiil waday ku soo rideen tuulada Gabogabo oo
goblka Qorahay ka tirsan halkaas oo ay ku diyaarinayeen istaraatiijiyad
cusub oo lagu badalo qorshihii hore oo fashil noqday.
Mudadii uu dagaalka xabada ah socday waxa barbar socday dagaal
kale oo borobagaadho ah oo inta badan loo xambaariyay shaqsiyaadka
gumaysigu ku adeegto oo dibad & gudoba ka hawlgala waxaa
lawda ogyahay kuwa jinni xaqsay ah oo iyagoon cidi ku khasbin
meelo nabad ahna ku nool hadana dabodhilifnimo & dibindaabyada
shacabkooda door mooday kuwaas oo meelaha la wareegayay aflagaado
& dacaayad raqiis ah.
Sidaas si la mid ah waxaan waxba lahadhin qolada u dhagaha
nugul cadowga ee gumaadka shacabka Ogaadeenya loo wakiishay
marwalbana gumaysigu uu iska horeysiiyo kolbana lakala badalo
ee maamul kusheega loogu yeedho oo hangoolo u ah si doqonimo
ahna loogu adeegto.maamulk ku sheegii kala dambeeyay ee kolkii
ujeedadii laga lahaa lagu gaadhay iyagii dib loo liqay waxaa
ugu dambeeyay Cabdullahi Lugbuur oo in badan sidii cajalad
madhan uu gumaysigu wixii uu doono ku duubay la shidayay oo
intuu butaaco hadana isu haysta in uu fikradiisii oo karaamo
leh ku hadlayay.
Lugbuur oo wadadii looga horeeyay in mudo ah higsanayay maanta
ayay ka soo oodantay wuxuuna la mid yahay Odeaashii &
Hooyooninkii xabsiyaad ku indho belay gabdhiho & caruur
ay xabsiyada ku dhaleen oo aan wali nolol kale baranin &
barbaartii wadanka u kacaysay oo ay badankood u xeraysanyihiin
Ciidamada wayaanaha oo ay u soo jeebeeyeen Lugbuur & saaxiibadiisa
tubtii haya ee xiligooda sugaya walina hamuumta u qaba in
ay shacabka Ogaadeenya nacabka u nugleeyaan.
Hadaba Lugbuur oo Tigreega aad ugu haagar baxay in badana
dhaaraan u ahaa in uu maanta maxbuus yahay waxay muujinaysaa
dhaqanka gumaysiga & sida uusan u kala jeclayn ruuxa u
adeega iyo kan ka soo hor jeeda,waxaa maqaarsaarkii gadhwada
oo hormuud u ah Ina Iley & Daa’uud Amxaar oo Lugbuur
uga horeyn jiray marawlba waxyeelaynta bulshaad Ogaadeenya
waxaana lawada ogyahay dhibaatada taariikhiga ah ee ay u gaysteen
shacabka Ogaadeenya ee dulman waana wax meel u yaala oo aan
lagu cafiyi doonin shacabka Ogadeenyana dhibkasta oo loo gaysto
marnaba mabda’a ay aaminasn yihiin ee xornimo doonka
ah kama tanaasulayaan.
Sanadkii 2007 waa sanad xusuus weyn u leh shacabka dulman
ee Ogaadeenya walina waxaa socda dhibaatadii ay Itoobiya ku
haysay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsanin, waxaa jira
tuulooyin dhan oo ay dadkii daganaa ka rartay kadibna ay dab
sudhay, waxaa jira ceelashii ay xooluhu ka cabi jireen oo
laga aasay si aan dad & duunyo toona ugu noolaanin, Waxaa
jira gabadho Ogaadeenya u dhashay oo intay kufsadeen markii
dambana ay dileen & qaar dhibka faro xumaynta ka soo gaadhay
dartiis aan abdo dambe lahayn, waxaa jira kuwo ay Tigreegu
uur ku rareen oo u cararay gobalada Soomaaliya, waxaa jira
hoyooyin markii ay adkaysan wayeen ka soo lugeeyay Ogaadeenya
soona galay xeryaha qoxootiga Dhadhaab Kenya ku yaala, waxaa
jira kuwo aad u badan oo lagu jidh dilayo xabsiyada gabdho
badan oo ugub ah ayaa xabsiyada ku umulay.
Waxaa jira dad & xoolo badan oo cadawgu sumeeyay oo si
aad ah u le’day, waxaa jira cuduro aan horaan laga aqoonin
Ogaadeenya oo ku soo badanaya kuwaas oo iska daa dadka e ay
ciidamada Itoobiya xoolahana ku beerayaan waxaana la xaqiijiyay
4 ninba in uu mid ka mid ahi cudurka dilaaga ah qabo waana
ku talo gal in Ogaadeenya lagu faafiyo wax walba oo aan horaan
ka jirin si loo asal dooriyo, waxaa intaas dheer xaalufin
badan oo ay kawadaan dhulka waxay si naxariisdro ah u laayeen
ugaadhii Ogaadeenya ku noolayd sidoo kale waxay aad u guraan
dhirta Ogaadeenya.
Akhristoow intaas oo darxumo ah ee aan kor ku soo sheegay
oo dhab ah waxaa jira kuwo aynu aysan u muuqanin amaba ku
faraxsan oo magaca, midabka & Afkaba Soomaali ka ah kuna
dhashay meesha ay waxaas oo dhibaato ihi ka dhacayso, waxaad
ogtihiin marka laga hadlayo dagaalka xaqa ah ee ay ONLF wado
kuwo aan saluug muuqda ka mujinaynin hadana aan ku farxaynin
guusha ay ONLF gaadho, inta badan meelaha laysugu yimaado
ee loo yaqaano yaqaano (fadhi ku dirirka) waxaad arkaysaa
mid aad u murmaya oo markaad waydiiso dhibaatadaas oo dhan
kuu qiraya in ay jirto hadana fulinaya siyaasadda guracan
ee Itoobiya halkaasna waxaa kaaga soo baxaysa su’aal
aad maskaxdaada ula noqoto oo ay jawaabteedu mudo kugu qaadato
amaba aad jawaab u weydo.
Gabogabadii waxaan bulsho weynta Ogaadeenya uga digayaa
in aysan ku dagmin Shirqoolada Gumaysigu Maleegayo shakina
kuma jiro in ay Itoobiya dad ku soo darsatay Jaaliyadaha Ogaadeenya
ee u dhaga nugul halganka xornimo doonka ah ee ay ONLF hormuudka
u tahay waana la hubaa in uu marwalba cadawgu guuldarada la
dheelman xaqluhuna uu guulaysan .
La soco qormada qaybta dambe haduu allaah idmo.
Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com
|