Qisadii dhul u tura Q:18aad

Monday, October 30, 2017       Views
Spread the love

Markaan Xagar dheere tagnay waxaan ugu tagnay gabdho xabsiyadii wadanka intay ku soo uuraysteen xagardheere ku dhalay, taasina waxay kordhisay inaan ku samrol waxyeeladaydii oo aan u arko inay basiid ahayd,laakiin kalmadda aan aduunka ugu necbahay ilaa iyo hada waxay ahayd kalmadda kufsi oona rabin inaan maqlo.

 

Sida caada noo ahayd waxaan ahayn dad cidi uma maqna ceela uma qodna ah, waxaana Xagar dheer la nimid xoogaa fiican oo lacag ah, maadaama oon dabo ka walwal qabnay markii ugu horaysaba waxaan iibsanay boos iyo aqal isku dhisan si aanaan kiro uga walbahaarin gaajaba yeelkeede, markii xigayna waxaan furnay bacadle dharka lagu gado inkastoonaan camirin oon la dhigin badeecaday u baahnayd waxay tabari na tidhi unbaan dhignay si iyadana aan biilka uga soo saarano.
Markaan Xagardheer imid iyo joogitaankeedu wax cidhiidhi ah iguma ahayn xagga dhex galka bulshada, socodka magaalada adeegga iyo hawlahayga caadiga ah, bal e waxaaba soo noqotay kala badh farxaddaydii, gurigeenu waqtigan wuxuuba dhalinyarada u noqday bar kulan inkastoo aanan labadanadii wiil midna haynin hoyo iyo aniguba walbahaar iyo cidlo dareemaynay .
Waxaa kale oon bilaabay inaan kaftamo oo aan qoslo, hooyaday dhalinyarada aad bay u soo dhawaynaysay wayna ku faraxsanayd inay aragto anigoo saaxada ku soo noqday iyo in aan helo dhalinyaro i iloowsiisa waayahaygii xumaa, Dadka qaxootiga ku nool way wada duruufaysnaayeen in kastooy jireen dad dibadaha laga soo biilayey hadana alxamdulilaah dadka ugu nolosha fiican baan ku jiray waloow qaxooti uusan nolol fiican lahayn.
Ragga halkaasi joogay ee gayaankayga ahaa aad bay iigu hamiyayeen ooy ii shukaansanayeen ama dhambaalada jacaylku ii soo gaadhayeen laakiin ma jirin cid aan jawaab ka siiyey kuwa sida tooska ah iila hadlana waxaan u sheegayey inaana baabka shukaansiga ku jirin, waxaana shaqo ka dhigtay ragga iyo dumarka saaxiibaday ah ee wada socda markay isku dhacaan inaan heshiisiiyo ama labadii is rabta aan isu soo jiido.
Dhalinyarada damaacigu iga hayey oo aan ku tilmaami karo kii iga soo hor baxaba inuu i damcayey hadana waxaan aad u necbaa su’aasha raggu inta badan gabdhaha waydiiyaan ee ah ma gabadh baa tahay mise garoob? oo aana anigu midna ahayn marka la i waydiiyana aan ku jawaabi jiray midna ma ihi, raaga badankii baa intay qoslaan i dhihi jiray hadaa miyaa lagu qabaa? ileen xaaladayda ma ogee markaan la ima qabo dhahana u qaadan jiray kibir iyo inaan iska waynaysiinayo.

 

Habeen habeenada ka mid ah oo aan xoogaa qandho ah dareemay ayaan fiid seexday waxaana ku riyooday anigoo meel dhismeyoow qurux badan oo aad u qurux badan jooga oo hooyaday ilmo aan anigu dhalay afka ka dhunkanaysa oo ciyaarsiinaysa ana aan aad u faraxsanahay aniga ooy meel macaan ii marayso ayey hooyaday ii soo gashay ooy itoosisay aheey ma iska kay dayso waxaana u sheegay inay iga toosisay riyo macaan iyo waliba waxaan arkay, hooyaday waxay igu tidhi waad dhali hooyo riyo run ah baad aragtay waa habeen jimco ah iyadoo sidaas baad arki doontaa, hoosta ayaan ka idhi alla hooyo fiicanaa ma niyad la dhisaan meesha ku hayaa.
Waxaa kaliya oo hooyo hurdada iiga kicisay inay ogaato inay xanuunsanahay iyo in kale waxaana u sheegay inaan caajis dareemayo wayna iga tagtay, hurdadii baan ku noqday durba si aan riyadii fiicnayd halkeedii uga wato, waxaanba ku riyooday anigoo dhintay oo uu dumar i maydhay oo la i kanfay oo la i aasay ooy dadku ii ducaynayaan ooy leeyihiin gabadh fiican bay ahayd ilaahoow u naxariiso, hooyaday iyo naftii hurihii walaalkay ahaana ay aad u ooyayaan, dad aad u badana ay ka soo qayb galeen aaskayga.

Anigoo dhididsan oo neeftuuraya ayaan riyadii anigu iskay uga toosay waxayna ahayd riyo aan rumaystay, Sidoo kale ma arag walaakaygii curadka reerka ahaa ee la waayey laakiin halgamihii waan arkay taasoon u fasirtay anagoo la’ walaalkey inaan dhiman doono oona anigu dib u arkaynin.
Waagii markuu baryey ayaan hooyo u sheegay hadana riyadii danbe markaaseey tiri waxaad aragtay arooskaagii dadka ku amaanayana waa xididkaaga walaalkaa baana ku meherin doona.
Fasirkaasi aniga ima galin, si kastaba ha ahaatee ragga i danaynaya aad bay u badanyihiin sida ayaxa walina maskaxdayda ma galinin waad guuraan kartaa.
Ragga aan is baranay waxaa ka mida wiil la dhaho Kaafi yare oo dukaankanaga hortiisa harqaan ku tola galina iskuul dhiga oo macalin ah, in kasta oon dareemayo inuu i rabo ma ahayn ragga igu soo dagdagay laakiin wuxuu ka mid yahay dadka aan aad u kaftano waliba waa ninka kaliya een isku kaliyeysano waayo markaan dukaanka hooyo ka badalo isaguna harqaanka ayuu ila ag fadhiyaa, waana wiil aad u wanaagsan oo hadii aana niyad jabsanayn ninkaan guursan lahaa ah.
Kaafi yare wuxuu ahaa wiil aad ugu dadaalaya inuu hanti samaysto oo xarago badan, waxaana ka dareemayey inuu yahay ragga xuquuqda dumarka aadka u yaqaana, wiilkaasi wuxuu igu bilaabay inuu hadiyado ii keeno mararka qaarkood qaali ah oo aan isleeyahay way ku adagyihiin.
Muddo bilo ah markaan aniga iyo kaafi sidaas ahayn oo walaalnimo noo socotay laakiin aan anigu dareensanahay inuu damac jacayl ku jiro ayuu Kaamil yare ii soo diray dhambaal dareen jacayl xambaarsan oo uu iigu sheegayo inuu i jecelyahay igana rabo guur kuna qancay dabeecaddayda iyo quruxdayda labadaba igana codsaday inaan wax la fahmo.
xalqadda 2aad ayaan warqadaas idinla wadaagi doonaa.
Halkaas ha inoo joogto

FB_IMG_1508145823420

727 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]