Maxaad
kala socota qaabka uu Indhacadde ula dhaqmo dadka Shabeelada
hoose
W/Q
Badal Mohamud
africanman84@gmail.com
Dadka dagan magaalada Marka iyo gobolka Shabeelada hoosaba
waxaa haysata dhibaato joogta ah oo ay kuhayaan Mooryaanta
Indhacade,kuwaas oo iyagu xalaashaday dadkaas iyo dhulkoodaba,Marka
ugu horaysa indhacadde oo kamid ahaa qabqablayaashii Soomaaliya,ayaa
sanadkii 2006 kii waxa uu helay fursad uu kaga mid noqday
Midawgii Maxaakiimta Islaamiga ah,taasoo kadhigtay shakhi
caadi ah oo aan wax dambi ah kasoo galin shacabka.
Midawgii Maxaakiimtu khaladkii ugu waynaa ee
ay galeen ayaa ahaa in nin kamid ah dagaal oogayaasha Soomaaliya
oo waliba saacaddaas faraha kula jiray dhiig shacab in maxkmadaha
ay kusoo daraan,oo waliba ay ka dhiagaan wasiirka difaaca
ee Midawga Maxaakiimta,midawgii maxaakiimta dhaliilihii badnaa
ee Indhacdde awgii uga imaanayay dadwaynaha ayaa markii ay
Indhacadde usoo jeediyeen in uu arinta wax ka badalo,waxa
uu ciyaaray khiyaano kale oo waxa uu saxaafadda ka sheegay
in uu ciidankiisii hubka ka dhigay dadkana uu ka dalbaday
cafis,laakiin ciidankii uu sheegayay in uu hubka ka dhigay
ee beeshiisa cayrka ahaa ayumbuu uxidhay cimaaamado,oo kadhigay
ciidan daacad u ah Maxkamadaha,laakiin dad badani way dareensanaayeen
in Indhacadde ciidankiisa lugna baqo ugu diyaariyay lugna
dirir,Macnaha hadii Maxkamaduhu guusha ay gaadheen ay ku waaraan
in maleeshiyadiisu noqoto ciidan maxkamadeen oo aan marna
loogu soo faragalinin shabeelada hoose,hadii Maxkamadaha cid
uun ay ka takhalustana in ay kunoqdaan sidoodii hore oo aan
lagu soo faragalinin gobolkaas.
Midawgii mxakiimtu mayna Indhacadde kuma ayna
faragalinin dhulkii uu gumayanayay,oo wali sidii ayay xalaal
ugu sii ahayd,markii maxkamadihii laga qabsaday Koonfurta
Soomaaliyana waxa uu ciidankii Indhacadde noqday maleeshiyo
uun lamid ah kuwii ay wateen qaqablayaashii kale ee Koonfurta
Soomaaliya.
Hadaan waxyar ka ifiiminno dhibaatooyinka ay
ciidanka Indhacadde kuhayaan dadka Shabeelada hoose,marka
hore ciidanka Indhacadde qaybta uqaabilsan qaadianka lacagaha
qasabka ah waxaa layidhahdaa (Kuntu turaaban)
oo dad aan waydiinay waxa loola jeedo magacaas ay ku sheegeen
in shakhsi kastan oo dhulka ay ka taliyaan daggan uu ku qasban
yahay in uu bixiyo canshuur,sidaas daraadeed qoy kasta iyo
qof kasta oo dagan magaalada marko waxaa calaa guri laga qaadaa
lacag aad ubadan,gurigaaga aad adigu leedahay inta qol ee
uu leeyahay ayaa lagaa canshuurayaa,xataa musqusha,qiimaha
calaa qol lagu canshuurana waxa weeye 500,000 oo shilin,shakhsiga
iyadoo aan loo sii digin ayaa maalin maalmaha kamid ay soo
kor istaagayaan Kuntu turaaban,hadii wakhtigaasba
gacanta loo saari waayo lacgtii canshuurta ahayd waxaa madaxfurasho
loo kaxaysanayaa ruuxa ka masuulka ah gurigaas rag iyo dumar
midkuu doono ha ahaadee, dadka masaakiinta ah ee aan iyaguba
haysanin wax ay cunaana waxa ay marayaan wadadaas oo aan looga
jimcinaynin.
Dhibaatada haysata dadka shabeelada hoose majirto
cid kale oo Soomaaliyeed oo ay haysato,dagaaladii Soomaaliya
waxa ay noqdeen noocyo kale waxa ayna yeesheen wajiyo kayaraha
duwan kuwii hore,laakiin Shabeelada Hoose majirto cidn Indhacadde
iyo beeshiisa kula loolanta Shabeelada hoose, taas awgeed
waxuu dadkaasi ku abaaday is adoonsi aan jimicsi lahayn.
Waxaa jirta makiinad shiidda cajiinka oo kutaala
magaalada Marka,waxaa iska leh islaan kamid ah dadkii daganaa
magaalada,islaantaas waxaa qasab lagaga dhigay in ay maalintii
oo dhan shaqayso illaa habeenkii 9 fiidnimo,sidaas daraadeed
lacagta ay maalinkii shaqayso waxaa loo qaybiyaa 4 qoys oo
ay leeyihiin Kuntu turaabantu,waxa ay sidaas ku shaqaynaysay
mudo dheer illaa iyo hadana waxa ay u qasban tahay Indhacadde.
Hadaba waxaa iswaydiin leh Indhacadde masheekhbaa
mise waa uun hogaamiye kooxeed lamid ah,Maxamed dheere,muuse
suudi iyo Qanyare,illaa iyo hadda maxkamadaha iyo Alshabaabba
waxa ay sii wadaan khaladkoodii ahaa in ay Indhacdde u aaminsan
yihiin nin sheikh ah oo kamid ah midawga dib uxoraynta Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo hadii maxkamadaha islaamiga
ah iyo isbahaysiga dibuxoraynta Soomaaliyeed ay udanqanayaan
umadda Soomaaliyeed waa in Indhacadde ay ka xoreeyaan masaakiinta
uu 17 ka sano dusha ka saran yahay,isla markaana ay Indhacdde
u aqoonsadaan waxa uu yahay ee runta ah,hadii kale cadhada
alle ee sababta Indhacadde kutimaada waxa ay wada saamayn
doontaa cid kasta,ee kaligii kuma ekaan doonto.
W/Q Badal Mohamud
africanman84@gmail.com
|