Qisadii Dhul u tura Q.16aad

Saturday, October 28, 2017       Views
Spread the love

Maanta waxaa la gaadhay maalinkaan isbitaalka ka bixi lahaa cid isugaysa oo isbitaalka iga saaraysa ma jirto, baabuur ii balansanna ma jiro, cid iiga horaysa guriga aan u socdo oo i caawinaysaa ma jirto waa aniga kaligeey iyo allahay.
Magaalada wax ehel ah dhankay doonaanba ha ka soo jeedeene oon ogahay ma jirto, waxaa jira dad magaalada dagen oo qabiil guud aan wadaagno iyaguna waxay ogyihiin gabdhaha sidaydoo kale imaanaya magaalada inay yihiin kuwo lasoo fara xumeeyey aniguna lama noolaan karo dadka xogtayda wax ka fahansan.
Laakiin Ismahaan oo maanta iyadana ila baxaysa oo sidaydoo kale loo soo fara xumeeyey waxyeelo isku mid ahma nawada gaadhay laakiin xagga dhaqaalaha aan anigu ku dhaamo oo anigu guri ii kiraysan baan ku socdaaye iyadu u diyaarsan iyadoo dhaawac ah inay safar gaadhi aan wado fiican ku soconin raacdo lagana yaabo inay waxyeelo ka soo gaadho.
Ismahaan waxaan u bandhigay inaan is raacno oon wax wada qabno, iyaduna way iga ogolaatay aadna way ugu faraxday, isbitaalkii markaanu ka soo baxnay waxaan isbitaalka hortiisa ka soo qaadanay taksi waxaana soo beegsanay qolkii hooyaday ii kiraysay halkaas baana iska dagnay anagoo faraxsan, marka laga reebo nolosha kalinimada ee aana u baran.
Aniga iyo saaxiibadayda cusub wax qabiil ah oon wadaagnaa ma jiro laakiin waxaan ku walaaloownay isku wax yeelada aan nahay, mar kasta waan wada soconaa sina uma kala hadhno kaliya musqusha unbaanaan wada galin.
Magaaladii iigu danbaysay een joogay waxaan ka bartay sida loola noolaado dadka aan xogtaada ogayn, arintaasi way i anfacday, mar hadaana cid aan ilaahay ahayn aana u baahnayn oo hooyaday lacag fiican iiga tagtay dadka waxaan la kulano xataa hada waxay noo arkayaan gabdho familkoodu magaalada degenyahay waan iskala sheekaysanaa.
Mar mar baan hooyaday la hadlaa waxayna ii sheegtaa inay wax walba caadi yihiin, Anagoo iska faraxsan oo nolol caadi ah iskaga jirna markaan bil joognay magaalada ayaan hooyo la xidhiidhay waxayna iisheegtay in uu walaalkay soo noqday oo halgamaagii walaalkii ahaa ay isa soo arkeen uuna ku yidhi anigu itoobiya kuma hoos noqonayee adigu hadaad iga noqoto waa lagu diliye isoo raac ha noqone laakiin walaalkeey yidhi hadaadan iraacaynin waan noqon ha la i dilee sidaasna uu ku soo laabtay maanta, dawladduna waxay samayn doonto aan war loo haynin.
Intaas kadin hooyo waxaan ku balanay in waqtigan oo kale bari ay taleefoonka iisoo fariisato, sidaas baana ku kala tagnay aniga iyo hooyo, anigu hada bir libaax baan noqday waxaanba iska filanayaa dhibaato laakiin sidii hore calooshu iigama soo dhicin.
Maalinkii xigay baan aniga iyo saaxiibadeey isasoo raacnay si aan hooyo ula soo hadalo, markaan wacay hooyo waxaan la kulmay iyadoo isugaysa nabdaadin kadibna waxay ii sheegtay in walaalkay la kaxaystay xalay meel la geeyeyna aan la ogayn, adeeraday oo raadiyeyna ay soo waayeen kolayna aan meel caadi ah lagu xidhin xaalkiisuna culusyahay.
Aad baan u naxay hase yeeshee nugayl badan oon lahaa maanta ma lihi.
Anigoo aad u naxsan baan gurigeenii nimid fikir iyo isla hadal badan iyo is eedayn aan isku eedaynayo dhibaatadan socota inaan anigu wato waxbana aana ka qaban karin waxaan hoosta ka xariiqay inaana wadnkan sidiisaba joogin oon isaga haajiro, Hooyadayna aan ka kaxeeyo xataa haday idiido inaan anigu isaga tago.
Laba bilood oo danbe markaan Herer joognay walina walaalkeey aan la ogayn rag iyo ruux meel la geeyey ayey Ismahaan ii soo bandhigtay inay hada caafimaadkeeda baxnaanisay ayna tahay inay iska tagto iyadoo aad iigu mahad celinaysa, aniguna waan ka ogolaaday sidaana way ku tagtay qisada Ismahaan kuma leexanayo waayo ogolaasho kama haysto.
Bil iyo badh danbe markaan joogay ayey hooyaday maqaayaddii albaabada isugu dhufatay ooy biloowday inay wiilkeedii baadi doonto iyadoo socotana Herer iigu timid si ay xabsiyada Herer ee waawayn wiilkeeda uga baadho.
Imaatinka hooyaday aad baan ugu farxay waxaana ii muuqatay in go’aankaygii ahaa inaan wadanka isaga tagno uu hadda suuro gal yahay laakiin marka hore aan hooyo quusiyo oo aan ilaa adis ababa wiilkeenii kala raadiyo.
Halkaa ha inoo joogto.

FB_IMG_1508145823420

 

131 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]