Ragga
la iibsaday maxaa loo inkiray ma amaah baa lagu bixiyay
W/Q
Xaliimo Ibrahim
kamaydho@yahoo.com
29 April, 2008
Waxaa Geeska Afrika ka jirta dhibaato xoog leh oo si aad
ah looga dheehanayo dhibaatadaas waxa sababta u ah dadyawga
Geeska Afrika ku nooli way ogyihiin cida aan qirsanaynina
way is diidsiinaysaa ama waysan ku baraarugin wayse aragtaa.
Waxa dhibka jira lagu xalin karo waa qadiyada Ogaadeenya
hadaba si aan taas ahmiyad loo siinin shucuubta Geeska &
indhaha caalamkana loo marin habaabiyo gumaysiga Itoobiya
oo ku can baxay dhul badhaadhsi iyo dagaal joogto ah wuxuu
ku faafay gayiga Soomaaliyeed isagoo u sii maray wadooyin
dhawr ah oo ka dhashay burburkii qarankii Soomaaliyeed.
Taliska Adis ababa wuxuu gacanta ku dhigay in badan oo siyaasiyiinta
Soomaaliyeed ka mid ah quluubtooda wuxuuna u carbiyay dhaqan
xumada, maamuus, la’aanta & xishood yaraanta oo
intuba isaga agtiisa tayo kaleh. Wuxuu tartansiiyay ficil
kooda isagoo colaado dadban ka dhex huriyay si ay isugu mashquulaan
isagana ay ugu sii dheeraato mudada uu shacabka Ogaadeenya
ee keenadiidka ah sii gumaysan. Waxay ardaydiisu u baraatmeen
Itoobiyaanimadii waagii hore laysku caayi jiray ee ay Soomaalidu
isku odhan jirtay ruuxa la fogaynayo waa Amxaar Nin waliba
wuxuu ku dhaqaaqay wixii loo diray si uu ugu raali noqdo Malas
oo ah ninka ay talada maroorta ee Itoobiya & xasilooni
daraduba gacantiisa ka soo fusho.
Arintaasi waxay Soomaalidii dhaxal siisay cawaaqib xumada
maanta gacanta lagu hayo & mid wali lagu sii socdo Hadaan
u dago ujeedada qoraalkan oo ku foorara dadka Ogaadeenya ee
dhulkooda ku dulman iyo sida ay Soomaalida kale ula dhaqanto.
Kolka ay umadi geedi tahay waxaa jira dhibaatooyin &
dhama badan oo hayaanku keeno sidaas darted dadka Ogaadeenya
inay dadyawga dariskooda ah hagardaamo kala kulmaan waxaa
sabab u ah raadinta gobanimada qaaliga ah oo ka shishaysa
hirig faraabdan qasabna ay tahay in loo jiidho.
12 sano ayaa laga joogaa xiligii ay bilaabatay iibinta dadka
Ogaadeenya arintani wagaas ay shacbka Ogaadeenya ku bilaabatay
ka hor Soomaalida dhexdeeda kama jirijirin waxayse noqotay
xiligaas wixii kadambeeyay wado furan oo loo maro dhogorta
dadka Ogaadeenya sidii loo heli lahaa. Arinta waxaa jideeyay
Maamulka W/Galbeed Soomaaliya oon ku hakanin kol & laba
toona waxaana xaqiiqo ah inay dunuubta kadhalatay & ta
kadhalan doontaba iyagu mas’uul ka yihiin aduun &
aakhirba.
Waxaa 22 April 2008 wadadii loo jideeyay maray Maamulka W/Bari
Soomaaliya oo cadawga macangaga ah Tigreega gacanta u galiyay
mas;uuliyiin ka tirsan Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya
Arintan oo ahayd mid aan laqabsaday oon igu cusbayn kolkaan
maqlay waxay ila ahyad dhacdo caadi ah oon filayay waxayna
qalbigayga ku abuurtay inaan ku sii karaar qaato kuna dhiirado
kaqayb qaadashada xoreynta Ogaadeenya si loo dadajiyo dhamaystirka
guulaha aan la qarin karin ee halganka xaqa ah uu ku talaabsaday.
Waxay ahayd wax aad ii cadho galisay waxaanse isku qanciyay
oon dib u xusuustay inay tahay wax horay noo soo martay dibana
lagayaabo inay noo soo marto iyadoon ku saleeyay oo kaliya
mid kamid ah falalka gumaysiga Itoobiya & gacanayrihiisa
oon ogahay sida ay maanta u galayaan caruurta & hooyooyinkii
Soomaaliyeed ee ku naafoobay colaadii sokeeye.
Intaas kolkaan anigu isku qanciyay waxaa soo baxday oo aan
qaadan waayay in ay Maamulkii Garoowe ee ragga iibsaday dafiraan
oo ay ku tilmaameen been aan waxba ka jirin arintan dafiraada
ah ayaa iiga xanuun kulul dhiibistii hore.
Hadaba waa mucjiso aan hubo in ay igla midaysan yihiin dadka
Ogaadeenya ee xalaasha ah ayna la reemayaan waa arin aan kabaxaynin
maskaxda wadaniga Ogaadeenya taariikhina ah waa arin reer
Garoowe book cusub oo madaw u furtay.
Soomaalidu way is dili jirtay waligeed maamulka Hargaysa
ayaa soo kordhiyay is iibin
Maantana Maamulka Garoowe waxay iibintii ku soo kodhiyeen
inkiraad hadaba waxaan qaadan la’ahay cid iga qancisana
aanan wali helin sababta loo dafiray ragga cadawga loo dabray
miyay qarsoomi karaan Ragga waawayn ee duhurka la iibiyay
waxar ayaaba hadad qalato habeen gudcur ah aan raqdeeda laqarin
karine sidee loo dadi karaa rag qoodh & xeraale ah. Mise
maamulka Garoowe waxaan la siinin kharashkii lagula heshiiyay
oo amaah ayay Mas’uuliyiintanadii ku bixiyeen oo sidaas
darted ayaa loo dafiray? mise maamulka Garoowe wuxuu rabaa
inuu ONLF & Tigreega labadaba kanabad galo?
Waxaan aad uga xumahay dhacdadan foosha xun ee naloo caadaystay
ee maalinba maalinta kadambaysa lakobcinyo waxaana lawada
ogyahay maamulada kajira gobolada soomaaliya in aysan anaga
& Itoobiya dhexdhexaad noo ahayn oo ay door bideen in
naloo mijin qabto gumaysiga waana laxisaabtami sikastaba ha
ahaatee reer W/Bari kol haday nadileen na iibsadeen hadana
nadafireen wax u hadhay majiro Ogaadeenya ayay talo u taalaa.
Waxaan ka codsanyaa dadka Soomaaliyeed een iygu damiirkoodii
dhiibin inay ka fikiraan waxa naloo gaysanayo & waxa aanu
raadinayno waana muhiim in aad loo darso falalka dadka Ogaadeenya
loo gayasnayo waxa kadambeeya & cida mas’uulka ka
ah. Ninkii moodaya in halgankanaga loo leexin karo meelkale
waxaanu u sheegaynaa in hadafaknagu yahay in aanu ka madax
banaanaano gumaysiga aanaan waxba wadaagin ee doolka noogu
yimid cidii xabada dhamacad ah ee wiilasha tigeega ah ku dhacaysa
isaga dhigaysa waxaanu leenahay kajoog hadii ay maqli weyadna
waxa laga hor joogaayi waa taraysada ay u adkaysan layihiin
Aabsiiniyiintii ku riyoon jiray inay awood leeyihiin.
Waa wax cad oo taariikhda laga bartay in ay guushu kudambayso
gacanta halgamaaga sharafta umadiisa difaaca guul darada &
hooguna ay ku dambayso gumaysiga & dabo dhilifkiisa hadaba
shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah & Jabhada Wadaniga Xoreynta
Ogaadeenya ee hormuudka u ah waxaan kula dardaarmayaa in loo
adkaysto maalmaha adadag ee imtaxaanka ah lana dardar galiyo
halganka lagu xoreynayo ciida Ogaadeenya ee daahirka ah.
Cidkasta oo dhibaataysa shaacbka Ogaadeenya & halgankiisa
xaqa ah way kadharagsantahay wayna filaysaa jawaabta loo soo
wado.
Garoowe & Nasiibkeed
Xaliimo Ibrahim
kamaydho@yahoo.com
|