| |
|
![]() |
|
![]() |
|
Tabaryaraanta
Gumaysiga & Toobiyaha Halganka
W/Q Geeddan Cali.
geeddan@yahoo.com
29, Jan 2009
Sida aad la socoteen in tiina daneysa halganka waxaa jirta
in ay jwxo mawqifkeeda cadyahay ayna ku qeexday xeerar &
barnaamij siyaasi ah naftood-hure yaasha jwxo,Madaxda &
kaadirka Jwxo oo kaashanaya awood Alle sidoo kale ku tashanaaya
shacabkooda meelkastaba ha joogee ayaa waxaa ay isku dayeen
in ay si wanaagsan u tusaan ujeedadooda bulsha waynta S/ogadeenya
& dadyowga daneeya halgankaba tan oo horseeday in dadwaynaha
reer Ogadeenya ay noqdaan kuwo siwanaagsan u taageeray siyaadada
Jabhada dibad & gudaba lagagana adkaaday gumaysiga dhan
dagaal & dhan siyaasadeedba, kaliigii taliye Maleze ayaa
isaga oo ka duuli guuldaradan soo gaadhay udajiyay barnaamij
cusub maamulkiisa waxuuna ka sheegay meelo badan in uu dagaal
nooc walba ah lagali doono JWXO sanadku markii uu ahaa 2007
talaabooyinkii uu qaadayna waxaa ka mid ahaa in uu hawl galiyo
dhamaan Safaaradaha gumaysiga ee dibada isaga oo keenay shaqaale
cusub oo dabaqoodhi afyaqaana ah bulshada S/ogadeenya sidoo
kale waxuu isku dayay in uu ku dhex beero Jaaliyaaddaha dad
u shaqeeya gumaysiga intaasoo kaliya ma ahayne waxaa jirtay
dad uu udiray gumaysiga Itoobiya ee meel uu kasoo galo waayay
bulshada reer Ogaadeenya ee isu raacday halganka hubaysan
ee loogaga soo horjeedo gumaysiga madaw ee Abasiiniya.
Shaqsiyaadkan ayaa waxaa loo carbiyay qaab aan heerkiisa
la arag oo marxalado kala duwan leh waxaanad si wanaagsan
uga dheehan kartaan qoraalada ay qoraaan markii aad si joogta
ula socoto,iyada oo aad fahmayso meelaha ay toogan & cabirkooda
dhabta ah, shaqsiyaadkan ayaa waxaa loo sheegay in ay dhawr
nooc u hawl galaan iyaga loo la shaqayn kuwii kasii horeeyay
ee ay ugu tageen meelaha la geeyay; A. in kuwo ka mid ah ku
dhex daraan halganka lagana warqaado kolba meesha uu mari
xaal. B.in kuwo ka mid ah ay ka shaqeeyaan safaaradaha iyada
oo laga lahaa laba danood waa mid in lagu abuuro dadka jawi
ah in saraafada dad S/ogadenya ka soo jeeda ayaa ka shaqeeya
oo waa xaquuqdoodeenii oo aan helay & in la helo dad af,
dhaqan, isir & diinba iska dhigi in ay la wadaaga halgamayaasha
si ay ubuuraan barnaamijyo lagaga hortagi karo halganka.C.
in kuwo ka mid ah ay noqdaan kuwo ku shaqeeya nidaam saxaafadeed
dadkan ayaa sida aad la socotaan waxaa loo laylyey jawi aragti
fog leh laakiin la jaan qaadaya marxaladaha halganka ay hormuudka
ka yihiin CXO,
Sida aad la socotaan waxaa waayadanba si istalow ah isu dhaafayey
qoraalo xanbaarsan dhilooyin kuwaas oo ku soo baxaayay bogag
yar-yar oo lagu qoro guryo qurbaha uga kiraysan dad shaqsiyaad
ah oo qaxooti ku ah dunida horumartay unaga adeega gumaysiga,
ma aha wax hada bilowday laakiin waxaa la soo gaadhay meeshii
ugu danbaysay ee fashilka, kuwan ayaad moodaa in ay isbidayeen
isuguna sawirayeen shacabka aqoon & xog ay hayaan in ay
gaadhsiinayaan bulshda dulman ee S/Ogadeenya laakiin ahaa
dabaqoodhi subag ismarin waxaa ay ku maah- maahdaa xabashidui
Afa Qibe Liba jubee (af
malable uur mindiile), waxaan ka wada dharagsanayn
waxyaabahii la adeegsanaaayay ee isugu jiray magacyada ururada,magacyada
dadka meeqaanka bulshada ku dhax leh, ciwaanada beenta ah
& halku-dhagyada ururada iyada oo la isu marin dhoobada
la isuguna qarin boodhka & qiiqa oo la suubaan salaaxi
(xoodaamin) meelaha la isleeyahay bulshadu waa ay ka xadatoon
laguna mud-mudi qodxo & masaabiir boogaha uu daashaday
gumaysigu ee damqanaya,la iskuna dayayo in la isugu muujiyo
bulshada dadka wanaagsan (halgame-yaal ah) una soo jeeda halganka
habeen & maalin kana xun waxii dibin daabyo ku ah hormarka
hagalkan ay JWXO hormuudka ka tahay ee ka hanaqaaday dacalada
dunida oodhan lagana dareemay saxan-saxadiisa daafaha dunida
oo idil.
Qofka aan aqoonta u lahayn marin habaabiyaalkan quudaraynaya
in ay haleeyaan hanaanka halganka ayaa waxaa ay moodayaan
in ay yihiin kuwo wanaagsan oo jecel bulshada & halgankeeda
waxtarkiisana u taagan,waxayna maalinba kaa jiraan meelo badan,waxaa
wax aad loogu naalooda ah mar walba gabdhaha & ragga u
guntaday xaqqa lana taagan meel walba oo tusi ruux kasta oo
usoo istaaga codkooda lana dhextaagan makara-foon aad u cod
dheer bulsha weynta S/Ogadeenya tusiyana meesha ay ka duulayaan
kuwan dulmiga isu bahaystay ee aan diirnaxaynin, ragan &
gabdhahan u taagan danbta umada ayaa marwalba waxaa ay yihiin
kuwo usoo jeeda halganka ay hormuudka katahay JWXO ee lama
loodiyaan ka noqday ilaahay ha haleeshiiyo guushee, wiilashan
& gabdhahan xaqqa u tagaan ayaa waxaa ay farta ku fiiqaan
kolba ninkii la soo dhex joogsada bulshada waxii ku noqon
kara halganka turun turro buula-laydhna ku daara dabaqoodhiga
doolka ah ee danta & halganka umada ka soo horjeeda meel
walba & suryo walba oo uu ka soo hujuumana kasii xidhay
dhufays adag.
Dabaqoodhiga doolka ah ee ay soo dirtay Itoobiya ayaa waxaa
uu maalinba isku daraa qolo uu isleeyahay waa aad beerlaxawsan
kartaa sida qabiilka,ururada,odayada & salaadiinta qolyahan
sida loo habeeyay ayaa ah mid dadka ku beeri karta waxyaabo
badan ayna is waydiin karaan su'aalo,nimankan ayaa ah kuwo
laga soo xushay meelo kala duwan oo noocyada jaajuusnimada
ujeedada uu guma sigu ka leeyahay ayaa ahayd in ay khal khal
& su'aalo ku beeraan bulshada wakhti badana lagu lumiyo
ka hadalkooda nimankan ayaa waxaa ay ishoodu u jeedaa kolba
meesha ay isleeyahiin waxaa ka bisil tashuush (Gabal-Daye),
hadaba dadka u taagan halganka horumarintiisa markii ay ogadeen
arimahan ayaa waaxaa ay bilaabeen in ay kala hortagaan qaabsiyaaseedkii
laga dhaxlay halganka muddada dheer socday,dhabaqoodhiga doolka
ah sanadkii 2007 ayaa si balaadhan loo hawl galiyey laakiin
isla sankaas dabayaaqadiisii waxaa soo xidhmey dhamaan saldhigyadoodii
ay ku lahaayeen qurbaha.
JWXO ayaa iska jujuubtay iskana fogaysay sharwadayaashan
ugana digtay bulshada S/Oadenya waxayna u wareegeen in ay
ku biiraan ururro iyaga oo rabitaankoodu yahay in ay sii galaaftaan
ururradaas rabana in ay la galaan dabada sidoo kale kusii
hoydaan ileen waa qaab shaqeedkoodee,aniga oo aan ku dheeraanaynin
oo nin walba ka dheehan karo shanqadhooda meesha ay dhex dageen
ayaa hada waxaa ay intoodii soo hadhay kaa jiraan meelaha
aad ka maqashaan dhawaaqoodii noocyaha badnaa,maxaa guulo
ah oo ay gaadhey daba-dhidhifku? waxaa guula ah oo uu gaadhay
in uu guulaystay dilka Dr. Maxamed Siraad Doolaal (Allaha
u naxariistee), sidoo kale waxaa ay gaadheen in ay helaan
siyaasad ururro burburay iskana baahsan oo lagu dhex gaban
karo, isku soo duuboo bulshada reer Ogadeenya waa in ay ka
hortagaan ka na digtoonaadaan kuwan sharka isu xulufaystay
" wallee inayna laakiin ahayn laydha socotaaye libinbaa
dhaw ruuxii jahaad laabta ku hayoowe" hadii Allaha awoodale
ogolaado waxaan idin soo gaadhsiin doonaa qorshihii lagu shirqoolay
Dr.Siraad Qofkii fikir kayga su'aal ka qaba ama talo igu kordhin
waxaan leehay gacmo furan kusoo dhawoow waa walaalkaa Geeddan
Cali. Ciwaankayguna waa
geeddan@yahoo.com
|