Guud
Mar Dagaaladi Sokeeye ee Soomaaliya.
Q/ Abdikarim Ahmed Huseen.
E-mail: skyword268@hotmail.com
Waa marka ugu horaysee waa inaan xusaa inaanan ahayn qof
taariikhyahan ah (Historian). Waxaa taas macnaheedu yahay
in waxyaabaha hoos ku qorani ayna ahayn fikradayda iyo fahmideyda
shakhsiyeed, balse uu qoraalkani yahay ururin guud oo aan
ku sameeyay bugaagtaas qalaad ee faraha badan ee aan nasiibka
u yeeshay inaan akhriyo.
Maadaama ay hadaba siyaasadii Soomalidu ay 150 sano ee u
danbeesay ay ku salaysnayd kuna dhisneyd qabiil ama qabyaalad,
ayaa waxaa lama huraan noqonaysa in lamagacaabo qabiiladii
ama shakhsiyaadkii kaalinta laxaad ka ciyaaray burburka Soomaaliya.
Inkasta oo aanan wax aflagaado ah ku samayn qabiiladaas,
hadana waxaa mararka qaarkood ka fursan waayey inaan faaqido
siyaasadoodaas gurracan anigoon u aabo yeelayn magaca qabiilkooda
ama darajada shakhsigaas.
Yaa Riday Dawladii Maxamed Siyaad
Barre?
Madaxwayne Maxamed Siyaad wuxuu ahaa nin marka laga bilaabo
maaliintii uu xukunka dalka hantiyay 21kii Oktober , 1969
tan iyo maanlintii laga tuuray xukunka Janaayo 27,1991. Hadba
xeelado kala duwan ku ayaama gaara, wuxuu ahaa nin aan aqoon
wadan lahayn oo wax walba ku dayay : Somalinimo, Carabnimo,
Afrrikaanimo, Ciidanimo, Xisbi ahaan, Hantiwadaag ,Laba kaclayn,
Laba gadoon ,U tuuta gashasho ,Hanti goosad, Ul yar u qadaasho
,Kala qalajin, Hanjabaad ,Dhabarjabin,Qabiildiid, Oday odayeen
qabiil ku shaqaysasho iyo in ala inta tab ah oo uu is lahaa
ayaamo ayaad ku sii daaqi doontaa marka laga bilaabo sanadahii
uu horeeyay tan iyo bartamahii sideetaanadkii wuxuu ilaa iyo
xad soo dhawaystay qabiilka uu ka dhashay ee (Mareexaan) iyo
labada qabiil ee Ogaadeen iyo Dhulbahante. Markii uu xooray
Axmed Sulaymaan wuxuu waayay qayb wayn oo ka mid ahayd Dhulbahantaha.
Laakiin Dhulbahantuhu waxay ku fiicnaayeen oo ay ku amaana
yihiin marnaba hub inta ay gurteen jabhad ma aysan samaysan
amxaaro iyo meel baasna may aysan aadin. Markii ay isku kaceen
isaga iyo Aadan Gabayaw dabayaaqadi 1988 oo ka dibna uu xabsiga
dhigay wuxuu maalmahaasba waayay kalsoonidii ogaadeenka oo
waa tii ay baxeen oo ay samaysteen jabhadoodi ay ugu magac
dareen SPM.
Sanadkii 1989kii waxay ninkaas talada xumaa isku soo hareen
oo ummada Soomaaliyeed isugu danbeeyeen qaar ka mid ah qabiilka
uu ka dhashay Mareexaan oo kuwo farabadan oo ay ka mid ahaayeen
reer dalalka hore isu waayeen.
Intaas kuma uusan joogine ee bilawgii sanadkii 1990kii wuxuu
maamulkii gaashaandhiga iyo gaar ahaan umuurihii Xerada 77
ka wareejiyay Maslax isago oo u dhiibtay Morgan. Arrintaas
waxay aad uga xanaajisay xoogi ugu danbeeyay ee ninkaas waayahaas
danbe talada ku hayay iyo qabiilkuu isagu ka dhashay.
Dawladii Maxamed Siyaad waxay ahayd Dawlad ay iska hor yimaadeen
dadwaynihii iyada hoos imaanayay, waxaana dhacday inuu maalinba
qabiil ka mid ahi qabiilada Soomaaliyeed dibada u baxo oo
hubka gurto .
Qabiilkii ugu horeeyay ee ay dadkiisu iska hor yimaadaan
wuxuu ahaa qabiilka Majeerteen oo 1979 samaysatay jabahad
magaceeda la yidhaah SSF, hase yeesha sanad kadib isu badashay
SSDF.
Waxaa ku xigay qabiilka Isixaaq ( ISAAQ ) ee goboladda woqooyi
daga , waxayna sanadkii 1981kii samaysteen jabahad la magac
baxay SNM.
Waxaa iyana ku xigay qabiilka Ogaadeen oo 1988kii samaystay
jabhada SPM.
Waxaa ugu danbayntii hal sano iyo bar intaysan Dawladaasi
dhicin jabhad samaystay qabiilka Hawiye oo isna jabhadiisa
ula baxay USC uu hogaaminayo caydiid.
Ugu danbayntii sanadkii 1990 iyadoo dhibaatadii dalka ka
jirtay sii badatay oo xitaa caasimadii dhamayd ay noqoqay
nal,aan, biyo la,aan ,nabad galiyo la,aan Bangiyadii ay baaba,een
sicir barakii boqolkiiba dhawr boqol isku taagay oo waxba
walba isku dhalaaleen oo xitaa urur siyaasi ah oo "Manifeisto"
la yiraahdo odayaal Soomaaliyaad oo qabiil walba leh magaalada
bartankeeda ku sameeyeen , waatii dadku bandaw sameeyeen talo-xumadii
iyo farsamo-xumadii Dawlada awgeed , waatii dadku hubka gurtay
oo madaxtooyadii la weeraray.
Hadaba su aasha is waydiinta mudani waxay tahay , sidee baa
looga adkaaday Maxamed Siyaadkii dhamaa ee haystay Dawlada
dhan wax walba haystay ,ciidamo bad,daayuurado, taangiyo,
madaafiic iyo wax walba.? ¨
Jawaabtu waa dhawr arimood.... Mar haddey meel ka dhacdo
xaq daro cid ala cidii xaq daradaas la dagaalantaaba waxay
noqdaan dad xaq ku diriraya, xitaa inkasta oo aynu aragnay
inay jabhadii Soomaaliyeed ahaayeen kuwo laftigoodu aan xaq
ku socon waliba kasii liita Maxamed Siyaadkey doonayeen inay
badalaan kuwaasi marka ugu horaysaba kuwo cadawgii ummada
u tagay oo xaq daro adeegsanaya ayeey ahaayeen, waxay ahaayeen
xaq daro xaq daro ku badal, qabyaalad qabiil ku badal.
Hadana cid ala cidii ka hortagta xaq daro waa la hubaa inay
ka guulaysanayso oo ay liibanayaso, xaq daro sida la wada
ogsoonyahay lugo ad-adag oo ay ku taagan tahay ma leh oo ugu
danbaynta ma noqoto mid sii taagnaata, Ninka shalay Somaliya
madaxwaynaha u ahaa wuxuu ahaa nin talada xumadiisa iska dhaafe
cid kale ee mushaharo u waayay kuwii isaga ilaalinayay,ciidamadii
koofiyad guduudka lagu magaacabi jiray.
Nin farsamo xun mar haduu talada hayo mudo kasta oo uu meel
joogo wixiisu waxay noqdaan wax dabada ku furan oo aan meel
gaareen. Waxaa ninkaa madaxweynaha ahi ku hareersanaa niman
uu wasiiro iyo madax sare ka dhigtay oo ay talo xumadiisu
keentay inuu reerahooda ku bixiyo sidii Amxaaradii ciidamo
iyo saraakiil aan cilmi garaadba lahayn sidii Dhaga-bacayr
oo kale oo isagu ahaan jiray ninkii Maxamed Siyaad dharka
u dhaqi jiray.
Bilawgii Mucaaradka.
Feb. 1980kii ayaa niman mucaarad ah oo Addis Abab isugu tegay
ayaa waxa ay aasaaseen jabhad mucaarad ah oo la odhan jiray
Jabhada Badbaadinta Soomaliya SSF (Somali Salvation Front).
Marka laga bilaabo maalintii SSF la aasaasay, nidaamkii Dawladu
wuxuu isu badalay qabiil. Inkast oo SSF qabiil fara badani
ku jireen, haddana raga doorka ugu wayn ka ciyaarayay waxay
ahaayeen Majeerteen. Sidaas darteed, Maxamed Siyaad Barre
iyo siyaasiyiinti ku hareeraysnaa waxa ay is tuseen in cadwga
ugu wayn ee xukunkiisa carqalada ku ahi uu yahay Majeerteen.
Waxaa kale oo ay aad u aaminsanaayeen in reerka Majeerteen
ku duulaan yahay kursiga M.S. Barre.
Inkasta oo M.S. Barre waqtigaas Majeerteen cadawga ugu weyn
u arkaayay, waxa bilawgii sideetamaadkii dhinaca woqooyiga
Somaliland kaga soo furmay mawjad cusub oo mucaarad ah. Kaddib
markii Isaaqi Woqooyiga deggena cadaadiskii iyo cabudhintii
siyaasadeed kusii badatay iyo Ogaadeenkii qaxootiga aha ee
agagaarka Hargeisa la dajiyay khilaafkoodi sii kordhay. Qaxootigaas
oo dagaalkii 1977kii ee Soomalida iyo Xabashida dhex maray
kasoo qaxay, mudadii ay dhulka Isaaqa soo degeen waxaa la
sheegay in gacmo furan lagu soo dhaweeyay, hase ahaate, ka
dib markii Dawladu qaxootigii arrimo siyaasadeed oo Isaaqi
meesha degenaa sheegay in basaasid iyo dhulbalaadhsi iyo darajooyin
xaq darro ah la siiyay Ogaadeenka meesha qaxootiga ku ahaa,
ayaa hadana Isaaqi meesha degenaa waxay dareemeen in dhulkoodi
laga dhaxal wareejiyay.
Waxa kale oo ay Isaaqi is tuseen inaan qaxootigaas meelna
u socon ee M.S. Barre doonayo inuu dhulkooda uga qaado.
Khilaafkaas xaga qaxootiga ah iyo waliba arrimo kale oo Isaaqu
Dawlada u tirsanayeen waxa ay keneen in kulan lagu qabtay
magaalada Jidda ee dalka Sucuudi Arebiya 1981kii laguna dhawaaqo
jabhad cusub oo mucaarad ku ah Dawlada Maxamed Siyaad Barre.
Jabhadaas oo lagu magaacabay Jabhada Dhaqdhaqaaqa Soomaliyeed
amaba Somali National Movement (SNM). Abuuritaanka SNM wuxuu
keenay in Isaaq badani gaar ahaan dhalinyaradii ay jabhadaas
ku biireen. Maamulkii SNM hogaaminayay iyaga oo ka faa,idaysanaya
xidhiidhkii xumaa ee M.S. Barre iyo Minguste Xayle Mariam
ka dhexeeya, waxaa ay saldhig ururka u doorreen dalka Itoobiya.
In kasta oo waqtigaas M.S.Barre awoodiisi xukunka waddanka
farahiisa ka baxday gaar ahaan gobolada woqooyiga iyo gobolada
dhexe, dadkuna ay baryihii danbe ku naanaysi jireen "
Duqa Magaalada Muqdisho " amaba " The Mayor of Mogdisho
", hadana way ku adkaatay M.S.Barre inuu xukunka si sahlan
ku dhiibo. Waxaana maalin walba sii yaraanayay tiradii dadkii
iyo qabiiladii tageerayay xukuumada. Tusaale waxaan usoo qaadan
karaa Korneyl Axmed Cumar Jees oo kasoo jeeday beesha Ogaadeenka
madaxwaynahana ay aad isugu fiicnaan jireen uu mucaaradkii
Dawlada kasoo horjeeday ku biiray 1990kii, ka dibna uu qabtay
hogaanka dhinaca Mileteriga ee jabhadii Absame ee la odhan
jiray SPM (Somali Patriotic Movement).
Aasaaskii SPM waxaa ka horeeyay jabhadii Digil iyo Mirifle
SDM (Somali Democratic Movement) oo la aasaasay 1989kii.
Arrintu si kastaba ha ahaate waxaa cadaatay in ay aad u adkaatay
sdii Dawladii M.S.Barre u badbaadi lahayd.
Waxaana bilaabmatay in habeen walba dad lagu dili jiray magaalada
Muqdisho, dawladuna ku eedayn jirtay waxa ay ugu yeedhay qaran
dumis, hadana waxaa cadayd in askarta Dawladu dadka dhinacooda
ka xasuuqi jireen, iyaga oo gaar ahaan ugaadhsan jiray Hawiyaha
iyo Isaaqa. Nabad galyo la,aanta Muqdishona waxay dhalisay
in Hawiyihii magaalada degenaa ishubeeyaan. Dagaalkii sokeeyena
wuxuu si rasmi ah Muqdisho ugu bilawday 27kii Dicember 1989kii.
Si haddaba looga hortago dhiig intaas ka badan oo daata,
ayaa xubnihii Sulux (Manafeesto) waxay dawlada ka codsadeen
in ay kulmaan si arrinta halista ah ee wadanka ku soo socota
looga hortago.
Bishii January 23keedi ayaa waxaa kulmay xubnihii Sulux oo
ka koobna 114 iyo kuwii Dawlada ka socday oo iyana ka koobna
25 nin. Ragii Dawlada ka socday ee M.S. Barre ku hadlaayay
waxaa xubnihii Sulux u shegeen in dariiqa kaliyah ee dhiiga
daata iyo waddanka oo kala burbura looga hortegi karaa uu
yahay in M.S. Barre xukunka iskaga dego si ku meel gaadh ahna
maamulka loogu dhiibo Cumar Carte Qaalib oo hore u ahaan jiray
Wasiirka Arrimaha Dibedda, muddo badana u xidhnaa xukuumadii
M.S. Barre. Aakhirkiina shirkaas waa la isku mari waayay,
kadib markii nimankii M.S. Barre ka socday ay soo jeediyeen
" Madaxweyne xukunka ka deg wax lagu hadloo maahe, fikrad
kale ma haysaan" Shirkaas natiijadii kasoo baxday, waxa
ay markhaati u noqotay inaan dagaal iyo burbur wadanka ku
habsada laga badbaadi karin. Magaaladii Muqdishona waxay noqotay
goob dagaal.
Dagaalkii ugu cuslaa oo muuda Bil ku dhaw Muqdisho ka socday,
wuxuu suurto galiyay in M.S. Barre iyo ciidamadiisi ilaalinayay
Muqdisho laga saaro Jan.27keedi 1991. M.S. Barre oo habeen
madaw Muqdisho ka baxay, ciidamadiisi, xubnihiisii dawlada
iyo dadkii taagersana midna uma sheegin inuu baxsanayo, markii
la ogaaday inuu baxsadayna ciidamadiisi intii hadhay iyo qofkasta
oo ka baqay in reer ahaan loo dilaba cagaha ayuu wax ka deyay.
Waxaa si gaar ah cabsidii ugu waynayd u gashay reerka Daaroodka
siduu u dhan yahay, waayo inkasta oo qaarkood xukunka M.S.
Barre kasoo horjeedeen, odayaala gaadhay 25 nina ay xubnihii
114 qof ka mid ahaayeen, hadana waxaa hubaal ahayd in raga
miyiga laga keenay ee Hawiye aanay dilka Daaroodka kala jaclayn.
Ragga miyiga laga keenay ka sokaw, waxaa iyaguna aad u kacsanaa
beelaha Hawiye oo diidanaa dulmigii xukuumada M.S. Barre oo
ay u arkayeen in uu yahay maamul Daaroodka u danaynaaya. Sidaas
darteed, dad badan oo reerka Daarood ka dhashay ayaa markii
danbe ku dooday arrintu waxay ahayd "Baroortu orgiga
ka weyn" oo M.S. Barre kaliyah looma socone, Hawiye waxa
ay doonayeen in ay Daarood gumaadan.
Gabagabo
Markii ay cadaatay in M.S. Barre ugu danbayntii Xamar ka
baxsaday, gudigii xubnaha Sulux iyo USC ee Xamar joogay waxay
markiiba madaxweyne ku meel gaadh ah u magacaabeen Cali Mahdi
Maxamed oo reerka Abgaal ka dhashay. Cali Mahdi oo ahaa nin
baayacmushtar ah, horrena aan u ahayn ragii siyaasiyiinta
Hawiye ee hore loo yiqiinay, waxaa la filaayay in hadii uu
wax kale qaban kari waayo inuu kacdoonka USC joojiyo, laakiin
waxay ahayd arrin aad u adag, waxaana markiiba soo ifbaxay
magacii cusbaa ee "Mooryaan", magaaladii Xamarna
waxay noqotay meel ay Mooryaani u taliso .
Waxaa la sheega in Maxamed Siyaad u tagay odayaal reer Kismaayo
ah oo uu waydiistay markab taagan oo imika baxay in la saaro
maadam uu kasoo cararay madaxtooyadii Muqdisho.
Waxaana si rasmi ah u bilawday dil,bililiqo iyo boob. Dhibaatada
kale ee Cali Mahdi iyo maamulkiisi ka hor timid waxa ay ahayd
in dhamaan mucaaradyadii Dawlada ka soo horjeeday oo ay ka
mid ahaayeen, USC (faracii Caydiid), SNM, SPM iyo waliba xubno
ka tirsan SDM ay ku dhawaaqeen inaanay aqoonsanayn Dawlada
cusub ee Xamar laga dhisay .
Arrintaasina waxay muftaax u noqotay burburkii iyo kala qaybsanaantii
waddankii loo yaqaanay "Jamhuuriyada Soomaaliya".
Waxaa kale oo halkaas kusoo af-jarmay rajadii laga qabay "Shanta
Soomaliyeed" oo midooba.
Lasoco Qeybta 2-aad oo Xiiso badan.
Q/ Abdikarim Ahmed Huseen.
E-mail: skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom Tel +46739512789
Home-Bage www.togdheer.4t.com
|