Qisadii dhul u tura Q :20aad

Friday, November 3, 2017       Views
Spread the love

 

Sallin adi daraadaa
Hadaan daa’in ka baqayn.
Dunidaba ma joogeen
Oo waan is daldali laa
Dadka hadaana kaa baran
Dacartaba ma leefeen.
Dulli igama muuqdeen
Dadka kamaanan goosteen
Sidii aan dayeysnahay
Dibadaha ma meereen
Dacatina ma qaateen
Adna iguma digateen
Waji igama dadabteen
Silic lamaanan dananeen
Xanuun ima diloodeen.
Duumada sideedii
Jirku ima dunaaxsheen
Dibnahana ma ruugeen
Marna kuguma daayeen
Hadii uu dilaagani
Dibnaha uu ki saaree
Adigaa daryeel iyo
Dawo kaa sugaayee
Kol horaan durraaniyo
Baryo kaala daalaye
Maxay doodu ii tari
Hadaad ii damqanahayn
Waayahee ku daayaye
Adiga doog hakaa baxo
Ana dabarka igu xidhn
Duni waan is daynaye
Dalka nabad ku sii joog.
Salin waxaan kaa raali galinayaa dhibka aan kudhibay anigu xanuun baan is hayn waayey oo wax dhan baan qaraanayey adna dhibkayga waad dareemi wayday waxaana ku gaadhsiiyey inaan cidhiidhi ku galiyo ood dartay u shaqaysan waydo gurigana ka soo bixi waydo huuno sidaa inay noqon ma moodaynin ee horumar baa ku fikirayey mar haday sidan noqotay aad iiga raali noqo hada ka dibna ilaahay wuxuu iigu taliyaba waan ku daayey waxaan walaalnimo ahayn.
Walaalkaa Kaafi yare.
Markaan warqadaas aqriyey een dhameeyey anoo awalba naxsanaa markuu yidhi waan ku daayey baan sii naxay sidii naag la furay waxaad kalood moodaysay inaan meel fog ka soo orday sidaan u daalanahay.
Walbahaarka iyo walwalka ay warqadan iyo kuwii ka horeeyey iyo walina hadiyadihii iyo hadaladii salbeebta ahaa een la wadaagay Kaafi waxay ahaayeen kuwo xabad xabad ii hor imanayey waana xaqiiqsaday inaanan ka maarmin oo naftaydu jeclahay, waxaan talo rogrogo inkastooy marmar iqabanaysay kalmada waan ku daayey hadana waxaan u arkaayey daysmo taag waa, mar waxaan ku fikiray magaala ma uga tagaa hadana suuro gal ma noqonayso, waxaan markii danbe go’aan ku gaadhay si naftaydan rafaadsan dhan ugu dhacdo u tag Kaafi runtana u sheeg.
Go’aankaas waxaa barbar socday su’aasha ah kadaad runta u sheegto uu kugu qaadan waayo ka waran? Waxaan markaa go’aansaday rag baa sababtaada joogiye aayar sun iska cab.
Habeen baasku dheeraa, markuu waagii soo baryayey baan yar laama dooday, hooyana way iga kalahday, go’aankaygu wuxuu ahaa inaan saaka dukaanka furo si aan ula kulmo Kaafi, waayo maalinkaas Sabti bay ahayd oo iskuul ma dhigayo, hadana duhurkii baa igu dheeraaday, waxba yaana hadal kigu daalinine duhurkii baan aaday dukaankii markaan indhaha isku dhufanay Kaafi isagu dhawr goor buu kacaa fadhiistay ana naftaaba qaarka danbe kaa soo baxday baan is idhi, markaa waan wada salaamay isaga iyo hooyo oo ASC baan wada idhi isagu wuu hashkadeeyey (shigshigay) hooyaana iga qaaday salaantii.
Hooyo ayaan markaa u sheegay inaan badalayo ooy iska soo nasato, ogoow hooyo hada si wayn bay wax u dareentay wayna iska baxday hooyo, waxaana isu soo hadhay aniga iyo kaafi oon geed u dhaxaynin maxaa dhici doona galabta.
Qaddar aan ku qiyaasay 3 saac ayaanaan isla hadlin oo mid waliba geestiisa u mashquulsanaa una naxsanaa waliba inigu wadnahayga dhudhugtiisa wuxuu gaadhay heer dibada laga maqlo is canaanasho aniga iyo naftayda kadib waxaan furay hadalkii.
Aniga: kaafi maxaad warqadaha iigu soo qortay?
Kaafi: warqadaha laftooday ku qorayd sababta aan u soo qoray.
Aniga: maxad marka hooyo ugu soo dhiibtay?
Kaafi: wax walba oo dhiba waan kaa raali galiyey.
Intaas kadib jawaabahan kookooban cabsi kale ayey igu abuureen waana ka aamusay, waxoogaa aamusa oon naftayda shir inaan la qaato ugu maqnaa go’aansadayna inaan waxaan ku soo talo galay dib ula noqdo ayuu Kaafi i waydiiyey Su’aal wuxuuna yidhi warqadahayga qalad baad u aragtay soo ma ah? waxaana ku idhi maya walaal, mar kale ayuu intuu maya maya ku celceliyey oo dhoolo cadeeyey igu yidhi hadaadan qalad u arkin maxaad uga soo jawaabi wayday? waxaana markaa si kadis ah u soo tuuray duruuf baa i haysata walaal.
Kaafi markaas buu igu soo jeestay oo wajigayga eegay oo igu yidhi duruufta ku haysata eena ogayn maxay tahay ? anigu reerkaan ka mid ahay wax dhib ahna kama jiraan kaliya wiil baa idinka maqan dadkeenuna dhibkaas wuu wada qabaa.
Waxaan kaafi ku idhi duruuftaasi waa mid aniga ii gaara, waxaad tahay wiil aan jeclahay waxaadna tahay dhalinyarada magaalada joogta wiilkaan nolosha la qaybsan lahaa laakiin wax iga kaa hor taagan baa jira.
Kaafi su’aalo is daba jooga ayuu bilaabay wuxuuna yidhi miyaa lagu qabaa? waxaan ku idhi maya, wuxuu yidhi miyaad doonantahay? waxaan idhi maya, wuxuu yidhi miyaana kuu qalmin? waxaan idhi waad ii qalantaa soo kaan ku idhi dhalinta magaalada joogta ninkaan isu qaadi lahaa baad tahay, wuxuu yidhi maxay tahay duruufta iga kaa hor taagan ma hooyaan ila kaa rabin, waxaan idhi hooyo waxbaba arintaada kama oga.
Wuuba aamusay markaas anoo soo dhiiraday oo ku talo gashan inaan u sheego, qadar kadib ayuu yidhi ma xalin karaa duruuftaas anigu waa balan inaan xalliyee? Aniga: maya, Kaafi: maxay tahay duruuftu? Aniga: waa mid ii gaara, Kaafi: maxaad beenta iigu sheegtay, Aniga:been noocee ah? Kaafi: waxaad tidhi waan ku jeclahay? Aniga: waa runtay wallaahi aad baan kuu jeclahay, Kaafi: haday runtaa tahay imaad tiraahdeen duruuf ii gaara waxna igama qariseen, aniga: walaal qalbi jab baan kuu diidanaa.
Anigu shib baan iska idhi markaas afkayga waxba way soo mari waayeen waana kacay sidii qof musqul aadaya kadibna dumar ganacsi igu ag lahaa baan isku mashquuliyey waxaana la gaadhay xiliyadii dukaamada la xidhxidhayey dukaankii baana soo xidhay markaan dhaqaaqay buu isoo raacay intaan istaagay baad ku idhi iska joog waan isku filamahaye adigoo mahadsan, markaas ayuu igu yidhi Salin plz ii sheeg duruufta iga kaa hor taagan ma jiro aduunka wax aan ku qalbi jabi karo oon ahayn inaan waayo inaan adiga nolosha kula qaybsado, waxaana ku idhi kaafi waan kuu sheegi doonaa huuno iska sug inshaalaah.
Intaa kadib anigu waan dhaqaaqay isagoo wali taagan markaan dareemay inuu isoo eegagayana talaabadii baa iga luntay oo waanba kufi gaadhay.
Intaas kadib ayaan gurigii tagay waxaana u tagay hooyo waxaan damcay sidaan u isii socdo inaan seexdo laakiin hooyaa ii yeedhay oo i waydiisay su’aalo ku saabsan Kaafi ooy wax ka dareentay sheekadeeniina waa tan.-
Hooyo: naa xageed u socotaa Sallin?
Aniga:- hooyo waan seexanayaa
Hooyo:- Kaalay bal miyaad xanuunsantahay?
Aniga: hooyo mayee caajis uunbay haya.
Hooyo: bal soo fadhiisoo maxaa dushayda ka dhacaya.
Aniga: intaan hor fadhiistay hooyo bisinkee wax maxaya?
Hooyo: wiilkan kaafiya maxaa isinka dhexeeya?
Aniga: hooyo maxaad aragtay?
Hooyo: naa qof wayn baan ahaye warqad laguu soo dhiibayna waan kuu keenaye, maantana markaad timid si buu noqdaye, adiguna baryahan caadi ma aadan ahayne maxaa jira?
Aniga: hooyo waxba nagama dhexeeyaan laakiin inuu idoonaayo buu ii sheegay ana waad ogtahay oo rag waxba uma hayo intaas oo kaliya jirta.
Intaa hadib hooyo way idhiiri galisay waxayna dhawr meelood iga tustay in duriuftan dad badan ila qabaan mustaqbalkoodana dhisteen iyo inaanan anigu waxa dhacay danbi ku lahayn aad bay isugu dayday inay iga tirtirto kalmadan ah inaana rag waxba u haynin mararka qaarkoodna wayba igu canaananaysay anigoon cunto cunina waan seexday.
Laakiin habeenkaas ma gam’in waxaan dhex jibaaxayey mawjado aniga iga waawayn, xilliyada ugu badana waxaa igu soo noqnoqonayey kalmaddii Kaafi iigu danbaysay ee ahayd inayna jirin wax qalbi jabin kara oon ka ahayn inuu i waayo waagii baana bii baryey.
Subaxaas waxay ahayd subax Axad ah anoon ogayn bayna hooyo dukaankii furtay saakana waxaa iga go’aan ah inaan kaafi runta u sheego wax kasta ha igu qaadatee ooy naftaydu dhan u dhacdo waxaana igu dheeraaday duhurkii oon hooyo soo badali lahaa, markii la gaadhay duhurkii ayaan dukaankii tagay aniga iyo Kaafi midna ma ahayn sidii shalay isagu wuuba faraxsanaa mar haduu ogaaday inaan jeclahay wuxuuna aaminsanaa inuu duruuftana ka gudbi karo.

 

Hooyo way naga tagtay waxaana isku soo hadhnay aniga iyo kaafi waxaana na dhex martay sheekadan.
Kaafi: Salin huuno macaan i qanci naf ku jecel oo aad ciqaabaysaa nafsi bay leedahay ee wax ii sheeg.
Aniga: Kaafi huuno maxaad iga rabtaa ii sheeg?
Kaafi: huuno maxaan kale oon kaa rabi lahaa guur xalaala mooyee ma cid xumaan u socotaan kuula ekaaday?
Aniga:- Maxaad iga aaminsantahay inaan ahay?
Kaafi: dee gabadh walaashay ah oo dhamaystiran qurux iyo dabeecadba.
Aniga: Kaafi anigu gabadh ma ihi lkn walaashaa waan ahay.
Kaafi: soo adigii igu yidhi la ima qabo?
Aniga: hadaba waa la i qabaa kuma dhihin lkn inaana gabadh ahayn baan kuu sheegayaa.
Kaafi hadaad doontaba garoob ahaw.
Aniga: garoobna ma ihi.
Kaafi: soo adigii igu yidhi cidna uma doonani
Aniga: hadaba kuma dhihin cid baan u doonanahay.
Kaafi: oo dhoolo cadaynaya hadaa maxaad tahay maad ciyaarta naga daysid iyo jeesjeeska?
Aniga: oo aad u naxsan waa taas mida ina kala hor taagan kuguma jeesjeesayee.
Kaafi: kuma fahmin salineey wax aan malag ahayn oo ina kala dhex gali kara ma jiree wax i fahansii.
Intaas ha inoo joogto.


  1. FB_IMG_1508145823420-5-150x150

142 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]