Qisadii dhul u tura Q:17aad

Saturday, October 28, 2017       Views
Spread the love

Sheekadan inta danbe waan soo koobayaa hada waqtigan aan joogo sidaan hore isiinku sheegay waxaan ahay qof bislaaday oo aaminsan inay dhibka la noolaan karto.
Waxyaabaha i barayna horaan idiimla wadaagay marka laga reebo Ismahaan oo ahayd qofkii ugu horeeyey een muddo dheerba la noqdo saaxiib oo idareensiisay inaan nasiib leeyahay oo iisheegtay gabdhaha noocayga oo kale ah in la dilo taasooy iigu cadaysay gabadhii dharkaynka lagu shubay in loogu talo galay inayna noolaanin gabdho badan oo dhintay oo la dilay markii falkan lagu sameeyey ka dibna ila wadaagtay, waana markii koowaad een aamino inaan nasiib leeyahay.
Hooyaday markay timid dhexgal badan oo bulshada ah baan samaynay waayo hada waxaa naloo arkaa dad raadinaya wiil ka maqan mudo 24 casho ah ayaan ku soo af meeray baadi doonkanagii Herer kadibna Nanzalet ayaan u anbo baxnay oon baadi doonkii ka bilownay.
Muddo todobaad ah kadibna waxaan u anbo baxnay Adis ababa markaan raad iyo ruux midna waynay.
Adis abana waxay iigu darayd markii hooyaday loo tilmaamay nin Soomaali ah oo jaajuus ah oo dawladda u shaqeeya inuu garab ka siin karo baadi doonka wiilkanaga iyo xerryaha ay ciidamada itoobiya wax ku qarsadaan uu noqday dadkii habeenkii taariikhiga ahaa igu dhigay ee isoo fara xumeeyey.
Markaan ninkaas indhaha ku dhuftay waxaa i gaadhay ma aha waxaan idinla wadaagi karo, nasiib wanaag meeshu waxay ahayd suuq oo horay baan uga socday hooyaday oon waxba ogayn baa iga daba dhawaaqday laakiin waxaan u sheegay inaan dukaankan wax ka gadanayo oon u soo noqonayo.
Waxaad moodaa in saacadan la joogo uu sariirtii igu xidhxidhayo waan hiin raagay biyo badan baa wajigayga iyo jidhkoo dhan ka yimid, tabartii oo dhan baa iga tagtay waan dawakhay kadib indhahaa i madoobaaday meeshii baana ku dhacay.
Waxaan idhaha kala qaaday anoo wada qoyan oo biyo la igu bilbilay oo hooyaday dhabta igu hayso ma ogayn goor ay ii timid, waxaan fiirfiiriyey inuu ninkii ku jiro dadka i kor taagan markaan ka waayeyna waan toosay.
Hooyaday waxay i waydiisay waxa igu dhacay laakiin waxba uma sheegin ee kaliya waxaan ka codsaday inay guriga igayso iyaduna way i yeeshay, markaan guriga tagnay baan waydiiyey ninkii waxay is dhaheen waxayna ii sheegtay inay bari subixii ku balamen inay is raacaan, waxaana hooyo u sheegay ninkani inuu ahaa raggii i faraxumeeyey waliba isagu sariirta igu xidhxidhay.
Hooyaday aad bay u qiirootay waxayna damacday inay ninka disho bari ooy mindi iyo tib bir ah hoosta u gashato, Laakiin anigaa hooyo u sheegay in hadaan iyada waayo ana aan is dilayo aad bay u ooyday laakiin anigu wax oohina igama iman oo iyada ayaan samrinayey ninkii hawshiisana saas baan kaga baxnay.
Waxaa iyana layaab igu noqotay gabadh na caawisay oo la yidhaahdo Zainab oo kirishtan ahayd markaan sheeko la wadaagay afsoomaaligana taqaana oon ku idhi anaguna saynab waan la baxnaa ooy ii sheegtay in asalkeedu Soomaali ahaa.
Gabadhaasi waxay ii sheeftay in iyadoo 5 jir ah oo adhi la joogta in ciidamo itoobiyaan ahi soo kaxaysteen ooyna aqoonin cid ay ka dhalatay iyo cid dhashay waxaa kaliya ooy xusuusantahay in hooyadeed Sahra la dhaho Aabaheedna Bashiir hadana uu qabo Xabashi Caruurteeduna Xanashi tahay sheekadeeda ku dheeraan maayo.
Gabadhaasi waxay nala gashay meel walba iyadoon wax qarash ah nagu xidhin halka kii iimaanka la’aa uu doonayey inuu naga qaato lacag $1000 doolar ah bil iyo 13 casho ayaan Adis ababa ku soo af meeray oo aan kaga quusanay walaalkeey.
Riyadaydii ahayd dahab iga lumay oon raadinayo iyo luul aan lahaa oo dib aan u helay maanta ayaan fasiri karaa, dahabka iga lumay een raadinayey wuxuu ahaa walaalkeey, luulkuna wuxuu ahaa caafimaadkayga aan dib u helay.
Hooyo iyo anigu waxaan bilawnay dood ku saabsan inaan wadanka isaga tagno intaan sahayda haysano waxaana u soo bandhigay inayna labadeedii wiil midna haynin anigana ay iga go’aan tahay inaan wadanka iskaga tago.
Muddo 6 casho oo kaliya markaan doodaynay aniga iyo hooyo waxaan isku af garanay inaan kenya aadno.
Si dhaqso ah ayaana ugu anbo baxnay maagaalo la yidhaahdo Shashabane kadibna waxaan uga sii anbo baxnay mooyaale halkaasoon suufka istaagnay kadibna kenya ayaan saas ku galay lur wuu iska jiray iyo in lacago laaluush ah nalaga qaatay laakiin waxaan soo caga dhiganay qaxootiga dhadhaab markii danbana waxaan dagnay Xagar dheer.
Halkaas hanoo joogto koleey dad badan baa necebe.

FB_IMG_1508145823420

132 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]