Qisadii dhul u tura Q :19aad

Thursday, November 2, 2017       Views
Spread the love

To:- Sallin
From:-Kaafi yare

Sallin huuno quruxreey
Qalbi saafi kuu ahoo
Kuu sida kalgacaloo
Kuu tumaya sacabkiyo
Naf ku saadaalinaysoo
Sawacaaga jecel baa
Salaan kuu hibausaye
Sallineey ma nabad baa?
Sallin quruxda aadmiga
Waxay saamayn ku leedahay
San ku neeflahoo idil
Ooy sababi karaysaa
Adna qoodha suurada
Dadku uma sinaynoo
Adu waad u sidataa
Hablaha sabanka joogoo
Saa’id baad ka wadataa.
Sanqaroorka wajiga iyo
Timaha sayn fardoodka ah
Dhexda siriqda taakada
Sinaha iyo bawdyaha
Surka gari sidii baxay
Suniyaha indhaha iyo
Xiribaha la sugayee
Sida baadka laga dhigay
Sabarkiyo saraxa iyo
Kubkaad sagalka moodiyo
midabkaaga sixirka ah
iyo dhamaan oogadaa siman
Si kastoo la eegaba
Saxar ma lihid huunooy
Waa hibo Saadir bixiyoo
Lagu siiyey adiga qudha.
Ana way i sababtoo
Jacayl igu siloon baa
Intuu seefta ila helay
Oogadaydii saafoo
Hurddo seexan waayoo
Qalbi adiga salineey
Laguu saaray calanbaan
Usidaa maqaarkee
Sallin hadaan ku waayana
Sidaan noqonba mooyee
inaan guri Samaynood
Sawjadaydi noqotaan
Sallineey jeclaadaye
Ma isaacidaysaa?
Saadaadhu waa khayr
Sucdi iyo isfahan wacan
Baan saadirkeen baryaayaa
Adna kaa sugaayaa.

Dhanbaalkani markuu isoo gaadhay aad baan u naxay anigoo waliba ogaa in Kaafi hadli doono maalin maalmaha ka mid ah waliba uu naftayda i waydiisan doono aadna waan u dareensanaa inuu wiilkaasi iga leeyahay damac jacayl doonaayana inuu ila wadaago haasaawe guur. Laakiin wax aan la hor tago ma haymin waloow uu ahaa wiilkaan guursan lahaa markaan arkay habdhaqankiisa iyo ixtiraamka uu siiyo aadmiga gaar ahaa dumarka.
Waxaana bilaabay inaan ka dhuudhuunto oon wajigayga ka qariyo, Kaafi wuxuu dhigi jiray iskuul galinka hore, galinka danbana harqaan buu toli jiray, ana waxaan bilaabay inaam hooyo galinka danbe idhaahdo adigu tag dukaanka ana galinka hore intuu iskuulka ku maqanyahay aan gado dukaanka, maalmaha sabtida iyo axadda oo uu maalinkii oo dhan joogana aan galabtii dukaanka aado anoo gabdho wata si uusan iigu kaliyeysan.
Kaafi markuu arkay sidaan u dhaqmayo ayuu bilaabay inuu isticmaalo hadalo salbeeba oo su’aalo uu nagu waydiinayo aniga iyo gabdhahaba kuwaasoo aniga igu socda , sida wiil gabadh ina adeertii ah jeclaaday xaaladdiisuna ay meel xaasaasi ah marauso iyaduna ay xataa jawaabtii u quudhi wayday maxaad ku tilmaami lahaydeen gabdhuna markaa ay ku tilmaamayeen inay doqon isla wayn tahay ana aan lahaa isagaa doqon ahe muu iskaga hadho.
Jawaab iyo hadal la’aantayda anigu waxaan ku dareemayey inaan danbiile ahay, waxaana aaminsanaa kaafi inuusan iga istaahilin inaan sidaas u galo, aragtidiisuna marna igama maqnaynoo hadiyadihiisii baa guriga yaalay oon arkayey, laakiin danbigayga waxaan u arkayey mid duruuf ah, isagana aamusnaantaydu waxay ku sii laba qarxisay jacaylkii.
Muddo yar kadib Kaafi wuxuu soo qoray dhambaalkiisii 2aad oo runtii ahaa dhambaal adag wuxuuna u qoraa sidan._

Ku:- Sallin
Ka:- Kaafi yare

Gabigeed aduunyadu
Libibin lagama gaadhee
Waxaan ahay gayaankaa
Uu caashaqu intuu galay
Anfacii ka gooyoo
Naftaa gogosha diidoo
Gabraarsaday daraadaa
Gargaarkuba ha joogee
maxaan u gabay jawaqbtii
Ma inaad garani waydaa
Sida aan u gaasiray
gabagabada ugu jiro
gudcur dumay
Habeen galay
Aan u guuro bahalayn
sidaan gododka ugu dhacay
ama gaaf wareega aan ahay
Gamasyadaa halbawlaha
Ganaciyo wadnaha sudhan
Iyo Gamashigaan ahay
Sideed iiga gudubtaa
Ood iiga giigtaa.
Waxaan ahay nin gaajiyo
gubtaanyadiyo ciilkii
Intii uu la golongolay
Caashaqu gujeeyoo
Waayuhu gufaacada
Intaa gawda ku hayaan
Garabna kaa sugaayee
Ee ma gar baan u leeyahay
Inaad garani waydaa
Indhahaa had iyo goor
Geestaada soo jira?
Qofba waa la gaadhaba
Koleey geeri weeyoo
Inta anay naftani go’in
Hadaad garabka iga qaban
Godka iilka salineey
Igargaari mayside
Maxay gacalnimadu tari
hadaad waranka iga gooyn.
Ha i gooynin gacalooy
Maruun gacanta ii fidi
Hay guhaadin salineey
Waad garasho dheertee
Ha gudoonin geerida
Gadaafada ha uga tagin
Gacanta ruuxaad ku haysoo
Geed ku xidhan daraadaa.
Ha gardaadin aayaha
Nafsi Soo gardaadsaday.

Ereyadaas waxay ahaayeen kuwo toos wadnahayga ugu dhacayey intaan warqadda aqrinayeyna waan gariirayey indhahayguna marba way madoobaanayeen biyaha ilmada ku taagan daraadood, markaan warqada dhameeyey waxaan bilaabay inaan walbahaaro iyo waliba inaan kusoo celceshado ereyo ay ka mid ahaayeen.-
Ma gar baan u leeyahay
Inaad garini waydaa
Indhahaa had iyo goor
Geestaada soo jira,
iyo ereyaga ah Ha i gooynin gacalooy maruun gacanta ii fidi.
Iyo kuwo badan oo qalbigaayga murugo badan ku abuuray, maalinkaas ma ahayn maalin aan ka warqabay waxyaabaha hareerahayga ka dhacaya kaliya waxaan ku maqnaa ereyadii gantaalaha ahaa ee kaafi mararka qaarna sidii isagoo ila jooga baan u jawaabayey oon ku lahaa Maya huuno macaanoow gar uma lihide maxaan kuu qaban karaa.
Habeenimadii hurdo ma seexan wixii waqtigaa dhanbaalkan 2aad isoo gaadhay laga bilaabana gasiin iyo gogolba waan ka tagay, waxaan ku noqday waayahaygii xilka lahaa oo sabab u noqday inaan rag oo dhanba ka giigo, iyaguna i dayn maayaane.
Waxaan bilaabay xiliyada aan laamo doodo inaan ku riyoodo Habeenkii raggii soomaaliyeed ee aan gacalnimada ugu calaacalay cadawga ii xidhxidheen, maalintii oo dhanna kaafi baa niyadayda ku jira iyo ereyadiisii xaddiidka ahaa, waxaana waligeey isku arag baan dareemayaa, markaan idhaha ku dhufto isaga daayoo hadiyadihiisii ayaan naxdin gariirayaa oo wadnahayga dhugdhugtiisa dibadda laga maqlayaa, hadaan isaga ruuxiisa arkana inaan dhaco ayaan ku dhawaadaa, si kastaba waxaan adkaystay go’aankaygii ahaa inaan ka aamuso.
Aniga iyo hooyo ka dhuumashada Kaafi darteed waan isku dhacnay waayo hooyo waxay rabtay inaan dukaanka ka caawiyo aniguna waxaanba diiday inaan guriga ka baxo, imana fahmi karto hooyo waxay la yaabantahay dabeecadan cusub een la soo baxay iyo cunto xumadayda waliba hurdadayda ma oga ee haday ogaan lahayd dhaqtar bayba i gayn lahayd.
Waxaad moodaa Kaafi inaan aniga laftaydu jeclahay laakiin rajo guur way iga quusiyeen oo waxaan garan la’ahay qaab ala qaab kaan ahay iyo waxaan la hor tago wiilkaa aan ilmo adeerka nahay.
Muddo laba wiig ah Kaafi markuu i waayey uuna hooyo warsaday inaan caafimaad qabo iyo inkale laakiin ay u sheegtay inaan jinni ka fayoobahay oon bilaabay shaqo nacayb ayuu ku dhiiraday inuu dhanbaal 3aad hooyo iigu soo dhiibo.
Halkaa ha inoo joogto

FB_IMG_1508145823420-5-150x150

135 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]